SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAY 15
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Munaasabadda 15-ka May, Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed

Bashiir M. Xersi.
brdiraac@hotmail.com
Tripoli-Liya.

    Nolosha Aadanaha  waxaa ku dheehan maalmo Farxadeed oo si weyn uga duwan maalmaha kalee caadiga ah ee soo marta Aadanaha, Shacab kastana wuxuu leeyahay Munaasabado waaweyn iyo Fantasyo baaxad-weyn oo si gaara xiiso u leh, Qabanqaabo ballaaranna loo sameeyo, si rasmi ahna looga wada qayb qaato, guud ahaan Bulshada Shacabkaas: Yar & Weyn, Rag & Dumar, Masuul & Gayrkiis.

    Munaasabadahaas waaweyn oo kala jaad ah kalana duwan siyaabo kala nooc ahna ku yimid, marka la soo gaabshana noqonaya laba qaybood oo kala ah: Munaasabad Diimeed ku sal leh Diin sida: Iidda Soon-fur, Iidda Arrafo, Soonka Xajka iyo Iidaha Kirismiska (Charismas) iyo Yahuudda (Jewish) IWM, Munaasabadda kale waa Munaasabad Qarameed ka soo maaxatay halganka Umadaha iyo dadaalka ay u galaan Nolosha sida: 26-ka Juun(June) 1-da Luulyo(July), 15-ka May IWM.

    Arartan ka dib aan u guda galno ujeedka qoraalkan oon kaga hadlayno Munaasabadda 15-ka May ee ah Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed, maalintaan waa maalinta ay dhalinyarada Soomaaliyeed u midoobeenm isuna bahaysteen iska-caabinta, la dagaalanka hagar daamooyinka Gumaystaha iyo hor-istaagga shirqoolada Shisheeyaha ku soo duulay Dadweynaha iyo Dalweynaha Soomaaliyeed.

    Maalintaa waa maalinta ay dhalinta iyo da’yarta Soomaaliyeed isu kaashadeen ka xoraynta umadda Suun caddaha ku dul habsaday in ka badan nus qarni, iyagoo sidaa uga gudbay kala qoqobnaantii iyo nin tooxsigii uu dhex dhigay Gumaystuhu siduu u meel mariyo una hir galiyo mabda’a ah: {Qaybi oo Xukun}, balse taa waxaa u babac dhigay dhalinyaro aanay ka leexinayn meel marinta ujeedada ku salaysan u halgamidda madax-bannaanida Soomaaliweyn; wax yaabaha ay ka midka yihiin : Qabyaaladda, Beelaysiga, waxaana hubaal ah inay dhalinyaradaa guteen waajibkoodii kana soo bexeen xilkoodii kaga aadanaa: Dalka iyo Dadka, ugana soo dhalaaleen si ay ku dheehan tahay: Wadaniyad iyo Hufnaan aan iin iyo ceeb lahayn, laguna xusuusan doono wanaagoodii iyo wax qabadkoodii aan mugdiga ku jirin caadna saarnayn!.

    Balse marka aan eegno maanta heerka uu marayo Dalkau waxaad ogaan kartaa dida looga fogaaday dhabbihii ay faleen mareenna dhalinyaradaasi, dhanka kale marka aad maanta si qato dheer u fiiriso hab dhaqanka dhalinyarada maanta waxaa kuu soo baxaya inay ku dheceen dabinkuu u dhigay Shisheeyuhu una maleegay lana rabay Dalka iyo Dadka, dabinkaas oo aysan dhalinyaradii hore ku dhicin ugana soo gudbeen si xil kasnimo leh.

