SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

 HAAYADAHA WADANKA JOOGAA MA BASAASIIN QARSOONBAA

Ismaaciil Ibraahim Fadan
fadan12@yahoo.com.au

Wadankeena waxa jooga haayado aad u tiro badan oo sheegta inay yihiin samofal.Haayadahanina waxay wadankeena aad u yimaadeen markii meesha laga tuuray taliskii xaraanta ahaa ee Siyaad Barre uu hormoodka ka ahaa.haayadahani waxay sheegtaan inay horumarka dalka iyo dadkaba ayka shaqeeyaan.laakiin sida lawada ogyahahay waxlataaban karo oy dalka kaqabteen majiro.ujeedada ay marka horeba ay u yimaadeen maaha inay wax inoo qabtaan ee waxay doonayeen in ay bartaan dhaqankeena, diinteena iyo siyaasadeenaba.Waxayna u doonayaan barashadeena, siday u heli lahaayeen wadadii ay inagu dhibaateyn lahaayeen.hadaba markaynu u fiirsano ereyada ayku hadlaan ee ay kamidka yihiin,horumar, samofalid,dibudhis, waxbarid,dayactirid,u gargaarid iyo erayo kale oo lamida, waxaa loogu talo galey in dadka maskaxdooda lagu xado.

 
Hadaba sidey ogyihiin, dadka u dhega daloola siyaasadu markii uu Mareykanku iyo xulafadii uu madaxa ka ahaa ayqabsadeen Ciraaq, waxay isticmaalaan ereyada ay haayadaha sheegta samofalku ay ku hadlaan waxaana kamida ereyada ay kamidka yihiin, dibuxoreynta ciraaq, madaxbanaanida Ciraaq. Hadaba marka aad maqashid erayaadaa oo kale miyaanad isweydiin, ayaa laga xoreeyey Ciraaq, waa kuma gumeysatahan laga xoreeyey.Su'aasha kalena waxa weeyi horta Ciraaq miyey madaxbanaatahay mise ciidamo shisheeye iyo kaboleef ayey gacanta ugu jirtaa.Sidoo kale, waxey saaxafada reer galbeedku ugu yeedhaan ciidamada Itoobiyaanka ah inay horumar weyn aykasoo hooyeen Geeska Afrika.Hadaba waxa soo shaacbaxday in markuu uu Mareykanku uu dagaalka ku qaadaayey Afganistaan, waxaa looga yeedhay Afganistan ninkii madaxa ka ahaa haayadaha samofalka ee joogay wadankaa, wuxuuna ninkaasi kulan qarsoodiya ah la yeeshay madaxweynaha Mareykanka. Hadaba sidey dadbadani ogyihiin ninka madaxweynaha ka ah Mareykanka oo lagu yaqaano iney hadaladu kasiibtaan ayaa qirtey inay haayadaha jooga Afganistaan ay waxyaabo badan oo ka qarsoonaa ay daaha uga rogeen.Hadaba kuwa wadankeena joogaana ogaada iney iyaguna ay waxkala miiri doonaan oy macneyn doonaan oy daaha ka rogi doonaan waxa ka qarsoon haayada basaasida ee reer galbeedka,
 

Xarumaha NGO-yada jooga Soomaaliya
Sideynu wada ogsoonahay, markuu dhamaaday dagaalkii qaboobaa ee Maraykanka iyo Ruushku ay mateli jireen iney cadow isku yihiin. Waxaa labilaabay waxan ay ugu yeedhaan haayadaha samofalka. Haayadahana waxaa abuuray ururada basaasinta ee reer galbeedka.Dadka maalgalinta ku sameeya haayadahana waa kuwa aroorkasta ku qureecda beerka caruurta ciraaqiyiinta iyo Afgaanistaanta.hadaba waxaa jirata inuu cadowgu isticmaalo siyaabo badan oy dadka u dilaan.Imika markey ku fashilmeen Ciraaq iyo Afganistaan, waxey badaleen siyaasadoodii hore ee ku dhisneyd xooga waxeyna u badaleen siyaasad ku dhisan xeelad.Markasta waxey yidhaahdaan "waa inaan maskaxda iyo wadnaha dadka xadnaa".waxay doonayaan iney isticmaalaan hadalo qabow oy inagu suuxiyaan si'ay ubadalaan dinteena iyo
dhaqankeena una qaataan khayraadkeena.
 
Waxaa jirta in markii ay roobabka wata dabeyluhu ay qaadeen gobol ay degan yihiin dadka madow ee mareykanku ay dhibaato laxaadleh ay u geysteen dabaylahaasi dadkii deganaa deegaankaas.Dawlada Mareykanka oynu ognahay awoodeeda dhaqaale umey fidin waxsamofal ah dadka halkaasi ku dhibaatooday.Hadaba su'aashu waxa weeyi haayadahan samofalka ee afrika ka buuxa maxey halkaa ay ugayara duceysan waayeen.Dawlada Mareykanka ee ku guuldareysatey inay wax u qabato dadkii madoowaa ee mareykanka ahaa waxey imika ay ilmada yaxaaska udaadshaan dadka madow e Suudaan degan.Su'aasha meesha taala waxa weeyi dadka madow ee kunool Suudaan miyeyka wanaagsan yihiin dadka madow ee Mareykanka ah?.Sidaasi waxey u sameynayaan sidey beerka uga xadilahaayeen dabadeedna ay saliidooda ay uga qaadan lahaayeen.Haayadahan isku sheega samofalka ee kasheekeeya dhibaatooyinka ka dhacaaya Suudaan maxey uga hadli waayeen dhibaatooyinka ay ciidamada Itoobiya u geysteen dadkii deganaa Muqdisho. Waxaa la ogyahay in haayadahani ay qeybweyn ku laaheeyeen dhibaatooyinkii ka dhcaayey Soomaaliya,markasta oo dabku qaboobana ay iyagu hurin jireen.
 
