SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: May 1, 2007

  • Sheikh Shariif Sh. Axmed Iyo Shariif Xasan Sh. aadan Oo Sheegey Inay Bedeleen Kaartadii Dagaalka Xoogaga Wax Iska Caabintu.
  • Taliyaha Ciidamada Ugaandha Ee Muqdisho Jooga Oo Ku Baaqay In Gar-gaar Loo Fidiyo Dadka Barakacay .
  • Hayada Steadfast Voluntary Organization (SVO) oo deeq isugu jirta Cunto, dhar, wiciyad iyo bacaha roobka gudoonsiisay Qoysas kasoo barakacay dagaalada Muqdisho.
  • USA Congressman Payne Asks Mogadishu: Another Darfur  

Sheikh Shariif Sh. Axmed Iyo Shariif Xasan Sh. aadan Oo Sheegey Inay Bedeleen Kaartadii Dagaalka Xoogaga Wax Iska Caabintu.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytyin@hotmail.com

Bayaan ay Si Wada Jir Ah Isniintii (Apr 30, 2007) Uga Soo Saareen Magaalada Asmara ee wadanka Ereteria gudoomiyihii hore baarlamaanka ee xilka laga qaaday shariif Xasan sheikh Aadan iyo Gudoomiyaha Golaha Fulinta maxaakiimta islaamiga soomaaliyeed Sheikh Sharif Sheikh Axmed ayaa lagu sheegay in Xoogaga wax iska caabinta dagaalka kula jiray ciidamada xukuumada Ethiopia ay Bedeleen xirfada Dagaalka,isla markaana uu sii socon doono halganka lagula jiro cadowga iyo gumeysiga Ethiopia ee ku soo duulay dalka Soomaaliya waa siday hadalka u dhigeene.

Bayaanka ayaa ka koobanaa 7qodob waxaana ay kaga hadleen xaalada uu iminka Ku sugan yahay dalka soomaaliya iyo dhibaatooyinka ka jira caasimada soomaaliya ee muqdisho.

Waxaa sidoo kale Bayaan lagu cambaareeyay Doorka Beesha caalamka arimaha soomaaliya ay ka aamuseen iyo weliba dhibaatadda bani aadamnimo ee ka jirta dalka soomaaliya.

Labadan masuul ayaa bayaankooda waxa kale oo ay ku dhigeen in umada soomaaliyeed ay ugu baaqayaan meel kasta oo ay joogaan iney u midoobaan Dagaalka lagu xoreynayo dalka iyo dadka soomaaliyeed waa siday hadalka u dhigeene .

Si kastaba ha ahaatee bayaanka ay wada jirka usoo saareen shariif xasan sheikh aadan iyo weliba sh,shariif sh,axmed ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay magaalada caasimada ah ee muqdisho ay hada xasiloon tahay islamrkaana ay guud ahaan maamusho dowlada FKMG ah oo kaashaynaysa ciidamada xukuumada Ethiopia .

Taliyaha Ciidamada Ugaandha Ee Muqdisho Jooga Oo Ku Baaqay In Gar-gaar Loo Fidiyo Dadka Barakacay .

Taliyaha Ciidamada Uganda ee muqdisho ku sugan Gen, Katumba Wamala oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya ayaa ku baaqay in gar gaar lala soo gaaro dadka ka barakacay magaalada muqdisho islamrkaana carabka ku balaariyey inay jirto masiibo bini’aadaminimo oo baahsan.

Gen,Katumba oo booqosho uu ku maray qeybo ka mid ah magaalada muqdisho iyo weliba meelaha dadku u barakacay ayaa ka war bixiyey sida ay dadka soomaaliyeed ay u dhibaatsyan yihiin islamrkaana ugu baaqay hay,adaha caalamka ee deeqda bixiya inay gar-gaar la soo garaan dadka shacabka ah ee dhibaataysan .

General Katumba Waxa uu sheegay inaysan aheyn waqtigan waqti loo dabaal dego inuu Dagaalkii dhamaaday ,isla markaana loo bahan yahay in wax badan la qabto dadka shacabka ah ee barakacay si loo dhameystiro san -saankii loo abuuri kalsooni ay hesho dowladu iyo in la caawiyo dadka lana abuuro isfaham ka dhex dhasha kooxaha kasoo horjeeda dowlada KMG ah iyo dowlada KMG ah .