    Dhilinyarada maanta waxay si toos ah uga qayb qaateen burburinta baahsan ee ku habsatay Dalka rididdii kaligi-taliyaha ka gadaal, waxayna sidoo kale qayb ka yihiin xasilooni darrada ka aloosan guud ahaan Dalka, markaadse is barbar dhigto dhalinyaradii soo howsay xoriiyadda maanta aan hoos harsanayno iyo kuwa maanta ka faa’iidaysan la’ xorriyaddaas, waxaad ogaanaysaa farqiga u dhexeeya labadaa jiil, in kastoo dhalinyarada maanta ka duruufo fiican yihiin kana fursado badan yihiin dhalinyaradii xorriyadda dhilisay dhanka Wax barashada Dhaqaalaha iyo Isgaar siinta, balse fursadahaa qaaliga ah maxaa looga faa’iidaystay?!, maxaase looga mira dhaliyey?!, waa jawaab marag madoonto ah oo iska cad sidaa darteed waxaan dhihi karnaa waxaa looga faa’iidaystay dhankii xumaa iyadoo la garab maray wanaaggii loona adeegsaday si gurracan!.

    Dhaqamada xunxunee ku caanbexeen dhalinyarada maanta waxaa ugu xun uguna darran cudurka Qabyaaladda oo ka galay dhuuxa iyo lafaha, kuna qafilantay maskaadooda iyo maankooda, kalana dhantaalay isku duubnidii iyo awooddii dhalinyarada si ballaranna ugu dhex baahay dhalinyarada dhexdooda, iyagoon moogayn dhibaatada uu leeyahay iyo qasaaraha uu ku keeni karo Bulshada iyo Qranka oo ah midda uu maanta waddanku la xasili la’yahay.

    Marka aad qiimaynayso ood doonayso inaad oqaato Ummad hor-u-markeed waxaad ka ogaan kartaa dhalinyaradooda dhinacyada Waxbarashada, Shaqada, Heerka wacyigoodu yahay, haddiise aysan dhlin yarada xoogga saarin Aqoonta una dareerin Shaqada iyo Camalka Bulshadaas waxaa ku so food leh hoos-u-dhac ku yimaada wax soo saarka, Waxbarashada iyo gabi ahaanba inay joogsato hor-u-marka Ummadaas!.

    Maxaa yeelay Bulshada waxay ku hor mari kartaa Cuquusha soo koraysa iyo da’yarta Bulshada ka tirsan, sababtoo ah maskaxda odayaasha iyo Dadka waaweyn way duqoobaysaa wayna gaboobaysaa, taasna ay ka dhalanayso inay gabai ahaanba istaagto waxtar caqliyeedka Dadka waaweyn ee soo hagi jiray Bulshada waqtiyadii hore, waxana loo baahanaa markaa inay talada u wareegto lana wareegaan dhalinyarada iyo Jiilka cusub ee Bulshada.

    Haddii aan dib ugu noqonno kala duwanaanshaha u dhexeeya dhalinyaradii shalay dhalisay gobanimada iyo xirriyadda iyo dhalinyarada maanta ka faa’iidaysan la’ madax-bannaanidaas, dhalinyaradii hore ee usoo halgamay ka xoraynta Dadka iyo Dalka Gumaystaha yo Cadayga qabsaday waxay ku midoobeen ururkii SYL iyagoo aad u yaraa tiradoodana gaarayeen ilaa 13-dax lana dhihi karo in kastooy yaraayeen haddana waxay xaqiijiyeen waxay samayn kari waayeen Wadaadadii mutay Bandiiraddii “Jihaadka” sida: Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Dadkana ku qaldayey inuu u dagaalamayey Diin iyo Alla dartii, midowgii dhalinyaradii Soomaaliyeed iyo aas-aaskii Ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL ee u dhaqdhaqaaqa una ola-oleeya inay Soomaaliya xorriyad hesho, waxay adeegsadeen habab nabadeed sida: Dibad-baxyada, wacyi-galinta, iyo u caddaynta qorshayaasha dahsoon ee gumaystuhu ku doonayo inuu ku sii haysto maamulka Dalka, iyagoo ka dheeraanaya hababka ay ku fashilmeen Wadaadadii horayna loo soo tijaabiyey wax guul ahna lagu gaari waayey laguna soo hoyn waayey ee ah sida: Dagaal, Hardan. Iyo iska-hor-imaad!.

