SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Fanka Soomaaliyeed iyo fannaaniintu maalinbeey qabasho lahaayeen

Abdulqadir Jama
nageeye60@hotmail.com

Wixii kudhaafaa kahadal maleh waxaanse rajeeynayaa in, in badan soomaaliyi go,can doonto shareecadii islaamkoo kusoo noqota soomaaliya ???? iyadoo mushkiladaha qaarkood aan laheli doonin doowlad dabar jarta wax badanbaana dadka intooda badani moogyihiin waxaana ka mid ah fasaadka iyo anshax xumada uu horseedka u yahay fanka soomaaliyeed iyo fannaaniinteennu waxaanaan moogeeyn jacaylka loo qabo fannaaniinta iyo isla markaa qadarinta loo sameeyo had iyo goor waxayna u badan tahay ruux walboo soomaaliya hadduuna gacanta ku hayn raadka fanka iyo fannaaniinta inuu guriga dhigtay taasi waxay muujineeysaa sideey inoo saameeyeen fannaaniintu ama fanka soomaalidu

Cinwaankeeygii hore aan u noqdee fanka iyo fannaaniintu waxaan leeyahay markaan arkay xumaanta laga dhaxlay waa furihii carada ilaah waa baabi,intii akhlaaqda suuban waa horumarinta iyo ku dardaridda dimoqraadiyadda dunida maanta lajoogo---waxaas aan soo sheegay oo dhan waxaan ku caddeeyn doonaa qoraalkan iyo kuwa dambe {} soomaalidu waxay lahayd caado wanaagsan oo badi waafaqsaneeyd xishood iyo kala dambeeyn inkastoo cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed qaab ahaan wax yaroo kamida ay dumarku soo dhexgalaan iyagoo soo dhexgalkaasi uusan waafaqsaneeyn shareecada islaamka hadana dabool gaaraa xishoodkooda saarnaa qaarkood inkastoo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka soomaaliya gobolladeedu qaar kamidi ayba ceeb diiran yihiin sida dumarku u dhex istaagaan ciyaaraha waana kuwa laga isticmaalo koofurta dalka soomaaliya ooy kamidka tahay (kabeebeeyda iyo gableey shimbirka) markii ugu horreeysey ee la arkay gabadh soomaaliyeed oo istiri ku hees meel fagaaraa waxaa lasheegay in laga kala dareeray ceeb beeyna ahayd in nin gabaruu dhalay niman soo hor joogsato iyadoo muujineeysa is yeel yeelka maanta lasameeyo ookale taasi waxay sababtay waayadaa hore in ruwaayadaha soomaalida meelo badan oo dumar masala loowaayo raggu isku masalo dumar waxaana dhici jirtay hablaha fanka kujira in magaca laga badali jiray loona bixin jiray magacyo kale iyadoo loola dan leeyahay qarin magaceeda ama sumcaddeeda loo daboolayo inkastoo mararka qaar loo xiganayey sababta loogu yeerayo magaca kale loola dan lahaa ammaan maadaama magacaasi noqon jiray magac qurxoon soomaalidoo lahayd xurmo nin walbaa u hayo hablaha aadna mooddo marka laga soo tago aabaheed ineey hadana masaleeyso magaca qabiilkeeda oo dhan runtiina habluhu waa halka qaran dhan ka dulloobo haddeey xumaadaan haddeey hagaagaanna uuka wanaagsanaado /mushkilada u weeyn ee markeey gabadhu gasho fannaaniinta lagu arko waa dabeecado aan lagu aqoon anshaxa islaamka ama kan soomaaliga oo waaba kan dimoqraadiyaddu saamaxayso kaasoon dibkasoo sheegi doono

