SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Qaabab kala Geddisan baa na loo Calfaday..!!

WQ:- Muxyaddiin M.Kaalmoy
Email: kalmoi@hotmail.com

     Soomaalidu waxay tiraahdaa ;"calaf baa la cunaa". Wixii uu ruuxu cuno ama siyaabo kale ugu taga, xaggiisa mara, oo aan ka soo noqonayn, ayaa la yiraahdaa;"Wuu calfaday", "Calafkiisuu ahaa "iwm. hase yeeshee, xagga luqadda carabiga, waxaa calaf la yiraahdaa; waxa xooluhu cunaan oo quut-ahaan loogu dhigo, cawska oo kale. Waxayna u eg-tahay inay labada kalmadood xiriir leeyihiin.

     Waxa la cuno oo kaliya kuma koobna calaf, ee waxyaabo kale ayaa ruuxa calafkiis noqon kara,sida; dhar, guri, beer, haweeney iwm. Dawlad baa wax calfan karta, koox, xoolo, shimbiro iyo naflay kala geddisan baa wax calfan kara oo ku tagi kara. Siyaasad-ahaan, Ciidan-ahaan, dhaqan iyo dhaqaale-ahaan , intaba wax waa loo calfan karaa. Waxaase marmar dhacda; in dad ama wax kale oo in la calfaday la mooday laga tashado, ka-dibna ay soo shaac-baxdo in aan la calfan.

     Askar badan oo dagaallo ka qayb-galay, baa waxaa la soo sheegaa; in uu cadawgoodu dilay oo uu mowdku calfaday, markaas baa haweenkood asaay loo saaraa, ka-dibna la dumaalaa ama la guursadaa, ubadkoodiina agoon baa loogu yeeraa oo madaxaa loo salaaxaa.  

     Dagaalladu markay soo af-jarmaan, ciidammadiina dib u soo kala gurtaan, baa waxaa qoysas badan dib ugu soo laabta raggii askarta ahaa ee dagaallada ku maqnaa, lana mooday inuu mowdku calfaday oo la dilay, markaas bay farxad iyo murugo isla-mar dhacaan, oo dadkii qaarkood qosol-gariiraan. dagaalladii caanka ahaa ee 77/78 bay arrintanoo kale dhacday oo aad loo hadal-hayn jiray, dunida dacalladeeda kalena way ka dhacaan. Waxay dhacday dagaalladii 1aad iyo 2aad ee dunida, kii carabta iyo Israa'iil, kii Ciraaq iyo Iiraan, kii Veytnaam iyo kuwo kale oo badan. Calfashadii baa waxay noqotaa;"La-mood noqonse weyday"!!.

     Markii ay dagaallada sokeeye dalka ka qarxadeen, waxaa bilowday, welina socda, inay dad badan oo Soomaaliyeed dalka ka soo qaxaan. Qaar dadkaas ka mid ah baa si joogta ah doonyo uga soo raaca Xeebaha Bariga Soomaaliya, iyagoo u soo qaxaya xagga dalka Yaman, soona raacaya doonyo aan looguba tala-galin rakaab, amaba hawl-gab ahaa. Doonyahaas qaarkood, qiyaas labadiiba mid-ahaan,badda labada dal u dhexeysa ayay ku degaan oo baddaa liqda, halkaasna waxaa ku le'da dad badan oo Soomaaliyeed, si joogta ah bayna taasi u dheceysay 14kii sano ee ugu dambeeyay. dadkaas baddu la takto, waxaa calfada Kalluunka iyo Libaax-badeedka oo ka dherga dhiiggooda iyo uur-ku-jirtadoodaba. Taas oo kale, ayaa sanooyinkii ugu dambeeyay ka dhacday dhawr jeer badda u dhexeysa Woqooyiga Afrika iyo Yurub(Mediterinian Sea), halkaas oo uu kalluunka ku jiraana wax naga calfaday.

