SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xabaal-Nololinta Af-soomaaliga
 
Cismaan Nuur Ducaale
Liverpool, U.K

Waxay ahayd hilaaddii 3 kal ka hor markii aan la kulmay arrin dhegahayga ku ugub. Waxay ahayd goor ay hadhkii ka foorarsatay. Goobtu waa magaalada Helsinki ee xarunta u ah waddanka Finland. Waxan soo galay dukaan dharka waaraadka iyo ka tolanba lagu iibiyo. Waxoogaa markii aan dhex mar-maray dukaankii ayaa mar keliya waxa is qabsady weesaaq, sawaxan,dur-duro, buuq iyo bulaan aad mooddo adhi iyo maqal isu horratay. Dhab ahaan dukaan hayeyaasha iyo macaamiishuba way dhibsanayeen dadkan sida basarka xun isu daba qaloombiyaya. Bal malee qayladii maqalku hayn waayey intay baaxad le'ekeyd ? Waa laba dumara oo Soomaaliyeed iyo laba ama saddex carruura oo yar-yar oo ay wateen. Wiil aad u yar oo da'diisu saddex iyo afar gu' u dhaxayso ayaa kolba dukaanka balllaadhan gees ka gees orod uu in badan xiisa u qabey isku cayn-taarinaya isagoo aan kala goyneynin qosol ay ray-rayn iyo riyaaqidi ku ladhan tahay. Anigu waxan ku maqanahay wiilka yar oo da' ahaan ay is le'ekaayeen wiilkayga. Tolow ma gurigaa in badan lagu hayey oo debed baan maalmahan loo saarin mise gaadhi carrureedkuu saacado ku dabranaa oo tamartii ku kaydsantay ayuu dhabaabaco iyo orod ku luminayaa?  Tolow farxadda iyo qosolka hooyadii iyo aabbihii ma ugu magac dareen oo Farxaan ma u bixiyeen? waa weydiimo aan iskula faqayey aan se jirins meel fog. In kastoo, cabbaar, shaqaale iyo macaamiilba la dhego barjoobey haddana carruur cid waliba waa u dulqaadataaye looma sii fiirsan.

 
Mar dambe ayuun baan maqlay "Abu -cubeyd, Abu-cubeyd hooyo kaalay oo soo noqo!" Yaabay oo amankaagay. Marna hoos baan u qoslay marna shishaan u qiirooday. Mar hoos baas baan u qosloo gabadhu waxan ay inankeeda ugu yeedhayso ee ay magaca u haysato ayaan ku qoslay. "Abu-cubeyd " waa eray af carabi ah haddii aan ku macneeyana waa " Cubeyd Aabbihii." Carabtaa waxay caado u leeyihiin in ay mararka qaarkood ay waalidku naanays ka dhigtaan ama isu bixiyaan mid ka mid ah ubadkooda. Ummu kaltuum( kaltuum hooyadeed), Abu-hamsa( Hamse aabbihii) iwm. Abu-cubayd wuxu la mid noqonayaa " Cubayd aabbihii ama kii isagu Cubeyd dhalay." Haddaba marwadii inankeeda u yeedhaysey waxay lahayd " Cubeyd kii dhalayow, Cubeyd aabbihiiyow."  Waxa is weydiin mudan carabi jacaylkan kellifey in ilma yar magaciisu noqdo aabbe isagu wax dhalay. inay "Farxaan" isaga bixiyaan bay ahayde aqoon darraa u addoomaysay af iyo dhaqan aanay u dhalan.
Mar baan haddaba shishe u qiirooday oo maankaygii iyo maskaxdiiba ciil awgii dhul kale iila dhoofeen. Mar baan ku dhawaadey inaan marwada u caqli celiyo haddana billaa yood bad gashaa ayaan isku seeteeyey. Araarta iyo hordhaca aan halkaa ku dabro oo u soo jeesto abbaartayda qormada. Qoraalkan waxan qotimo uga dhigayaa qodobban soo socda:
 
Wax goynta (qiimaha) afka, weerarka lagu af gembiyayo ama lagu minja xaabinayo afka Soomaaliga iyo dib u soo noolayntiisa. 
 