 Dhalinyaradaa oo aas-aasay sanadkii 1943-dii Naadiga Dhalinyarada Soomaaliyeed( Somali Youth Club) oo ay ku bohoobeen 13-ban dhalinyaro Soomaaliyeed oo kala ah:

  • 1-Xaaji Maxamed Xuseen.
  • 2-Khaliif Hudda Macalin.
  • 3-Daahir Xaaji Cismaan.
  • 4-Dheere Xaaji Dheere.
  • 5-C/Qaadir Sakhaawa Diin.
  • 6-Cismaan Geeddi Raage.
  • 7-Cali Xasan Maslax.
  • 8-Maxamed Xersi Nuur.
  • 9-Maxamed Cabdulle Xasan.
  • 10-Maxamed Cali Nuur.
  • 11-Maxamed Cismaan.
  • 12-Maxamed Faarax Hilowle.
  • 13-Yaasiin Xaaji Cismaan.

syl

Naadiga Dhlinyarada Soomaaliyeed wuxuu u xuub siibtay Xisbi Siyaasadeed 1947-dii magaciisiina noqday Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ( Somali Youth League) wuxuuna kasbaday taageerada Shacabka ayna ku soo biireen badi dhalinyaradii kale, iyagoo ka maqsuuday hal-ku-dhagga Ururuka ee ah: {Qabiil Qaran laguma gaaro!}, dhalinyaradaa oo baal dahab ka galay taariikhda, balse waxaa ayaan darro ah inaysan jirin cid sidaa u taqaam ama xog fiican ka haysa, taasna waxaa ka dhashay inaanba la qiimayn maalinta 15-ka May ee ah Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed

    Dhanka kale markaad eegto dhalinyarada maanta waxaad arkaysaa sida weyn ee ay uga durgeen hillinkii ay mareen jiilkii ka horreeyey ee u soo halgamay madax-bannaanida iyo xorriyadda, waxayna noqdeen dhalinta maanta kuwo la kala saftay labada luggooyo ee hor taagan hor-u-marka Soomaaliya ee kala ah: Urur Beeleed iyo Urur Diimeed, waxaanna filayaa inay iskba yartahay qof Soomaali ah oo ka fayoow Qabyaaladda sidaa oo kale dhalinyaradu waxay safka hore uga jiraan dadka la il daran cudurka Qabyaaladda iyo Dadka uu ka dhigtay gaadiid rabbaayadoo hebad ah oo u keenaansan Qabiilka siyuu ugu fuliyo ujeedooyinkiisa gurracan, dhalinyaradu waa xaabada ugu horraysa ee lagu shido Dab Naareedka Qabiilka, sidaa si la mid ah waxaa dhalinyaradii kala qoqobay Urur Diimeedyo ku baahay Dalka burburki Dawladda ka dib, iyagoo taageero iyo Fangarayn ka helaya Dalalka Carabta, sida Darteed ayeyba yaraatay in la helo dhalinyaro aan ku jirin ama aan ku liis garaysnayn Urur Diimeed, xitaa midkii aan ku jirin wuxuu ka soo qalin jabyey Dugsiyada sare ee hoos taga Urur Diimedyadaas midkood, taasina waxay keenaysaa inay dhalinyarada ka dhex aloosanto Is xigsi iyo Nacayb ku dhisan inauusan ku Urur ahayn iyo wixii naga soo hara Narta ayey galayaan!.

    Ugu dambayntii waxaan ku soo gunaanadayaa kuna soo afmeerayaa qormadan heestaan Wadaniga ah oo aan filayo inay Dad badan xusuusin doonto Bari samadkii iyo waayo nabdeed inta kalana ay ku beeri doonto qiiro wadan hestii watan:

Soomaaliyeyey Toosoo, toosoo isku tiirsada’e,

hadba kina Taag daranrry, Taageera waligiineey!.

Bashiir M. Xersi.
brdiraac@hotmail.com
Tripoli-Liya.

 
Faafin: SomaliTalk.com | May 15, 2007

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com