SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GAROOWE

Garoowe: Dhismaha garoonka Garowe waa dhamaanayaa lakiin madaxda dawlada waxaa laga qaadayaa canshuur adag ilayn iyagu ma dhisane.

Cabdi shuluco oo ka mid ah Gudiga dhaqaalaha garoonka Garowe ayaa si cad oo bareer ah isaga oo caraysan u sheegay maanta [Arbaca June 27, 2007] mar aan wax ka waydiinayn sida uu u socdo dhismaha garoonka Garowe ayaa noo sheegay in Garoonka garowe uu dhamaanayo raga is leh dhamaan maayo ee waa wakhti lumis waxaan u sheegaynaa in dhismaha garoonka garowe uu dhamaanayo hadii alle idmo meel wacana marayo sidaas darteedna ay ogaadaan maalin maalmaha ka mid ah in ay ka soo dagi doonaan ragaasi garoonka garowe oo ay bulshada reer garowe iyo jaaliyadu ay sida xawliga ah ee aan hagartu ku jirin u dhistay maalintaas rag badan oo aan ogsoonahay ayaa laga qaadi doonaa canshuur qaarkood haba ahaadaan madax ama yaysan ahaane.

Si kastaba ha ahaatee, dhismaha garoonka garowe ayaa hada maraya meel wacan oo isla markaana uu dhismihiisu u socdo si xawli ah oo aan horay loo arag ka dib markii ay gacanta ku dhigta dhismihiisa shirad dhisme taasi oo lagu magacaabo (Mubaarak Conistruction), Shirkadan ayaa ah shirkad ka hawlgasha deegaanada Puntland waxaana qandaraaska dhismaha garoonka garowe shirkadan gacata u galiyay Isimada iyo waxgaradka deegaanka Garowe.

Garoonka garowe ayaa lagu wadaa in uu hawlbilaabo sanadka cusub si ay uga haadaan diyaaaraduhu ugana soo dagaan waxaana la filayaa in uu ka koobnaan doono qaybo badan oo fududeeya adeegsiga ka duulida iyo ka soo dagida Garoon caalima ah oo kale sidii uu u hawlgali lahaa.

Garoonka garowe ayaa la wadaa hada shismihiii qaybta diyaaraduhu ka duulaan, wajigiisii 2aad. Wajigii hore ayaa dhamaaday waxaana lagu guulaystay in la salaaxo dhabada diyaaradaha islamarkaana la cabiro dhismaha terminalka garonka garowe iyadoo wajiga 3aadna lagu wado in ay si caadi ah diyaaraduhu uga soodagaan dhabaha oo ah markaasi jay kan ugu danbeya oo ah wajiga 4aad ayaa lagu wadaa in uu ahaado dhabahaasi ay diyaaraduhu ku cararaan isla markaasina ay ka haadaan mid laami ah oo la mid ah kan garoomada caalamiga ah ee aduunka looga adeegsado hadii uu hir galo dhismahan garoonka laamiga looga dhigayo ayuu noqonayaan garoonkan kii ugu horeeyay oo caalami ah oo laami ah oo ka hirgala Puntland sida laga wada warqabana Somalia malahan wakhti xaadirkaan Garoon laami ah gabi ahaantiisba laga soo bilaabo xiligii dawladihii kala danbeeyay ee soo mara Somalia ilaa xiligan uu dalku bur bursan yahay waana garoonkii ugu horeeyay oo ay bulsho deegaan gacanteeda ku dhisato iyada oo aan wax dawlad ah iyo cid kale toona gacan ka helayn.

Si kastaba ha ahaatee xaalka dhismaha garonka Garowe ayaa ah mid si wayn looga shaqaynayo dhismihiisa isla markaana ay ka hawlgalayso dhismaha garoonka shirkada sida wayn ugu hawlan dhamaystirkiisa ee Mubaarak Conistruction.

Faafin: SomaliTalk.com | June 28, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com