 Wax goynta afka
 
Soomaalidaa waxay ku maah-maahdaa " Xooluhu urtay isku gartaan dadkuna afka." Haddii aad kor-ka-xaadiso maah-maahdan iyada ah oo aanad hoos ugu sii dhaa-dhicin murtida gunteeda yuururta waxaad isugu war celinaysaa " dee waa run oo dadkuna way hadlaan xooluhuna way is ursadaan marka midba midka kale doonayo inuu aqoonsado ama garto."  Inkasta oo maa-maahdan loo adeegsado badanaa tusaale ahaan marka qof lagu dhaliilayo is caddayn la'aan ama is muujin la'aan ka dib markii mad-madow galay aqoonsigiisa tolniimo, abtirsimo iyo ta qofnimo, haddana murtidani intaa way ka gun dheer tahay. Af-tahanka murtidan yidhi wuxu ula jeedey in dadku adeegsiga afkiisa uu u dhashay si wanaagsan ugaga gun gaadho furdaaminta waxa kala gala ama dhex mara, si mug leh ugaga dhergo war-doonkiisa isla markaana deeqsiin karo odhaahdiisa dhegaha dadka kale. Taa waxa marag iyo markhaati uh maah-maahahan: " Wadaa hadlaaba heshiiye"  iyo " Nin afle ayaa abaar ka baxa."  Bal u fiirso maah-maahda dambe oo xusuustaada dib ugu celi tagtada iyo soo jiraalka. Bal is weydii afka Soomaaligu qiimaha uu lahaan jirey iyo wuxu goyn jirey. Waxad is weydiisaa wax kale iska daayoo sida uu noloshaada uga mid ahaa iyo sida uu u dhaxal wareegey ee loogu dooriyey mid aanad ka haqab la'ayn oo lagu baray si laguugu gumeysto oo aanad uga xoroobin. 

Nin soomaaliyeed oo aftahan aan geedka garta lagu qaadayo cidi ka bar-bar hadli jirin dadkana waasiin jirey gartooda ayaa berigii dambe inkaari ku dhacday oo mar keliya la arkay isagoo afkiisii qalloocday ama dhinac u jan-jeedhsamay. Markii la waydiiyey waxa afka qalloociyey ayuu wuxu ku jawaabey: " Adeer, afku afkuu eeday" taas oo uu ula jeedey karaahiyadii iyo inkaartii afkiisu u soo jiidey ee uu dadka uu xaqooda waasiiyey ka galabsaday. Bal eeg sida afka looga wada hadli jirey ee aan cidina cid uga daba hadli jirin sida ku cad maah-maahda tidhaahda " Gar dabadeed, gii-giida nacay" oo loola jeedo inay liidnimo tahay in laga dabo hadlo gar dhammaatay oo la gooyey. Nin soomaaliyeed baa lagu yidhi " hebelow inankaagii gartii waa laga helay" markaasuu weydiiyey " oo garta ha laga helo e ma yeelay oo ma qaatay gartii la guddoomiyey?"  " haa oo wuu yeelay" " allow ma igu bannaanyahy, iga dhalay kaasi " ayuu ninkii inanka dhalay ku jawaabey isagoo ku faanaya ragannimada wiilkiisa. Waxaas oo dhami waxay ku dhisnaayeen aqoonyahannimada af-soomaaliga iyo xer-beegtinnimada. Qofka aan af-soomaaliga si fiican u aqoonna ceeb iyo cay buu la kulmi jirey marka foodda laysku daro fagaarayaasha haasaawaha.

 
Abaar ka bixi meysid ilaa iyo inta aad afkaaga dib ugu noqonaysid. Abaar ka biximeysid inta aad af aan dhaqankaagu higaadin aqoon iyo wax barasho u adeegsanaysid. Waa la baran karaa oo aad bay u fiican tahay in la korodhsado afaf iyo dhaqammo kala duwan, ha yeeshee bal marka aad baratid af aan dhaqankaaga in yarna ka higgaadineyn ee aad haddii aad adigu ku turjumi lahayd dhaqanka dalkaaga aad biyo yarood laftigaagu ka tahy afkii iyo dhaqankaad u dhalatay sidaad uga baxaysaa abaarta hor-u-mar la'aaneed ee hagaasisay dalkaad wax is tidhi u baro. Bal eeg waddammada adduunka ugu hor-u-marka iyo aqoonta badan dhammaantood waxay meel mariyeen oo adduunka ka dhaa-dhiciyeen afafkoodii. Waxay kaa dhaa-dhicinayaan afkayga baro markaasaad barwaaqo tiimbanaysaaye. Haddaba maah-maahdu halkaas ayay daarran tahay runtuna waxay ku gebo-geboobaysaa "Nin afle ayaa abaar ka baxa"
 
