SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Maxaad ka ogtahay Horumarka Magaalada Laascaanood  
Qalinkii Subeyr Cismaan Idiris
Laascaanood, Sool Region
 
(Hordhac)
Mahad oo dhan waxay u sugnaatay Allaha abuuray koonkan aynu ku noolnahay  cidkasta iyo  wax kastaba  (SW) suxbxaana watacaala sidoo kale  Naxariis iyo nabad gelyo nebigeenni suubanaa korkiisa ha ahaatoo (C.S.W), intaa ka bacdi, waxaan u doortay inaan qalinkayga ku qoro warbixintan ku saabsan magaalada Laascanood, waxaan uga gol leeyahay inaan warbixin hufan intii aan ka garanayo ka siiyo cid kasta oo jecel inay fikrad ka helaan magaaladatan Laascaanood oo u heelan horumarka iyo horu-socodka bulshada ee dhinacyada badan leh.
 
Afeef: Waxaa suurta gal ah in warbixintaydu noqon kari weydo mid aad u dhamaystiran inta ka dhiman waxaan uga baydhayaa ciddii iiga aqoon iyo rti iyo fikrad roon balse waxaan jeclaystay inaan aragtidayda shaqsiga ah ku abaaro warbixinta cinwaankeedu hoos ku xusan yahay:
 
Warbixintii Laascaanood
Hadaba Magaalada Laascaanood, sida i soo gaadhay waxaa la yagleelay abaara  1940 meeyadii, waa magaalo ka mid ah magaalooyinka qadiimiga ah ee dhulalka Soomaalida sida magaalooyinka Burco, Jigjiga Adari iwm, magaalada Laascaanood waxay ahayd ka hor 1991 magaalo yar oo kooban, waxaa jirta in si baxad leh loo dhisay magaalada wixii ka dambeeyay 1991 oo ay noqotay magaalo aad  ugu fiday (4) ta jiho, waa magaalo hadda soo kobcaysa uuna ka muuqda hawlo horumar oo dadku samaynayaan, magaalada Laascaanood hadda waa magaalo si wanaagsan u balaadhatay, hadaan u kala qaado qaybaha waxbarashada, caafimaadka,. isgaadhsiin, xawaaladaha waa sidan:
 
 
Waxbarashada
 
Magaalada Laascaanood, waxbarashadeedu way wanaagsan tahay, waxayna leedahay goobo waxbarasho oo kala duwan, , dugsiyada gaarka ah ee Private schools ka,dugsiyada Computerka,  dugsiyo hoose dhexe sida Abyan, Imaamu Shaafici, Golkhaatumo, Midnimo iwm, dugsiyo sare oo dhawr ah sida Dugsiga qadiimiga ah ee Muse Yousuf oo la furay ka hor 1991, Dugsiga sare ee Nugaal, iyo iwm Dugsiga caafimaad Nursing institute, waxaa laga hir geliyay muddo sanad iyo badh ka hor ah qiyaastii magaalada Jaamacad loogu magac daray ((Nugaal University) waxyaabaha lagu bartaana ay ka mid yihiin kuliyadda shareecada  (Faculty of Sharia law) kuliyadda Maamulka iyo xisaabaadka (Faculty of Accounting and Management) iwm oo hadda wax laga barto.
 
Caafimaadka
 
Magaalada Laascaanood, waxay leedahay Cusbitaal weyn oo la dhisay 1946, oo ah isbital guud, goobaha xanaanada hooyada ama (Mother Child Health M.C.H.) private hospitals sida kuwa dhalmada maternity tusaale Hoodo Maternity hospital, Al-ixsaan Maternity Hospital, shaybaadho sida Salaama Diagnostic Center, Muna Laboratory.
 
Isgaadhsiinta
 
Magaalada waxaa ka jira shirkado isgaadhsiineed oo ay ka mid tahay shirkadda Telesom, Somtel, Hantel iyo STG, kuwaasoo qaarkood bixiyaan adeegga telka gacanta ama mobile phone ka qaarna ku kooban yihiin Land line ka oo keliya.
 
Xawaaladaha (remitance agencies)
 
Magaalada waxaa ka jira shirkado xawaaladeed oo dhawr ah sida Dahabshiil, Qaran express, Almustaqbal, Kaah, Tawakal Iftin iwm, kuwaas oo lacagaha ka soo xawil daafaha adduunyada ayna ku tiirsan yihin macaamil tira badan ( many clients).
 
Kaalmaha Shidaalka
Waxaa magaalada ka jira kaalmo shidaal oo ka haqab tira shacabka baahiyaha shidaal ee jira  waxaan ka xusi karaa Shirkadda Botan's Company.
 
Nabad-gelyada
Dhanka nabad gelyada Gobolku, aad bay u wanaagsan tahay mar ka laga reebo dhacdooyin dhaca xiliyada qaarkood waana mid la isku hallayn karo oo (reliable) ah.
 
Warbaahinta
Magaalada waxaa laga leeyahay warbaahino kala duwan oo isugu jirta Websites iyo One Radio hal idaacad, waxaa ka mid ah webabkaasi Xargaga-online.com, Ceegaag.com, afnugaal.com, widhwidh.com,    iwm, sidoo kale hal idaacad ah oo FM ah oo laga dhagaysto magaalada dhexdeeda iyo hareeraheeda idaacaadaas oo lena bog wareen (website)  magaciisuna yahay Radiolaascaanood1.com.
 
Geba-gebo: Waxaa  jirta in magaalada Laascaanood ku tallaabsatay horumar aad u balaadhan oo dhinac walba ah inkastoo weli horumarkaasi yahay weli mid kobcaamayan balse uu ka muuqdo dadaal xoogani. 
 
Qalinkii Subeyr Cismaan Idiris
Laascaanood, Sool Region

feef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com