SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

ONLF, DALJIRAHA DHABTA AH.

Abdirahman Ahmed
ogadenboy@yahoo.com

Sanadkii udanbeeyay waxaynu website yada ku arkaynay war’saxaafadeedyo ay soosaartay Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya. Intabadan waxaa qoraaladaas loogu digayay shirkadaha shisheeye inay faraha lagalaan macdanta ceegaagta wadanka Ogaadeeniya iyagoon kalatashanin shacabkii iskalahaa hantidan.

Waxaa sigaara loogu digay shirkado laga kalalahaa wadamada: China, India, Malesia, Sweden iyo kuwa kale oo fara badan, sida muuqtayna shirkadahaas badan kood waxaay tix galiyeen qoraaldii JWXO, ee isugu jiray digniinaha iyo codsigaba.

Howlgalkii Coballe.

Inta badan bulshada Ogadenia mayna kawar qabin, in ay shirkad china ahi ku howlantahay baadhis shidaal, waxaa intaas siidheer ma’ayna jirin cid kawarhaysay inay haatan kaqodayaan aaga Coballe, waxayna dadku ogaadeen maalintii uu weerarku dhacay kadib markay saxaafada kadhagaysteen.

Laakiin JWXO tallaabo tallaabo ayay ulasocotay chinaha iyo cid walba oo si sharci darro ah ula baxaysa macdanta wadankeena, chinuhu waxay kadhaga adaygeen codsigii uga imanayay jwxo iyo umadii wadanka lahayd oo taas badalkeed waxay rumaysteen hadalkii zanawi, oo uu kuyidhi aniga ayaa idnka difaacaya cidkasta oo rabta inay weerar idinku sooqaado, ama uu ugu macneeyay codsiga jwxo hadal aan manac lahayn oo ay koox budh cad ahi, iska sheeganayso, wuxuuna yidhi ma wanaagsana in mudnaan lasiiyo.


EHELKAAGA LACAG MA U XAWILEYSAA::: ADEEGSO XAWAALADDA DAHABSHIIL

Ethiopia oo kudayanaysa Sudan iyo Nigeria, aadna ugu bahaan inay waxoogaa dhaqaala ah meel uun kahesho, waxay shirkada chinaha ku tidhi, “ annaga ayaa sugayna ammaanka shirkada iyo shaqaalaha” hase yeeshee JWXO way usheegtay inayna Ethiopia xoog kuqodan doonin khayraadka wadanka ogaadeeniya iyada oo ummadii wadankalahayd ay kawar la’dahay.

Waxay JWXO qoraaladeedii ugu sheegtay cidkasta oo hunguri kahayo inay shanta lagasho hantida ay ummadeedii kagaajoonayso, inay kalakulmi doonto cawaaqib xumo, oo arintaana Ethiopia masuul kanoqon doonto wixii kayimaada, sidoo kale waxay Jabhadu si xushmad kujirto ugu sheegtay shirkadaha shisheeye in ogaadeeniya ay kajirto colaad aad uqallafsan tasoo udhaxaysa atoobiya iyo xaq udirirka ONLF.

SIDEE BUU SHACABKU U’ARKAY HWLGALKII COBALLE

Inta aan xusuusto, ma ayna jirin farxad uga badnayd umadda dulman ee S.Ogadenia, ilaa dagaaladii waa waynaa ee MANDAD iyo DIGSI, kuwaas oo ay kumanyaal atoobiyaan ahi ku nafwaayeen aanse aduunku kawar qabin. Waxaa mar qudha circa isku shareeray dhawaaq farxadeed kadib markii ladhagaystay ilaacadaha aduunka lana daawaday TV-yada caalamka, ummada S.Ogadenia waxay hanbalyo iyo bogaadinba udireen N/hurayaasha CXO, qofkastana halkii uu joogay dal iyo dibadba wuu uduceeyay.

Sidoo kale dowlda woyanaha oo kudhawaaqday inay JWXO fulisay fal argagixiso, ayayna cidiba dhag jalaq usiinin, ninka lataliya Zanawe ayaa yidhi waxay onlf gaysatay xasuuq, waxaa sidaas oo kale kudhawaaqay daba dhilif badan iyo zanaawe laftiisa. Balse jwxo waxay sheegtay inay laayeen ciidamadii ay awalba dagaalka kuwada jireen ee atoobiya. Waxaa jwxo aad loogu amaanay sidii ay ula dhaqantay maxaabiistii ay gacanta kudhigtay, waxaana caalamku xaqiiqsaday mabaa diida JWXO, iyo sida ummada somaalida ogaadeniya ay ugu oomantahay inay gacanta kudhigaan gobanimadooda.

CHINA

Chine howlgalka jwxo waxaa uu kunoqday dhabar jab aad uwayn oo ayna filaynin, waayo dowlada atoobiya ayay iskuhalaynayeen, xoog bay kuqodon kartaa dhulkan Ogadenia, waxayna ahayd tab ay chinuhu layaqaanaan oo cosobsiga Africa waxay isaga barteen ayay ahayd. wadamada reer galbeedka oo baahitanka Chinaha ee Africa sida wayn uga soo horjeeday chinaha aad ayay ugu ceebeeyeen, sida naf xoornimada ah ee ay meelkasta madax ulagalayso iyo waliba inayna china tixgalinin gabi ahaanba xuquuqul insaanka.

Waxaa sidoo kale chinaha canbaareeyay wadama badan oo jecel in dowladaha Africa ee uudaahaday xukunka kaligiis talinimo, lagu xidho shuruudo kusaabsan xaquulqul aadamaha iyo hormarinta dimuqraadiyada. Waxaa sidookale china wax kasheegay wargeesyo badan oo caalamka daafihiisa kazoo baxa

JWXO

N/hurayaasha CWXO waxay dhaar kitaab baalaha jareen inayna atoobiya kazoo miyaan inay fajuuraha saarto, macdanta Ogdaenia, waxaa lagayaabaa inay dad badani dhayalsanayeen hadalladii kasoo yeedhayay jwxo laakiin maanta ay udhabowday in uuna ninna cunaynin cadkooda soona dhacsanayso wax kasta oo ay xaq uleedahay ummada ay dullaysatay ee S.Ogadenia.

JWXO, oo ah, daljirka dhabta ah ee aad maqalijrteen, waxay nafta qaaliga ah u hureen, oo ay hadh iyo habeenba utaagan yihiin sidii ay xorriyad taam ah u’gaadhssin lahaayeen umadda ogadenia. Waxaana hiil iyo hoo aan hagrasho kujirin lagarabtaagan shacabka oo ah laf dhabarta halganka ay jwxo hormuudka katahay.

by Abdirahman Ahmed
ogadenboy@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 5, 2007


Sawiro laga qaaday dadka Dhaawaca ah ee ku jira cisbitaalka keysaney ee Muqdisho...

Waxaa soo tebiyey:
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com