Aqoon-yahanno  ku talax tagtay aqoonta barashada abuurta i duunka hoose ee nafta( Psychology) ayaa baadhitaan ay sameeyeen muujiyey in carruurta afkooda hooyo ka haqab la'i ay aad iyo aad ugaga  horreeyaan wax barashada kuwa aan iyagu wax badan ka aqoon afkooda hooyo. Arrinka meesha ku jiraana waxa weeye in ilmaha yar ee afkiisa hooyo hodanka ku ihi uu markiiba si toos ah eray kastoo qalaad ugu af-ceshanayo( turjumanayo ) afkiisa hooyo ka dibana uu ogaanayo macnaha waxaasi leeyahay ama uu yahay halka ilmihii kale ee yaraa ay muddo ku qaadanayso inuu garto macnaha waxan afka qalaad loogu sheegay.

Waxa kale oo jirta in aqoon baadhis kale oo la sameeyey iyaduna tilmaantay in " sababta qofku uu qof kale ujeeddo la'aan u af lagaadeeyo ama u caayaa tahay iyada oo qofkan caytamayaa aanu ka dheregsanayn afka ay qofka kale markaa ku wada hadlayaan.

 
Waxan taa marag ma doon uga dhigayaa, akhristow, dhacdo aan ogaalkeeda u soo joogey. Goobtu waxay ahayd magaalada "Linkoping" ee dalka Iswidhan (Swden ) ammintuna waa hadhkii. Waxa makhaayad bunka iyo quraaca laga iibsado ka fuley oo horteeda taag taagan laba doob oo dan-laawayaal Soomaaliyeed ah. Makhaayadda dan ugamay tegine salkii iyo badhidii baa ku daaley dabadeedto debadda ayay waqtigii ay ilaa sagaalkii arooryo ay dilayeen immikana kusii dhaawac tirayaan. Iyagoo toro-rog isla baacinaya ayaa mar keliya waxa mudh ku soo yidhi doob kale oo isagana ay waqtiga isla il daran yihiin oo meel allaale iyo meel uu qabto garan la'. Isagoo aan niminkii nabdaado iyo salaan midna la gaadhin ayuu hadal-tiradii dhinaciisa ka toocsaday. Mid ka mid ah labadii doob ee meesha iyagu hore u yuub-yuubnaa ayaa ku yidhi " Waar dadka uun baad sida caydhka daf soo tidhaahdaaye sheekada hannaga jiidhin." Haba odhan lahaydaa! Mar keliya ayay ninkii cusbaa ee nimanka kale meesha ugu yimi shalay maahee dorraad ka tagtay. Wax bog iyo baabaco leh oo taag iyo maaro u helaa la waayey. Iyadoo laysla il daran yahay oo labadii nin lagu kala dhex jiro oo rag kalena isugu yimi ayaa mid ka mid ah labadii nin ee hore meesha loogu yimi bahal qosol ah la jeestey. Markii la weydiiyey waxa uu ku qoslayana wuxu ku warceliyey " Waxan ku qoslayaa labadan nin waxa afka isu geliyey iyo sida aan midna eed u lahayn. Labada nin waxa afka isu geliyey is af-garasho la'aan. Aan ku horreeyee hebel markuu lahaa sida " caydhkaad daf na soo odhanaysaa" wuxu u jeedey sida roobka jaadkiisa(noociisa) caydhka loo yaqaan. Hebel markii oo arrintaa ka cadhoodayna wuxu ka cadhooday af-lagaadadaa reerkooda lagula kacay." "Reer maxay ah oo waar ninku waxan uu imminka ka sheekaynayaa waa maxay dee? ayuu soo tuuray ninkii erayga "caydh" lagu haystey. " Caydh ama Cayr waa qolo ama reer Soomaaliyeed ninkan aad erayga ku tidhina wuxu ku abtirsadaa reerkaa" ayuu ninkii saddexaad yidhi. Labadii nin halkaas ayaa lagu kala bad-baadiyey oo gacmaha laysugu saaray iyadoo ilaahay ka sakow uu shimbir u noqday ladqabayntooda ninkii saddexaad ee la joogey.
 
