SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA



In ka badan 200 dhallinyaro oo maanta seminaar loogu soo gabagabeeyay Hotel Laf weyn ee magaalada Muqdisho

In ka badan 200 dhallinyaro ah kana kala socday 16ka degmo ee gobolka Banaadir uu ka kooban yahay ayaa Khamiistii hotel Lafweyn ee magaalada Muqdisho loogu soo gabagabeeyay seminar u socday muddo seddax maalmood ah.

Seminaarkan oo uu soo qabanqaabiyay ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee isagu dhowaan dowladdu ay dhaqan gelisay ayaa waxaa sidoo kale ay iska kaashadeen isla markaana maalgeliyay maamulka Gobolka Banaadir.

Wasiirro ka socday dowladda federalka oo uu ka mid ahaa wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Max’ud Sayid Aadam, guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max’ed Dheere, guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada max’ed Cismaan Dhagaxtuur iyo taliyayaasha qeybaha Booliiska ayaa sidoo kale waxaa lagu casuumay guddoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir si ay goob joog uga noqdaan gabagabada seminaarkaas.

Seminaarkan ayaa waxaa looga gol leeyahay in dhallinyarada gaareysa 200 boqol ay gobolka Banaadir ka caawimaan in magaalada Muqdisho 16keeda degmo lagu sameeyo tirakoob, waxaana howshaasi ay bilaabaneysaa maalmaha soo socda, iyadoo maamulka gobolka Banaadir iyo dhallinyaradana ay iska kaashanayaan howlaha kala duwan ee haatan uu qorsheeyay gobolka Banaadir kuwaasoo lagu sugayo amniga isla markaana maamulka uu sameynayo tirakoob laga soo bilaabayo xaafadaha, lana gaarsiinayo illaa degmada, iyadoo maamulka uu horay u shaaciyay in boqol-boqol guri laysugu leexinayo, boqolkaas gurina loo sameynayo hal horjooge oo lagula xisaabtamo wixii ka dhaca xaafaddaas.

Masuuliyiinta ka qeyb gashay xiritaanka seminaarkaas ayaa ku guubaabiyay dhallinyaradaas inay u diyaar garoobaan howl adag oo baaxad leh, lana doonayo in laga guul gaaro si mar kale magaalada Muqdisho ay dib ugu soo noqoto bilicdii iyo quruxdii ay horay u laheyd.

Max’ed dheere oo sheegay in wixii berri ka billowday ay ammaanka Muqdisho la wareegayaan ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir

Max’ed cumar Xabeeb (M.dheere) oo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa daboolka ka qaaday in wixii ka billowday berri oo ku began 25/05/2007da ay si rasmi ah amniga magaalada Muqdisho ula wareegayaan ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir.

Max’ed dheere wuxuu sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu qorsheeyay howl qoto dheer iyadoo gobolka Banaadir loo qeybiyay seddax qeybood oo ah A, B iyo C oo u dhiganta shan degmo lagu daray shan degmo lagu daray lix degmo kuwaasoo qeyb kasta ay leedahay guddoomiye, kuwaasoo kala ah ku xigeenada gobolka Banaadir, waxayna kala yihiin arrimaha bulshada waxaa loo qeybiyay lix degmo, halka ku xigeenka nabad gelyadana loo qeybiyay shan degmo, halka siyaasaddana loo qeybiyay shan degmo, sidoo kale waxaa maamulka Gobolka Banaadir uu qorsheeyay 18 saldhig booliis iyadoo degmooyin cusubna loo sameynayo saldhigyo kale oo booliis, kuwaasoo dhamaantood ka wada amar qaata hal qeyb, si toos ahna isugu xiran, booliis kastana uu leeyahay calaamad gaar ah oo lagu aqoonsado, waxaana jira sidoo kale isgaarsiin degdeg ah iyo ciidan gurmad ah oo diyaarsan oo u gurman kara goob kasta wixii ka dhaca, waxaana dhamaan ciidamada Booliiska ay degayaan is goys kasta oo ka mid ah 16ka degmo ee gobolka Banaadir, waxaana la xakameyn doonaa dhaq-dhaqaaqa amniga, waxaana kormeer joogto ah sameyn doona madaxda sarsare ee degmada sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Banaadir Max’ed cumar Xabeeb (M.dheere).

Maamulka Gobolka Banaadir oo bilaabay inay burburriyaan jardiinooyinka sida sharci darrada ah loo dhistay 16kii sano ee la soo dhaafay

Waxaa si habsami leh uga socda isgoysyada magaalada Muqdisho gaar ahaan jardiinooyinkii isgoysyadaas iyadoo shalay iyo maantaba ay socdaan howlo bur-burrin ah oo ay wadaan ciidamada qalabka sida, sida booliiska iyo militarigaba.

Waxaa gebi ahaanba dhulka la dhigay guryihii ka sameysnaa dhagxaanta oo weliba lagu xardhay mutuleel kuwaasoo ka dhisnaa isgoysyada waaweyn ee caasimadda, waxaana guryahaasi sidoo kale ka socday ganacsi xad dhaaf ah, hase yeeshee shalay iyo maanta waxay u muuqdaan gebi ahaanba kuwo dhulka la dhigay.

