SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XAMAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Saddex wiil oo walaalo ah oo ay Muqdisho ku dileen Ciidamada Itoobiya..... Akhri


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Dr. Ahmed Hussein Isse iyo Minnesota

Gudoomiyaha Arrimaha dibedda ee Ururka Kulmiye/Somaliland oo booqasho ku imanaya Minnesota  

Waxa jaaliyadda reer Somaliland ee degen gobolkan Minnesota ay si weyn iskugu diyaarinaysaa socdaalka uu maalinta Jimacaha ee bishan June ay tahay 29ka ku imanayo gudoomiyaha arrimaha dibadda ee xisbiga weyn ee Kulmiye/Somaliland, Dr. Axmed Huseen Ciise. Dr. Axmed oo ka mid ah musharixiinta u tartamaya jagada Madaxweyne ku xigeenka ee Somaland, gaar ahaan dhinaca xisbiga kumiye ayaa ka mid ah dadka sida gaarka ah uga qayb qaatay mashaariicda ugu badan ee horumarineed ee laga fuliyay Somaliland. Waa uu Dr. Axmed si gaar ah gacansaar ula leeyahay dalkan Maraykanka oo uu ku qaatay waxbarashadiisa heerka Jaamacadeed, isla markaana uu sito sinjiyada dalkan Maraykanka. Dr. Axmed Xuseen Ciise waxa uu ka mid yahay amaba uu hormuud ka yahay dadka tirada yar ee waaxda Arrimaha Dibadda (US State Dept) . wax ka weydiiso arrimaha Somaliland. 

Haddaba Dr. Axmed oo socdaal ku soo maridoona Washington,  DC iyo New York, si gaar ahna ula kulmidoona madaxda hey'adda State Department-ka ee dalkan Maraykanka maalinta Khamiista ah, ayaa si gaar ah looga wada sugayaa magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota. Waxa la filayaa in uu shirar albaabadu u xiran yihiin la yeelan doono kooxo kala duwan oo ka kala socda waaxyaha Somaliland. Kooxaha ilaa hadda la hubo in uu si gaar ah ula kulmidoono waxaa ka mid ah:

1- Xubnaha iyo taageerayaasha ururka Kulmiye ee gobolkan Minnesota

2- Madaxda Somaliland Community of Minnesota

3- Odayaasha beelo dhaqameedyada iyo aqoonyahanada Somaliland 

Waxa kale oo uu qabandoonaa shir weyn oo u furan dhamaanba dadweynaha reer Somaliland, yar iyo weynba. 

Haddaba waxa si weyn laguugu soo dhaweynayaa in aad ka soo qayb gasho shirkan albaabada furan 

Goobta: DAALO BANQUETTE

             115 EAST LAKE STREET

      MINNEAPOLIS, MN 55404

Goorta: SABTI, JUNE 30TH 2007

Saacadda: 3:00 PM -5:00 PM 

Wixii su'aalo ah waxa aad kala soo xiriiri kartaa dadka isku soo duba riday barnaamijkan oo ay u horeeyaan:

Yuusuf Budle (Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee Minnesota): Tell. 612-272-8118

Xasan Yoonis (Gudoomiyaha S/land Community): Tell. 612-618-2969

Diyaariye: Khadar Jaambiir (Khadar Jacayl)
Minneapolis, MN USA 
La xiriir: eawch@aol.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 29, 2007


Dabaaldega Sanadguuraddii 47 ee Somaliland Protectorate iyo South Africa 

Johannesburg, Xaflad si-heersare ah loosoo agaasimey oo loogudabaaldagayo Sanadguuradii Todobo iyo Afartanaad (47th) ee SLand Protectorate ey kaxorowdey mustacmaradii Ingiriiska 1960s ayaa kadhacdey Magaaloweynta Johannesburg.  Xafladan oo ey sooqabanqaabisey Ururka Dhalinyaradda R.Somaliland ee K/Africa (SYFSA) & Jaaliyadda R.Somaliland ee Koonfurta Africa (COSSA), ayaa ey kasooqeybgaleen dad tirobadan oo isugujira Jaaliyadda R.Sland ee K/Africa, Soomaali, South African, iyo ajaanibkalle.

Xafladda oo sihabasami ah udhacdey, waxaa khudbado taariikhi ah kajeediyey goobtaasi uguhoreyntii Dr./Sheekh Cali Axmed Xassan oo ugawaramey silsilada taariikheed ee 26 June iyo israacii lagu-khasaarey ee Sland  & Somaliya.  Waxaa xafladaasi isna kahadley xoghayaha guud ee Jaaliyadda, Mudane S.Mohamed oo taariikhda, waxqabadka iyo ididiilooyinka jaaliyadda soobandhigey, mar uu Mudane Mohamed kahadlayey ididiilooyinka Jaaliyadda R.Sland ee mustaqbalka dhow wuxuu sheegey in Jaaliyadda R.Sland ee K/Africa ey hormood kanoqondoonto (insha allah), xal uraadinta dadka soomaaliyeed ee maalinkasta lagudilayo K/Africa.  Waxaa isla goobtaasi hadalo muhiim ah kajeediyey, Mudane Ooble, Mudane Jaamac Qoorgaab, Mudane Dr.Mustafe A/Rahman, Eng. A/rahman oo dhamaantoodba katirsan Jaaliyadda R.Sland iyo ururka dhalinyaradda R.Sland ee K/Africa.

Waxaa isna goobtaasi kahadley Afhayeenka dhalinyaradda Soomaaliyeed ee K/Africa, Mudane Mohamoud Ganey, oo kahadley horumaradda Sland ey kutalaabsatey in ey kudayasho mudantahey.

Mudane Axmed Faarax Wiiwaa oo ah sarkaal kamid ah xafiiska horumarinta qaramadda midoobey ee K/Africa (UNDP) ayaa isna dhiirigelin & muhimadda ey leedahey jaaliyaddu soobandhigey. 

Waxaa goobtaasi shahaado sharaf lagu gudoonsiiyey mudanayaal katirsan jaaliyadda r.sland ee K/Africa. Madaalo isugujira, Gabayo, Heeso iyo ciyaaro ayaa halkasi iyana kadhacey. 

Ururka dhalinyaradda ee R.Sland & Jaaliyadda R.Sland ee K/Africa waxey mahadnaq u dirayaan dhamaan dadkii kaqeybqaatey in ey xafladani sidaa fiican u qabsoonto. 

Allaa Mahadleh, 

Guul & Gobanimo Somaliland 
Saeed furaa, 
Freelance Journalist, 
Johannesburg, 
South Africa 
Email: somalilandjournalist@webmail.co.za

Jun 27, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com