Bal u fiirso oo is bar-bar dig dhacdadatan gaaban ee dusha qoran iyo maah-maahihii iyo cilmi baadhistii aynu hore u soo xusnay. Waxad is weydiisaa aqoonta ninka saddexaad wax ku kala furdaamiyey ma mid isaga la dhalatay baa mise waa aqoon af-soomaaliyeed? Dhinac markaad sheekadan ka eegto waxad is odhanaysaa labadan nin waxa afka isu geliyey waa labada shibbane ee " Dh" iyo " R" waayo labada nin mid wuxu yidhi " Caydh" isagoo u jeedey roobka noociisa caydhka loo yaqaan ninka kalena wuxu u qaatay qabiilkiisa " Cayr." Anigu haddaba, in kastoo ay taasi jirto, waxan rumaysanahay in fidmadu ka aloosantay aqoon darrida dadka soomaalida badankooda af-soomaaliga ka haysata. Qofka dhawaaqiisu( accent) wuxu noqon karaa mid ka duwan ka ku nool gobol iyo degaan kale oo soomaaliyeed sida xir iyo xidh, gar iyo gadh, cayr iyo caydh balse haddii af-soomaaliga qofku hodan ku yahay dhibaato malaha taasi waxaana caddayn kuugu filan sidii fududayd ee uu af-soomaali yaqaanku ku kala hirey nimankii Ra'da iyo Dha'da isu cabbaystay. Dhanka kale markaad ka eegto, soomaalidan isa sudhantay ee isku murugtey ee is af-garan la' waxad is odhanaysaa waar malaha af-soomaaliga ayaaney si uga wada haqab la'ayn. Waxan xasuustaa isla makhaayaddaa iyada ah ee mashaqadani ka dhacday in nin oday ah iyo nin kale isku jareexeeyeen. Mid ka mid ah ayaa wuxu ku yidhi kii kale " waar maxaan kaala hadlaa af-soomaaligaba waxad ka taqaan intaan af-iswedhishka ka aqaanne." oo af-iswedhishka intaad ka taqaannaa? ayuu kii kale weydiiyey saaxiibkii. " Dee wax aan boqol eray ka badnayn baan isku cayn iyo bayd gooyaa oo haddana waa la i af-gartaa adiguna maantoo dhan boqolkaa eray boqolkoodii baad maalin walba isu kay daba marinaysaa markaasaan anna heedaa uun ku hayaa. Ayaan daranaa qof maalin kasta warka ka guraya qof aan isaguba garanayn waxa uu ka sheekaynayo." Waxa laga yaabaa in ninkii garan waayey " caydh" inuu afka iswidhishka aad u shubay barashadiisa iyo ka meel-gaadhiddisana u tafa xaytey, wacnaanse lahaydee isaga oo marka hore kiisa ka dherga illeen waxa sugaya xil kale oo ubadkiisu ugu horreeyo e.
 
 Af-gembiga af-soomaaliga
 
AFSOOMAALIGA OO QARKA U SAARAN IN UU KASUULO LUQADAHA AFRIKA
usheeg waraabow baa igu dhacaye waxaa loo tarjumey...
 
Af-qalaad Aqoontu Miyaa?
Maxaa keenay in dadka Soomaaliyeed ay afkoodii hooyo kadoor bidaan afaf qalaad? [Cibaar]
 
WAA IN LAYAREEYA HORMARINTA AFSOMAALIGA!
Waxaan filaya in laga doodi karo fikrada ah “Afsoomaliga maxaa loo yasayaa?”
 
Qofkii aanan garanayn afka Ingiriisiga waa jaahil
Arrintaasi ma dhabbaa? Inteese- in la’eg ayaa lagu gumaystaa?
 
WAA IN LAYAREEYA HORMARINTA AFSOMAALIGA!
Waxaan filaya in laga doodi karo fikrada ah “Afsoomaliga maxaa loo yasayaa?”
Dhaqan dad leeyahay sideedaba waxa bedela dhaqan kale oo ka madax taagan. Dhaqankaa qalaadood wuxu ka soo galaa dhqankii degaanka ahaa meelo badan oo uu AFKU ugu horreeyo. Af-soomaliga waxa hagaasiyey laba dhaqan oo ku dhisnaa xidhiidh iyo gumeysi. Berigii af-soomaaliga la qoray ayaa dad badani yidhaahdeen wax barashadii waa la baabi'yey oo ingiriisidii iyo afafkii kale ayaa wanaagsanaa. Waxad halkaa ka garanaysaa sida maanka iyo maskaxdaba loogala wareegey ee loogu cambariyey afaf kale looguna cadhheeyey koodii ay ku dab iyo reer keeneen.
 
