SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Raiisalwasare Cali Maxamed Geedi iyo wasiirka arimaha dibada ee Ethiopia oo maanta si wadajir ah calankii dowlada Ethiopia uga dul taagay safaarada cusub oo laga furay magaalada muqdisho .

Sawirada Halkan ka daawo....

May 27, 2007: Munasibad balaaran oo dib loogu furaayey safaaradii dowlada Ethiopia ay ku laheyd dalka somaliya ay ka qeyb galeen madaxweynaha dowlada fadaraalka KMG somaliyeed mudane Cabdulahi Yuusuf Axmed ,Rasiisalwasaaraha dowlada fadaraalka ah prof : Cali Maxamed Geedi ,wasirka arimaha dibada ee Ethiopia siyum misvin ,qaar ka mid ah xubnaha labada gole taliyayaasha ciidamada qalabka sida dowlada fadaralka ,kuwa AMISOM iyo ciidamada Ethiopia .maamulka gobolka nabadair iyo marti shraf kale taas oo ka dhacday xarunta cusub ee safaarada oo ah ka soo horjeedka villa somaliya ee magaalda muqdisho,

Xafladaan oo u muuqatey mid si degan looga soo shaqeeyey ayna ku gadaamnaayeen ciidamada qalabka sida ee Ethiopia , kuwa AMISOM, iyo ciidamada dowlada fadaraalka KMG somaliyeed waxaa ugu horeyntii halkaas markii ugu horeysay si wadajir ah calankii dowlada Ethiopia u wada saaray Raiisal wasaaare Cali Maxamed Geedi iyo wasiirka arimaha dibada ee dowlada Ethiopia siyum misvin waxeyna halkaasi salaan sharaf kaga qaateen cutubyo ka tirsan cidamada dowlada Ethiopia ,

Wasiirka arimaha dibada ee dowlada Ethiopia Mr. Siyum musvin oo ugu horeytii halkaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay in xukuumada Ethiopia ay safaaradeedii dib uga furato mudo 16 sano ah ka dib wuxuuna meesha ka saaray in ay dhamaatey cadaawadii hore ee u dhaxaayn jirtay maamuladii hore ee dalaka somaliya iyo Ethiopia , wuxuuna hosta ka xariiqay in manta dhibaatada jirtaa ay tahay faqri sidii looga bixi lahaana ay waajib tahay in ay iska kaashadaan labada dowladood iyo labada shacbi ee deriska ah

Raiisal wasaare Cali Maxamed Geedi oo isne munaasibadaasi ka hadlay ayaa ugu horeyntii wuxuu sheegay in dib u furida safaarada Ethiopia in ay tahay safaaradii labaad ee ay furtaan labada dal , waxaana jirtay in sanadkii hore dabayuaaqadiisii uu sidaan oo kale xarunta Ethiopia ee adis ababa laga taagay calankii safaarada somalida ee dalkaasi Ethiopia aniga iyo siyum misvin aan si wada jir ah uga wada taagna xarunta safaarada somaliya ee dalka Ethiopia

waxaana ku faraxsanahay in manta magaalada muqdisho oo leh jawi nabadeed dib looga furo safaradii Ethiopia waxeyna noogu fadhidhidaa arintaasi qiimo aad iyo aad u weyn si gaar ahna dowlada Ethiopia oo aanu saaxiibo nahay ,walaalo naahay ,deris nahay , waxeyn shacbiga iyo dowlada somaliyeed ugu deeqday wax bini ,aadan isa siiyo waxaa ugu qaalisan oo ah dhiigooda in ay u daadiyaan naabda ka jirta somaliya gaar ahaan magaalada muqdisho ayuu yiri prof: Cali Maxamed Geedib oo intaa sii raaciyey in dhiigaasi wada galeen uu yahay mid ujeedadiisu tahay in lagu xasiliyo dalka somalaiya guud ahaan gaar ahaana mandaqada geeska africa ,

“ waxaa la awada garan karaa sida uu wasiirkuba sheegay colaadihii artivishalka ahaa ee labada dal ee u dhaxeyn jiray Ethiopia iyo somaliya ay dhanaadeen waa hore sida u sheegay wasiirka arimaha dibada ee dowlada Ethiopia cadowga kaliye ee ka jira geeska Africa waa faqriga waxaana looga bixi karaa in la nabadeeyo maNDAQADA geeska africa la iskanen kaashada wada shaqeyntaa hadafka labada dowladood iyo labda shacbine waa sidaas ayuu yiri prof: geedi ,

