SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

xalka soomaaliya xabad miyaa?

 xaamid c/laahi xaaji
xaamid114@hotmail.com 


Tan iyo 1980s Soomaaliya waxaa soo marey dagaallo sokeeye oo salka ku kalahaya arrimo siyaasadeed Iyo beeleedyo, oo dhex marey dowladdii Maxamed Siyaad Barre iyo mucaaradkii ku kacsanaa.

Horraantii 1990s waxaa ka dhacay dalka dagaalkii dhex marey kooxaha Soomaaliya oo madax ka ahaayeen dagaal ogayaashii, dagaalladaaso galaaftay nafo badan iyo burbur ka dhacay dalko dhan, balse dagaalladaas majirin cid ka gaartay natiijo fiican , ka soo billoow jabhadihii ku kacsanaa dowladdii hore Soomaaliya , jabhadahaas oo ulajeedadoodu ahayd in ay ridaan dowladdii Siyaad Barre isla markaana dhisaan nidaam dhaama kii hore, jabhadahaas oo ku guulaystay inay ridaan nidaamka iyago xoog iyo xabbad isticmaalaya, balse xabaddii ayeey wax ku xallin waayeen markii ay dowladdii afka ciidda udareen, iyado xaaladdii wadankuna u ka sii darey.

Dagaalkii qabqablayaasha ee Soomaaliya ayaa waxay amisanayeen in wadanka xalkiisu yahay xabad, balse taasi way noqonwayday run iyado ay cadaatay in dhibaatadda Soomaaliya kataagan aysan lagu xallinkarin xoog iyo caburis, ayna muhiim tahay in lahelo kalsoonida iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed si wadanka looga saaro burburka muddada dheer ka jirey.

Waxaa xusid mudan in kooxihii Soomaaliya soo marey burburkii ay aamisanaayeen badankooda xoog in xalku yahay ,xataa xubno sar sare oo ka tirsanaa maxkamadihii islaamiga ahaa ayaa sidaa aamisanaa, iyago rabay in waddanka oo dhan xoog ku qabsadaan si ay nidaam islaami ah u dhisaan, inkasto maxkamaduhu dhulkii ay gacanta ku dhigeen ka dhigeen nabad, haddana nabaddaas waxaa keenay ma ahayn xooggii iyo xabaddii ay isticmaalayeen, nabadda waxaa keenay xukunka shareecada oo ay wateen.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hadda waddaa qorshayaal ay doonayso in wadanka ay ku nabadayso , gaar ahaan caasumadda Mugadisho .

.Iyado sida muuqata doonaysa in ay isticmaasho xoog ay ku soo afjarayso dowlad la'aanta ka jirtay dalka, haddaba arrimaha Soomaaliya waxay iskugu jiraan 2 oo mid xoog ayeey u baahantahay in loo isticmaalo, midna walaalow ayeey ubaahan tahay in loo isticmaalo tan xoogga u baahan in lagu muquuniyo waa tuugada iyo dadka diidan in ay soo noqoto Nidaam Soomaaliyeed, tan walaalow u baahan waa dib-heshisiinta oo larabo in la dhex dhigo ummadda soomaaliyeed gaar ahaan dowladda iyo mucaaradka iyado aan lays inkirayn isla markaana dacaayad layska fidinayn sida hadda 2 dhinac ay sameeyaan iyago isku tilmaama argagaxiso iyo dabo dhilif, inta xaalku sidaas maraayo runtii weli way adag tahay xalka Soomaaliya, iyado weliba labada dhinac waa dowladda iyo kooxaha iska caabinta aaminsanyihiin xoog , arrintaasi waa mid nasiib daro ah.

Joogitaan Etoobiya Soomaaliya runtii waa mid ka timi kala qaybsanaanta soomaalida dhexdoodda[, iyado geedkii yiri godinay ima igoosayn hadaysan kugu jirin daabkayga] waxaana loobaahan yahay heshiis dhex mara Soomaalida iyado la muujinayo islaaminimo iyo Soomaalinimo si lasykugu tanaasulo isla markaana laga saaro dhibaatada wadanka ka taagan.

Runtii xalku xabad ma aha ee waa walaalow iyado diinta loo celinayo wixii laysku af garan waayo.

faallo by : xaamid c/laahi xaaji
xaamid114@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2007



 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com