SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Warar: May 20, 2007

.Dawlada Talyaaniga oo Itoobiya Cadaasid Ku saareysa in ay Ciidankeeda Kala Baxdo Soomaaliya....
.Holland: Bannaanbax looga Soo horjeedo Joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya
.Shacabka Reer Uganda oo ka hor yimid in Ciidamadooda sii joogaan Soomaaliya…
.Wafdi ka socda Dowladda Talyaaniga oo soo gaarey Muqdisho..
.Dowladda Federaalka oo ergay u direysa Boqortooyada sucuudiga ..


Dawlada Talyaaniga oo Itoobiya Cadaasid Ku saareysa in ay Ciidankeeda Kala Baxdo Soomaaliya....


Patrizia Sentinelli oo weriyaasha Nairobi kula hadashay kaddib markii ay booqatay Muqdisho: AFP

Patrizia Sentinelli oo ka degdey Garoonka Muqdisho: AFP

Dawladda Talyaaniga ayaa Sabtidii (May 19, 2007) waxay shaaca ka qaaday sida ay Itoobiya cadaadiska ugu saareyso in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.

Kuxigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga Patrizia Sentinelli oo booqasho hal maalin ah ku tegey Muqdisho, ayaa la kulmay Madaxweynaha DFKMG iyo ra'iisulwasaaraha DFKMG. Kaddibna markii ay ku laabay Nairobi waxay ku qabadat shir saxaafadeed.

"Waxaan shaaca ka qaaday mowqifka dawladayda oo ah in ay shardi tahay in Itoobiya ay ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya," ayey ka sheegtay shirka jaraa'id ee ay ku qabatay Nairobi kaddib markii ay ka soo laabatay booqasho ay ku tagtay dalkii ay Rooma hore u gumeysatey, sidaas waxaa qortay warbaahinta Faransiiska ee AFP.

Sentinelli waxay intaas ku dartay "Ammaanka waxa keliya oo lagu gaari karaa xabbad joojin... dhibaatada ammaan xumida waa in sida ku haboon loo wajaho."

Iyadoo hadalkeeda sii wadata waxay tiri: Anigoo ku hadlaya magaca dawlada Talyaaniga waxaan soo bandhigay hal weydiisasho, kaas oo ah in shirka dib u heshiisiinta laga dhigo mid xaqiiqo ahaan loo dhan yahay.

Shacabka Soomaaliyeed waxay rumaysan yihiin dawlada Talyaanigu in ay dhumisay xiriirkii Soomaalida kaddib markii ay dheceen dagalada sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya dhammaadkii 1990. Luqada Talyaanigu waxay ahaan jirtey luqada khasabka ah in lagu dhigo Jaamacaddii Ummadda, macallimiinta dhigi jireyna ay u badnaayeen Talyaani, laakiin markii Soomaaliya ay ka dhacday colaadii sokeeye, Talyaanigu wuxuu jaray xiriirkii Soomaalida. Waxaa dhacday in arday dhigan jirey Jaamacaddii Soomaaliya ay la xiriireen macallimiintoodii oo kusii xiriiriyey Jaamacado ku yaal Talyaaniga, laakiin ay Dawladda Talyaaniga u diidey dal ku galkii sidaasna ay ku waayeen fursaddaas.

Talyaanigu waa dalkii Gumeystey Soomaaliya iyo Itoobiya.

