SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Saddex wiil oo walaalo ah oo ay Muqdisho ku dileen Ciidamada Itoobiya..... Akhri


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Warar: JUn 28, 2007

  • Qarax Gil-giley Qaar kamida Magaalada Muqdisho Oo Saaka Ka Dhacay Agagaarka Hotel Kaah
  • Prof,Ibraahin Cadoow : Ma jirto Cid Nagu Casuuntay Shirka Muqdisho Balse Cali Mahdi Waxaan Iri La Xiriir Sheikh shariif
  • Dagaal U Dhexeeya Labo Beelood Oo Kala Degan Maxaas Iyo Aadan Yabaal

Qarax Gil-giley Qaar kamida Magaalada Muqdisho Oo Saaka Ka Dhacay Agagaarka Hotel Kaah

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Qarax aad u weyn oo laga wada dareemay qaar ka tirsan caasimada muqdisho ayaa saaka ka dhacay agagaarka Hotel Kaah ee degmada yaaqshiid ee waqooyiga magaalada muqdisho .

Qaraxan ayaa lala beegsaday kolonyo baabuur ciidan ethiopian iyo kuwa dowlada KMG ahi saaran yahiin oo marayey wadada hor marta hotelka iyadoo sida wararku sheegayaan ay halkaas ka dhalatay khasaare baaxad leh waloow islamarkiiba la xiray wadadaas oo aysan cidi tegi karin hadana ilo xog ogaal ah ayaa waxay saxaafada u sheegeen inuu qaraxani gaystay khasaare nafeed ah iyo mid kaleba.

Sidoo kale agagaarka qaraxu ka dhacay ayaa waxaa isku gadaamay ciidamada ethiopia iyo weliba kuwa dowlada KMG ah iyadoo aysan jirin cid xaqiijin karta khasaaraha ka jira goobtaas balse ay wararka qaar tibaaxayaan in dhaawacyo aad u fara badan oo ciidamada ethiopian ahi laga daad gureeyey goobtaasi

maaha markii ugu horaysay ee qarax noocan ah loo gaysto kolonyo ciidamo ah oo ethiopian ah bishan bartameheeda ayay ahayd markii gaari nooca uuraalka ciidamada ethiopianka qaada lagu qarxiyey wadada wershedaha agagaarka ex-kuliyadii jaalle siyaad taasoo ay ku xasuuqeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan islamrkaana ay ku jiraan sadex wiil oo walaalo ah .

Dhinaca kale qaraxan oo sida la sheegay loo adeegsaday miinada la hago ayaa waxaa ku qudh baxay hal qof oo rayid ajh oo sida la sheegay ka ag dhowaa meeshaasi ay maryeen kolonyada ciidamada huwanta ee ethiopia iyo dowlada KMG ah .

Si kastaba ha ahaatee qaraxyada lala beegsanayo ciidamada ethiopia iyo weliba kuwa dowlada KMG ah ayaa aad ugu soo badanaya magaalada caasimada ah ee muqdisho iyadoo ay jirto amaan darro baahsani taasoo loo aanaynayo ciidamada dowlada KMG ah iyo kuwa ethiopia oo u taag waayey amaan kusoo dabaalida magaalada muqdisho.

Prof,Ibraahin Cadoow : Ma jirto Cid Nagu Casuuntay Shirka Muqdisho Balse Cali Mahdi Waxaan Iri La Xiriir Sheikh shariif

Prof, SHeikh Ibraahin cadoow oo golaha maxaakiimta islaamka soomaaliyeed u qaabilsanaa Arimaha Dibadda ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin cid ku marti-qaaday Maxkamadaha islaamka shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee ku aadan bartamaha bisha July ee nagu soo fool leh .

Prof.ibraahin Caddow ayaa isagoo xiligan ku sugan Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qadar saxaafada u sheegay inuu jiro xiriir dhexmaray isaga iyo Cali Mahdi, balse aanu sidaasi usii buurneyn islamarkaana uu u sheegay inay shirkaas kasoo qayb galaan iyadoo aan u sheegay cali mahdi inuu arintaas kala xiriiro madaxda sarsare ee golaha maxaakiimta ee sheikh shariif sh,axmed .

sheikha ayaa intaasi sii raaciyey in xiligan dalka soomaaliya aysan ka dhici karin wax shir la yiraahdo taasoo uu ku macneeyey in dalka haystaan ciidamada Ethiopia ,islamrkaana uu sheegay inay soomaalidu ay wada hadli karto laakiin iyadoo ciidamo axmaara ah dalka joogaan aysan macquul ahayn in shir qabsoomo .

Cadoow ayaa intaasi ku daray dalka soomaaliya gaar ahaan caasimada muqdisho waxay gacanta ug jirtaa ciidamo ethiopian ah marka kama suurtoobi karto in shir ka dhaco isagoo intaasi sii raaciyey inay wada hadleen gudoomiyaha gudiga shirka cali mahdi balse ay noo dhexeeyeen Qaramada Midoobay .

"Way jirtaa in aan wada hadalnay aniga iyo Cali Mahdi, laakiin waxaa na xiriiriyey ragga QM ugu qeybsan arimaha Somaliya, su'aal ayuu i weydiiyey taasi oo aheyd ma wadahadli karnaa Madaxda Maxkamadaha, waxaan ku iri haa oo Asmara ugu tag, wax intaasi dhaafsiisan oo marti qaad ahna ma jiraan"ayuu yiri Prof. Caddow.

Hadalka Prof. Caddow ayaa kusoo beegmaya, xilli maalintii shalay ahayd uu Gudoomiyaha Gudiga qaban-qaabada shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomalaiyeed Cali Mahdi Maxamed uu ka dhawaajiyey in ay shirka Dib u heshiisiinta ku casuumeen xubno ka tirsan Golihii Maxkamadaha Islaamka soomaaliyeed .

