Eedeysane Amaanan Waa Ina Soomaali
Cali-Daahir X Muxammad
mohiyadin@hotmail.com
بسم الله الرّحمن الرّحيم الْحَمْدُ للّهِ
رَبِّ الْعَالَمِينَ
والصّلاة والسّلام علي نبيّنا محمّد وآله
أجمعين.
Walaalayaal waxaa inagu badan hadaynu nahay
Soomaali arin aad Qatar u ah taasoo dhaawac wayn
u gaysan karta iimaankeena waana qabyaaladda.
Taasi waxay dhalisay in xitaa lagu dhiiran waayo
qofka daalimka ah in lagu yiraahdo waa daalim,
oo eray gaalnimo ah hadduu ku hadlo aan la oran
Karin waa munaafiq ama gaal oo hadduu mooryaan
yahay aan la oran Karin waa mooryaan. Haddii
eray aad ku tiraa Intaan isagiiba la gaarin
waxaa markiiba dhinacaaga ka maqlaysaa: Reer
waliba gaal wuu leeyahaye gaalka reerkeena maxaa
laga rabaa, munaafiq qolo waliba way leedahaye
munaafaqa reerkeena maxaalaga rabaa, reer waliba
mooryaan wuu leeyahaye mooryaanka reerkeena
maxaa laga rabaa IWM. Taasoo waafaqsan tii ay
jaahiliyadii carabta ku dhaqmi jireen islaamka
kahor. Siduu shaacirkii jaahiliga ahaa uu yiri:
غويت وإن تُرْشَدْغَزِيَّةُ اُرْشَدِ إلا
مِنْ غَزِيَّةَ إِنْ غَوَتْ وَهَلْ أَنَاْ
Anigu reer Gaziya uun baan ahay haddii ay
baadiyawdo waan la baadiyoobi haddii ay Gaziya
hanuuntana waan la hanuuni.
Haddiise diinta wax laga sheego jawaabteedu waa
diinta Allay leedahay, haddii caalim culimada
kamid ah wax laga sheegana warku wuxuu ku gaaban
yahay waa sheekhii reer hebel. Halkaasina waxaa
ku cadaatay in gaalka, munaafaqa iyo
mooryaankuba reerku ka tirsan yihiin sheekhuse
waa reer hebel.
Kolkii ay sidaa wax u dhaceen ayay dugaag soo
baxeen daalimiintii ladifaacayay. Siday
carabtuba ku maahmaahday:
سَمِّنْ كَلْبَكَ يَأْكُلُكَ
Naaxi Eygaagu haku cunee.
Kolka ay difaacayaan daalimiinta sow ma oga in
uu Alle SW inoogaga digayo arrimahaa iyo kuwa la
midka ahiba siduu ِAlle SW uu aayad dhexdeed
kuyiri:
وَلاَ تَكُن لِّلْخَآئِنِينَ خَصِيمًا /
النّسآء/105
Tuugta ha u doodin
Rasuulkuna SCWW Wuxuu yiri:
مَنْ أَعَاْنَ ظَاْلِمًا لِيُدْحِضَ
بِبَاْطِلِهِ حَقّاً فَقَدْ بَرِئَتْ مِنْهُ
ذِمَّةُالله وَذِمَّةُ رَسُوْلِهِ / رواه
الحاكم/ صحيح
Qofka taageera qof gardaran si uu u duudsiiyo
baadilkiisa xaq uusan lahayn waxaa dhaaftay ee
uu ka baxay magantii Alle SW Iyo magantii
Rasuulkiisa SCWW
Wuxuu kaloo Rasuulku SCWW uu yiri:
عَلَى خُصُوْمَةٍ بِظُلْمٍ ، أو يعين على ظلم ،
لَمْ يَزَلْ فِيْ سَخَطِ الله حَتََّى يَنْزِعَ
مَنْ أَعَاْنَ
رواه ابن ماجه / حسن
Qofka ku taageera qof kale dood dulmi ku dhisan
amaba ku caawiya dulmi wuxuusan kamarnaanayn
caro Alle ilaa uu iska daayo uu ka dhexboxo
hawlahaasi.
