SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Cidii tidhaahdaa waan tagayaa [Shirka Soomaaliya], Xabsigii Madheera Waa diyaar Cid Sharciga ka sareysana ma jirto, haday tahay Suldaan

May 25, 2007: “Markaa qabiilka Soomaaliya iyo Salaadiinta Somaliland wax ay kawada hadlaan meesha mayaalo, Cali Mahadina hadaad naf leedahay ka hadal dadkaaga la xasuuqay.”.Wareysi shabakada Hadhawanaag la yeelatay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali waraabe

 Faysal Cali waraabe
(Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe )

Hargeysa (HWN): Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa daboolka ka qaaday inaanay jirin cid Somaliland uga qeyb galaysa shirweynaha dib u heshiisiinta ee lagu qabanayo koonfurta Soomaaliya.
Isla markaana sharci ay golayaasha Barlamaanka ansixiyeen uu ka yaalo.
Sida waxa uu maanta ku sheegay Wareysi ay shabakada Hadhwanaag khadka Mobilka gacanka kula yeelatay isaga oo marka ku sugnaa gegeda diyaaradaha ee Magaalada Berbera una sii dhoofayey dalka Filand.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inaanay jirin cid Somaliland uga qeyb galaysaa shirka dib u heshiisiinta ee Koonfurta Soomaaliya lagu qabanayo “Cid Somaliland uga qeyb galeysaa ma jirto [Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya], sharci ay golayaashu [Guurtida iyo Wakiilada] ansixiyeen ayaa ka yaalaya oo lagu qaadayaa” ayuu yidhi.

Md. Faysal waxa uu hoosta ka xariiqay inaan Masiirka umadda Somaliland loo baabin karin cadow u shiraya sidii ay Somaliland u baabin lahaayeen, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ Maaha in masiirka umadda [Somaliland] loo tuuro cadow u shiraya sidii ay Somaliland u baabin lahaayeen.”

“Wuxuu keeni karaa dadka xun ayaa soo bixikara, C/laahi Yuusuf iyo Cali Maahdi-na makala jajabin karaan shacbiga reer Somaliland” ayuu yidhi FaysaL Cali Waraabe.

“Suldaankan [Suldaan C/qaadir] iga daayo, Markii hore dadkii ka qeybgalay ee la saamaxay denbile ayey ahaayeen, kii saamaxayna waa danbiile, hadii ay Somaliland la kulmayso Soomaaliya hadii loo baahdo laba dawladood ayaa wada hadli kara” ayuu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng. FaysaL Cali waraabe isaga oo ku tilmaamay xubnihii reer Somaliland ee ka qeybgalay shirarki hore ee dib u heshiisiineed ee koonfurta Soomaaliya ay ahaayeen denbiile, kii saamaxayna denbile.

Md. Faysal waxa uu cadeeyey inaanay jirin wax ay ka wadahadlaan salaadinta Somaliland iyo qabiilka soomaaliya, ee ay madaxda dawlada Embeghati sheegeen inay Salaadin Somaliland ah ay shirka dib u heshiisiinta ka qeybgaayaan.“ Qabiilka Soomaaliya iyo kuwa Somaliland col maaha, Markaa qabiilka Soomaaliya iyo Salaadiinta Somaliland wax ay kawada hadlaan meesha mayaalo” ayuu yidhi.

“Markaa waxaan u arkaa cidii tidhaahdaa waan tagayaa [Shirka Soomaaliya], sharaf dhac ayey ku tahay, cid sharciga dalka ka sareysana ma jirto haday tahay Madaxweyne iyo haday tahay Suldaan Xabsigii Mandheera waa diyaar.”

Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka e UCID Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu shacbiga reer Somaliland kula dardaarmay inay ilaashadaan qaranimadooda oo ay iska qabtaan cidkasta oo isku dayda inay waxyeeleeyso, isla markaana cidii xun inaanay Somaliland la ehel ahayn. Isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi. “Shacbiga reer Somaliland waa inay qaranimadooda ilaashadaan qofka xuna Somaliland la ehel maaha.”

Md. Faysal waxa uu dhaliil kuluul dhabarka uga riday Gudoomiyaha shirka dib u heshiisiinta ee koonfurtka Soomaaliya oo sheegay inay salaadiin reer Somaliland ahi ka soo qeybgalayaan shirka, inuu ka hadlo dadkiisa la xasuusay “Cali Mahadina hadaad naf leedahay ka hadal dadkaaga la xasuuqay.”

Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali waraabe waxa sheegay inuu hawl shakhsiya u tagayo dalka filand oo uu nasasho muddo gaadhaysa bil ah ku soo qaadandoono halkaasi.

Waxa beryahanba warbaahinta Somaliland ku soo baxayey hadalo uu Gudoomiyaha shirka dib u heshiisiinta Soomalaiya Cali Mahdi ku cel celinayey inay salaadiin reer Somaliland ka soo qeyb gelidoonaan shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya oo lagu macsuumay, hadalkaas oo ay jawaabo canbaareyn iyo naqdin ah kaga jawaabeen Xukuumada Somaliland iyo qaar ka mid xisbiyada Mucaaridka Somaliland.

Mid ka mida salaadiinta waaweyn ee reer Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo wareysi gaara shalay siiyey tilifiishanka Madaxa banaan ee Somaliland [SLTV] oo kaga waramayey mowqifkiisa ku wajahan shirweyanaha dib u heshiisiinta ee lagu qabanayo muqdhisho oo la sheegay inay madaxda Embeghati inay ku macsuumeen Madax dhaqameedyo reer Somaliand ayaa waxa uu sheegay inaanay Madaxdhaqameedyadu xuduud lahayn, taas oo dadka siyaasada indha indheeyaa ay ku micneeyeen hadalka ka soo yeedhay Suldaanka inay u muuqato inay madaxdhaqameedyo reer Somaliland ahi ay doonayaan inay ka qeybgalaan shirkaa.

Weriye, Mustafe-Janaale
Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa
E-mail, janaale94@yahoo.com 
 

Faafin: SomaliTalk.com | May 25, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com