SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Qosol iyo Qaracan

Abdirizaq Ahmed Hassan-Yare
Minnesota, USA
Email: abdirizaq88@hotmail.com
 

        

           Markasta oo aan ka fakaro qaabka ay u shaqaynayaan madaxda sare ee DKMG ah ee Soomaaliya waxaan xasuustayda ku soo booda hees ay fanaaniin Soomaaliyeed sanadkii 2000 ka qaadeen dalka Jabuuti. Abwaan Mustafe Sh.Cilmi oo matalaya nin u sharaxan madaxweynenimo ayaa kooxda u gacmo hoorsanaya isaga oo waydiisanaya  “madaxweyne mar i dhaha!” Fanaaniinta kale ayaa u jiibinayay iyaga oo kor ugu qaylinaya “madaxweyne, madaxweyne, madaxweyne” Mustafe oo isku daraya sacab iyo bood bood ayaa hobolada kale ugu jawaabaya “ku celceliya, ku celceliya, ku celceliya” Fanaanniinta oo badanaa murtidooda ku soo bandhiga xaqiiqooyin dhab ah oo ay bulshadooda ka dhex arkaan ayaa heestaa iyo suugaan kaleba ku muujiyay sida ay badananaa madaxdeenu maqsuudka u noqdaan isla marka ay kursiga salka la haleelaan iyagoo aan dan u galin hawsha baaxada leh ee miiska u saaran. Tusaale ahaan, DKMG ah ee hada jirta ayay madaxdeedu marar badan ku celceliyeen sida ay raaliga uga yihiin qaabka uu maamulkoodu u shaqaynayo halka shacbi weynaha ay magiciisa huwan yihiina muujinayo sida ay ugu hungoobeen nooc kasta oo wax qabad oo laga filan karo cid magac dowladeed wadata.. Hadaba waxaa jira labo arimood oo ka marag kacaya in ku faraxsanaanta iyo damaanshaadka ay xubnaha ugu sareeya ee dowladu ugu jiraan hanashada darajooyinka ay ku magacaabanyihiin in ay ka indha tirtay dacdarada ay ku jiraan malaayiinta Soomaaliyeed ee iyaga wax qabadka uga fadhiya.  

  1. Sida aan dhamaanteen ka warqabno waxaa jira dagaal sokeeye oo ay soomaalidu dhexdeeda ka dagaalantay iyo mid ay la gashay dalka ay deriska yihiin ee Itoobiya. Waxaa xusid mudan in colaada soomaalidu aysan dhaafsiisanayn qabqablayaal dagaal oo doonaya in ay awooda beelohooda ku jabsadaan albaab ay ka galaan maamulka dalka. Waxaa taa cadaynaya sida ay jufooyinku   sanadba waji cusub isugu xulufaystaan iyada oo ay dhacdo in kuwii shalay isku dhinaca u jeeday in ay maanta dhexdooda ka dagaalamaan. Hase yeeshee, arinta Itoobiya  intaa way ka xeel dheertahay oo waxaa laisku haystaa waa dad la gumaysto iyo dal la haysto. Nasiib daro, Itoobiya waxaa u suurta gashay in ay Soomaaliya oo dhan ula wareegto si toos ah iyo si dadbanba iyada oo ugu yaraan ka hortagaysa in ay dhalato dowlad Soomaaliyeed oo la xisaabtami karta. Madaxdeenu arinta halkaa kama eegin, waayo, waxaa u muuqda wax iyaga uga daran oo ah in iyaga kursiga lagu xajinayo taasi oo Adis Ababa ka dhigtay xarunta laga xaliyo qodob kasta oo ay isku qabtaan xafiisyada madaxweynaha iyo ra’isulwasaarahu.
  1. Sanadkii 2004 markii ay hogaamiye kooxeedyadii Soomaalidu isku raaceen in ay dowlad dhistaan waxaa jirtay kalsooni xumo weyn oo laga qabay in ay ka badbaadi doonaanaan khilaafkii dhexdooda ahaa ee horay wadanka u ragaadiyay. Sidii caadada ahaydba, islamarkiiba waxay u kala jabeen dhowr qaybood oo iska soo horjeeda ilaa ay ku sigteen in ay dagaal kale oo ahli ah iskaga hor yimaadaan. Intii aanay taasi dhicin ayaa ururka Midowga Maxkamadaha Islaamiga ee kasbaday taageerada shacabka intiisa badani waxaa uu cagta mariyay qabqablayaashii ku amar ku taagleyn jiray inta badan koonfurta iyo bartamaha wadanka oo ay ku jiraan kuwii caasimada Muqdisho. Nasiib daro kale, nabadii lagu diirsaday ee uu aduunka oo idili ka marag kacay waxaa arki waayay madaxdeena sare ee dowlada. Maxaa ka indha tiray? Waxaa yimid shaki ah in ay Maxkamaduhu awooda la qaybsan doonaan. Si aanay taasi u dhicin waxaa ay soo hor keceen dowlado shisheeye oo dib u soo celiyay fowdadii mudada gaaban laga nastay. Masiibadaasi waxa ay si weyn uga qoslisay hogaamiyayaasha dowlada ka dib markii ay arki waayeen awood iska caabisa Itoobiyaanka iyaga ku hareeraysan.

          Ugu danbayntii, farxada iyo raynraynta ay ku jiraan madaxda DKMG ahi xili ay dalka u bilaabatay taariikh madow ayaa waxa ay muujinaysaa sida ay uga indha la’yihiin dhibaatada haysata kumanaanka walaalahood ah ee sanad kasta ku haligma badaha aduun iyaga naftooda la baadi goobaya nolol u dhaanta mida dhulkooda hooyo. 

Abdirizaq Ahmed Hassan-Yare
Minnesota, USA
Email: abdirizaq88@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: March 11, 2007



 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com