SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


BAASABOOR GUBE( ROOTI)!!!!! 

sahid mohamed yusuf
sahid_yusuf@yahoo.com
USA,VA

Maqaalkaan oo ah jawaab aan uga jawaabaayo gabar soomaaliyeed oo uu dhibaayo xaalka maanta ka taagan wadankeenii Soomaaliya kadibna ay su,aal na soo dhex dhigtay ah:

So who has the SOLUTION? and PLEASE PLEASE PLEASE !!!

Maqaalkaan ayaan uga jawaabay ee dhuux akhristaheygoow sidii aad u dhuuxdeen maqaalkeygii ugu danbeeyey ee Nuuradiin waa oday soomaaliyeed !!! oo runtii akhrisyayaal fara badan ay bogaadintooda iiga soo direen all over the world, kuwaas oon u mahad celinaayo kuligood iyo ruuxii isku dayey in uu akhriyo haddana fahmo!!!

ugu horeyntii wallaasha oo la yiraahdo shukri xirsi oon aan la dhalan ayaan xirsi nasiibkeeda, ayaan wixii ay qortay ku bilaabanayaa si aad u fahamtaan arrinka culeyskiisa

kadibna jawaabteydii oo faahfaahsan oo qoddobeysan ahna sidii jawaabtii Nabiyilaah Yusuf nbkh oo kale ee aan ku ekaanin 7 sano oo abaar ah ayaa soo socota kadibna 7 sano oo barwaaqo, se wuxuu u sheegay waxa la sameeynaayo inta aysan abaartu iman iyo markay timaadana sidaas sameeya!!!  
Salamu Alaykum Warahmatulahi Wabarakatu,
 
It is very sad that we can no longer rely on our intellectuals to move us forward. The future of the motherland looks darker and darker each and every day. Just take a look at this reality; the clan elders who at one point had authority, knowledge,and experience are no longer influencial because the clan militias will only listen to Khat and a few dollars. The religious leaders are very few(as the Prophet (pbuh) warned us about) and no one will listen to them because we don't fully follow the teachings of the prophet(pbuh). The mid aged folks who might have been able to successfully complete their studies and are success in their adopted lands will not be listened to because "they don't live in Somalia and don't understand what's the reality on the ground" and ofcourse because "He is that clan and not my clan". The youths etheir don't care about Somalia and are happy with their western countries where they can do whatever they want,or the very few ones that have some good ideas will not be listened to because "they are just kids and don't understand Somali politics,they make things seem too simple, therefore they should just focus on their studies and MAYBE one day when they get older they can fix up Somalia". AND ofcourse the women won't be listened to because "how can a women give me the solution to a man's problem? THAT is a disgrace to my man hood". So since no one wants to listen to no one WHY AM I WRITING THIS EMAIL? BECAUSE I WANT TO WORK WITH ANYONE WHO HAS A SOLUTION FOR MY MOTHERLAND!!!
 
So who has the SOLUTION? and PLEASE PLEASE PLEASE don't let me hear the "we need foreign help" because 1) we have more than enough resources 2)every man looks after his interests,therefore if a foreigner wants to help we have provide a win-win deal for them. 3)NO ONE will help you until you have helped yourself!  
 
Allah knows best and he definitely is THE BEST of planners,
Mahamud-Shukri
 
                                         BAASABOOR GUBE ( ROOTI) !!!!