Hadaba doowladaha dunida ka hormaray xagga warshadaha oo badi leh mabaadiida diimaha la dirira ooloo yaqaan dimoqraadiyada waxaa waayo hore oon dalka soomaaliyeed xorriyadba qaadan inooga imaan jiray doowladahaas filimmo lagu daawado shineemooyinka kuwaas oon waagaa hore badneeyn magaalooyinka gobollada ahna hal hal guri shineemo ah uunbaa ku yiil badidood marka laga reebo caasumaddii soomaaliyeed waxayna lahayd 8 shineemo in kastoo 1981dii ay gaareen muqdisho 16 shineemo filimadaas oo dadka noosoo dirijiray ujeeddo ka lahaayeen waxay taba bareen dhallaan iyo waayeel badan /qaawanaanta sineeysiga isdilka dhaca khiyaamada mukhaadaraadka oo khamradu u weeyn tahay iyo tusaale diimeed oo macne xun ayeey fidinayeen waana lagawada dhaxlay kulligood/ayaandarada jirtay doowladihii markaa jiray mid ineey raalli ku noqoto maahee hortaagneeyd meey ahayn/isla markaa dardar waxaa iyaduna u feer socotay fannaaniinta soomaaliyeed haba kusoo gabadaan waqtigooy sawiraan iyo guubaabo lagasugayey laakiin dhinacbeey fidnada iyaguna kawadeen/doowladaha yiraahda horaan u marnay inkastoo horu markaasi yahay mabaadiida dimoqraadiyadda waxay yiraahdaan markeey filim qaawani dumar iyo sino cadcad leh soo ban dhigaan iyagoo iska dhigaya ineey wanaag sameeyeen madaawan karo ruux kayar 18 sano iyo wax lamida

Hadaba soomaalida oo halkii filimada ay u joogto ruwaayadaha ay fannaaniintoodu masalaan malahan xudduud xitaa ciyaalka u diideeysa waaba loosii kexeeyaa sida filimadana gacanta loosii qabto ciyaalka halkaana ceebihii diir diiraa iyo hadalladii waaweeynaa waa dhaxlaan dhallaankii ama dhallaan xigeenkii /bal fiiri ruwaayaddii hablayahow hadmaad guursan doontaan ee lajilayey 1975 dii masraxa waxaa soo istaagay gabadh soomaaliyeed oo nin doocdoocineeysa wax lays wareeytaba oola yiraahdo iisheeg baabuurkaad wadato hoonkiisa waxaa lago,aansaday kaddib in meel layskula leexdo xoogaa markii laysla maqnaa ayaa waxaa soo baxday inantii oo dayacan martuna waa dharkeedee qaar uuna si fiican ugu xirneeyn wiilkuna sarwaalka kor usoo qaadanayo siibkana xiranayo waxaa lamuujiyey in shaqo layska qabtay/wiilkii wuxuu kaddib mariyey hees caana (marse waxaad ogaataa--hodan iyo meel barwaaqaa kuugu baaqis leeyahay) maxaad fileeysaa haddii carruurtii qaangaarka halabsanayey fiirsanayaan /waxaa taas kasii daran heesaha oon iyaguna qaarkood dhar lahayn/oola tirinayo xubnihii gabadha ama gabadhu laftigeedu leedahay (kii bogga iisalaaxay iyo waxyaalo ayka mid yihiin ma,adaa biyaba daadshey)

Waa yaabe gabadheey fannaaniintu latagaan maxaa hortiiba bara sigaarka iyo cunidda jaadka iyo khamrada maxaa kadhiga ubadkeey latagaan khawaaf dardaran oo ciddiyo dheer oo soo jeed badan xagga hurdada /tusaalahay bixiyaanna waa faro taag iyo hadal lagu qoslo: sideedaba
maruuxbaa xaq u leh inuu addoomaha ilaaheey cibaadada ka jeedsho oo maalaayacni isaga hadlo ama ku mashquuliyo addoomaha ilaah waxaan cibaado ahayn ? waxaa muuminiinta ilaah ku ammaanay oo yiri waa kuwa (1) kataga maalaa yacniga (2) waa kuwa ilaaliya shahwadooda ooku guta guurkooda kaliya (3) waakuwa waxa ilaah ku aaminay ilaaliya ballantana oo fiyaya) qodobadaas oo dhan fannaaniintu waa wada hareer mareen / xadiis saxiixa ayaa nabiga ilaah yiri (scw) dambiyada intooda badan waalaga yaabaa inaad aragto iyadoo uu muslim kadhacay sida sinada khamrada cabisteeda dhaca jidgooyada iwn laakiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin beentu maahan dambiyada muslimka lagu yaqaan fannaaniinta meheradoodu waa masalaad beena oo waliba joogto ah sharkooda ilaah hanaga nabad galiyee/waayaabe anfaca kasoo galaa maka qiimo weeyn yahay inta ilaah u caroonayo ????? waa socotaa sheekadani ee lasoco qaybta labaad

Abdulqadir Jama
nageeye60@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2007



 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com