Cali Maxamed Geedi waxaa uu hambalyo gaar ah u diray wasiirka arimaha dibada ee dalka Ethiopia siyum misvin oo u yimd dalka in uu manta safaarada ka furo magaalada muqdisho waxaana u rajeynayaa ayuu yiri in dalalka kale ee caalamka ay sidaan oo kale ay uga furtaan safaaradoohii magaalada muqdisho oo uu sheegay in xaalada somaliya ee manta uu u furmay baal cusub una bilaabatay naabd

sidaa darted ayuu yiri Cali Geedi in ay ku wada shaqayn doonaan dowlad asomaliyeed iyo dowlada Ethiopia isaga oo caalamkane ka codsaday in ay taageero siiyaan nabada ka aslaaxday somaliya

raiisal wasaaraha dowlada fadaraalka KMG somaliya prof : Cali Maxamed Geedi wuxuu si gaar ah ugu mahad celiyey oo uu sheegay in ay manta safaaradeedii markale dib uga furato magaalada muqdisho calankeediina ay ka dul taagato gudaha safaarada ,

“ waxaan sidoo kale mahad gaar ah u celinayaa dowlada yugandha oo ah dowladii ugu horeysay oo soo horkacda ciidamada uu ugu deeqay ururka midowga Africa ee AMISOM dowladaha dhimane waxaan ka codsanayaa “ ayuu yiri Cali Geedi ,


Muuse Maxamuud Jiisow

somali39@hotmail.com

Muqdisho Somaliya

025215576666

002521653623
 

Ogeysiis ku Socda Soomaalida Minnesota

Waxaa la ogeysiinayaa bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota in maalinta khamiista ee bisha May tahay 31 2007 saacadu markay tahay 4 galabnimo ilaa 8 fiidnimo la qaban doono Habeenka Waxbarasha Soomaalida Minnesota

Goobta: Somali Education Center
2205 Niclet Ave South
Minneapolis, MN 55404

Sanadkan waxaa ku cusub taariikhda iyo gabayadii abwaan C/Laahi Suldaan Timo Cade in lagu soo bandhi doono. AKhri...
  • Sagal Radio oo Waraystay Xildhibaan Below Adan Keerrow
    Below Adan Keerrow oo ah xildhibaan laga soo doortey Bartamaha magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari oo siyeey wareysi Sagal Radio isagoo jooga Chicago, IL U.S.A... Dhegeyso halkan..

Wersheddii Hore ee Baastada oo Markale La Weeraray

May 28, 2007: Habeenimadii Xalay (oo Isniintu soo geleysey) ayaa mar kale weerar lala beegsaday wersheddii Baastada oo u dhow Kontoroolkii hore ee Balcad, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya. Waxaana halkaas laga maqlayey rasaas. Wararka ugu horeeyey ayaa tibaaxay in weerarkaas ay qaadeen xoogagga iska-caabinta ee ka so horjeeda Joogitaanka ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka Soomaaliya. Itoobiya oo ah dal gumeysta dhul ay Soomaalida leedahay.

Habeen hore ayey ahayd markii la weeraray isla wersheddii Baastada ee Muqdisho, ilaa haddana khasaaraha gaarey ciidanka Itoobiya lama sheegin, sida aan loo sheegin khasaarooyinkii soo gaarey ciidanka Itoobiya ilaa markii ay soo galeen Soomaaliya. Sidoo kale waxaa xalay la weeraray Saldhiga Booliska ee Hurwaa.

Saldhigga Ciidanka Booliska Huriwaa oo La Weeraray

Habeenimadii Isniintu soo geleysey (May 28) ayaa weerar bom lala beegsaday saldhigga Ciidanka Booliska Huriwaa, weerarkan oo ah kii labaad oo saldhiggaas lagu qaado muddo laba asbuuc ah. Ilaa hadda lama oga khasaaraha dhabt aah ee uu geystey weerarkaasi.



Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...

Weerar Lagu Qaaday Ciidamada Itoobiya ee kusugan Wersheddii hore Baastada ee Magaalada Muqdisho

May 27, 2007: Habeenimadii ay soo geleysey Axad fiidkii ayaa weerar bambaano lala beegsaday ciidamda Itoobiya ee kusugan wersheddii hore ee Baastada ee magaalada Muqdisho. Khasaaraha halkaasi ka dhacay lama oga. Waxana qaraxaasi ka dambeeyey qaraxyo ka dhacayey magaalada Muqdisho ilaa habeenimadii Jimacada.

