SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

Gabay Uganda sug

Umada Soomaaliyeed marna kama aysan liidan waqtigan imika lagu jiro, cadeyn waxaa kaaga filan marka ay tiri xalkeygu ciidan Uganda ka yimid baa hayee ayaga ha lasugo; dee meel ciidan ugaandheys ah xal laga sugayana idinba waad ogtihiin inaan aaytiin jirin sababtaas ayuuna gabaygu kula baxay magaca ah UGAANDHEY SUGEYSAAYO WAA AAYOTIIN MALAHE. Wax sheeg kaloo wacdi iyo waano iyo ducaba leh waad ku arkeysaa Taariikhdu waxay aheyd 27/2 /07 Anigoo ah Mubashir sh C/laahi. Waxay tiri maansadii Uganda sug.


Ifka laguma waaroo naf nool way ajalantaaye
Aduunyada intaad joogtidbaa la is ogaadaaye
Marse hadii iliilaha qarbiga iilka lagu seexsho
Aakharo warbaa yaala aad la anfariirtaane.

Isticmaarkan soo duulayee yimid ardaageena
Istaraajiduu soo dhigtiyo aarsigiyo boobka
Afgooyiyo Kismaanyaba dadkii lagu ihaaneeye
Xamarna waa umulodoox hadhii lays arjumayaaye

Amaankaan sugeynaadu waa maato erigaase
Alteleriga guuxiyo waxbay nagu afuufeene
Sidii eyro geel bey bulshadi ka ololsiiyeene

Amxaarana ninkii kaashaday adhaxda goysaaye
Axsaan laawayaal beysu tagay ubudka laayaaye
Amuurahan socdaa waa midaan cidi ilaaweyne

Afartaa sidii oday cimriyay eersi ma usheegay
Ma itaalay maansada danbaa ku ogaleysiine
Aflagaado iiguma baxdee erey kalaan raacshay

Imikiyo ayaan hore halkiyo aadan iyo xaawo
Sidii dunida udubkeeda iyo ubaxan loo joojay
Axmaarooy waxaan soo aheyn rag isyaqaanaaye

Askartii guray baan aheyn inamadoodiiye
Kuwii adari kuudiiday baan ehel wadaagnaaye
Oonbaasta nimankii kubaray anaga weeyaane

Maantase adoomaanu nahay amarka qaataaye
Arji baana kuuwada qornaa kugu amaanaaye
Alalaaska naaguhuna waa aragtidiinaase

Ayaamihii adkaa uunkibey kala irdheeyeene
Abaarahan dhacaayiyo arsuqa la iska soo owday
Aafadiyo colaadaha dartood leysma aamino e

Afartaana sidii oday cimriyay eersi ma usheegay
Ma itaalay maansada danbaa ku ogoleysiine
Aflagaado iiguma baxdee eray kalaan raacshay

Ugaadhowday Soomaali oo ururba meel aadye
Ninwalbana ilmo adeeradii aradka soo dhoobye
Axad wali ujeed iyo dangaar owr usoo raraye

Astaanteeda gaarka ah hadaad yara sii eegto
Ifafaalo dheeriya markaan kuu odoreyseyno
Ugaandey sugeysaayo waa aayotiin malehe

Afrikadan madow ee indhaha ooda laga saaray
Ameerikada buush heysto iyo ubadka sheydaanka
Dar iimaanki laga qaaday bey nagu asqeeyeene

Olalihii uqubadaan gallaa leys abaal marine
Inkiraad mafiicnee runbaa lagu arooraaye
Arligaanu fasahaadiniyo aaski baa qodane

Afartaana sidii oday cimriyay eersi ma usheegay
Ma itaalay maansada danbaa ku ogoleysiine
Aflagaado iiguma baxdee eray kalaan raacshay

Bal inaan iniin nahay sidii ukun la dhowraayo
Utumaha shisheeyiyo intaan oofta nala taaban
Aramida sokeysaaba waan alaladeynaaye

Alahayow Islaam baan aheyn sida ogaalkeye
Ardo looxa dhigataan aheyn alifka diimeede
Ashahaado diid baan maqliyo jees inkaarqabo e

Indhowbaa ileys noobixiyo aalad qeyr badane
Indhowbaan aqoonlaawe iyo diidnay edeb gaabe
Indhowbaan shareecada laheyn inamo doonaaye

Awoodbaana loosheegtay iyo aarmi xoogbadane
Iskaashatiyo cadow baa diliyo dar u adeegaaye
Imana meysio maxkamadii hadii aad ilmeysaane

Afartaana sidii oday cimriyay eersi ma usheegay
Ma itaalay maansada danbaa ku ogoleysiine
Aflagaado iiguma baxdee eray kalaan raacshay

Asalraaca ay sheegayaan malaha aasaase
Argagixiso loogama sokeyn niman Israa'iile
Waana wixii Iraaq lagu qabsaday arinka beentaaye

Nimanyahow aqbaar kama sugtaan aqalki naareede
Irdihii cadaabkaan dhamaan wada ag-jiifnaaye
Istaaqfurulaah keenii damcow wey ajibantaaye
ILaah towbadii furan ninkii odhan karaayow e

ALahayow dulqaadkaagu waa midaan idlaaneyne
ALahayow nasoo wada hadee dhaafnay idankiiye

ALahayow nabad udgoonoo aadanahya gaadha
Arligana ku waasaca nasii lagu amaah waaye

ALahayow sidii adhigi ciid iibsi baan nahaye
ALahayow karaamada markale nagu ekeysii

Aqbal iyo haday ducadayadu tahay mid aamiin leh
ALahayow qalbiga noo asturi waan aradanaaye

AAMIIN AAMIIN AAMIIN AAMIIN AAMIIN AAMIIN AAMIIN
EEBOW ILAAH KALE MA JIRO ADIGA MOOYAANE
EEBOW ILAAH KALE MA JIRO ADIGA MOOYAANE
EEBOOW ILAAH KALE MA JIRO ADIGA MOOYAANE

mubashir506@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2007



 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com