Waxase taa ka daran garasho xumada kelliftey in laysku lammaaneeyo diinta iyo af-carabiga. Waxad mooddaa in haddii qofku eray-bixinta iyo magacyadab af-carabi ka dhigo uu mudnaan dheeraad ah if iyo aakhiraba mutaysanayo. Bal u dhug yeelo magacyada cusub ee ay ka mid yihiin abu-mansuur, sumaya, naasiriin, abu-zeynab iyo qaar kaloo badan. Bal u fiirso magac-bixinta meheradaha iyo ganacsatada sida: Al-barakaat, al-mustaqbal, al-amal, al-fatuud, al-fataad iwm. Waxad is odhanaysaa bal cabbaar waxad dhegeysataa muxaadaro wadaad soomaali ahi jeedinayo. Waxa dhegahaaga ka badanaya oo uu wadaadkaas isaga ahi adeegsanayaa erayo af-carabi ah sida: Waxa arrintaa ka ratibmaya, ficliyan waxay taasi riddiyaysaa, iyo kuwo kale oo ka daran. Markaad u sii fiirsato waxad is odhanaysaa tolow wadaadku ma arday jaamacad diineed dhigata oo la garanaysa hadalladan gaa-gaaban ee af-carabiga ah ayuu cashar u jedinayaa. Maya, maaha arrintu sidan ee waxajira saddex wax oo is huwan kuwaas oo kala a) aqoon darro ku habsatay habka wax loo dhigo ama dad wax looga dhaa-dhiciyo b) aqoon darro kale oo naafaysay fahamka diinta iyo c) Kalsooni darro aanu dadka badankiisu ku kalsoonaan karin wax ku goosiga waxa uu asal u leeyahay.
 
Mararka qaar baad waxad is weydiinaysaa waar ma af-soomaaliga laftigiisaa dembi ah illeen waxani waa yaabe? Af-soomaaligu dembi maaha ee kii ka taga ee lumiya ayaa runtii u dhitin doona. Aqoon-yahannadii diinta islaamka ee hore waxay aad u baran jireen suugaanta (adabka) tusaale ahaan imaamu shaafici (raximuhu allaah) wuxu ahaa mid ka mid ah ragga diinta ka sakow ku caan baxay xeel-dheerida suugaanta waxaanu ahaa maanso-yahan.
 
Qiimaha magaca iyo meel ku saabsanaantiisa

Wax walba inta aanay ishu arag ayaa la sii qiimeyn karaa. Qiimayntaasi waxa gooya ee ugu weyni waa magaciisa, noole iyo ma noole kuu doono ha ahaadee. Soomaalidaa isku habaarta " Magacaa be' '" isga oo aan habaarkani sidaa u sii ridneyn oo loo adeegsado canaan iyo dhiirri gelin. Haddaad si kale u qeexdo odhaahdan waxay noqonaysaa qofka sharaftiisu waxay ku xidhan tahay magaca iyo xanta laga hayo oo isku lammaan. Soomaalidu markay ka faantay ee ay iska xambaaratay magacyo iyo naanayso aanay wax allaale waxay yihiin aan la garanayn magacoodii baa ba'ay. 

Magacyadu intooda badani waxay ku fadhiyaan dhacdo tilmaaman ama meelaysan tusaale ahaan reerku markuu guuro ee uu hayaamo inanka dhasha inta aan la deggin waxa loo bixin jirey "hayaan." Inanka dhasha habeen reerku guurid u lallabtay dabadeed loo baajiyey guuriddii oo loo negaadey awgii waxa loo bixin jirey "Nageeye." Waqtiga roobka sidoo kale " Rooble", haddii uu ku dhashay xaalad adag oo hooyadii iyo isagaba la soo deristey wiilka " Ayaanle" ayaa loo bixin jirey gabadhana "Ayaan", haddii uu fiid caweys ama fiid dhasho "Cige", haddii reerku gabadh u ciidamisa u baahnaa oo gabadhi u dhalato " Xaabeeya" iyo kuwo kale oo aan la soo koobi karin.