  • Talyaaniga: Xukuumadii Gumeysatey Itoobiya Shanta sano (1936-1941)
    Dalalka Afrika waxay soo mareen xilli ay hoos galeen gumeystayaashii reer Yurub, arrintaas Itoobiya kama badbaadin, waxayna ahayd Talyaaniga dawladdii Itoobiya gumeysiga ku haysatey muddo shan sano ah (1936-1941). Dad badan ayaa is weydiiya: Maxaa loo yiraahdaa Itoobiya waa dalka keliya ee aan Afrika laga gumeysan. Arrintaas xeeldheerayaal Soomaaliyeed waxay kaga jawaabeen: Gumeystayaashii reer Yurub waxay db u gocdeen warqad uu Boqor Menelek u diray dawladaha reer Yurub 1891, warqaddaas oo Muujisay in "markii quwadihii Masiixiyiintu ay u soo hiilin waayeen Itoobiya in xeebta ay ka qabsadeen Muslimiin". Taas ayaa loo malaynayaa in ay dhalisay in Itoobiya lagu abaal mariyey laba arrimood oo ah: In la siiyo dhul Muslimiintu leeyihiin si ay gumeysto, iyo in aan taariikhda buugaagta reer Yurub lagu qorin in la Itoobiya uu Talyaanigu gumeystey, oo marka laga hadlayo xilligii uu Talyaanigu Gumeystey Itoobiya ee shanta sano ahayd in la yiraahdo waa: shan sano oo militari faashiiste ah haystey Itoobiya. Sababtaas ayaa keenta in buugaagta Itoobiya lagu qoro, haddiiba la qoro taraiikhdaas, sidan: "five-year military occupation of Ethiopia by fascists". Taas oo lagu xoojiyo oraahda ah: Itoobiya waxay ku faraxsan tahay in ay tahay dalka keliya ee Afrika ee aan la gumeysan: "Ethiopia proudly claims to be 'the only African country that has never been colonized'". Halkii xaqiiqada laga qori lahaa: Ethiopia was colonized by Italy for five years (1936-1941) - ama (Italy colonized Ethiopia for five years).

Holland: Bannaanbax looga Soo horjeedo Joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya

soomaali galbeed
1. Addis Ababa 2. Afar 3. Amhara 4. Benishangul-Gumaz 5. Dire Dawa 6. Gambela 7. Harari 8. Oromia

Waxaa Sabtidii magaalada Hague ka dhacay mudaharaad aad u ballaaran oo looga soo horjeedo joogitaanka ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya iyo xadgudubyada bini'aadaminimada ka baxsan ee ay ka geysteen Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho xasuuqii ay ka geysteen.

Boqollaal Soomaali ah ayaa ka kala yimid magaalooyinka Holland, waxayna isugu yimaadeen bartamaha magaalada Delhaag ayagoo wata boorar ay ku muujinayaan dareenkooda ay ku diidan yihiin tacadiyada ay ciidamada Itoobiya ka geysteen Soomaaliya.

Minnesota: Dumarka iyo Carruurta Soomaaliyeed oo Bannaanbax ku Dhigaya Aqalka Looga Taliyo Minnesota..May 25, 2007.


  • Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya
    fikruXildhibaan kasoo jeeda gobolka Galbeedka Itoobiya ee Benishangul Gumuz ayaa ka fakaday Itoobiya, magan-gelyo siyaasadeedna weydiistey dalka.. Akhri

Shacabka Reer Uganda oo ka hor yimid in Ciidamadooda sii…

Iyadoo dhawaan afar askari oo ka tirsan ciidamada Uganda lagu dilay Magaalada Muqdisho shan kalana lagu dhaawacay, ayaa waxaa arrintaani caro weyn ka muujiyey dadweynaha Uganda oo sheegay in ciidamada Uganda markii horeba loo geeyay dalka Soomaaliya si aan ka fiirsasho laheyn, waxa ayna dadweynaha Uganda sheegeen in Madaxweynaha Uganda uu yahay nin raali geliyey Mareykanka oo aan raali gelin codsiyadii dadweynaha reer Uganda ee ahaa in ciidamada Uganda aan la geyn Karin dalka Soomaaliya oo ay sheegeen in uu yahay mid horey looga quustay ciidamo Nabad ilaalin ah, dadweynaha waxay kaloo sheegeen in loo baahan yahay in Dowladda Uganda ay qaado talaabo ah in ciidamada Uganda sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro dalka Soomaaliya.

Wargeysyada ka soo baxa dalka Uganda ayaa maalmahan waxay qorayeen in ciidamada Uganda ay ku xabisan yihiin dalka Soomaaliya, waxayna wareysiyo ka qaadeen dadweyne fara badan oo isku raacay in sida ugu dhaqsiyaha badan dalka Soomaaliya looga soo saaro ciidamada Uganda. Wargeysyadu waxay kaloo sheegeen in ciidamada Uganda aan weli la siinin mushaaraadkii ay ku lahaayeen Midowga Afrika mudo saddex bilood ah, waxayna sheegeen in arrintaani ay ku tusineyso sida Midowga Afrika uga lug jiidayo sidii Soomaaliya loo geyn lahaa ciidamo nabad ilaalin ah. Mucaaradka wadanka Uganda ayaa waxay sheegeen in haddii aan ciidamada Uganda sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro dalka Soomaaliya ay imaan karto dhimasho fara badan, waxayna Dowladda u soo jeediyeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamada Uganda looga soo saaro dalka Soomaaliya, waxay kaloo u soo jeediyeen askarta Uganda ee ku sugan dalka Soomaaliya in ay sameeyeen taxadir iyo feejignaan dheeraad ah, si aysan u dhicin wixii qabsaday ciidamada Uganda ee dhawan lagu laalay dalka Soomaaliya.

