SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Ma dhabaa In Khilaafkii Soo Kala Dhex Galay Madaxda Milatariga Iyo Booliska Dowlada KMG Uu dhex-dhexaadiyey Gen. Gabra...

Khilaaf xoogan ayaa dhowaanahanba ka dhex jiray masuuliyiinta kala haysta ciidamada milatariga iyo kuwa booliska dowlada KMG ah kaasoo ka dhashay xalinta amaanka caasimada muqdisho oo ay ciidamada qaarkood ay amaanka khal khal geliyeen islamarkaana ay baaritaan iyo dhac u gaysteen dadka shacabka ah.

Dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada muqdisho ayaa tiro ka dhowr jeer ah cabasho xoogan ka muujiyey dhaca ay u gaysanayaan ciidamo qaba dharka loo yaqaano tuutaha oo lagu yaqaano ciidamada milatariga dowlada KMG ah, islamarkaana keentay khilaaf mudo soo jiitamayey oo kala dhex galay masuuliyiinta ay hoos tagaan ciidamadaasi oo kala ah gen,cabdi xasan cawaale qaybdiid oo ah taliyaha ciidanka booliska DFKMG iyo weliba wasiir ku xigeenka wasaarada gaashaandhiga DFKMG salaad cali jeelle .

Sidoo kale khilaafkan u dhexeeyey ciidamada qalabka sidaee DFKMG iyo masuuliyiintooda oo ahaa mid ay dhowr jeer isugu qalab qaateen islamarkaana laga cabsi qabey inuu dhaliyo dagaal ka dhex qarxa ciidamada dowlada dhexdeeda ayaa sida ay sheegayaan warar xog-ogaal ahi waxaa dhex-dhexaadin ku aadan aritaan sameeyey Gen. Gabra oo ah taliyaha ciidamada xukuumada Ethiopia ee dalka ku sugan .

Gen,Gabra oo sida qaalibka ah ay ka amar qaataan masuulyiinta dowlada KMG ahi ayaa ka qayb qaatay arintan khilaafka dhalisay islamarkaana la sheegay inuu isu soo dhoweeyey labadaas kooxood ee ciidamada booliska iyo milatariga taasoo lagu dhawaaqay in laga bilaabo maalinta jimacaha ay ciidamada boolisku la wareegaan amaanka caasimada muqdisho .

Si kastaba ha ahaatee arintan ayaa kusoo beegmaysa xili amaanka magaalada caasimada ah ee muqdisho uu kasii darayo islamrkaana ay dhac boob u gaysanayaan shacabka ciidamo ku lebisan dharka milatariga ,taasoo ay dadka shacabka ahi aragtiyo kala duwan ka bixiyeen halka qaarkoodna soo dhoweeyeen ,qaar kalena ku tilmaameen inay caasimada muqdisho uu ka taliyo gen,gabra .

Yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 25, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com