Wuxuu kaloo rasuulku SCWW uu yiri:
مَنْ أَحْدَثَ حَدَثًا أَ وْ آوَى مُحْدِثًا
فَعَلَيْهِ لَعْنَةُ الله وَالْمَلائِكَةِ
وَالنَّاْسِ أَجْمَعِيْنَ لايَقْبَلُ الله مِنْهُ
يَوْمَ الْقِيَاْمَةِ صَرْفاً وَلا عَدْلا. متّفق
عليه
Qofkii sameeya dambi amase soo dhaweeya
dambiile [hoy siiya ama qariya] waxaa ku
dhacday lacnadii الله iyo tii malaaikta iyo
[lacnadii] dadkoo dhan, oo Alle SW kama aqbalo
xagiisa kaweecin (cadaabka laga weeciyo) iyo
isfurasho midna
Wuxuu kaloo rasuulku SCWW uu yiri:
انْصُرْ أَخَاْكَ ظَاْلِمًا أَو مَظْلُوْمًا ْ
قَاْلُوا ْ يَاْرَسُوْلَ الله هَذَاْ
نَنْصُرُهُ مَظْلُوْمًا فَكَيْفَ نَنْصُرُهُ
ظَاْلِمًا
قَاْلَ: تَمْنَعُهُ مِنَ الظُّلْمِ فَذَلِكَ
نَصْرٌ لَّهُ / أخرجه البخاري
U
hiilli walaalkaa gar iyo gardaraba, waxay
yiraahdeen (saxaabadii Rasuulka SCWW Rasuulkii
Allow SCWW kani waan u hiilinaynaa haddii laga
gardaran yahay, sidee baanse ugu hiilinaynaa
hadduu gardaran yahay, wuxuu yiri rasuulku SCWW
dulmiga baad ka reebaysaa kaa baana hiilkiisii
ah.
Carabta gabayadoodii jaahiliga ahaana waxaa
kamid ahaa:
إِذَاْ لَم أَنْصُرْ أَخِيْ حِيْنَ
يَظْلِمُ فما أنا بِنَاْصِرٍ لَهُ حِيْنَ
يُظْلم
Haddii aanan uhiilin walaalkay kolkuu gardaran
yahay
Maxaan kaga hiilin kolka laga gardaran yahay.
Sidaa darteed sheekha baa reerka katirsan
daalimkuna waa reer shaydaan kaa baana ah
miisaanka saxda ah siduu Alle SW uu inoogaga
waramay:
إِنَّمَا وَلِيُّكُمُ اللّهُ وَرَسُولُهُ
وَالَّذِينَ آمَنُواْ الَّذِينَ يُقِيمُونَ
الصَّلاَة وَيُؤْتُونَ الزَّكَاةَ وَهُمْ
رَاكِعُون*َ وَمَن يَتَوَلَّ اللّهَ وَرَسُولَهُ
وَالَّذِينَ آمَنُواْ فَإِنَّ حِزْبَ اللّهِ هُمُ
الْغَالِبُونَ * سورة المائدة/55
Waxaa uun hiilkiina (iyo gargaarkiinuba) ah Alle
(S.W)iyo Rasuulkiisa (SCWW) iyo muminiita,
kuwaasoo salaada oogaaya sakadana bixinaaya
waana kuwo Alle (sw) u rukuuca *(oo salaadii
waajibka ahayd jamaacada masaajida Alle ku
tukada kadibna bixiya sadaqaadkii masaalixda
muslimiinta. Ka eeg Tafsiirka ibnu kasiir).
Qofka ka wali yeesha Alle iyo Rasuulkiisa
(SCWW) iyo mu’miniinta, dhab ahaan ururka Alle
(SW) baa ah mid guulaysta*).
