SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

CABDI QAYBDIID "DHURWAA HILBO KU RARO"

Waxaa jira maahmaaho aad la yaabayso markaad fiiriso siday u tilmaamayaan xaaladda taagan ee markaas qof ama bulsho ku sugan yihiin. 

Waxaan soo xusuustay maahmaah soomaaliyeed oo oranaysa: col ku dhacyoo tuugo kuu ciidamisay.  Waxaa iyadana jirta oraah aan maahmaah ahayn hase yeeshee maahmaahda aan soo sheegnay xiriir xagga micnaha ah la wadaagi karta si haddii loo fiiriyo, oraahdaas waxay tahay: dhurwaa hilbo ku raro.

Xaaladda murugada leh ee shacabka iyo ganacsatada caasimaddii Soomaaliyeed ku sugan yihiin waqtigan maanta la joogo waxaa ku dhacay wax ka ka sii wayn “col ku dhacyoo tuugo kuu ciidamisay”.


RaabehDr. Raabe oo Yabooh u Diray Soomaalida
Dr. Cumar Cusmaan Raabe oo jooga magaalada Ottawa ee dalka Kanada ayaa... Akhri...


Markii shacabka Muqdisho la gumaaday, dadkii naxariis la’aanta madaafiicda iyo rasaasta hubka culus ka dhacda lagu xasuuqay maydadkoodii qalfoofka noqday ee intii shacabka ka badbaadday fursad iyo waqti maydka ku xabaalaan loo diiday, burburkii ka haray guryahoodii madaafiicda lagu qarqiyay loo diiday inay ku laabtaan kaddib markay nafsaddooda la carareen oo la barakiciyay ka gadaal, intaas dadka Muqdisho markii cadawgu u gaystay kaddib ayaa haddana imtixaan kale dadkii Muqdisho haystaa.

Imtixaankaasi wuxuu yahay, iyadoo aan wali la xabaalin maydadkii dadkii la xasuuqay, ayaa cadawgii ku soo duulay dalka doonayaa inuu ganacsatada Reer Muqdisho kala wareego hubkii qiimaha faraha badan ugu fadhiyay ee badeecooyinkooda iyo nafsaddooda iyo haddii loo baahdo dalkooda cadawga kaga difaaci lahaayeen.

Nimankii magaalada Muqdisho 17kii sano ee ugu dambeeyay qowlaysatada iyo qabqableyaasha dagaal ka ahaa ee shacabka Muqdisho iska eryeen oo ay iska qabteen kaddib markay CIA-da Maraykanka iyo cadawga Itoobiya ka gadeen culimada diinta iyo shacab aan waxba galabsan, nimankii qabqableyaasha ahaa, khaa’iniinta ahaa, aqoon-laaweyaasha ahaa, damiir-laaweyaasha ahaa, Ilaahay aan  ka baqaynin, aadanahana aan xaq-dhowraynin, dadkoodii gatay, diintoodii gatay, dalkoodii gaday, wax Allaale iyo wax wanaag ah aan aqoon lagana rajaynayn, wax agtooda muqaddas ka ah jirin, dhurwaayadaas ayaa maanta cadawga Itoobiya iyo Maraykan ee dalkeennii qabsaday ummaddii Reer Muqdisho u gacan galiyeen, markaasaa maanta waxaa dhacday in ganacsatada Muqdisho hubkoodii ku wareejiyaan Cabdi Qaydiid oo ahaa ninkii shalay shacabka Muqdisho oo ganacsatadu ka mid tahay eryeen maadaama uu khaa’in noqday ummadda iyo dalkaba dambi ka galay. Khaa’inkii shalay oo maanta Taliye booliis ah hubkaada ku wareeji, Allaylehe waa dhurwaa hilbo ku raro. Dadka Muqdisho arrinkaasi ma qabto, hase yeeshee waxaan leenahay Rabbi talo ku filan mar walba.


EHELKAAGA LACAG MA U XAWILEYSAA::: ADEEGSO XAWAALADDA DAHABSHIIL

Waxaan shaki iiga jirin in xaqu mar kastaba baadilka ka adag yahay, qofkii muumin ah oo kaliya ee Ilaahay ugu deeqo garaad iyo xikmad uu ku garto ayuun baa garan kara in xaqdarrada iyo dulmigu shaki la’aan baaba’ayaan xaquna soo hari doono.

Waxaa jira shay aan ku midoobi karo, arrin dhab ahaan noo midayn kara, isku duubni noo keenaya, cadawgeennu ina soo hawaysan karin iska daa inuu na qabsado e, arrinka kaliya ee maanta Soomaalida midayn kara waa Kitaabta Ilaahay oo aan manhaj iyo dastuur ka dhiganno, ku dhaqanno, hirgalinno, ku dhimanno, Ilaahayna la hor tagno.

Xabbadda Muqdisho cadawga injirta lihi ka ridayay iyo madaafiicda lagu baabi’iyay magaalada Xamar waxaa laga soo cabbaynayay aqalka madoow ee Maraykanka looga taliyo. Maraykan xal inooma hayo, Yurub inooma hayso, Carab inooma hayso, Asia inooma hayso, Afrika inooma hayso, xalku wuxuu ku jiraa innaga gacmaheenna. Waan aragnay lixdii bilood muddadii ku sinnayd ee culimmadu Muqdisho iyo Koofurta dalka maamulayeen sida magaaladii Muqdisho iyo Koofurta dalka oo dhan  nidaamka iyo wanaagga iyo horumarku u saameeyeen. Waad aragteen sida dunidu uga marag furtay in wadaaddadu amni iyo nidaam u sameeyeen Muqdisho iyo Koofurta dalka.

Gaaladu waa cadow diiddan in muslimiintu diinta Islaamka ku dhaqmaan, oo muslimiintu danahooda raacdaan. Waana middaas tan keentay in la burburiyo nidaamkii, nabadgelyadii iyo kala dambayntii Muqdisho haysatay lixdii bilood ee Maxkamaduhu ka talinayeen.

Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu ina garansiiyo khayrka ku jira in kitaabka Alle lagu dhaqo muslimiinta, sidoo kale waxaan Rabbi baryayaa inuu ina haleeshiiyo oo na waafajiyo in diinta Islaamka dalkeenna lagu dhaqo.

Maxamuud Axmed
hamzafx@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2007


Sawiro laga qaaday dadka Dhaawaca ah ee ku jira cisbitaalka keysaney ee Muqdisho...

Waxaa soo tebiyey:
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com


SIPJ oo Reer Minnesota oo ugu Baaqay in si Nabad isu Hortaagaan Xafiiska Sen. Coleman...

English Version: Read Here....

SIPJ (Somali Institute for Peace and Justice Minneapolis, MN) waxay reer Minnesota ugu baaqayaan in ay u istaagaan nabad iyo caddaalad dhammaan, si taas loo muujiyona waxay dadweynaha ugu yeerayaan in ay yimaadaan xafiiska Sen. Coleman hortiisa oo ay si nabad ah isu hortaagaan xafiiska si ay u muujiyaan dareenkooda.... goorma: May 4, 2007. Waqtiga: @ 2:00pm... XEGGEE... EEG HALKAN...
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com