Bal is weydii magaca khadiija macnihiisu wuxu noqonayo. Ilahay jannada ha dur-duursiiyee, magaca khadiija waxa lahaa afadii Nebiga Calayhi salaatu wa salaame. Haddaba "Khadiija" waxa carabtii hore u bixin jirtey gabadha aan ku dhalan dhammays ee ku dhalata muddo ka yar inta caadiga ah, halka wiilkana loo bixin jirey " Khudeyj" oo ah halka aynu innaguba u bixinno wiilka muddada yar ku dhasha  "Dhicisow."

 
Dib u soo nooleynta af-soomaaliga
 
" Weel gun buu ka tolmaa "  afka soomaaliga haddii la doonayo in uu dib u soo noolaadana waa inuu ka soo bidhiiqaa jirridda. Aan ka badheedho e kuwa ay hurran tahay taladu inta aanay gabaabsi noqon waxa ugu horreeya waalidka. Waalidka waxa faran inay carruurtooda ku ababiyaan dhaqanka afkooda, ula baxaan magacyo af-soomaali aan badhxanayn ah kulana sheekaystaan afka ay u dhasheen iyagu. Qolada war-baahinta ama saxaafadda la magac baxday ee bbc-du u horrayso waxan kula talin lahaa haddii hunguri idiin geeyey inaad war baahin wakiil soomaalida uga noqotaan meherad kale doonta oo u banneeya dadka inta afka tixdiisa iyo tiraabtiisaba taqaan ee dadka iyo dhallaanka soo korayana wax taraya. Culimada qiiraysan ee jis cammuhu ku qarxayna waxan odhan lahaa markaad afkiinna ka haqab beeshaan ayaa dadkuna wacdigiinna ka dhergeyaa ee bal dib isula faqa oo joojiya carab iska yeel-yeelka ogaadana in ilaahay abuur walba markuu si goonni ah u unkay uu soo raaciyey aqoonsigeeda oo uu afku ugu horreeyo. Qofka taa diidan ee isku loohaya meel aanu ku af-tirsan wuxu ka dhigan yahay sidii qof geed xididadiisii uu lahaa ka jar-jaraya oo ku tolaya xididdo geed kale laga soo amaahday.

Waxa kale oo aan culimada kula talin lahaa bal isku daya inaad diinta barataan waayo qofku markuu wax sii korodhsadaba khalad uu dhex dabbaalanayey ayuu ogaadaa markaasuu ka baxaa. Ninkii la odhan jirey Malcom X (ilaahay ha u naxariistee) ee maraykanka madow ahaa markii ugu horreysey ee loo laqimay diinta islaamka isagoo jeelka ku jira waxa iskaga khaldamay nacaybka gumeysigii caddaa uu u qabey iyo diinta islaamka. Beryo ka dib markii uu aqoon korodhsi iyo barasho diimeed ugu kicitimay rugtii diintu ka soo if-baxday ee uu soo xajiyey arkayna malyanno dad ah oo midab iyo magac midna aan wadaagin oo walaaltinnimo ku wada dawaafaya xaramka waxa keliya ee isu keenayna ay tahay diinta, ayuu beddeley markiiba aragtidiisii hore. Haddaba inta aydaan xas iyo qodxo jibaaxin af-carabigu diin ma ahee waa luqade dadkiinna afkooda kula hadla. Bal is weydii ujeedada ka dambeysey ilaahay ha u naxariistee Sheekh Yuusuf kownayn markuu higgaadda quraanka dadka ku barayey "Alif la kor dhabey alif la hoos dhabey alif laa godan" ee ay bar-bar orodday higgaad carbeedda " Afatxa aa, Ikisra ii uduma uu." Waa wax lala yaabo waxa qofka ku kellifaya isagoo afkisa wax ku higgaadsan kara inuu is canda dowlo oo uu midiidin isaga dhigo cid kale daba cararkeeda. Waxa hadal igaga idil yahay dadyahow hays badina wax aan ilaahay idin badine isla yaaba laanta aad saaran tihiinna haysla goynina xididdadana haw siibina dhaqanka iyo afkiinnan sii galbanaya ee ku tuntuunsada intay goori goor tahay.

 
Cismaan Nuur Ducaale
Liverpool, U.K

Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2007



 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com