Isgoysyada qaarkood sida Kaasabobulaare, isgoyska Howlwadaag, Siinaay, afarta jardiino, Sanca iyo guud ahaan isgoysyada waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa haatan intooda badan waxay ku soo noqdeen 1990kii wixii ka horreeyay sidey ahaayeen, waxaana ka socda howlo lagu nadiifinayo qashinkii iyo dhagxaantii laga bur-burriyay, iyadoo dadkii sida sharci darrada u dhistayna ay bannaanka ka joogaan kaddib markii ay ka qaateen wixii hanti ahaa ee u dhex yiil.

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka soo xiganay dad ku dhow dhow goobahaasi sida sharci darrada loo dhistay ayaa waxaa la sheegayaa in shaqsiyaadkii dhistay ay bil kasta isku cel-celis ka soo geli jirtay dhaqaale kor u dhaafaya 5 kun ilaa 10 kun oo doollarka Mareykanka, marka laysu soo duubo qolalka ay ka dhisteen waddooyinkaasi oo ay kireysteen, waxayna ku jireen nolosha tan ugu surreysa oo uu helo qof bini’aadam ah, sababtoo ah ma bixin jirin wax canshuur ah, wax kiro ah iyo wixii tasiilaad ah ee loo baahnaa, waxayna ahaayeen kuwo xoog lagu dhistay, xoogna looga manaafacaadsado, balse maanta waxay u muuqataa inay timid awood ka xoog badan, sharci iyo nidaam.

Waxaa inta badan la ganaaxaa dadka u muuqda inay ka madax adeygaan amarka la faray oo ah in si fudud ay uga guuraan goobaha sharci darrada ah, waxaana maamulka gobolka Banaadir uu sheegay in isbuucii la soo dhaafay ay soo xareeyeen in ka badan 160 dhowr Milyan oo ka soo xarootay ganaax ahaan dad siyaabo kala duwan loogu ganaaxay amarro ay ka hor yimaadeen oo horay loo faray.

Qaraxyada habeenkii lala beegsado saldhigyada cidamada oo ku soo badanayo muqdisho

Xalay fiidkii ayaa laga maqlay xaafada huriwaa ee magalada muqdisho qarax lala beegsaday saldhiga ciidamada dowlada fadaraalka KMG somaliyeed waxaana xaafadaha qaar uu saaran yahay Bandow aan xilli laheyn, iyada oo markii labad xalay Degmada Huriwaa oo Bandow xoogan uu saarnaa habeenadan waxaa ka dhacay Qarax xoog leh.

Qaraxan oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn cidda geysatay iyo khasaaraha uu sababay ayaa lala beegsaday Saldhiga Ciidamada Booliska ee Degmada Huriwaa, ayaa waxaa ilaa iyo hada halkaasi yaala laba qof oo meyd ah oo uu ku jiro mid ka mid ah ciidamada booliska iyo qof rayid ah iyadoona Ciidamada Dowladda KMG ay rasaas xoogan rideen.

Goobjoogayaasha ayaa sheegaya in qaraxani uu ahaa mid aad u xoogan oo gilgilay guud ahaan Degmada, islamarkaana lagu qiyaasay inuu ahaa Bam gacmeed.

Falka qaraxa ah oo qeyb ka ah silsiladaha qaraxyada xiriirsan ee dhawaanahan ka dhacayey Caasimadda ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xilli Degmada Huriwaa uu saaran yahay Bandow uu dul dhigay Maamulka Gobalka Banaadir, ka dib markii falal qaraxyo ah iyo amaan daro baahsan ay kusoo kordheen Degmada.

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666/002521653623

Ambassador Ameerika "Waxaa magaalada weli ku harsan kooxo argagixiso ah"

Waxaa maanta shir Jaraa’id ku qabtay xarunta safaarada Soomaalida ee Kenya, safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Max’ed Cali Ameerika, oo ku faah-faahiyey socdaal uu dhowaan uga soo laabtay magaalada Muqdisho & xaaladda ay Muqdisho ku sugan tahay, wuxuuna tilmaamay in dowladdu ay sameysay horumar dhinaca nabadgelyada ah taasina ay keentay in dowladdu ku guuleysato in guulo laga gaarto howlihii lagu sugayey ammaanka.



“Waxaa magaalada weli ku harsan kooxo argagixiso ah, oo qaab ku dhifo oo ku dhaqaaqa ah ku weerara madaxda dowladda, waxaana rajeyneynaa in kooxahaasi ay dowladdu soo qab-qaban doonto” ayuu yiri Max’ed Cali Ameerika, oo intaasi sii raaciyey in kooxaha uu ku tilmaamay argagixisada in ay horay weeraro ugu qaadeen ra’isul wasaare Geeddi, guddoomiyaha gobolka & duqa Max’ed dheere & shaqsiyaad ka tirsan dowladda federaalka.
 


Ameerika wuxuu sidoo kale xusay in shacabka ay si weyn ugu diirsadeen isbedealadii Muqdisho ka dhacay, isla markaana ay taageero buuxda u hayaan dowladda federaalka, wuxuuna ugu baaqay waxgaradka kala duwan ee beelaha Soomaaliyeed in ay si buuxda uga soo wada qeybgalaan shirweynaha dib u heshiisiinta Qaran si shirkaasi uu u najaxo.

Waxaa qoray. Maxamed Zaki
E-mail. mah_ed229@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 24, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com