SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA



Kooxaha Wax Iska-caabinta Ee Diidan Joogitaanka Ciidamada Shisheeye Oo Sheegay Inay Xeelada Dagaalka Bedeleen...

Xoogaga wax iska caabinta ee sida weyn uga soo horjeeda joogitaanka ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan oo shegay inay dagaalkooda u bedeleen mid xeeladaysan islamrkaana aysan joojin doonin ilaa inta ciidamada xukuumada ethiopia dalka ka baxayaan .

Mid kamida kooxaha isku magacaabay wax iska caabinta iyo difaaca diinta oo magaciisa diiday in la shaaciyo oo u waramayey qaar ka trsan saxaafada ayaa sheegay inay ku dagalami doonaan waxii hada ka dambeeya dagaal xeeladaysan waa siduu hadalka u dhigaye islamrkaana ay isticmaali doonaan khibrad kala duwan oo heer caalami ah .

Sidoo kale waxuu intaas ku daray inay jiraan dagaalada qaraxyada ee ka dhaca meelaha uu ku sheegay in cadowgu degan yahay ay ka howl galaan islamrkaana ay kazoo hooyeen guulo wax ku ool ah waa siduu sheegtaye .

Mar saxaafadu waydiisay maxaa idinku qasbaya inaad dowlada KMG ah iyo weliba ciidamada caawinaya ee Ethiopia aad dagaalo la beegsataan ayuu ku jawaabay , waxaanu kasoo hor jeednaa cadowga Ethiopia iyo daba dhilifkooda islamarkaana isku dayaya inay ka hor yimaadaan diinta iyo shreecada islaamka waayo ayuu yiri isagoo soo qaatay aayada quraanka ee ah kuwa yuhuud iyo nasaaro weli ka dhigta inay iyaga kamid yahiin.

Sidoo kale waxaa saxaafadu waydiisay maadaama dagaalkii aad kula jirteen ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowlada FKMG ah uu shacabka u keenay bur-bur iyo qasaaro baaxad leh yaa ka masuul ah dhibaatadaas , waxuuna ku jawaabay waxaa masuul ka ah kuwa ciidamada shisheeye dalka keenay iyo weliba daba dhilifyadooda ayaa ka masuul ah inta ku shahiidayna alle ayaa jano ugu bishaareeyey.

Ugu dambayntii waxaa saxaafadu waydiisay maxaa xal ah oo aad hada damacsan tihiin hadaad tihiin kooxaha kasoo horjeeda joogitaanka ciidamada shisheye ilayn dagaal xala ma noqdee ,ayaa isagoo ka jawaabaya su,aashan waxuu yiri; waxaa xala noqon kara in alle siduu sheegay loo hogaansanaado islamrkaana la qaato kitaabka iyo sunada rasuulkeenii muxamad SCW taas ayaa xal noqonaysa hadii lagu dhaqmo.

Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 24, 2007


Saldhigga Booliska Huriwaa oo Xalay la weeraray
Habeenimadii Xalay (May 24) ayaa waxaa laga maqlay qarax lag amaqlay saldhigga booliska ee Huriwaa, taas oo ay ku xigtey rasaas. lama oga khasaaraha halkaas ka dhacay, waxaana saldhigaas ku suganaa ciidanka DFKMG

Shiinaha oo Maraakiibtiisa uga digey Xeebaha Soomaaliya
Wareegto Talaadadii (May 22) kasoo baxday dalka Shiinaha ayaa digniin u dirtay maraakiibta Shiinaha in ay ka fogaadaan badda Soomaaliya. Wareegdataas oo xustay in burcad-badeedu ay gaaraan ilaa 200 mile meel u jirta xeebta Soomaaliya, waxaan atalo lagu siiyey kaabtannada maraakiibtu in wax kasta haku qaatee ay iska ilaaliyaan badda Soomaalida. Waxayna Shiinuhu sheegeen in bishanmay gudeheeda in ilaa lix markab ay burcaddu faraha saartay.

Xaashi Galayr oo lagu diley Suuqa Bakaaraha
Arbacadii, May 23 waxaa suuqa Bakaaraha ee magaalda Muqdisho lagu diley nin lagu sheegay in uu gacan yare u ahaa Maxamed Qanyare Afrax. Ilaa hadda lama oga cidda dilkaas ka dambeysey.

Ciidamada DFKMG oo Isku Rasaaseeyey Km4
Arbacadii May 23 waxaa Km4 isku rasaaseeyey ciidamada DFKMG. Iska hor imaadkaas ayaa lagu soo waramay in uu sababay qaad (Jaad) la sheegay in qaar ka mid ah ciidamada DFKMG ay dhacayeen, kaddibna ay qaar kale oo ciidamada DFKMG ay rasaas la beegsadeen kuwii dhacayey qaadka.


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com