Sidoo kale Ge, katumba waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in Soomaalidu wada hadasho si xal waara loogu helo KHilaafka ka taagan dalka soomaaliya, iyaguna ay ku caawin doonaan inay abuuraan jawi fududeyn kara wada-xaajoodka.

General Katumba waxa uu ku baaqay in kalsooni la galiyay xoogagii la dagaalamay Ciidamada Ethiopia iyo Kuwa dowlada KMG ah.

Generalka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri waxaa dhici kara xoogaga hubeysan inay sameeyaan Dhac ,Dil iyo aargoosi,iyagoo raadinaya iney nabad galaan,qaarkood ayaa dhaawac ah,waxaana Muhim ah in la soo dhaweeyo oo lagu Biiriyo ciidamada dowlada KMG ah si kalsooni loo abuuro.

Si kastaba ha ahaatee gen,katumba ayaa ugu baaqay hay,adaha deeqaha bixiya iyo caalamka hore maray inay gar-gaar bani aadamnimo u fidiyaan dadka soomaaliyeed ee ay dagaaladu aafeeyeen islamrkaana loo abuuro jawi nabadeed.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Hayada Steadfast Voluntary Organization (SVO) oo deeq isugu jirta Cunto, dhar, wiciyad iyo bacaha roobka gudoonsiisay Qoysas kasoo barakacay dagaalada Muqdisho.

 

Sidaynu maskaxda kuwada hayno dagaalkii hubka laysu adeegsaday ee ka dhacay muqdisho oo soconayey 9 maalmood waxaa uu bilaabay barakac balaadhan oo cusub oo aan hore loo arag oo keenay xaalada aadmanimo oo aad u xun.

Sidaas darteed in badan oo ka mid ah dadka barakacay waxay ka gudbeen xuduuddaha dawladaha deriska ah, halka qaar kalena ay dalka gudihiisa ku barakeceen dhumucdiisa awgeed iyo xadgudubka macaluush iyo cudurada ku dhafan.

 











 

Si kastaba ha ahaatee, Lascaanood oo ah magaalo madaxda Gobolka Sool waxay ka mid tahay meelaha ay soo gaadhaan dadka soo barakacay. Xaqiiqdii dadweynaha reer Laascaanood aad bay u soo dhoweeyeen waxayna ku soo dhoweeyeen gacmo furan ilaa heerna si fiican ayay u marti geliyeen.                                       

 Hadaba iyadoo laga duulayo tirakoob sahan ah oo Hayadda SVO samaysay tirada dadka soo barakacay maalinba maalinta ka danbaysa kor ayay u kacaysaa. Waxaana ilaa hadda la diiwaan geliyey 15 Qoys ( 120 qof) oo u badan haween iyo caruur yimi 20 kii cisho ee u danbeeyey hase yeeshee waxaa shaaca laga qaaday in ay magaalada ku firdhisan yihiin.

 










 

Waxaa in taas raaca SVO oo ah Hayad wadaniya oo ka shaqaysa taageerida iyo u samafalka dadka jilicsan kuwa ku nool meelaha go’doonka ah ayaa u fidisay 15 qoys oo soo barakacay deeq isugu jirta cunto, dhar, weel iyo bacco.  

Qaybinta deeqdaas waxaa lagu qabtay xafiiska hayadda SVO ee Laascaanood iyadoo goob joog ahaa duqa magaalada Laascaanood Mudane Cabdiraxmaan  Jama Adan.

 











 

Dhamaan dadkii munaasibadaas ka hadlay waxay ugu baageen dadweynaha reer Sool inay soo dhoweeyaan dadka ku soo barakacay dagaaladii ka dhacay Muqdisho. 

Ugu danbayntii waxaanu la socodsiinaynaa beesha caalamka iyo qurbajoogta kana codanaynaa inay indhaha ku hayaan xaaladda aadaminimo ee dadka soo barakacay isla markaasna ay qaadaan talaabooyin kor u  qaadida awoodda wax loogu qabanayo dadkaas iyadoo lagu salaynayo xuquuqda aadamaha.

Waxaanu soo jeedinaynaa in kaalmada la siinayo dadka soo barakacay lagu saleeyo nidaam shabakadeed oo  ka dhaxaysa dhamaan inta ay khusayso.

 













Cabdikariin Siciid
awcabdi2@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 1, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com