AL-salaamu caleykum wx wb kuligiin!!!!
 
shukri xirsi iyo dadkii ka horeeyeyba oohinta aad haatan u ooyneysaan wax garadkii soomaaliya what they call ( intellectuals) horaan ugu ooyay waa Nov 1992 mar aan ku mudahaaraday Soomaali ila nooleyd oon qoorta soo gashaday Bayaan uu ku qoran yahay( marna rashiid marna risaaq aar inta kale ma rootiyaa!!!! no more old fashion politicians)
Shukri waxaa ii muuqday maalintaas in ay Soomaaliya badbaadin karaan dadkii wadanku 50kii sano ee ugu danbeeyey dalku wax soo baraayey ee buugta iyo qalimaanta dhameeyey !!! taas ayaanan u arkay in loo kaco oon shiribka hore ugu soo daliilsaday anigaa dadkaas ka wada in ay Rooti yihiin ooysan wax tar laheyn !!!!waxaan waayey ruux i yiraahda waan kugula jiraa oo lanbar labo waa aniga ee maxaan qabanaa??? kii ugu fiicnaa wuxuu i yiri wax sax ah ayaad ka hadleysaa ee meeshaada ka sii soco!!!!
waan niyad jabay oohintaydiina waan ceshtay dadkaygii ayaan dhinac ka raacay!!!!
Sanaduhu wey is cirbiyeen 2000 ayaa anigoo shir ay soo diyaariyeen wallaalo isku magacaabay Israaca oon ka mid ahaa ay ku qabanaayeen washington DC ayaan waxaan isku aragnay nin mudaharaadkeygii 1992 joogay wuxuu igula soo booday:
( Ninyahow maalintii aad warqadda shafka ku soo xiratay waxaan moodaayey in aad khafiiftay se maanta waxaan garwaaqsaday in aan Rooti nahay ) waxaa ku qoslay dhalintii aan la joogay oo ayaguba Rooti ii yaqaanay markaan guubaabinaayo !!!
Halkaas waxaan ku dareemay in aan aniga xataa Quustay ee haddii aan ilaa waagii arrinka sii wadai lahaa in aan dad kasban lahaa se nin quustay iga dheh.
waxaan kaloo ogaaday in dhibaatadu dadka bisleynayso oo maalinba ruux ay agtiisa joogto, sidey haatan adinkaba idiin taabaneyso !!!!.
Shukriyeey wali waxaan kula qabaa in ay soomaaliya xalkeedu ku jiro dadka dalku wax soo baray ee haddana nasiibka u yeeshay in ay dalalka debedda ay ku noolaadaan ooy expierence noloshooda ah ay ka kororsadeen taas oo qaar badan wax loogu qaban karo soomaaliya!!!! Ukhtii oohintaadu wey i dhibeysaa se dhago wax weeleeyaan ma nagu jiraan.
Maanta weli fursadii wey na hortaal neecaawdii maxaakiimta ayaa na soo martay se wey feyrtay siyaasad la,aan iyo aragti dheeraan la,aan ,talo qaadasho la,aan !!!
Waxaan halkaan ku xusayaa in kuwa haatan keenay tigreega wadankeena in ay khaa'imiin wadan ay yihiin !!! waxa ay ku dhisan yihiinna ee 4.5 waa booli hal booli ahna nirig xalaal ah ma dhasho Soomaali baa ka maahmaahday !!! ma ahan in xukunka lagala wareego ee waa in maxkamad la soo saaro, waxaan soo xasuusanayaa hal ku dheg ku jiray gabaygii C/llaahi Suldaan timacadde allah ha u naxariistee( in aan goroyo cawl uga tagaa waa mid aan go'inne)oo uu ka wado Hashii xorriyadda ee uu u baxshay Maandeeq ee uu libaaxii ingiriiska iyo waraabihii talyaaniga ka soo dhiciyey in uu goray oo ah cawsha ninkeeda oo uu xabashida ku tilmaamaayey dagaalkii 1964 ay nagu soo qaaday ayuu leeyahay it is impossible in aan amxaaro uga tago xoriyadaas, aniga iyo intii ila hal maashana waxaan 2007 leenahay it is impossible in aan tigree iyo xulufadiisa uga tagno !!!!
 
