SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

US$500,000 Doolar oo La siin doono Qoysaskii Askartii Reer Uganda ee Lagu Diley Muqdisho

Midowga Afrika waxay lacag cadadkeedu dhantahay US$500,000 (nus million doolar) siinayaan qoysaskii shan ka tirsanaa ciidamada Uganda ee lagu diley Soomaaliya ilaa markii ciidamadaas la geeyey Soomaaliya bishii March 6, 2007, sidaas waxaa shalay sheegay militariga Uganda.

Afhayeenka Militariga Uganda Major Felix Kulayigye waxa uu yiri qoys kasta waxaa la siinayaa $100,000 doolar.

Ugandan troops serving under the AU mission in Somalia carry the coffins of the their colleagues at Mogadishu airport
Meydkii Askartii Uganda ee lagu diley Muqdisho
Sawirka: Newvision, Uganda

Afar askari oo reer Uganda ah ayaa Arbacadii (May 16) lagu diley Muqdisho, waxaana la dhaawacay lix kale, halka askari kale madfac lagu diley April 1deedii isagoo waardiye ka hayey madaxtooyada Muqdisho.

Ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya waxay ku hawl galaan magaca AMISOM ama hawlgalka Midowga Afrika, waana wadanka keliya oo ay Soomaaliya ka joogan ciidamo dhan 1,500 oo qayb ka ahaa 8,000 oo looga baahnaa nabad ilaalinta ciidamada AU. Ciidamadaas oo la rajaynayey in ay bedelaan kuwa Itoobiya ee qabsaday Soomaaliya. Dalalka kale ee ciidamada ballan qaaday waxaa ka mid ah: Nigeria, South Africa, Malawi, Ghana iyo Burundi, kuwaas oo aan weli ciidamo soo dirin.

Ciidamadii Uganda ee lagu diley Muqdisho waxaa meydkoodii loo qaaday Uganda. Lixda dhaawacmayna waxaa loo duuliyey Nairobi.

Faafin: SomaliTalk.com + Wakaaladaha Wararka.


Yoweri Museveni: Soomaalida ayaa laga rabaa in ay Qarankooda dhistaan...
Madaxweynaha Dalka Uganda oo Talaadadii (May 15) su'aalo laga weydiiyey arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in qaranka Soomaaliya ay Soomaalidu burburisey sidaas daraadeedna ay tahay in Soomaalidu qarankooda dhistaan. Hadalkaas Yoweri Museveni waxa uu yiri xilli uu la kulmay Madaxweynaah DFKMG oo booqday Uganda... Dhanka kale C/laahi Yuusuf waxa uu guriga madaxtooyada Uganda kula kulmay Khadiija (Xaaskii Caydiid) iyo saddex carruur ah oo ay dhashay.... Eeg halkan..

Puntland: Labadii ka tirsanaa CARE oo la siidaayey iyo Bayaan ka soo baxay dadkii afduubay::
Talaadadii (May 15) ayaa la siidaayey labadii ka tirsanaa hay'adda CARE oo May 9keedii lagu afduubay tuulada Xiriiro oo qiyaastii 120km (75 miles) u jirta Boosaaso. Labada qof ee la afduubay ayaa u dhashay Britain (Ireland) iyo Kenya.

Dagaalka Qarsoon ee Batroolka:
Qoraal dheer oo warbixin lagaga qoray Soomaaliya ayaa lagu xusay hadalkii Afhayeenkii hore ee Hawlgalkii Qaramada Midoobey ee Ciraaq 2003, Salim Lone, oo hadda ah qoraa ka tirsan jariida Daily Nation iee Kenya, oo dhawaan u waramay telefishanka Democracy Now. Hadalkaas oo ahaa: "Ra'iisul wasaaraha (DFKMG, Geeddi) isku daygiisa in uu u gacan haadiyo shirkadaha Batroolka waxay u dhigantaa qayladiisa uu markasta ku qaylinayo Al-Qaeda. Markasta oo aad waraysi ka qaadid saraakaal Soomaaliyeed, waxa ugu horeeya ee aad ka maqleysaa waa Al-Qaeda iyo Argaggaxiso. Taas ayey isticmaalayaan. Qof taas rumaysan ma jiro. Qof taas rumaysani ma jiro haba yaratee, sababtoo ah dhammaan warbixinada madaxa bannaani waxay tibaaxayaan arrin taas ka duwan. Akhri: [
The Hidden War for Oil]