Haayadahani waxey ka dhigaan wadamada ay tagaan dad aan maskixiyin isku filneyn oo daciifa una baahan in waxloo qabto.Waxey dadka kala dagaalamaan kalsoonida waxayna u dhaqmaan sidii ay caawinayaan dad maskaxda ka curyaana.Waxayna wadanka keenaan cuduro aan dhulkeena laga aqoon, waxaana kamida raga iyo dumarka oo ay tartansiiyaan iyo dhalinyarta iyo waayeelka oy loolansiiyaan.Midakalena waxbarashada wadanka farogalin weyn ayey ku hayaan, waxyna doonayaan iney qoraan waxbarashada wadanka. Waxayna sidaasi ay u sameynayaan inay jiilka cusub ay maskaxdooda u   sameystaan si'aan mustaqbalka loo baahan haayado wadanka jooga.
 
Hadaba waxaan usoo jeedinayaa shacabka reer S/land ee horumarka jecel in lagaadhay xiligii aynu inagu waxqabsan laheyn, maxaa yeelay maanta hadaynu nahay reer S/land waynu haysanaa aqoontii iyo maalkiiba.Waxaa la gaadhay xiligii aynaan u baahneyn siyaasiyiintii uu gumeystuhu tabobaray ee aqoonta u heystay afka gumeystaha oo lagu hadlo iney tahay xadaarad lagaadhay.Waxaan idiin sheegayaa inaynu qabsan karno waxkasta ee dhibaatada ina haysataa waxa weeyi weynaan isku kalsooneyn. taasna waxaa inoogu wacan gumeystihii wadankeena qabsaday oo inagu abuuray cuqdad nafsi wuxuuna inaga dhaadhiciyey in dadka madoobi ayna maskixiyin isku filneyn oo iyagoo waxloo qabto mooyee aan waxba qabsan karin.Waxaana inagu dhacday nasiibdaro oo siyaasiyiintii ina dabiibi laheyd ayaa noqday kuwa iyagu aan aqoon shacabka waxba ku dhaamin oo dabiib u bahaan, markaa siyaasiyiintii ayaa noqday dawo bukootay maxaa lagu dabiibaa.Hadaba haayadahani iyaguna waxay sii xoojiyeen fikradihii hore ee gumeysiga. Taasna waxaka markhaati ah, xiliga ay roobabku dhibaato geystaan waxaynu nidhaahnaa aawey haayadihii wax  qaban jirey.Markaa mawanaagsana inaynu jiilka cusub u gudbino maskaxdan baryada iyo calaacalka ku dhisan, waxaan idiin sheegayaa inaynu waxwalba qabsankarno ee marka hore waa inaynu maskaxda ka xorownaa, waa inaynu  is aqoonsanaa intaynaan aqoonsi karaadsan nimankii ay awoowyaashood ay gumeysteen awoowyaasheen.
 
Ismaaciil Ibraahim Fadan
fadan12@yahoo.com.au

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

May 9, 2007


DFKMG oo Eedayn Kulul u Jeedisey Hay'adaha NGO-ga ee Jooga Soomaaliya

Wasiirka DFKMG u qaabilsan Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha, Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" oo shir jaraa'id ku qabtay magaalaad Baydhabo (Feb 24, 2007) ayaa si kulul u eedeeyey hay'adaha NGO-ga ee ku sugan dalka Soomaaliya. Wasiirku waxa uu si kulul hay'adaha NGO ugu eedeeyey in ay qayb weyn ka yihiin dhibaatada aan dhamaanayn ee Soomaaliya. Waxana uu ku eedeeyey in hay'adahaas NGO-ga ay Soomaaliya beesha caalamka kaga raadsadaan lacago, marka ay lacagtaas soo helaan aan cidna kula xisaabtamin. Lacagtaas oo, ayuu yiri, ay boqolkiiba 70% ku bixiyaan dalxiiskooda, hoteelada iyo guryaha qaaliga ah ee Kenya iyo meelo kale oo adduunka ah. Boqolkiiba 20% lacagtaas ahna waxay ku kiraystaan, ayuu yiri, diyaarado hawada dhulka Soomaaliya kusoo gala si sharci darro ah, kuwaas oo subaxdiina yimaada galabtiina noqda, halkii ay dalka ka shaqayn lahaayeeneen... Dhegeyso Hadalkii Maareeye.

Feb 19, 2007 ayey ahayd markii Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, uu aammaanay hay'adaha NGO oo uu kula kulmay magaalada Garoowe, waxana uu sheegay in  hay'adaha NGO ee fadhigoodu yahay Garoowe ay hawl wanaagsan qabteen. Isagoo arrintaas ka hadlaya Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Qolooyinkii United Nation-ka IYAGOO DHAN waa noo yimaadeen kulligood wax fiican bay noo qabteen iyagana si aad iyo aad ah ayaan ugu mahad naqayaa iyo waxyaalahay qabteen." Dhegeyso Hadalkii Gen. Cadde.

Waxaa taas ka sii horeysey in Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee DGPL, Maxamed C. Y. Gaagaab uu dhaliil u jeediyey hay'adaha Samafalka ee jooga Soomaaliya. Xilligaas oo uu Wasiirku la hadlayey dad Soomaaliyeed oo jooga magaalada Minneapolis ee dalka maraykanka waxa hadaladdiisii ka mid ahaa "Ha'adaha dalka Soomaaliya jooga waxay isu haystaan in ay yihiin madaxweynihii dalka." Dhegeyso Hadalkii Gaagaab...


 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com