     Dhanka kale;Qoysaska faraha badan ee u qaxay Yurub, Ameerika iyo Ostaralia, ayaa waxay la kulmeen calfasho xoog leh oo wax laga calfaday dhinacyada; diinta, dhaqanka, anshaxa, akhlaaqda iyo arrimaha qoyskaba. Qoysas badan baa firxadkoodu soo gaaraa carabaha, qaarkoodna iyagoo neef-tuuraya ayay dalkii dib ugu noqdaan, si aan wax looga calfan.

     dadyow kala geddisan oo Geeska Afrika ka yimaada, oo ay Soomaaliduna ka mid tahay, baa iyagoo caruur iyo haweenba ay ku jiraan isku deya, si joogta ah, inay ka tallaabaan xadka dheer ee u dhexeeya dalalka yaman iyo sacuudiga, iyagoo tahriibaya(Si aan sharciyaysnayn), kuwaas oo niyaysan in ay Sacuudiga nolol u raadsadaan. Waxaa isa-soo-taraya wararka sheegaya, in dadkaas, gaar ahaan haweenka iska yaacaya iyo kuwa badanaa la qaldo ay si fudud calaf ugu noqon karaan, darawallada wax tahriibiya, dallaaliinta iyo qaar kale oo aan Alle ka baqayn oo jooga xuduudaha. Waxaa aad loogu baahan yahay in qaxa iyo laab-la-kaca xagga socdaallada ah, la turxaan-bixiyo, lagana taxaddaro, walow ay taasi ka sii waajibsan tahay in arrimaha sababaya meel looga soo wada jeesto, si ugu yaraan loo xakameeyo, si aanay dawladaha, dadyowga kala geddisan, kalluunka, iyo duur-joogtuba aanay wax nooga calfan.

     Waxaa  lagama maarmaan iyo masuuliyad saaran ruux kasta oo Soomaali ah inuu ka gilgisho, ka dhiidhiyo, ka-damqado, kana dagaallamo waxa dalka ka dhacaya , gaar ahaan dhicidda , gurashada iyo calfashada khayraadka kala geddisan ee badaheenna, halkaas oo ay dawladuhu xaalufin nagu hayaan, sida ay u xaalufiyaan una calfadaan; duur-joogteennii, dhirteennii iyo hantideennii kala duwanayd oo dhan, walow, ay ayaan-darro tahay in ay falkaas  ku lug-leeyihiin dad Soomaaliyeed, waana marka ay Soomaalidu tiraahdo; geed baa yiri;" Masaar-yahay ima aadan goyseen, hadduusan gabalkay kugu jirin".

     Qaababka calfashada waxaa ka mid ah;tan siyaasadeed; Dawladaha Isticmaariga ah ayaa ku adeegta casrigan, in ay dad siyaasad ahaan u calfadaan, si ay danahooda gaarka ah uga qunsadaan dalalka ay rabaan oo muraadka ka leeyihiin, waxayna ka muuqataa Ciraaq, Afganistaan iyo kuwo kale...Xilliyadii ay Afrika, Aasiya iyo Laatiin Ameerika ka socdeen dhaqdhaqaaqyada Gobanimo-doonka, canaasirta waddamadaas u dhashay, hase yeeshee, la -jaal ahaa oo uu siyaasiyan u calfaday Isticmaarku, ayaa taako, caqabad iyo carqalad ku ahaa Halganka gobanimo-doonka dalalkaas, guushuse, waxay ku dambaysaa xagga gobanimo u dirirka iyo kuwa waddaniyiinta ah .

     Waxaan iyaduna dab yar shidayn calfashada xagga diinta, oo masiirkeedu janno iyo naar middood yahay. Shacbiga Soomaaliyeed waxaa badanaa la aaminsan yahay inuu 100% muslim yahay, hase yeeshee, waxaa sanooyinkii ugu dambeeyay soo baxayay kooxo caddaystay kirishtaanimo oo hay'ado iyo dawlado ku tiirsan, kuwaas oo aad ugu dadaala in ay dad badan oo Soomaaliyeed  naga calfadaan.

     Haddaba, waxaa loo baahan yahay in aynu awooddeenna xagga caqliga, muruqa ,aqoonta iyo maaliyaddaba isugu geyno la-dagaallanka calfashada qaababkeeda kala geddisan ee nagu socota, dhiig-baxana nagu wadda,taasoo ugu dambaynta keeni  karta in  guud ahaanba nala wada calfado dad iyo dal ahaanba,  waa  in aynu u midowno maslaxadda  guud ee dalka, sida ay diinteennu qabto, hobollada Waaberina ugu heeseen;" Tumaatida dhexdeenna iyo intaad waranka tuurtaan, ka-tashada cadaawaha oo isku tiirsanaada...".
       
WQ:- Muxyaddiin M.Kaalmoy
Email: kalmoi@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: March 11, 2007



 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com