"Cali Maxamed Geeddi Guri Villa ah miyuu ka iibsadey Nairobi" Waa hadal haynta Muqdisho...
"Waxyaabaha loogu hadal haynta badan yahay Muqdisho waa in Geeddi uu guri Villa ah ka gatay Nairobi iyo in qaramada Midoobey shaqaalohoodii oo dhan kala baxeen Muqdisho", Sidaa qoray qoraal kusoo baxay Inner City Press. Qoraalkaasi waxa uu sheegay in arrinta loogu hadal haynta badan yahay Muqdisho ay tahay in Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi uu dhowaan Nairobi ka gatay guril Villa ah. Taageerayaasha aadka ah ee DFKMG waxay rabaan in ay arrintaas caddayn loo helo. Tan kale qormadu waxay xustay sida lacagata loogu raadinayo kulanka dib u heshiisiinta Soomaalida... AKHRI....

Puntland: Wasiirkii Xannaanada Xoolaha, Beeraha iyo Deegaanka ee DGPL oo is casilay.
Waxaa soo shaac baxay in uu is casiley Wasiirkii Wasaaradda Xannaanada xoolaha ee DGPL, Siciid Jaamac (Qoorsheel), oo ku sugan Dubai. Waxaa wasiirka laga soo xigtey in uu is casilaaddaas u gudbiyey Madaxwaynaha Puntland Cade Muuse xilli uu madaxweynuhu Dubai ku sugnaa oo ku beegnayd May 10, 2007. Waxaa kale oo wasiirka laga soo xigtey in arrintaasi ay ka dabeysey kaddib markii ay cuntabi wayday Maxjar laga dhisayo Boosaaso oo la sheegay in qandaraaska xoolahaas la sii yayay 100% nin Sucuudiyaan ah, halka wasiirku uu madaxweynaha u soo jeediyey in arrintaas ay ku haboonayd in shirko lagula galo mandaqada Raas Al Khayma oo ogalayd in ay lacag la'aan ku dhisto maxjarka, islamarkaasna 50% ay xoolaheena ay qaadato. Waxana uu wasiirku sheegay in uusan rabin in uu galo taariikh madow. AKHRI....

Laba Doonyood oo Laga Leeyahay Kuuriyada Koonfureed oo Lagu Afduubay Xeebta Soomaaliya

Laba doonyood oo ah kuwa kalluumaysata oo laga leeyahay dalka Koonfurta Kuuriya, kana diiwaan gashan dalka Tanzania ayaa waxaa lagu afduubay badda Soomaaliya, sida laga soo weriyey wasaaradda Arrimaha Dibadda ee South Korea oo akhbaarta ka heshay safaaradda ay ku leeyihiin Kenya.

Doonyahan waxaa warku tibaaxay in la afduubay Talaadadii (May 15, 2007) qiyaastii 12:40 p.m xilliga afrikada Bari, waxayna ka soo ambabaxeen magaalada Mombasa Kenya iyagoo kusii jeedey sida la sheegay Yemen, marayeyna sida la sheegay meel 180 miles u jirta xeebta Soomaaliya.

Labada doonyood waxaa saarnaa 24 shaqaale ah oo kala ah: 4 Kuuriyaan ah, 10 Chinese ah, 4 Indonesian ah, 3 Vietnamese ah, iyo 3 Indian ah.

Waxaa wararka ka imanaya caasimada SEOUL ay sheegeen in loo malaynayo doonyahaas in ay afduubeen burcad Soomaaliyeed.

Bishii Janaayo (2007) ayey ahayd markii wasaaradda Arrimaha dibadda ee Kuuriyada Koonfureed ay dadkeeda ka mamnuucday in ay u safraan Soomaaliya arrimo ammaanka la xiriira awgeed.

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 18, 2007



 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com