SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

HARDANKA HALYEY GUMAYSI DIID AH IYO DABA-DHILIF HEERYO GUMAYSI DOON AH

Hasha aan Amxaarada dufta leh duhurki eedsiinney, Kuubana hub darandoorri dhaca kula damaashaadshey, Hasha Ruush dabbaabaadka culus Dirir-Dhabe u keeney, haddaan dunida qaarkeed na dhihin dib uga soo laabta, dirqaa looga gaaree baqey dabada taageene, inaan mawdku daynayn rag ogi dulun ma qaataane!.

Erayadaas waxaa yiri C/lle Raage Taraawiil oo ay isku beel ka soo jeedaan nin ku qudbeeyey ‘Caanaha iyo biyaha ayaan ka daba qaadaynaa Itoobiyaanka’ marka ay dagaalka gumaadka ah kula jiraan dadka Soomaaliyeed. Way adag tahay in la rumaysto in hadalladaas uu yiri nin isu haysta inuu yahay Soomaali weliba hoggaamiye xil qaran sida. Maxase loola yaabayaa miyuusan dallacaad ku mutaysan?.

Itoobiyaan, Amxaaro ama Xabashi middaad doonto dheh miyaan ahayn cadawga keliya ee weligeen naloo sheegi jirey ee Soomaali taqaanney ayna lahayd. Dagaallada Muslim iyo gaalo ee soo jireenka ah, markii dunida Muslim iyo gaalo loo dirirey boqollaal sano ka hor, Amxaaro miyaan nalaku soo aaddin? Axmed Gurey yuu la dirirey? Sayid Maxamed yuu la dirirey? Labadii dawladood ee Soomaaliya yeelatey intey calan lahayd qaranna ahayd miyeysan Itoobiya la diririn? Miyuusan ahayn Menelik ninkii Shirkii Baarlin kala boobkii iyo qaybsashadii dhulka Soomaaliyeed kala qaybgaley dalalka Galbeedka welina haysta dhulkaas? Goormaa nin Soomaaliyeed oo hoggaamiye sheeganaya uu Amxaaro dalkeenna ku soo duushey oo dadkeenna laynaysa uu biyo ka daba qaadaa?. Daba-dhilif heeryo gumaysi doonaya iga dheh!.

‘Reero guurey ninba haayad hay, kala fogaa fool iyo lulmo!!’ Ayaa laga soo weriyey inuu yiri Sayid Maxamed C/lle Xasan Allaha qabrigiisa raxmad haku siiyee, Geesigii Gaalada iyo Gumaystaha caddaan iyo madowba leh cududdiisa iyo carrabkiisaba kula dirirey.

Waxa la yiri Sayidka ayaa intii aanu halganka billaabin maalin soo marey koox Soomaali ah oo geed hoostii loogu garnaqayo, waxaana socotey dood kulul oo garnaqsi iyo rag iska-celin isugu jirtay oo rag is hayey ay tolkood u garnaqayeen. Markii uu cabbaar dhegeystey dooddii ayna yara qabowdey oo dadkii miyirsadeen ayuu la hadley raggii meesha fadhiyey, oo wacdiyey kana sheekeeyey waxa cadawga dalka soo galay uu wado, isaga oo ku tir-tirsiiyey in lama huraan ay tahay in Jihaad guluf ah laga billaabo geyiga Soomaaliyeed si gumaystaha iyo gaaladaba loo eryo. Markii uu hadalka dhamaystey ayaa nin odayaashii ka mid ah oo hadal yaqaan ahi la hadlay Sayidka oo markaas aan sidaa loo aqoon. Wuxuuna yiri “Horta hadalladaadu ma xuma oo runbaad sheegtey, waxaanse ku weydiiyey, Ciidanna nin baa kaala socda, hubna ul baad ka sidataa, ee maxaad kala hortegeysaa ood kula dagaalamaysaa dawladdaas Ingiriiska. War wadaad yahow, waa dhaqannahaye hanna rogin? Ayuu odaygii oon garan xannuunka heeryada gumaysi oo caqligiisa hadlaya kula taliyey Sayid Maxamed. Taladaas uma guuxin, Mana aysan niyad jebinin, waxaase Sayidka uu ka sii qaadey qiiro gumaysi nacayb ah. Isaga oo cabiraya sida ay u kala fog yihiin hadallada odayga talada siinaya Sayidka iyo hammiga weyn ee ku jira ee uu doonayo inuu cadaawaha kala hortago ayuu Sayidku yiri “‘Reero guurey ninba haayad hay, kala fogaa fool iyo lulmo!!, War ciidanna dhulkaagii baad joogtaa oo ciidda ayaa kuu dagaalami, hubna isagaan ka furanaynaa oo kula dagaalamaynaa’. Halyey heeryo gumaysi diid ah iga dheh!.

Sidaas oo kale ayaa dood micno ahaan taas u dhow waxa guri ku yaalla magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ay ku dhex martey koox rag ah oo isku beel ka soo jeeda balse laba qaddiyadood kala aamisan. Dhowr nin ayaa ninba markiisa hadlay iyaga oo isku dayaya inay u caqli celiyaan Xaaji Abuukar Cumar Caddaan waxayna ugu yeereen inuu iyaga [Imbaghatii] la shaqeeyo, waxa uu doonayana uu heli doono oo la siinayo haddii uu soo raaco. Ballanqaadka ugu weyn ee ay siin karaan kama weyna xoogaa lacaga ama qandaraasyo, mana oga waxa ay gadanayaan inay tahay qarannimadii dalkooda iyo Diintii ummaddooda. Mana dareensana heeryada gumaysi ee ay doonayaan. Xaajiguse isaga oo og cadawtinnimada Itoobiya ay Diinta u hayso iyo heeryada ay nala doonayso ayuu ku gacan seyrey. Markii dooddii sii kululaatey oo is mari waa gaarteyna waxaa la isugu goodiyey ‘Itoobiya haddii aysan dalka ka bixin xoog ayaa looga saarayaa? iyo Itoobiya miyaad iska dhicin kartaan, maxaadse kula dirireysaan? Iyo Itoobiya Taangiyada ayaan ka furanaynaa. Isla ninkii yiri Itoobiyaanka biyaha ayaan ka daba qaadeynaa ayaa mar dambe si jees-jees ah hadalkii Xaajiga ugu jawaabey ‘Haddii Taangiyaal Itooboiyaan la qabsanaayo waa loo joogaa’.

Hadalladaas la is dhaafsadey waxay astaan iyo tilmaan cad u yihiin mawqifyada ay kala istaageen dadka Soomaaliyeed oo u kala qaybsamey kuwo maalin kasta la hantaacaya ‘Itoobiya waa dal aan walaalo nahay’ iyo ciidamada soo duuley oo lagu sheego ciidamada aan saaxiibka nahay iyo dadka caadifad beeleed darteed kula saftey oo difaacaya shaqasiyaadkaas damiirlaawaaysaasha ah. Waxaa kuwaas ka hor jeeda oo hareer socda kuwa qaddiyada diintooda iyo qaranimadooda inay cadawga ka difaacaan aan marna ka waabanayn oo hub kasta oo ay heli karaan iyo wax kasta oo ay haaban karaanba kala hor tegey cadawga. Labadaas kooxood waxa kala hoggaamiya HALYEY GUMAYSI DIID AH IYO DABA-DHILIF HEERYO GUMAYSI DOON AH.

Waxaa Qorey

C/qaadir Gutaale
guutaale99@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 1, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com