SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

c/laahi yusuf ma madaxwayne soomaliyeed baa mise waa askari ka amar qaata zanawi ?

Qore maxmed c/laahi yuusuf
Dalmar007@hotmail.com 

Hadaba waxaa aad iyo aad murugo aan la soo koobi Karin iguhaysa sida naxriis darada ah ee loo gumaadayo shacabka soomaaliyeed ee dhibanaha ah aydoo aysan jirin wax ay kas badeen waa markii ugu horaysay ee aduunka laga maqlo madaxwayne u sacabtumaya gumaadka arxan darada ah ee loo gaysanayo shacabkiisa

ayadoo ilaa iyo hada aan laaqoon in c/laahi yuusuf uu yahay madaxwayne soomaliyeed iyo askari ka amar qaata zanawi

Taasi mahan wax qarsoon oo caalamka oo dhan waa la socdaa gardarada itoobiya oo ayagu wata danahooda qaaska ah iyadoo ay moodayso in dawlada ku meelgarka ay caawinayso balse ay ayagu cadaysteen danaha ay ka lahaayen inay soomaliya ku soo duulaan danahas oo ahaa inay ka saaraan wadanka maxkamadihi islaamiga ahaa maxaa yeelay ayay dhaheen waxay Qatar ku aheyen itobiya

Hadaba aan ku soo laabto muhiimka qoraalkayga caalamku hadii uu nagu fiirsanayo sida sharci darada ah ee itoobiya ku soo gashay dhulkeena iyo gumaadka loo gaysanyo umada soomaaliyeed oo ka soo daashay dagaalka 16ka jirsaday miyaynaan xaq u lahayn inaan kala noqono kalsoonidii lagu doortay dawlada ku meelgaarka ah oo kuwa ayagu taageerayaa aysan dib u fiirin sababihii loo doortay dawlada iyo waajibaadkeedii midna

Ayadoo ku guuldaraysatay in ay dalkeeda iyo dadkeedaba ku soo dabasho nabad isla markaasna kagacta u galisay cadwgii soomaali maanka ku hayay inay u soo gacangasho

Soomaalidu waa dad siyaasad lahayn islamrkaana aan aqoon cadawgeeda iyo xabiibkeda taas waxaa dadliil u ah in askari itoobiyaan ahi amarkiisu ka shaqeeyo caasimadii wayneed ee dalkeena hooyo ee Mogadishu isla markaasna shah ku wada caabaan askari somaliyeed iyo mid amxaar miiska

Dib u eega gumaadka lagu hayo mirimogaydada miyaadan ka damqanayan miyaadan aheen wadi somaliyed aaway damiirkeeni aaway diinteenii

Hadaba maanta wax noo dhiman ma jiraan soomaliyey ogaada in dad gooniya xil kasaarnayn dalkeena ee qofkasta waajib maqadis ah ka saaranyahay in uu ka qabqaato sidii looga saari lahaa gumaytaha dalkeena iyo dadkeena dhameeyay

Hamoodina madaxwayne c/laahi yuusuf ee waa askari mushaa ku qaata gumaadka dadkiisa waxaana jeega siiya oo u saxiisa biilkiisa amxaarka wayn .

Qore maxmed c/laahi yuusuf
Dalmar007@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

March 5, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com