SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PUNTLAND
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Saddex wiil oo walaalo ah oo ay Muqdisho ku dileen Ciidamada Itoobiya..... Akhri


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Colaad Maxamed Siciid oo Saxaafadda La Hadlay....

Colaad Maxamed Siciid oo ah, ganacsade Reer Puntland ah, ayaa waxa uu ka hadlayaa dhaqaalaha Puntland iyo sida loo maamulo iyo sidoo kale siyaasada Soomaaliya .

Colaad " Dhaqaalaha Puntland waa ku filan yahay, haddii sida ay tahay loo isticmaalo, balse waa la musuq-maasuqaa, tusaale, Dakhliga ka soo baxa Dekeda Boosaaso 3-maal-mood kaliya wuxuu dabooli karaa mushahaarada Golaha Xukuumada DGPL muddo sanad ah.

" Waxaa dhaqaalaha dalka iska guranaya dad aan dalka u dhalan oo maalin kasta jeebabka loo buuxiyo.

Colaad Maxamed Siciid oo sharaxaya dadkaas ku wa ay yihiin ayaa yiri" Waa la yaqaan, sharaxaadna uma baahna.

Colaad waxaa kaloo uu ka hadlay, Sicir Bararka, waxaana uu sheegay in maalintii Cadde Muuse xilka qabtay uu sarifka doolarku marayey $100(1,400,000) halka uu maanta ka marayo 2,000,000).

Colaad waxaa kaloo uu sheegay in ay yaaliin Puntland 15 maakiinadood oo ah kuwa sida sharci darada ah loogu sameeyo lacagaha faalsada ah.

Colaad oo ka hadlaya dhinaca Nabad-gelyada ayaa sheegay in iminka gacanta loo galiyey sugida amaanka," wax uu ugu yeeray dad aaan khimrad u lahayn.

Colaad oo ka hadlaya dhaqaalaha Puntland in uu kordhay 12%, balse aan mushaaro la siin shaqaalaha dowladda iyo ciidamada ayaa sheegay in ay arintaas tahay run.

Wuxuuna sheegay in oo kaliya 480 shaqaale ah oo u shaqeeya wasaarada Maaliyada DGPL ay qaataan mushahaar.

Colaad waxa uu sheegay sidoo kale in dhinaca shaqooyinka ay ka jiraan dhibaatooyin badan, sida dadka oo lacagtoodii siistay gawaari iyo guryo bale aysan u haysan cid ay ka kireeyaan waayo, buu yiri, hay'aduhu waxay isku dulsaaran yihiin koron-koro waxayna degan yihiin hal guri, gawaaridana waxaa laga kireystaa oo kaliya kuwa madaxda dowladda, khaasatan wasiirada, halka dadkana shaqada lagu siiyo hab musuq-maasuq ah, qarkood, oo ay ka dameeyaan kuwa masuuliyiinta sheeganaya.

Colaad mar uu ka hadlayey dakhliga ka soo xarooda gobolada ayuu ku sharaxay sidatan.

Bil kasta waxaa ka soo xaroota:-

1. Nugaal 500,000,000

2. Sool. 2.5 Bilyan

3. Bari 1-kii maalin kaliya 1.5 bilyan

4. Mudug. 1-kii maalin kaliya $30,000

waxaas oo dhaqaale ahna aan la ogeyn halka ay mariyaan, wuxuuna tusaale u soo qaatay in wasaarada Maaliyada ee G/Mudug ay ka shaqeeyaan 30 qof oo kaliya.

Colaad waxa uu saxaafada u sheegay in uu Cadde Muuse, hadda ka hor markii la doortay uu uga nasteexeeyey in ay dhacaan waxaan oo dhan.

Wuxuuna sheegay in uu maskaxdiisa wax ku maamulo ee aan dad khaas ah, ku shaqaysan umaddana ugu adeego si cadaald ah.

Mar uu ka hadlayey gooni isu-taaga Somaliland ayuu sheegay in ay tahay midnimadda Soomaaliya mid muqadas ah.

Wuxuu kaloo sheegay in Somaliland ay iska iloowdo riyada ay ku sheeganayso dhulka ay leedahay Puntland sida gobolada Sool iyo Sanaag waa siduu hadalka u dhigaye, wuxuuna ku booriyey Reer Puntland in ay ku fara adaygaan difaaca xuduudaha DGPL, sidii loogaba bartay.

Colaad oo aan wax ka weydiinay siduu u arko shirka dib u heshiisiinta Soomaalida iyo siyaasada DFKMS, ayuu ku tilmaamay shir aysan u madax banaanayn Soomaali oo Tigree maamulanayso, dalkuna uu gumeysi gacanta ugu jiro.

C/yare Nuur Axmed- Garoowe-Puntland

Faafin: SomaliTalk.com | June 30, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com