SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Siinleey Sax iyo Qalad

Gendisch
Rolesville, NC
USA
Gendisch@aol.com

Gabayga waxaan tiriyey markaan la yaabay sida ay ciidamada tigreedu U qabsadeen qarankii soomaliyeed , oo ka dhigeen mid ay farta ugu yeeraan marka ay doonaan , sida puntland ito Somaliland, iyo mid madaafiiic ay ku garaacaan oo aanay marana ugu arxan falynin dadka soomaliyeed ee xasuuqa loogu geystay muqdisho, sida soomalida loo kala qaybiyey ee qaarkood aanay kala jeclayn in amaxaaro timaado muqdisho iyo inkale  qaarkalena ku faraxsan yihiin oo la leeyahay idinka idiima socono ee raali naga ahaada , qaarkalana ay wali ka aamusan yihiin si aanay u lumin dano gaar ah oo qabiil ama degaan , waxaa kale oo aan aad ula yaabay aamusnaanta faanaaniinta soomaliyeed iyo abwaanada oo ay ku jirto  xagal daac aad u wayn meeshii dadka laga guubaabin lahaa siday gabay geeraar iyo heeso lagu  garab geli lahaana uu afkoodii juuqda gabay qaarna ayba dowlada dhabalifka ah lacago u ururuyaan ay  shacabka ku gumaado, iyagoo bandhigyo ka sameeyey, Washington DC, Columbus , ohio iyo meelo kale oo badan oo wax sidee wax u wadaan tirinna aanay jirin. Waxaa uu yiri

  1. Sahal iyo   siyaadoow 
  2. Siinleey   maanta   ah
  3. Salalkeedii waxuu yahay
  4. Saqiirada la gowracay 
  5.  *
  6. Saakay waa sagaal dhalad
  7. Saacadu waa sarbeeb culus
  8. Sedex bay ku joogtaa 
  9.  *
  10. Ninki    Beel sugaayoow
  11. Hashu waa sideed magan
  12. Soofani muu garan
  13. Mana aad sugeeysaan 
  14. *
  15. Ninkii hadalka suubsaday
  16. Iyo soonaafkaa  ciya
  17. Midka soorta dhaafsaday
  18. Dareenkoodu waa sugal 
  19.  *
  20. Saldanadu fogaa naar
  21. Iimaan ninkii sida
  22. Iyo sulux ninkii wada
  23. Taladoodu waa sabar 
  24. *  
  25. Ninkii saacad iga maqan
  26. Kii socoto igu mara
  27. Hadalkoodu waa sacab 
  28. *
  29. Saqiir gowrac weeyaan
  30. Suufigi walaalkaay
  31. Seeftayda kuma dayo 
  32. *
  33. Kii soori qaadana
  34. Salibiyiinta kuma daro.
  35. Sixir saabsan weeyaan 
  36. *
  37. Ragii cadow sukili jiray
  38. Meeyay saamahoodii
  39. Sir maqabe alloow sheeg
  40.  *
  41. Yaasiin*1 ninkii siday
  42. Garabkiisa saakimay
  43. meeyey Geele sabaqii*4
  44.  *
  45. Garamgramki ninkii sugay
  46. Kii sool ka dhaansaday
  47. Yaa cadowgi la saantiray ?
  48.  *
  49. Blaagii*2 sunta ahaa
  50. Sabaxada ku yiri Doon
  51. Salaadana ka dabawaday
  52. Meeyey Guure salabeey
  53.  
  54. Ninkii talo sugaayoow
  55. Saakay geeri weeyaan
  56. Dumarkii sublaaleey
  57. Kaniicadu ku suugtaa
  58.  *
  59. Caruurtiina  saqiirnimo
  60. Waayeel salkii gabe
  61. Hurdadaay ka salalaan
  62.  *
  63. Nimankii Salaad iyo
  64. Guutaale saakiray
  65. Qaybdiid   ma sugayaan
  66.  *
  67. Somaal ninkii dilay
  68. Amxaarkana suubsaday
  69. Soortiisu waa haran
  70.  *
  71. Magac bay sugeeysaa
  72. Ragbaa suuradoodu
  73. Rajadoodu salaglaayn
  74.  *
  75. Garfuul saakay maanta ah
  76. Rabibaay sugeeysaa
  77. Iyo   saacid   madar-kicis
  78.  *
  79. Hiiraan kuwiii siday
  80. Qofna saanad  kama ridin 
  81. amxaarbaa salkii dhigay.
  82.  *
  83. sideed saacid lagu daray
  84. sumal iyo sumeeyntii
  85. soortooda laga dhigay 
  86. Sici wayshi laga reeb 
  87.  *
  88. Sarti   Hooyo laga jaray
  89. Sedexbeey  sagaal  dhigi
  90. Sodonkana    sabuul haad  
  91. Surad baa   kifaar sidi
  92. Boqolbaa siddeed  maqan
  93. Saacad baa nusqaan noqon
  94.  *
  95. Sadarkaa ka buuxsami
  96. Salsal  baay warkeed noqon
  97. Diraceedu waa sabi.
  98.  
  99. **** 
  100. Sahal ina  siyadoow 
  101. Siinleey   maanta   ah
  102. Salkeedii waxuu yahay
  103.  *
  104. Wadankii    salkii Furan 
  105. Saado calanki tuurtoo
  106. Sacabkii u sidaa yeey
  107.  *
  108. Sangubkii*6 sarkaal sare
  109. Soomali u dhaxeeyn jiray
  110. Sabarkiisu waa doow
  111.  *
  112. Awalbaan salugoo
  113. Intuu hooyo sabayo
  114. Hargeeysaa u salax tagay
  115. Salaadiinti naafiyey
  116.  *
  117. Axmed*11 kii  siloonaa
  118. Cigaal soofe hoyoo
  119. Saca maqan na santiray
  120. Soofkiisu dheeraa
  121.  *
  122. Nakruumada*7 sideedii
  123. Aan qabiilku salax iyo
  124. Waligeed suntaynoo
  125. Ciidamada ku saabneed 
  126. Sakaraad la tahay beri
  127.  *
  128. Magool saaxib  lama noqan
  129. Marki ay sagaal dhalad
  130. Dalkii kala sifeey tiri
  131.  *
  132. Heestana ku tiri   saar
  133. Aaway waligii soomaal
  134. Geela wada sunteey jiray
  135.  *
  136. Siinleey sax iyo qalad
  137. Sabarada ka xiri jiray
  138. Murti kale saafi  jiray
  139.  *
  140. Idaajaa *8 surinnka laga Waa
  141. surta xaajow laga eeg
  142. Hadraawina*9 sabuur   noqay
  143. *
  144. Midaan sookac oranayn
  145. Fikirkana siraaxeeyn
  146. Suuldadabna wuu jiray
  147. *
  148. Sirmaqabe amiinkii
  149. Hooyo muufo sarinkii
  150. Miyaa saamax laga yiri
  151. *
  152. Barre leento *9 samirkii
  153. Soofihii    Amuuraha  
  154. Siriqweyn  Ma loo dhigay  
     
