SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
QORMADA MAANTA:: Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Daabaco Boggan | Print

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Bayaan ka soo baxay Ururka Mideynta Beelaha Waamo ee ku nool Yurub & Waqoyiga Amerika
Ku: Dowlada Federaalka Soomaaliy(Fadhiyadooda)
Ku: Isbaheysiga Dooxada Jubba
Og: Isimada Beelaha Waamo (Fadhiyadooda)
Og: Dhammaan Shacabka Reer Waamo (Fadhiyadooda
OG: Saxaafadaha madaxa banaan

May 5, 31/SHW1UMW
Bismillahi Raxmaani Raxiim

Sida aan la wada socono Deeggaanka Jubboyinka waxaa ku habsaday Musiibo aan hanbeyn Naf & Maalba iyo Guud ahaan Burbur baahsan 17-kii sano ee bur burka ayaa waxaa isku badalaayey Dad aan ehel u aheen deegaankaa kana soo hayaamay Gobolo kale.

Sida aan lawada socono Gobolka J/Hoose waa gobolka kaliya ee aan laheyn Xildhibaan kasoo jeedo Gobolkaa halka 17-ka Gobol ee kale ee Somaaliya ay u leeyahiin xildhibaano ka hadla Arimaha murugsan ee ka jira Gobolada ay ka yimaadeen.

Kismaayo oo ah Caasimadii sadexaad ee Somaliya waa magaalada aan ilaa iyo hada laheyn Elementary School, waana Gobolka ugu Dhaqaalaha badan 18ka Gobol ee Somaaliya koox kastaa oo Gobolkaa Qabsato Daqliga ama Dhaqaalaha ay ka helaan Gobolkaa waxay u diraan Gobolada ay ka soo jeedaan.

Maalin waliba waxaa Isbitalka Kismaayo yimaada dad u il daran xanuun kaga yimid Haamahii Sunta ahaa ee lagu Shubay Jasiiradaha iyo Xeebaha Gobolka J/Hoose oo wali dhex heebaabayo Xeebaha Gobolkaa Halka xeebaha Gobolada Qaar laga nadiifiyey ama laga Guray Haamaha Suntaa.

Waxaa maanta ayaan daro ah in isbaheysigii Dooxada Jubba uu dib u abuuro Dagaalo iyo Fowdo hor leh oo lagu boobaayo Hantidii dadka reer Waamo laguna Bara kicinaayo Shacabka reer Waamo ee ka soo daalay Dagaalka Sokeeye.

Hadaba wadatashi dheer oo ay isla qaateen Labada Gole ee Ururka Mideynta Beelaha Waamo ayaa waxay soo saareen Bayaan ay ku muujinaayaan mowqifka ku aadan Dagaalada Cusub ee ku wajihan Gobolada Jubboyinka, Bayaankiina wuxuu ku soo baxay sida hoos ku cad.

A- Dooxada Jubba waxaan ugu Baaqeynaa inay ka tanaasulaan u Hanqal taaga Dhul ayen laheyn, Aduunyada waxaa ugu danbeyay Dhul kala boob ka dhaca Qarnigii 18aad. Gardarada, Gabood falka iyo Barakicinta aad moodeyn sharaf iyo magac oo aad waliba ku Doodeysaan in Xaq la idinku siiyo Todobadii Sano ee aad geysateen Gabood falka iyo Barakicinta waxaan idiin ku Baaqeynaa inaad ka Waantowdaan

B- Ururka Mideynta Beelaha Waamo waxay si wada jir ah ugu Baaqayaan in maamulka Gobolkooda loo daayo Dadka u Dhashay Deegaankaa ee ka naxaaya Masiibada heysato Deegaankooda, loona leexin Xaquuq doodii dad aan gobolka u dhalan oo aan la aqoon XAQA ay ku yeelan karaan deegaanka Waamo, Waana tan soo da dajisay in Marlabaad ay Kismaayo Gacanta Dooxada Jubba Gasho

C- In loo baahanyahay wada tashi guud oo ay yeeshaan Dhamman Beelaha Waamo loona baahan yahay in la qabto shirweyne guud oo lagaga arin sanaayo Itijaaha Siyaasadeed iyo Masiirka Gobolada Jubboyinka

D- In laga shaqeeyo nabadaynta iyo mideynta bulshada goboladda Jubboyinka mowqif mideysana laga qaato arimaha siyaasadeed ee haatan dalku marayo si mideysana loo wajaho Caqabadaha imankara

E- In nabadwaarta laga dhexdhaliyo beelaha walaalaha ah ee wada deggan gobollada Jubboyinka lana Sameeyo Urur Dallad ah oo ay ku midaysanyihiin Dhamaan Beelaha Waamo loona diyaariyo inuu Ururku isu badalo Xisbi Siyaasadeed oo hanta Maamulka Gobolada Jubooyinka.

F- In Dhammaan Jaaliyadaha Waamo ee ku nool Dibada ay ka Qeyb qaataan Barnaamijka looga arin sanaayo Itijaaha Siyaasadeed iyo Masiirka Gobolada Jubboyinka

G- Ugu danbeyn Ururka Mideynta Beelaha Waamo Wuxuu soo dhaweynayaa Talada iyo Waxqabadka Cidkasta oo Danaynaysa Hurumarka iyo Waxqabadka Gobolada Jubboyinka.

Mahadsanidiin

Wixii Su-aal ah la soo xiriir Af-hayenka Ururka Mideynta Beelaha Waamo, Muuse Cowshaan WaamoUnity2002@aol.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com