SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


GABAY: MURUGO (ABWAAN GUURE) 
  1. Allaahaa mahadsanoo
  2. Koonkan maamulkiisa leh
  3. Anna aan magan u ahay
  4. Miinleyna waan tirin
  5. Murugo loogu magac daray
  6.  
  7. Duullaankii musiibadee
  8. Horkacaayey Mareykan
  9. Duullaankii mufsidiintu
  10. Manhajkeena Islaamka
  11. Nooga maanacayeen
  12. Duullaankii mushrikiintu
  13. Dulmiga noogu midowday
  14. Duullaankii murugadee
  15. Mahuraanka dhulkeena
  16. Ku milkiday amxaaradu
  17. Duullaankii mushrikiintu
  18. Meles kula heshiiyeen
  19. Duullaankii murtadiintu
  20. Kufriga u mashxaradayeen
  21. Duullaankii madiidinkiyo
  22. Munaafaqiintu farxeen
  23. Duullaankii mufsidiinta
  24. Markuu ciiddeena yimid
  25. Manaxaan maras uma naxee
  26. Intaan maatadu dhammaan
  27. Magaalada cadow burburin
  28. Naxariis muslinnimo darteed
  29. Dharaartii Maxkamaduhu
  30. Muqdisho nabad uga baxeen
  31. Geeriyaa u soo martiday
  32. Waxaa ku casuuman mowd
  33. Cadaawey magan u tahay
  34. Xinjiraha maatadiyo
  35. Maryo dhiig lahaa quban
  36. Milil iyo carunaa dhex yaal
  37. Dhankii aad milicsataba
  38. Meyd qalfoofahaa tuban
  39. Maato aan dembi geysan iyo
  40. Masaakiinta la laayey
  41. Malyan way ka badan tahay
  42. Dhaawucuna tiro ma leh
  43. Badbaadiyo gurmad ma leh
  44. Arxan iyo maciin ma leh
  45. Daryeel caafimaad ma leh
  46. Dhaqtar u gargaara ma leh
  47. Dariiq la marsiiyo ma leh
  48. Meel kasta cadaawaa fadhiya
  49. Barakac uma meel dayaan
  50. Duurkaa la magan galay
  51. Mayeeraanka baaba’ay
  52. Manaxaanku kagama harin
  53. Mucaawimo aaddaminimo
  54. Gargaar manfac iyo biyaba
  55. Cadowgu way ka maanaceen
  56. Waxey u marteen harraad
  57. Balaayadu maqal ka weyn
  58. Intaan meydkood la arag
  59. Intaa maqan oo ku maqan
  60. Midigta cadowga ka badan
  61. Maxaabiistey hayaan
  62. Ma helaan sharci iyo garsoor
  63. Marqaatiyo xaakim ma leh
  64. Midkii xirayaa xukuma
  65.  
  66. Magaaladaan waxaa ka dhacay
  67. Mucjisaan weli la arag
  68. Mudane Baarlamaan iyo
  69. Mas’uul dowlad qaranoo
  70. Sidii mooryaan jirri ah
  71. Madaxa bililiqo ku sida
  72. Garaadka ma qaadan karo
  73. Gumaadku waa kas iyo maag
  74. Xasuuqu waa miir la’aan
  75. Magaaladii way dunsheen
  76. Ujeedku waa moora-duug
  77. Mariyoo yaan ruux ka harin
  78. Aarso maantaad heshoo
  79. Fursaddu ku soo martee
  80. Micnuhu taa kama duwana
  81. Waxaaney dunidu maqal
  82. Maskaxduna qaadi karin
  83. Xaruntii maamulka dalkiyo
  84. Gudaha Madaxtooyadaa
  85. Madaxweynihiiyoo fadhiya
  86. Bii Emkiyo Mootarkiyo
  87. Madfaca laga qeybiyaa
  88. Maatada lagu xaskulo
  89.  
  90. Mukulaali haddey xajido
  91. Madax doolli ma deyn kartee
  92. Haddii aan madaafiic
  93. Magaalada lagu asqeyn
  94. Hugunku dhagahiisu maqal
  95. Maskaxdu uma ay degtoo
  96. Odaygu ma hurdaa la yiri
  97. Midaan beer naxa laheyn
  98. Ummadda madax looga dhigay
  99. Mayara dembigey galeen
  100. Mar Illaah ka badbaadiyaba
  101. Maanta reer Muqdishood
  102. Macida abeesadiyo
  103. Masaarta gumeysigiyo
  104. Middidu way saaran tahay
  105.  
  106. Moora Xabashi qoom galay
  107. Ma hurayaan dhibaatee
  108. Ma jiro qof dhaqaaqi kara
  109. Dariiqaad soo martaba
  110. HID ku noqo meeshaad ka timid
  111. Habeen iyo maalin HID
  112. Amxaarada moolifka leh
  113. Muraadkey abid laheyd
  114. Dabinkey nala maaganeyd
  115. Markaan way nala heshoo
  116. Waxaa mahadhada na baday
  117. Madiidinka soo horkacay
  118. Midkii u mashxaraday iyo
  119. Midkii shalay diidanaa
  120. Dhammaan waa wada madluum
  121. Musbaaxey naga dansheen
  122. Mugdina way nagu xireen
  123. Magriga ay nagu faleen
  124. Sidey noo magac dileen
  125. Damiirku ma qaadan karo
  126. Muranse wuxuu ka joogaa
  127. Marqaati cad uma hayee
  128. Haddaan nahay duul Muslima
  129. Amxaaro xiran macatab iyo
  130. Mushrikiin qaawan baa
  131. Muqdisho dhex mushaaxayoo
  132. Halkii uu doono mara
  133. Muwaadinkii gar iyo
  134. Sunnadu ay ka muuqatana
  135. Dil iyo xariguu mutaa
  136. Muslimaadka xijaaban iyo
  137. Marwooyinka sharafta badan
  138. Xadgudub ba’aney mutaan
  139.  
  140. Masiibadu ka qiro weyn
  141. Wax caqligu maleyn karo
  142. Mashruuc dadka lagu gadiyo
  143. Muqdisho suuq baa ka furan
  144. Magac culumo waa iib
  145. Xerta mowlaca joogtiyo
  146. Ma rabo suufi maro dheer
  147. Inta calan u mudan yahay
  148. Mid shilin gooya kuma jiro
  149. Mowqifka dariiqaduna
  150. Mabda’eena kama foga
  151. Kuwa mayalka adage
  152. Illaahay manhajkiisiyo
  153. Ku mitida shareecada
  154. Maxabbada Islaamkiyo
  155. Muuqaalka diin lehe
  156. Macbuud kaligii caabuda
  157. Meydkooda waa lacag
  158.  
  159. Masiibadaa qarada weyn
  160. Abwaan maansa gaab iyo
  161. Anigiyo mid ila mida
  162. Murti kuma cabiri karo
  163. Murugada xanuunka leh
  164. Maahirada abwaanee
  165. Macbuud hibada siiyee
  166. Suugaanta mariyoow
  167. Waxey maanta joogtaa
  168. Yaa maali jirayeey

Waxaa Tiriyey: Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure

KALA XIRIIR TEL: 002521-5888633

Waxaa soo tebiyey
AMiin Yuusuf Khasaaro

Faafin: SomaliTalk.com | June 25, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com