Halkaan waxaan ku soo jeedinayaa fikrad la mid ah tii Rootiga 1992 oo aan hubo ruuxa tigree noogu neceb xataa in uusan sameyn kareynin, balse uu garwaaqsan doono 2020 ama 2050 haddii Allah nolol nagu sugo se anigu maanta diyaar baan u ahay in haddii aan helo 10.000 kun oo ruux oo dabada joogta oo wadankii ila xoreysa in aan fikradaan meel mariyo !!! Tobankaas kun waxaan kaloo rabaa 10.000 oo reserve ah iyo waliba 10,000 oo kale oo resrve ah labada danbe wey na taakuleynayaa dhaqaalo ahaan intaan dirireyno markii nala dhameeyana wey soo galayaan kadibna kuwii seddexaad ayaa soo galaaya !!! ma u maleyneysaan in uu tigree dadkaas u babac dhigi karo jawaabtu waa maya se ogow guri lama dhisi karo ilaa la helo dhagax ,ciid,shamiinto,biyo, dad ka shaqeeya iwm.
fikradeydu waa tan shukriyeey ileen adigaa yiri see Soomaaliya ku badbaadinaa waatan ee fikradeydii oo miskiin ah oon ka sii afeeftay in ay idinku adkaan doonto waa tan:
 
1) waa in la helaa 10,000 oo soomaali ah oo debedda ka tagta oo markay xamar ka degaanba 3000 oo nin oo ka mid ah ay tagaan taalladii Sayidka oo inteey Baasabooradooda ku karooraan taalada horteeda, macna is dul saaraan ku guba halkaas !!! 3000 oo nin oo ka mid ahna inteey taalladii dhagax tuur tagaan ayaguna sidaas oo kale ay baasabooradoodii ay gubaan !!! seddex kun ee kale ay tagaan daljirka dahsoon ooy ayaguna baasabooradoodii ay halkaas ku gubaan !!! kun soo haray waad garaneysaan waa gabdhihii ooy ugu horeyso Shukriyeey ayaguna waxay iska xaadirinayaa taalladii xaawo taako!!!!
 
2) markii xafladaas baasaboor gubiddu dhamaato wadanka adinkaa iska leh no mareykan no yurubyaan noo forieng passaprt at all !!! adiga ayaa wadankaas iska leh soomaali baad tahay soomaaliyana Soomaali baa leh !!!!!
 
3) Bayaan cad oo loo qeybiyo UN,AUO,jaamicadda carabta,EU , oon waliba u dirsaneyno wafuud ayaan ku cadeyneynaa in maalin hebel due date ay Amxaaradu kaga baxdo soomaaliya idilkeed shuruud la,aan.
4) in dawladda xaaraanta ah ee 4.5 ay is Casisho madaxdoodana la soo qabqabto oo maxkamad la soo taago !!!!
 
5)in dawlad cadaal ah ooy ka taliyaan Soomali maniroty la dhiso ooy iskugu jiraan waxgarad intellectuals iyo wadaado siyaasiyiin ah.
 
6) kacdoonkeenaas waa mid nabad ah oon violent aheyn ilaa nalagu qasbo sida haddii dawlad ku sheegu isku daydo in aan sameeyno violant !!!
 
7) uniform keenu waa labadddi go' ee cadaa ee dhaqanka soomaaliya ,gabdhuhuna waa baftadii cadeyd oo xijaab lagu aslay iyo dhaclihii Iyo boqorkii guntiinadii faanto ama kookada aheyd !!!
 
8)intaas waa fikrad ahaan se ma sameyn kartaan marka la fiiriyo wuu adag yahay se waxaa ka adag in aan 10 sano kadib ama 20 sano kadib aan dhagax tuurno ooy wadankaba ay amxaaro iyo tigree la wareegaan haddiise 10,000 keenaas kun ee hore u dhintaan waxaan adduunka uga tageynaa sharaf carruurtii aan ka dhimanayna wey na xasuusan doonaan ama halganka halkaas ayey ka sii wadi doonaan !!! amxaarana candhuufteedii ayey dib u liqi doontaa dhulkeena Soomaaliyana xornimo ayuu ku noolaan doonaa iyo sharaf!!!
 