Dhanka kale waxaa isla xalay magaalada Muqdisho isku rasaaseeyey ciidamo ka wada tirsan DFKMG, israsaasayntaas oo ka dhacday meel u dhow Is-goyska Sanca. Israsaasayntaas oo cabbaar socotey ayaan la ogeyn khasaaraha ay geysatey. Waxaana lagu soo waramay in goobtii la geeyey ciidamo Itoobiyaan ah.

Bannaanbax lagu diiddanyahay joogitaanka Itoobiya oo ka dhacay Holland

Waxaa maalinnimadii sabtiga  hore (19-05-2007), ka dhacay magaalada Denhaag  ( The Hague) ee waddanka Nederland bannaanbax aad u weyn oo lagu diiddanyahay ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya. Waxaa kale oo bannaanbaxa looga cabanayay xadgudubyada bani'aadminnimada ka dhanka ah ee ka dhacay Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ay bilihii u dambeeyay dhibaatooyin lixaad lihi ka dhaceen...
Warbixin iyo sawiro...


WARARKII SHALAY: MAY 26, 2007

  • Qarax Ciidamada Itoobiya lagaga gubey gaari Ural ah
    Subaxnimadii Sabtida ayaa ayaa waxa qarax miino lala beegsaday saddex gari oo ah nooca loo yaqaan Ural oo marayey agagaarka wershedda Xayle Bariise ee magaalada Muqdisho, qaraxaas ayaa wararku sheegeen in uu haleelay mid ka mid ah gawaaridaas, kuna burburay.

    Ku-xigeenka Maxamed Dheere iyo Dhaxtuur oo ka badbaadey Qarax lala beegsaday
    Muqdisho: C/fitaax Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweey) iyo Maxamed Cismaan dhagaxtuur ayaa saaky oo Sabti ah ka badbaaday weerar lala beegsaday kaas oo dhacay ka dib markii qarax xoogan lagu weeraray koloyo baabuur ah oo ay wateen oo marayay inta u dhaxeysa warshada xayle bariise iyo ex-cantarol Balcad ee Magaalada Muqdisho. [Warbixin dheeraad ah hoos ka akhri...]

    Gaari ay leeyihiin Ciidamada DFKMG oo  miino kula qaraxday Ex-control Balcad
    Subaxnimadii Sabtida ayaa miino lagu qarxiyay gaari ah nooca loo yaqaan Cabdi bile oo ay leeyihiin ciidamada DFKMG oo marayay inta u dhaxaysa xayle bariise iyo ex-cantarol Balcad.

    Col. Cali Dheere oo Xalay dabley hubaysani weerareen
    Xalay ayaa dabley hubaysan waxa ay weerar la beegsadeen col. Cali Dheere iyo ilaalladiisa oo marayay agagaarka warshada caanaha, aagga jidka tolmada ee mara wasaaaradii gaashaandhiga.


Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2007

suuriyaJaaliyadda Soomaalida Ee Dalka Suuriya Ayaa ka qayb Qaatay Dibad-Bax lagu Taageerayey Madaxweyna Suuriya Bashaar Al-asad...
Akhri warbixintii Asad Caddaani

Dhibka uu Qaadku ku hayo Bulsho-Weynta Soomaalida
.Gaalkacyo oo Maalintii 2-aad oo ganacsigu xiran yahay
.Maxaabiis lagu qabtay Dhahar oo lasiidaayey...
.Boosaaso: Safiirka Masar oo xoriyadiisii loo celiye...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... May 26

"Cali Mahadi hadaad naf leedahay ka hadal dadkaaga la xasuuqay.."
Sidaas waxaa yiri Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo...
Akhri...

Qardho: Munaasab lagu Dooranaayey Gudoomiya Dallada Hormarinta Dhalinyarada Goblaka Karkaar

Ma dhabaa In Khilaafka u Dhexeeya Madaxda Milatariga Iyo Booliska DKMG Uu dhex-dhexaadiyey Gen. Gabra

Kooxaha Iska-caabinta Ee Diidan Joogitaanka Ciidamada Shisheeye Oo Sheegay Inay Xeelada Dagaalka Bedeleen

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com