Wafdi ka socda Dowladda Talyaaniga oo soo gaarey Muqdisho..

Wasiir ku xigeenka arrimaha Dibadda ee dalka Talyaaniga ayaa shalay soo gaaray Magaaalada Muqdisho, waxaana garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.

Haweeneydaan ayaa markiiba waxay kulan la yeelatay mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka, waxayna isla soo qaadeen sidii Talyaaniugu door muhiim ah ugu yeelan lahaa arrimaha Soomaaliya gaar ahaan shirka dib u heshisiinta ee la filayo in la qabto 14-ka Bisha Juun ee fooda nagu soo haysa.

Dowladda Talyaaniga waxay kaloo ballanqaaday in ay gacan siin doonto dadkii ku barakacay dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxayna Wasiir ku xigeenku sheegtay in sida ugu dhaqsiyaha badan gargaar dadkaasi loola soo gaari doono, sidoo kale waxay Dowladda Talyaanigu ballanqaaday inay ka qayb-qaadan doonto sidii uu u hirgeli lahaa shirka dib u heshisiinta Soomaaliyeed, kaas oo ay Wasiir ku xigeenadu ku tilmaantay mid isku soo dhaweyn kara Shacabka soomaaliyeed, iyadoo shacabka u soo jeedisay inay ka miro dhaliyaan shirkaas.

Dowladda Federaalka oo ergay u direysa Boqortooyada sucuudiga ..

Warar aanu ka helnay dhinaca Dowladda FKMG waxay sheegayaan in Dowladda Federaalka ay berito ergay u diri doonto dalka Sucuudi Carabiya, waxaa la filayaa in ergaygaasi uu kulamo la yeesho Dowladda Sucuudiga oo horey u sheegtay in diyaar u tahay in ay dalkeeda ku martigeliso shir ay isugu yimaadaan dhamaan dalka Soomaaliya.

Dowladda ayaa waxay qorsheyneysaa in Dowladda Sucuudiga ay si buuxda u taageerto shirka la filayo in lagu qabto Magaalad Muqdisho la sheegayna in ay isugu imaan doonaan dhamaan ummadda Soomaaliyeed.

Wafdiga Dowladda Federaalka ayaa lagu wadaa in Dowladda Sucuudiga ka dalbadaan qarashka shirka dib u heshiisiinta ku baxaya kaas oo ay ka qaybgali doonaan ilaa iyo Saddex Kun oo Ergo.

Qaar ka mid ah Golihii Maxaakiimta Islaamiga ayaa waxay ka codsadeen Dowladda Sucuudiga in ay soo farageliso arrimaha Soomaaliya shacabka Soomaaliyeedna u qabato shir guud oo lagu soo afjaro dhibaatada Soomaaliya.

Xubno ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta oo maanta u ambabaxaya..

Waxaa la filayaa in Maanta Magaalada Muqdisho ay ka ambabaxaan wufuud kala duwan oo ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta kuwaas oo tagi doona ilaa iyo sagaal gobal oo ka tirsan Gobalada Soomaaliya.