Wuxuu kaloo ِAlle SW uu yiri:
(لَا تَجِدُ قَوْمًا يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ
وَالْيَوْمِ الْآخِرِ يُوَادُّونَ مَنْ حَادَّ
اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَوْ كَانُوا آبَاءهُمْ
أَوْ أَبْنَاءهُمْ أَوْ إِخْوَانَهُمْ أَوْ
عَشِيرَتَهُمْ أُوْلَئِكَ كَتَبَ فِي قُلُوبِهِمُ
الْإِيمَانَ وَأَيَّدَهُم بِرُوحٍ مِّنْهُ
وَيُدْخِلُهُمْ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا
الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا رَضِيَ اللَّهُ
عَنْهُمْ وَرَضُوا عَنْهُ أُوْلَئِكَ حِزْبُ
اللَّهِ أَلَا إِنَّ حِزْبَ اللَّهِ هُمُ
الْمُفْلِحُونَ*). سورة المجادلة/ 22
Ma helaysid qolo rumaysan Alle (S.W) iyo
maalinta aakhiro iyagoo jecel (oo xiriiriya)
qof lacolaytamay Alle (S.W) iyo Rasuulkiisa
(SCWW) haba ahaadeen aabayaashood,
caruurtooda, walaalahood, qaraabadooda, kuwaasi
wuxuu ku qoray Alle (S.W) quluubtooda iimaan
wuxuuna ku ayiday ruux xagiisa katimid wuxuuna
gelin doonaa jannooyin (beero) ay dareerayso
hoostooda wabiyaal iyagoo kuwaaraya dhexdeeda,
Alle (S.W) raali buu ka noqday, iyaguna way ka
raali noqdeen, kuwaasuna waa ururkii Alle (S.W)
ogaadana ururka Alle (S.W) waa kuwo liibaanay).
Sidaa darteed adigoo ah qof muslim ah maxaad
qabiil uga baahan tahay Maalinta qiyaamana
laysmaba waydiiyo arimahaa siduu Alle S.W. Yiri:
فَإِذَا نُفِخَ فِي الصُّورِ فَلَا أَنسَابَ
بَيْنَهُمْ يَوْمَئِذٍ وَلَا يَتَسَاءلُونَ*
سورة المؤمنون/101
(Kolka Suurka (buunka) la afuufo (la yeeriyo oo
laga dhawaajiyo) tolnimo ka dhaxaysaa majirto
maalintaa (qiyaamaha) ismana waydiiyaan).
Wuxuu kaloo SW uu yiri:
الْأَخِلَّاء يَوْمَئِذٍ بَعْضُهُمْ لِبَعْضٍ
عَدُوٌّ إِلَّا الْمُتَّقِينَ.
سورة الزخرف/67
Saaxiibadu maalintaa khiyaame Qaarkood qaarka
kale bay cadaw u yihiin, kuwa Alle Sw ka
dhawrsada mooyaane).
Rasuulkuna SCWW. wuxuu yiri:
ألا إ نَّ آلَ أبِيْ فلان لَيْسُواْ لِيْ
بِأوْلِيَآءَ، إنَّمَاْ وَلِيِّيِ الله
ُوَصَاْلِحُ الْمُؤْمِنِيْن /متّفق عليه.
ogaada ree ina hebel hiil iima aha, ee hiilkaygu
waa Alle iyo mu;miniinta suuban.
Rasuulku SCWW. Isagoo sii sagootinaya Mucaad
ibnu jabal R.C kolkii uu yaman u diraayay ayuu
wajigiisii dhanka madiina usoo jeediyay kadibna
wuxuu yiri:
مَنْ كَاْنُواْ، وَحَيْثُ كَاْنُواْ / رواه
أحمد/صحيح إِنَّ أَوْلَى النَّاْسِ بِيَ
الْمُتَّقُوْنَ
(Dadka waxaa iigu dhow kuwa dhowrsada cidday
doonaan ha ahaadeen meesha doonaanna ha
joogeen).
Waxaa kaloo ka sugan Rasuulku SCWW inuu ku
tilmaamay qabyaaladda wax qurun ah:
فَإِنَّهَاْ مُنْتِنَةٌ / متّفق عليه
دَعُوْهَاْ
(isaga taga waa qurune).
Wuxuu kaloo Rasuulku SCWW uu yiri:
(إِذَاْ رَأيْتُمُ الرَّجُلَ يَتَعَزَّى
بِعَزَاْءِ الْجَاْهِليَّةِ، فَأعِضٌّوْهُ بِهَنِّ
أبِيْهِ وَلا تَكُنَُواْ) رواه البخاريّ في الأدب
المفرد و أبوداود والنّسائيّ وغيرهم /صحيح.
(Haddii aad aragtaan qof ku faanaya amaba u
habar wacanaaya habar wacashadii jaahiliyada (oo
u qayshanaaya reerkiisa war yaa reer hebelooy
tol beelayeey iwm waxaad ku tiraahdaan) dakarka
aabahaa qaniin, hana u sarbeebina (oo si toos ah
u magac-dhaba).
وبالله التّوفيق
وصلّى الله وسلّم على نبيّنا محمّد وآله أجمعين