SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Olole Balaaran Oo Lagu Diidan Yahay Shirka Dib U Heshsiinta Ee Bisha June Bartamaheeda Lagu Wado Inuu Dhaco.

warar lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxaya inay jiraan kacdoono lagaga hor tegeyo qabsoomida shirka dib u heshiisiineed ee lagu wado inuu muqdisho ka dhaco bartamaha bisha june ee nagu soo fool leh .

xiisadan oo ka dhalatay xarig jiidadka siyaaadeed ee u dhexeeya xoogaga isku haya arimaha soomaaliya oo ay ugu horeeyaan dowlada KMG ah , golaha maxaakiimta islaamka soomaaliyeed iyo weliba xubnaha baarlamaanka soomaaliyeed ee kasoo horjeeda dowlada KMG ah oo fadhigoodu yahay magaalada Asmara ee wadankaasi Ereteriya.

sidoo kale iyadoo ay dowlada KMG ahi ay ku adkaysanayso inuu shirku u dhaco qaab beeleed islamrakaana ay wada heshiiyaan qabaa,ilada soomaaliyeed ee lagu tilmaamao 4.5 ,halka qaybaha kalena ay siweyn uga soo horjeedaan arintaas islamrkaana ay qabaan fekerkaas mid ka duwan oo ah inaysan jirin beelo soomaaliyeed oo dagaalsan balse uu jiro khilaaf siyaasadeed .

Taasina ay umuuqato mid sii xoojinaysa khilaafkii siyaasadeed ee u dhexeeyey dhinacyada isku haya arimaha soomaaliya ,islamarkaana ay jiraan warar laga helayo dad xog-ogaal ah oo diiday inay magac yadooda shaaciyaan oo sheegay inay ka jiraan caasimada kacdoono ka dhan shirkaasi .

Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili ay baarlamaanka dowlada KMG ahina uu ansixiyey gudiga shirka maamulaya ee gudoomiyaha ka yahay mud,cali mahdi maxamed ,islamarkaana ay ku tilmaameen qaybaha kasoo horjeeda iclaaminta shirkan inaysan gudiga shirka dib u heshiisiinta ee uu hurmoodka ka yahay mud,cali mahdi aysan u dhex-dhexaad ka ahayn qaybaha siyaasada soomaaliya isku haya .

Si kastaba ha ahaatee dhowaan ayay ahayd markii sheikh shariif sh,axmed oo ah gudoomiyaha golaha fulinta ee maxaakiimta islaamka soomaaliyeed uu ku tilmaamay shirkaasi mid lagu maja xaabinayo masiirka umada soomaaliyeed islamrkaana uu yahay shir ay soo abaabuleen cadowga umada soomaaliyeed iyo daba dhilifka u shaqeeya ,isagoo u warmayey BBC-da laanteeda afka soomaaliga .

Iskusoo wada duuboo arintan ku aadan shirka dib u heshiisiinta ee fooda inagu soo haya ayaa waxaa kasoo baxaya warar laysla dhex marayo oo sheegaya inaysan waxba ka soobixi karin halka warar kalena sheegayaan in lagu najaxo,waloow aan la ogayn xaalada amaan ee shirkan cida dusha u ridan doonta iyadoo ay magaalada caasimada ah ee muqdisho ay ku sugan yihiin cutubyo ciidanka Ethiopia oo ay weheliyaan ciidamada ugaandha ..

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Qaraxyo lala beegsaday Jigjiga iyo Luga buur oo dhaawac ah

Wararka Nagasoo garaya magalada jig jiga ee wadanka Somaligalbed ayaa tibaaxaya Qaraxyo waaween oolabeegsaday meel ay iskugu yimaadeen tigree dalka haysta iyo coloshood ushaqaystayaasha, oo u dabaal dagayay waxay ugu yeereen sanadguuro in ay kudhinteen ugu yaraan 11 toban qof inta laog yahay hada, kukaloo badan kudhaawacmeen. Sidoo wararku waxay intaas kudarayaan in c/llahi lugabuur oo ah nin ka u ween calooshood ushaqaystayaasha inuu kadhaawacmay lugta.

Ninka iskumagaacaba uqaabilsanaha arimaha dibada ee macatab kudirirka ayaa saxaafada usheegay inuu bam lagu soo tuuray meeshay ku daabaal dagayeen oo ahayd garoonka cayaaraha ee magaalada jigjiga. Taasoo ay ugu dabaal dagayeen dhicitaankii Mingistu Heilu Maryam iyo xoog kuqabsashadooda dhulka soomaaligalbeed. Dabaal dagan ayaa marwalba loo sameeyaa sanid kiiba markaa kasso dadka lagu qasbo inay isku soo baxaan.

Sidoo kale weraro kuwaas lamid ayaa kadhacay magaalooyinkale ay kamid yihiin godey iyo dhagax buur ay kudhinteed tigree macatabkudirirka ah iyo ku u deega.

Wabilaahi towfiiq
Source reuters.com
W.Q C/rashid Shafi Gaas

Meydka Labo Wiil Oo Dhalin -yaro Ah Oo Laga Helay Agagaarka Wershadii Baastada Ee Muqdisho .

 

Waxaa saaka goor hore lagu arkay agagaarka wershadii hore ee baastada Meydadka labo wiil oo dhalinyaro ah  xilli uu habeenkii xalay ahaa qarax xoogani ka dhacay halkaasi oo ay degan yihiin ciidamada xukuumada Ethiopia   

 

Meydka labadan wiil ee dhalinyarada ah ayaa saaka laga  qaaday agagaarka warshadii hore ee Baasatada, iyadoo la geeyay saldhigga degmada Huriwaa halkasoo ay yaalaan meydadkaasi

 

Dad Goobjoogayaal ah oo Indhihooda ku soo arkay meydadka labadan nin gudaha saldhigga, ayaa saxaafada u sheegay in labadan nin oo da'dooda lagu qiyaasi karo 25 –jir ilaa 30 -jir islamrkaana ay  rasaas kaga dhacday meelo halis ah oo madaxa iyo saablayda ah.

 

Dad badan ayaa soo buux dhaafiyey saldhiga degmadaasi huriwaa oo ay yalaan Meydadkaasi oo doonaya inay bal gartaan iyo in kale waloow ay jiraan ilaa iminka in aan la helin dadkii ay ehelka ahaayeen.

 

Meydadka labadan nin ee laga helay agagaarka Warshaddii hore ee Baasatada oo fariisin u ah ciidamada Ethiopia ayaa ku soo beegaya xilli habeenkii xalay ahaa agagaarka saldhigga degmada Huriwaa uu gil gilay qarax aad u xoogan islamrkaana ay ciidamadaasi ay u fureen rasaas dhinacyada wershdaasi kaga began tahay islamrkaana la sheegay inay rasaasta ciidamada Ethiopia fureen ay haleeshay halka warar kalena sheegayaan in si ula kac ah ay u dileen ciidamadaasi Ethiopia xiligii qaraxyada ka dheceen kadib.

 

Si kastaba ha ahaatee lama sheegin wax qasaaro ah  oo qaraxii xalay  uu geeystay, inkastoo waqtiga qaraxu dhacay ay bandoow ahaayeen degmooyinka iyo xaafadaha deegaankaasi islamrkaana aysan jirin cid xaqiijin karta qasaaraha dhabta ah ee jira .

 

Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com