Xubnahan ayaa waxay soo eegi doonaan baahida Isboorti ee ka jirta gobaladaasi iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin, waxaana xubnaha baxaya ay isku kala qaybiyeen saddex qaybood, Gobalada Sh/hoose, J/dhexe iyo J/hoose waxaa u ambabaxaya Xubno ay hogaaminayaan Bashiir Maxamuud Geesay iyo Amiin Yuusuf Khasaaro, Gobalada Bay, Bakool iyo Gedo waxaa u ambabaxaya xubno ay hor kacayaan Yaxye Max’ed Caddow iyo Xasan Farey, Gobalada Sh/dhexe, Hiiraan iyo Galguduud waxaa u baxaya guddi ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo uu hogaaminayo C/rashiid Xuseen Caddow, waxaana la filayaa in inta ay joogaan xubnahani gobaladaasi ay kulamo la yeeshaan madaxda xiriirada K/cagta ee Gobaladaasi.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May  20, 2007


Niil
Niilka Buluuga iyo Niilka Cad
Sawirka: Wikipead

Hadalkii Xusni Mubaarak ee January 4, 2007: Waan Fahmi karaa sababta ay Itoobiya uguduushay Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Masar, Hosni Mubarak, ayaa yiri "waan fahmi karaa sababta ay Itoobiya ugu duushey Soomaaliya". Waxa uu hadalkaas yiri maalin Khamiis ah, Janaayo 4, 2007, mar uu magaalada xeebta ah badda cas ku taal ee Sharm el-Sheikh ee Masar kula kulmay wasiirka Arrimaha dibada ee Itoobiya Seyoum Mesfin, isla mar ahaantaasna dhambaal ka helay ra'iisul wasaaraha Itoobiya la sheegay in ay ku qornayn warbixin uu Zenawi kagahadlay xaladda ku soo siyaadey Soomaaliya. Jariidada ka soo baxda Shiinaha ee Xinhua oo arrintaas ka hadleysey waxay qortay cinwaanka: "Mubarak expresses understanding on Ethiopian intervention in Somalia". Haddaba xeel dheerayaasha Soomaaliyeed waxay muujiyeen sababta uu Mubaarak hadalkaas u yiri in ay salka ku hayso biyaha webiga Niilka.

Waxaa jira heshiis sannadkii 1929 dhex maray dalka Masar iyo Boqortooyadii Ingriiska (oo ku hadleysey codka Sudan maadaama ay xilligaas gumaysaneysey), heshiiskaas oo loo yaqaan "1929 Nile Treaty" waxa uu dalka Masar siinayey xusuuqda ugu badan ee adeegsiga biyaha webiga Nile. Waxaana heshiiskaas markale dib loo eegay sannadkii 1959 (waxaana sidaas dalbatay Sudan). Heshiisyadaas wax tixgelin ah lama siin Ethiopia oo qiyaastii ilaa 80% biyaha webiga Blue Nile ay ka soo bilowdaan [Webiga Niil ee uu ku tiirsan yahay dhaqaalaha dalka Masar waxa biyihiisu ka yimaadaan labada webi ee Niilka Cad "White Nile" oo ka soo bilowda Harada Victoria ee ay wadaagaan Kenya, Tanzania iyo Uganda, iyo Webiga Niilka Buluugga "Blue Nile" oo kasoo bilowda Haarata "Lake Tana" oo ku taal Ethiopia, waxaana webigaas dhanka Ethiopia looga yaqaan "Abay" ama "Giyon". Labada webi ee Niilka-Cad iyo Niilka-Buluuga waxay ku kulmaan bartamaha magalada Khartuum ee dalka Suudaan, markaas ayey noqdaan Niilka waraabiya beeraha dalka Masar oo ay dagaalka ka xigto haddii biyahaas ay Ethiopia ka faa'iidaysato iyadoo aan Masar lagala tashan ]. Sidaas darteed Ethiopia looma ogola in ay mashaariic horumarin ah ka fuliso Webiga Blue Nile ee dalkeeda ka soo bilowda, haddii ay sidaas samayso dalalka Sudan iyo Masar ayaa soo weeraraya Ethiopia oo ah dalal aad u xoog weyn. Markaas waa in Itoobiya hesho meel kale oo ay horumar ku samayso si ay dadkeeda oo hadda kor u dhaafay 75 million u helaan cunto ku filan. Haddaba meesha ugu dhow ayaa noqotay dhulka baaxadda weyn ee Soomaaliya maadaama tirada Soomaalidu ay yihiin 9 million oo keliya ayna haystaan dhul ballaaran oo ay maraan Webiyada Jubba iyo Shabeelle iyo xeeb aad u dheer, sidaasna dadka tirada badan ee reer Itoobiya la soo dejiyo dhulkaas barwaaqada ah.


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com