Dagaal U Dhexeeya Labo Beelood Oo Kala Degan Maxaas Iyo Aadan Yabaal

Xiisad Colaadeed ayaa dhex qaraxday labo beelood oo kala degan deegaanka sh/dhexe iyo weliba gobolka hiiraan ,islamrkaana sababtay dhimsho iyo dhaawacyo ka dhashay dagaal laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkan u dhexeeya labada beelood ayaa markiisii hore ka bilowday nin kasoo jeeda deegaanka maxaas ee gobolka hiiraan ayaa lagu diley degmada aadan yabaal ee ka tirsan sh/dhexe sida uu saxaafada u sheegay gudoomiyaha golaha guurtida gobolka hiiraan dacar xirsi xooshoow oo shir jaraa,id ku qabtay magaalada beledweyne .

Dacar xirsi ayaa sheegay in dagaalka uu sababay dhimasho gaaraysa 10-Qofood oo labada dhinac ah iyo weliba dhaawacyo lakala geeyey isbitaalada jowhar iyo beledweyne ,iyadoo uu xusay gudoomiye dacar in dhaawacii ugu dambeeyey saaka waaberigii la keenay isbitaalka buulo berde.

Colaadan ayaa sida uu sheegay gudoomiye dacar inay ahayd mid mudo dheer soo jiitamaysay islamarkaana ka dhalatay aano qabiil oo ay kala sheganayeen labadaasi beelood ee kasoo kala jeeda gobolka hiiraan iyo sh/dhexe .

Si kastaba ha ahaatee gudoomiyaha guurtida dhaqanka gobolka hiiraan ayaa ugu baaqay odayaasha iyo waxgaradka ee kasoo kala jeeda labadaasi beelood inay kala gaaraan dagaalkaasi si looga hor tago khasaare kale oo halkaasi ka dhasha,ugu dambayntiina waxuu baaq nabadeed usoo jeediyey labada duub ee beelahaasi oo kala imaan maxamuud imaan cumar iyo weliba ugaas c/raxmaan ugaas khaliif inay gacan ka geystaan sidii lagu damin lahaa colaadaas.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 28, 2007

"Xalka Soomaaliya waxa uu ku xiran yahay in ciidamada shisheeye ka baxaan Soomaaliya" Prof. Caddow
.Max’ed Dheere "kuwa qaraxyada ka wada Muqdisho ma..
.Qarax ka dhacay Baydhabo oo ay dad ku dhinteen...
.Barre Hiiraale oo ku dhaawacmay qarax la kacay Baabuur..
.Qarax shalay ka dhacay agagaarka Baar-Ubaxa...
.Cali Mahdi oo shaaciyey inuu xiriir la sameeyey Maxaakiimta
.Cadde Muuse oo xilka ka xayuubiyey Taliyihii Saldhiga..
.Salaad Cali Jeelle oo tegay Garowe...
. Soo Dhaweyntii R/Wasaare Geedi ee DC
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Jun 28

PSU: Puntland State University oo ay dhigtaan arday gaaraysa 1000
Garoowe: Warbixin tayada Jaamacadda... Akhri...

Garoonka Garowe waa dhamaanayaa, madaxda dawlada waxaa laga qaadayaa canshuur ilayn iyagu ma dhisane

CAMBAARAYNTA XASUUQA KA DHACAY KISMAYO
oo ay soo jeediyeen Jaaliyadda Reer Waamo iyo Reer Puntland ee Dalka Australia...
Akhri Jun 28

BAYAAN: Nabaddoonada G/Bari oo Taageeray Go'aankii ay Golaha Shacabka Degmada
kalsoonida kala noqdeen duqii magaalada Boosaaso.
Bayaan

Ibraahiim Diiriye: Aabbe Ciidamada Itoobiya ka dileen Saddex Wiil oo uu dhaley

Qaramada Midoobey oo ka fiirsaneysa codsi uga yimid..
.
Wasiirkii Ganacsiga Dowladda F. oo ka Badbaadey Qarax..
.Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii W/Baastada.
.Dhowr qof oo ku dhintay qaraxyo ka dhacay Muqdisho..
.Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaray Degmada Guriceel..
.Beel ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed oo ka cabaneyso.

Warark aoo dhan ka akhri halkan... June 27

Murankii la xiriiray Golaha Deegaanka degmada Bosaso oo meel sare Gaaray.
iyo Cadde Muuse oo  yiri "Dhaqaalihii Puntland kordhay hadana lama qaato Mushahar"... Akhri...

Dagaallo khamiistii lagu jabiyay ciidammada gumaysiga

Dagaalo Faraha Laysula Tegey Oo Xalay Ka Dhacay Meelo Kamida ah Magaalada Muqdisho
Maalinta Xoriyadii Gobolada Waqooyi Ee 26-ka June Oo Aan Laga Xusin Caasimada Xili ay Joogto DFKMG.. Akhri Jun 26

Gacma Dheere “Hay’adda WFP ayaa mas’uul ka ahayd dhacdadii Shibis”
.Beelaha Hawiye oo kulan lagu mideynayo ku yeelanaya..
.Khadiibkii Masjidka Tuulada Bukhcaqable oo la dilay...
.Dhismihii Bacadlihii Xamarweyne oo lagu wareejiyey DFKMG
.Shirkadaha Isgaarsiinta oo lagu wargeliyey in ay iska..
.Dagaal ka fool ka fool ah oo xalay ka dhacay Muqdisho..

Wararka oo dhan akhri... Jun 26

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com