SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


DHULKII AYAANKA DARNAA

WQ   CALI MUXAMED DIINI  { CALIDHUUX}
EMAIL   calidhuux20@hotmail.com    Nairobi

  • Marka hore Ilaahay ayaa mahad oo dhan usugnaatay, iyo rasuulkiisa Muxamed {CSW}. Qormadaan aan cinwaanka uuga dhigay Dhulkii ayaanka darnaa waxaa idiin sahlay Somalitalk.com.

Markii uu ilaahay abuuray bini aadamka  kuma uusan abuurin meel cidlo ah  ee wuxuu ilaahay bini aadamka kahor abuuray dhulkaan aadka ubalaaran ee aan kunoolnahay oo ilaahay uugu talo galay inay bini aadamku kunoolaadaan. Sidaas ayuu uugu noolyahay oo uusan la’aantiis noolaan Karin, maxaa yeelay waxkasta oo bini’aadamku kunoolyahay waxay kayimaadaan dhulka.

Haddii ay ahaan lahayd Raashin, biyo,iyo wax yaalo kale oo aad ufarabadan. Sidaas darted bini’aadamku waxay bilaabeen in ay dhulka kazoo saaraan wixii ay noloshooda kumaaray lahaayeen. Dadyowga aduunka ilaahay masimin haddii ay ahaan lahayd xag aqoon, xag caqli iyo xag lakeba. Sidoo kale ilaahay masimin dhulalka khayraadkeeda bad buuro har iyo daaq intaba.

Dadka Afrikaanku waxay nasiib uyeesheen dhul ilaahay kumannaystay khayraad dabiici ah oo kala duwan. Dhulalkaas khayraadku kabuuxo waxaa kamid ah wadanka soomaaliya, laakiin nasiib darro wadankaan ayaan darro ayaa kudhacday oo khayraadkiisi lagama faa’idaysan. Dadka kudhaqanna waxay kamid yihiin aduunka dadka ugu saboolsan. Laakin su’aashu waxay tahay maxaa sababay ayaan darrada kudhacday dhulkaan. Wadanka soomaaliya wax uu kuyaallaa bariga qaaradda Afrika, dadka kunool wadankaan waxaa lagu qiyaasaa todoba ilaa sided {7-8} maylan oo qof soomaaliya wax maamul ahi kama jirin muddo 16 sano ah waxaa baaba’ay dhammaan adeegyadii dadweynaha waxaa laburburiyay wax soo saarkii dalka, iyo goobihii muhimka ahaa waxaa laboobay hantidii dadweynaha oo dhan . dadkii waxy  noqdeen dad uu kadhamaaday damiirkii soomaalinimo.

Dhulkii uu khayraadku  kabuuxay waxaa ku dhacday ayaan darro tii ugu xumayd. Waxa uu noqday meel ay ku hardamaan quwado shisheeye, iyo dabadhilfyo dal iyo diinba iibsaday. Aqoonna aan ulahayn madaxbanaanida dalka. Shacabkii waxay noqdeen kuwo tuulo tuulo loo jarjaray oo aan garanayn meel ay usocdaan iyo meel ay kasocdaan. Waxay noqdeen dad uu qabiilku kagalay dhuuxa iyo lafaha. Iyo meelkasta oo jirkooda mid ah.

QABYATII 2AAD 

KUTAKRI FALKII NADAAMKA EE XUKUUMADDII KACAANKA

1967kii  markii millatarigu qabsadeen wadanka, xukuumaddii tastuuriga ahaydna rideen, millatarigu waxay baabi’iyeen dhammaan shuruucdii dalka udagsanayd. Xukuumadahii horena waxay kutilmaameen musuqmaasuq.

Awoodii dalkoo dhanna waxay gacanta ugashay, madaxweynihii millatariga ahaa ee  Gen muxamed siyaad barre. Muxamed siyaad barre waxa uu kudadaalay sidii uu wadanka ugaarsiin lahaa horumar,qaybo badan oo kamid ah waa uu ku guulaystay.

Laakiin  1978kii markii uu dhamaaday dagaalkii dhexmaray Somalia iyo Ephiopia, dhibaato xoog led ayaa soo food saartay dawladii uu madaxweynaha ka ahaa maxamed siyaad barre.

Hoos udhac weyn ayaa kuyimid dhaqaalihii wadanka oo awalba iska liitay, maciishadii ayaa sare ukacday, mushaarkii ciidamada ayay dawladii bixin waysay, maadaama midawgii soofiyeeti uu kaalmadii kajoojiyay soomaliya, kaalmadaas oo isugu jirtay mid dhaqaale iyo mid millatariba. Markii ay dhibaatadaasi soofoodsaartay xukuumaddii muxamed siyaad  barre, wax uu isku dayay in uu kuxaliyo qaab qabiil, xukuumadiina wax uu kukoobay qabiilka uu kasoojeeday,iyo xubnihii ay isaga isku fikirka ahaanyeen.

Taas oo markii dambe xukuumadii ubadashay xukuumad qabiil iska leeyahay,  kadibna sabab unoqotay inay gabi ahaanba burburto


QAYBTII 3AAD

AAFADII USC

Jabhaddii usc, waa millatariga aheyd ee uu madaxweynaha ka ahaa muxamed siyaad barre.

USC waxaa lagu dhisay magaalada Rooma ee dalka talyaaniga. Kadibna waxay isku soo urursadeen dalka Ethiopia, oo ah meesha lagu abaabulo sirqoolada soomaaliya.

Taas oo uu balanqaaday maxadweynihii hore ee Ethiopia Mengistu haile mariam khudbaddiisii caanka aheyd ee uu kuqabtay addis ababa, sandkii 1978kii markii uu dhamaaday dagaalkii dhexmaray wadankiisa iyo wadanka soomaaliya. Waxa uuna yiri dagaalkii waa uu dhamaaday, dagaalkaas oo ay sooqaadeen jabhadda xoreynta soomaali galbeed oo taageero kahelayay millatariga soomaaliya. Ethiopia ayaana guulaysatay waxaa mahad leh midawga soofiyeeti iyo wadamada kale ee Ethiopia badbaadiyay, la’antoodna itoobiya ma guulaysateen. Laakiin dagaalkii ma dhamaan hadda kadibna wax uu kasocdoona gudaha soomaaliya.

USC-na waxay aheyd qayb kamid ah balantaas. USC malahayn wax maamul iyo istaraatiijiyad ah oo aan ka aheyn in larido maamulkii muxamed siyaad. Dagaalkooduna waxa uu kusalaysnaa hayb qabiil. Taas waxaa daliil u ah jabhaddu meesha ay qabsato waa labililiqaysanayay, dadkana waxaa loo laynayay hayb qabiil. Taas oo sabab unoqotay in qabqablayaal dagaal wadankii tuulo tuulo u googooyaan.


Lasoco qaybta 4aad
 

WQ   CALI MUXAMED DIINI  { CALIDHUUX}

EMAIL   calidhuux20@hotmail.com    Nairobi

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 18, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com