SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Saddex wiil oo walaalo ah oo ay Muqdisho ku dileen Ciidamada Itoobiya..... Akhri


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Warar: June 27, 2007
  • Qaramada Midoobey oo ka fiirsaneysa codsi uga yimid..
  • Wasiirkii Ganacsiga Dowladda F. oo ka Badbaadey Qarax lala..
  • Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii ka dhacy agagaarka Warshadda Baastada.
  • Dhowr qof oo ku dhintay qaraxyo ka dhacay Magaalada Muqdisho..
  • Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaray Degmada Guriceel..
  • Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo laga dalbadey in uu sii daayo.
  • Beel ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed oo ka cabaneyso.

    Waxaa isku soo dubaridey
    Amiin Yuusuf Khasaaro
    E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Qaramada Midoobey oo ka fiirsaneysa codsi uga yimid..

Waxaa maalmaha soo socda la filayaa in Qaramada Midoobey ka fariisato codsi uga yimid Dowladda Federaalka oo ah in Ciidamad nabad ilaalinta ee ku sugan Soomaaliya la hoos geeyo Dalladda Qaramada Midoobey. Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cali Max’ed Geedi ayaa mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobey uu horey ugu wargeliyey in ciidamada nabad ilaalinta ah ee ku sugan Soomaaliya ay hoos tagaan Qaramada Midoobey, waxaana la filayaa in kulanka ay isugu imaanayaan Qaramada Midoobey uu Ra’isul Wasaare Cali Max’ed mar kale hor dhigi doono codsigiisa. Qaramada Midoobey ayaa aad u daneyneysa in ciidamada la gaynayo Soomaaliya iyo kuwa joogaba ay noqdaan kuwo shaqeeya magaca Qaramada Midoobey, maadaama ururka Midowga Afrika uu u caalwaayey qarashka ay ciidamada la geeyo Soomaliya ku baxaya, iyadoo haatan ciidamada Soomaaliya ku sugan aysan qaadan wax mushaar ah, sidoo kalana ciidamada kale ee afrikaanka ah ee la gaynayo Soomaaliya loo la’ yahay qarashkii lagu daadgureyn lahaa.

Dhinaca kale Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa iyadu si aad ah uga soo horjeeda in ciidamo la keeno Soomaaliya, iyadoo dhawaan Guddoomiyaha Shuurada Maxaakiimta Islaamiga Sheekh Xasan Daahir Aweys uu sheegay in ay isku si ula dagaalami doonaan cid kasta oo shisheeye oo la keeno Soomaaliya, waxa uuna uga digay ciidanka Soomaliya haatan loo soo wado aysan imaan dalka Soomaaliya. Ciidamada Uganda oo horey loo keenay ayaa weli waxba ka qaban xaaladda nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho, waxayna ku eg yihiin xeryaha ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Wasiirkii Ganacsiga Dowladda F. oo ka Badbaadey Qarax lala..

Iyadoo maalmahan ay sii kordhayeen qaraxyada iyo dilalka loo gaysanayo xubnaha Dowladda Federaalka, ayaa maalintii shalay ahayd waxaa qarax lala beegsaday wasiirka Ganacisga Dowladda Federaalka C/llaahi Axmed Afrax, waxa uuna qaraxaani ka dhacay agagaarka Hoteelka Bin-Cali.

Qaraxaan ayaa waxaa ku dhaawacmay shan ka mid ah ilaaladii wasiirka oo qaarkood la sheegay inay soo gaareen dhaawacyo halis ah.

Dhawaan ayay ahayd markii Xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka uu ka badbaaday weerar lagu soo qaaday gurigiisa oo ku yaala Degmada Afgooye, waxaana Xildhibaanka difaacay ilaaladiisii oo markaasi ku sugneyd gurigiisa. Dhinaca kalana waxaa labadii maalmood ee ugu dambeysay magaalada Muqdisho lagu dilay dhowr askari oo ka tirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii ka dhacy agagaarka Warshadda Baastada.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dagaalkii habeen hore ka dhacay Suuqa Xoolaha iyo agagaarka Warshadda Baastada, dagaalkaan oo ahaa mid ay kooxo aan la garaneyn weerar ku soo qaadeen fariisimo ay deganaayeen ciidamada Itoobiya ayaa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan qaar waxay sheegayaan in dagaalkaani uu ahaa mid socday dhowr saacadood, ilaa iyo waabarigiina la maqlayey rasaasta ay isku ridayeen labada dhinac.

Madaafiicdii la isweydaarsaday ayaa waxaa ku dhintay dhowr qofood, kadib markii guryahooda madfac habow ah uu ugu tagay, warar ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya xarumahooda lagu riday ilaa iyo dhowr gantaal, ilaa iyo haddana lama oga khasaaraha gaaray ciidamada Itoobiya.

Waa weerarkii ugu weynaa ee dhaca tan iyo markii ay Ciidmada Itoobiya gaareen agagaarka warshadda Baastada, waxayna wararka qaar sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay shalay qabteen dhowr.

Dhowr qof oo ku dhintay qaraxyo ka dhacay Magaalada Muqdisho..

Maalintii shalay ahayd ayaa dhowr qarax waxay ka dhaceen Magaalada Muqdisho, waxaana ilaa iyo haatan la xaqiijiyey inay ku dhinteen ilaa iyo lix ruux, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ilaa iyo shan qofood. Qarixii ugu xumaa waxa uu ka dhacay meel ay Haweenku ka qaadayeen qashinoo ku taala Jidka wadnaha gaar ahaan Masaajidka Biyomaalmow, waxaana halkaasi ku geeriyooday afar haween ah.