     
  155.  
  156. ***********
  157.  Sahal ina  siyaadoow 
  158.  Siinleey   maanta   ah
  159.  Salkeedii waxuu yahay  
  160.  Somaal la kala saar 
  161.  * 
     
  162. Midba geed xun lagu saab
  163. Sibirkii   berbara iyo
  164. Hargeesiyo  sabaaxdii  
     
  165. *
  166. Saakay waa dhul suulxaaf
  167. Ninka saawdka kaga yimid
  168. Addis baa ka sama roon.
  169. *
  170. Boosaaso sibiqdeed
  171. Caruurta la saraa
  172. Gacmaha laga soohaa
  173. *
  174. Badda lagu sukeeyaa
  175. inta uu saqdii dhaxay
  176. mowjadaha saragleeyn
  177. *
  178. Kuwa sucuudi kaga yimid  
  179. Haraadkana la sabaqleeyn
  180. Ninki suuradiisiyo
  181. Beeshiisa saban iyo
  182.  *
  183. Magaciisa saafiyaa
  184. Soowdka baladkii hooyo
  185. Lagu kala sifeeyaa
  186. *
  187. Ma salaad ileeybaa
  188. Guraadkii ina siciidaa 
  189. Kii saadka haystaa
  190. Lagu kala siraaxaa
  191.  *
  192.  Samo rabi u diidoo 
  193.  Suulxaaf intuu  dhigay
  194.  Sinadhaqo kayeel baa  ? 
  195.  *
  196.  Walee sowdku waa nabad 
  197.  Dalkoodeey sugaayaan
  198.  Marka  waa sideedii  .
  199.  *
  200. Burco saakay waa surin
  201. Qaxootigu siraadiyo
  202. Nafta loola dara kaco
  203.  * 
     
  204.  Sanaagbaa ku biirtoo
  205.  Dhahar saakay wadatoo
  206.  Laaskii sugbeey noqon.
  207.  *
  208.  Yey tiro sugeeysaa
  209.  Codka lagu sabaayaa
  210.  Amxaarkuna siraayaa
  211.  *
  212.  Sahal waaye taasuye.
  213.  Waa ina sureer cali
  214.  Dhiigsokeeye saakime
  215.  Saqiiradana gowrace
  216.  *
  217.  Gablan saamihii diid
  218.  Caro lagu sileeyoo
  219.  Taladiis sun  bay noqon
  220.  *
  221. Sabarlaawe reer mudug.
  222. Miyaa laga sugaayaa
  223. Sokeeyaha ha daafaco
  224. *
  225. Somali wada sime
  226. Baa sare u soo bixi
  227. Damiirkuna sar wuu iman 

Magacyada: 

  • *1 Col. Ismaaciil yaasim
  • *2 bLaak ?  Col. Abdilaahi  samatar
  • *3 Gramgaran.  Col Farah M. Gacal
  • *4 Geele sabaq   * Mujaahid soomaliyeed 
  • *5 Saado : Saado cali warsame
  • *6  SUNGUB-Maxamoud cabdilahi sungub
  • *7 Faaduma cali nakruuma
  • *8  Ahmed faarah cali adiaajaa.
  • *9 Mahamed ibraahim warsame hadraawi
  • * 10 Barre Maxamed fiidow “ barre lento “
  • *11  Axmed cali cigaal
  • *12 Amiin . Cabdi maxamed amiin 

Rolesville, NC
USA
Gendisch@aol.com

Qoraaladii hore... Gendisch.....

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 1, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com