Haddiise aan maanta ka seexano oo hadal lee wadno hadal haamo lagama buuxsho ayaa la yiri annaguna waan socon kuwa aan debedda ku dhalnayna yurub ayey noqon ama mareykan ayey noqon se haddii ayagoo cilmigii adduunka wata aan wadan uga tagno waan ka faa,ideysan doonaa annga iyo ayaguba !!!
 
9) maantaa goori goor tahay talladaas ha la qaato anniga ayaann a ka kow ah sidii 1992 niyadda ha iga jabinina ,maanta ficil ayaan wax ku xoreyn karnaa hadal iyo donut waxba kuma xoreyn karno yurub dad baa iska leh addoon ayaan ka nahay inkastoon baasaboorkooda wadano ,Mareykan annagu ma lihin addoomo ayaan ka nahay xataa haddii aan baasaboorkooda qaadano !!! nin mareykan ah haddii aan la sheekeysto su,aasha ugu horeysa uu i weydiiyaa waa xaggee ka timid,meeqa sano ayaad halkaan joogtay,ma ka heshay? oo sedexda su,aalood ee aan ugu necbahay in aan mareykan ka sheekeysto ???
waxaan ku jawaabaa xaggee ka timid ?17 sano.what? markaas ayaan iraahdaa that is the answer of second question? Iam one question ahead ... markaas ayey isku xishoodaan !!!
Siyaasad kaalama hadlaayo haddii uu nagala hadlo annagaa uga horeyna ? sports kaalama sheekeysanaayo haddii uu damco annagaa kaga horeyna oo xataa soccer baan uga sheekeyn laheyn,dhaqaale annagaaba Dubai u dhaw se markuu accent-kaaga arko waa in uu seddex su,aalood oo ay isku soo dardaarmeen ay kugula soo noqdaan!!!!
Taas waxaan ka wadaa gun ayaan ku nahay Baasabooradaan aan heysano marka annigoo qaawan oo gaajeysan oon la i midab takooreyn in aan geel liq iyo hoobaal iyo maano kheyrto ku dabaasho, oo koodkana xandal iyo bajiyo ka soo gato, oo balbalada xamar weyne rooti ka soo gato oon moos dhex gashto oon cantuuga ayaa igaga fiican in Mareykan iyo Yurub la igu addoonsado tigreena uu liido ku dabaasho ,ugaandhana Bootiko iyo maayo moorto ku dabaalato,talyaaniguna Jaziiro iyo mooskii shalaanbood ku dalxiiso.
 
waxaan Maqaalkeyga oonan maqaal ugu tala galin se aan oohintii shukri uun ka jawaabaayey se uu ila dheeraaday haatanse aan maqaal ka dhigaayo ayaan waxaan ku soo gabagabeynayaa : in aan helo koox sida kooxdaan aan e-mail wadaagga nahay oo maanta Soomaaliya ka badbaadisa jidkii ay falastiin martay 1918 oo intii wadankoodii laga qaatay maanta dhagax tuuraaya se 1918 wadanka haatan israaiil la dhaho khariidada kuma jirin 1948 baa la sameeyey kadib qorshe uu dajiyey maalqabeenkii Hartzl 1898 oo uu yiri 50 sano kadib waa in aan falastiin dhul yuhuud ka dhisnaa !!! falastiin tagtay waxaanse hadda ka digayaa Soomaalistiin oon u jeedo in 20 sano kadinb aan dhagax tuuri doono waa haddii aan fikradeydaan oo- under construction- ah aan la ebyin!!!!
 
                                                 fii amaani laah !!!
sahid mohamed yusuf
sahid_yusuf@yahoo.com
USA,VA 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh afhayeenka xisbiga Ramaas.

Faafin: March 19, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com