Sidoo kale degmada Yaqshiid ayaa waxaa iyana ka dhacay qarax oo ahaa miino dhulka lagu qaasay, waxaana isna ku dhintay hal qof, waxaana ku dhaawacmay saddex kale.

Dhinaca kale warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerarkii habeen hore ka dhcay agagaarka Warashadda Baasta iyo Suuqa xoolaha, wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in iska horimaadkaani uu ahaa kii guu weynaa ee dhaca tan iyo markii ay Ciidamada Itoobiya gaareen halkaasi, iyadoo madaafiicdii la isweydaarsaday ay ku dhinteen dhowr qofood qofood.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka ayaa shalay baaritaan kula dhaqaaqay xaafaddaasi, waxa uuna baaritaankaasi socday ilaa iyo shan galabnimadii, mana jiraan wax hub ah oo lagu qabtay, balse warar ayaa waxay sheegayaan in dhowr qofood xabsiga loo taxaabay.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaray Degmada Guriceel..

Wararka naga soo gaaraya Gobalada Dhexe waxay sheegayaan in ciidamo Itoobiyaan ah oo wata 20-gaari oo Tikniko ah ay shalay gaareen degmada Guriceel ee Gobalka Galguduud, waxayna halkaasi la sheegay inay kulano kula yeesheen Odoyaal iyo waxgarad ka tirsan Deegaanka, oo ay isla soo qaadeen xaaladda Nabadgelyo ee Gobalada Dhexe.

Warar ayaa waxay sheegayaan in ciidamadaani ay horudhac u yihiin wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo la filayo in uu dhawaan halkaasi gaaro, warar kale ayaase sheegaya in ciidamadaasi ay halkaasi u tageen sidii ay uga hortagi lahaayeen dhaqdhaqaaqyo la sheegay inay halkaasi ka jiraan.

Ciidankaan oo degay meel duleed ah Magaalada Guriceel a yaa waxay imaanshahooda walwal ku abuurtay dadweynaha deegaanka, oo iyagu ka cabsi qaba in deegaanka uu ka dhaco iska horimaadyo.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo ciidamo ka soo horjeeda uu dagaal ku dhex maray halkaasi, waxaana dagaalkaasi la sheegay inay waxyeelo ka soo gaartay dad fara badan.

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo laga dalbadey in uu sii daayo.

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa Magaalada Washington waxa uu kulan kula yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Mareykanka, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday arrimo badan oo la xiriira xaaladda Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa lagu waramay in ay Ra’isul Wasaaraha ku Wargeliyeen in Dowladdiis u ay si dhaqsi leh u sii deyso dadka u xirxiran oo ay qaarkood yihiin Siyaasiyiin mucaarad ku ah Dowladda Federaalka.

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi waxaa kale oo laga dalbaday in Dowladdiisu ay wadaxaajood la furto kooxaha ka soo horjeeda, isla markaana ay ka shaqeyso nabgelyada dalka, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Ra’isul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu kulamo kula yeelan doonaan dalka Mareykanka mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobey oo ay isla soo qaadi doonaan sidii Qaramada Midoobey kaalin mugleh ugu yeelan lahayd ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya iyo waliba sidii ay gacan uga gaysan lahayd shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

Beel ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed oo ka cabaneyso.

Qoraal shalay ka soo baxay reer Boqor Cusmaan Keynadiid iyo Beesha Xurriyaale oo degan Magaalooyinka Xamar, Marka, Baraawe, Gorgaal ilaa Kismaayo ayaa ka cabanaya guddiga dib u heshiisiinta Beesha Daarood.

Qoraalkaan ayaa waxaa lagu sheegay in reer Boqor Cusmaan Keynadiid iyo Beesha Xurriyaale ay qoraal horey ugu gudbiyeen guddigaasi oo ku saabsan ka qaybgalka shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waxaana guddigaasi lagu wargeliyey in la siiyo qaybta ay ku leeyihiin shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

Qoraalkaan waxaa kale oo lagu sheegay in Beesha Cusmaan Maxamuud ay tahay midda hor taagan in labadaasi beelood la siiyo xaqqa ay u leeyihiin shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waxayna si gaar ah farta ugu fiiqeen rag ay ka mid yihiin Faarax Waranteeli iyo Cabdi Salaan Amxed “Qonof”.

Qoraalkaan ayaa waxaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed lagaga dalbaday in uu il gaar ah ku eego cabashada reer Boqor Cusmaan Keynadiid iyo Beesha Xurriyaale.

Qoraalkaan waxaa ku saxiixnaa Faadumo Maxamuud Boqor Cusmaan Keynadiid, Ibraahim Cusmaan Boqor Keynadid, Xaaji Cumar Biyoole Mahdi Guddoomiyaha Beesha Xurriyaale iyo Cali C/rxmaan Jaamac Waladi nabadoonka Beesha Xurriyaale.

Beelo fara badan oo Soomaaliyeed ayaa iyagu ka cabanaya qaabka ka qaybgalka shirka dib u heshiisiinta Soomaliyeed, qaarkoodna waxa ay sheegeen in si cadaalad daro ah loola dhaqmay xubnihii ay ku lahaayeen shirka.

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Murankii la xiriiray Golaha Deegaanka degmada Bosaso oo mel sare Gaaray.
iyo Cadde Muuse oo  yiri "Dhaqaalihii Puntland kordhay hadana lama qaato Mushahar"... Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | June 27, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com