SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SHACABKA LABADA SHARIIF SHEEGAAN EE AY DAGAALKA UGU BAAQAAN XAGGEE KU NOOL YIHIIN

xasan yuusuf jibriil. xyjibriil@hotmail.com

Intaas ka dib nin baa cararaya oo caruurtiisa gaysanaya meel ammaan ah,markaasuu waalidiin kale caruurtooda ugu baaqayaa inay dhintaan caqligaasi waa yahay kii laba shariif:

_ sheekh shariif sheekh axmed waa kee? waa kii inta hawada beenta ahi qaadday iska dhaadhacsiiyey isagoo malaha madaxweyne ka ah soomaaliya iyo itoobiya,una sii gudbey afrikada kale dabadeedna inta qaaradaha ka tallaabay sii aadey ilaa yurub oo markii rag ka dharbaaxo weyni qurqursiiyeen wixii alle baray cararkii ku tagey ereteriya maalin walba inta afawerqi askar ku daro ku khasbayo inuu shir jaraa id qabto illayn ma diidi karee halkaas ka qayliyo arrintaas oo hawadii beenta ahayd halkaas la gashay, waxaana uun haysata dhubuqdhubuq hore dhabanna hays dambay leedahay, waxaa wax badan loosoo jeediyey nabad dee ma nin madaxweyne u muuqdaa hadal kale galayaa maya.

_ shariif xasan sheekh aadenna waa kee? waa masuulkii labaad ee ugu sarreeyey dawladdii federaalka ahayd ee mudada faraha badan loo fadhiyey kenya halkaasoo loogu soo doortay madaxa baarlamaanka soomaaliyeed meeshii ummaddu waxay u dooratay wax uga qaban lahaa wuxuu ahaa kii qaatay boorsada go,aankana ku gaarey inuu ka ganacsado dhiigga dadweynaha awalba laga ganacsanayey 16 sano oo is tusay inuu marna ka dhaansado maxkamadihii shaarka qabiilka huwanaa,marna ka dhaansado dhanka dowladda oo uu ka ahaa xubin lagula khaldamay xaqiiqdiina uusan istaahilin jagadaas oo looga baahnaa inuu ahaado qofka loo dhiibayaa nin kulansaday waddaniyad,aqoon iyo karti,laakiinse uu noqday idaacad ay adeegsadaan cid kasta oo ay dhibayso in soomaali maalin uun noqoto dowlad cagaheeda isku taagta,

marka laba shariif horta iyagaa bililiqo wata waana inay qaateen magacyo beenbeen ah si loo khaldo dadka waxayna sheegteen shariifyo ma waxaan arki jirrey shariif bililiqo qaata ama boorso la wareegaya la doonayo in wax lagu dhoco,

haddaba wallee nin dalkiisa waxba ku tari waayayoow inaadan masaafur waxba ku keenayn waad uun soo daali maahee,

Haddaba dhuuniqaatayaasha isugu tagey cagaha afawarqoow ha ku riyoonina beentii awalba halkaas idin gaysey iyo inaad saas ku noqotaan madax soomaaliyeed idinkoo toobad keena oo runta ogaada oo alle unoqda oo dambiyadii aad dadka soomaaliyeed ka gasheen cafis weydiista maahee waxaaba adag inaad cagaha soo dhigtaan ciiddii aad sababta ugu ahaydeen xasuuqii aad dadka masaakiintaa baddeen waayo soomaalidu waxay tiraahdaa dabkii munaafaq shido muumin baa ku gubta.

ee haddaad meel ku gaaraysaan qabta maalin walba shir been been ah baskii dowlad nimaduna waa dhaqaaqay mana jirto cid dambe oo dillaal ka noqonaysa ummadda soomaaliyeed,waxaana fiican in xaqiiqda loo koco haddii kale baqtiga afawarqe la cuna.

ilaahoow xaqaaga u hiilli dulmigana ka qabo.

xasan yuusuf jibriil. xyjibriil@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2007

 
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com