SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Geeddi oo Galbaday iyo C/laahi oo Gobaadsan! 

    Waxaa Maalmahaan taagnaa Khilaaf xooggan oo u dhexeeyey Madaxda sare ee Dawladda Empagathi, gaar ahaan Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Cali Maxamed Geeddi, Khilaafkan oo soo jiitamayey muddo dheer, soona maray heerar kala duwan, ayaa wuxuu cirka isku sii shareeray labadii Todobaad ee la soo dhaafay, isagoo gaaray meel adag oo aad u qaraar, Khilaafkan oo saameeyey una sii gudbay xubnaha labada gole ee Dawladda ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda, lana kala saftay labada Nin ee kala ah: C/laahi iyo Geeddi, iyagoo ka eegaya keebaa lacag badan bixinaya iyo yaa u heegan fulinta danaha Xabashida ay ka leedahay gudaha Soomaaliya, sidoo kale Khilaafkan wuxuu usii gudbay oo hakiyey howl galladii ay Ciidamada Xabashidu iyo Malleeshiyaadka dawladda Empagathi ka wadeen gudaha Magaalada Muqdisha iyo daafaheeda, howl galladaa oo isugu jiray: Boob, Dhac, Dil, Dhaawac, Qafaal, Af-duub, Xarig, Jeel, qaxa, Bara-kac, iyo falal gurracan oo ka baxsan Bani-adamnimada, hakadkaa galay howl gallada Ciidanka Xabashida iyo Malleeshiyada Dowladda Empagathi ayaa farxad galisay Dadwaynaha ku dhaqan Magaalada Muqdisha una arkay Khilaafka Madaxda Dawladdu inuu u yahay Nasri iyo Naruuro. 

Sababa Khilafka: 

    Khilaafka Madaxda sare ee Dawladda Empagathi wuxuu salka ku hayaa arrimo la xiriira: Awood qaybsiga Siyaasadeed, Dhaqaalaha soo galo Dawladda, gacan ku haynta Hay’adaha Nabad galyada Qaranka iyo cidda ay hoos tagayaan, Hay’adaha Garsoorka iyo Maxkamadaha, iyo guud ahaan xiriirka u dhexeeya sadaxda qaybood ee kala ah: Golaha Baarlamaanka(Sharci Dajinta), Golaha Xukuumadda(Fulinta), iyo Garsoorka(Maxkamadaha), arrimahaan waxaa soo raaca Aqalka Madaxtooyada, si gaaban haddii loo sheego waxay kala yihiin arrimaha la isku hayo la iskuna mari waayey sidan:

-Awood qeeybsiga u dhexeeya madaxweeyne C/laahi Yuusuf iyo Ra'iisul wasaare Geedi ee ku lug leh hab maamlka Dalka , kala hagidda Hay’adaha Dalka, Dabagalidda Wakaaladaha Dalka  iyo la xisaabtan kooda, arintaan oo ka dhax dhalisay labada nin khilaaf aan dhamaad laheyn oo joogta ah aynna muuqan xilli uu soo gaba gaboobayo .

- Dhaqaalaha iyo maaliyadda: xubintaan waa xubinta ugu culus dhalisayna muran xoog leh iyo is qabqabsi ballaaran, waxayna faraha ka baxaday cirkana isku sii shareertay markii Maamul Gobaleedka Punt land heshiis shidaal baris ah la galay shirkad Shiineys ah iyadoon Geeddi iyo xukuumaddiisa waxba lagala socod siinin,  ayse iska caddahay inuu C/Laahi wax ka  ogaa , arintaan oo keentay dood kulul uu soo jeediyay Geeddi kuna sheegay  inuusan ismaamul Goboleed xaq u laheyn inuu kaligiis heshiis la gaaro Shirkado Shisheeye iyadoon ogolaasho laga heysan maamulka dhexe ee Dalka , waxaa sii murjiyay arinta lacagtii laga soo helay Sucuudiga ee gaareeysay 35.000.000$ Sodon iyo Shan milyan oo dollar ee Geeddi gacanta loogu riday  taasoo C/Laahi ka xanaajisay isagoo ku tuhunsanaa Geeddi lacago hore oo laga soo qaaday isla Sucuudiga horraantii sanadkan . 

Hab Xalinta khilaafyada: 

    Sidii la wada filayey horayna looga bartay khilaafkii u dhexeeyey madaxda sare ee Dawladda Empagathi waxaa soo af jari jiray Madaxda Dawladda Xabashida ee soo galisay Muqdisho kuna waardiyeysa, balse markaan sidaa ma dhicin oo waxaa dhacay tii ka duwan, booqashooyin isdaba joog ahaa ee uu ku tagay Geeddi Dalka Xabashida todobaadkii la soo dhaafay ayaa waxayku dhamaatay in lagu qanciyo Geeddi inuu xilka iska casilo, maalinnimadii Isniinta oo taariiiqdu ku beegneed 29/10/09 ayaa Geeddi wuxuu Baarlamanka hortiisa ka caddeyey inuu xilka Ra’isul wasaarenimada iska casilay, taas oo uu maalmaha ka hor si cad ah u diidanaa kuna sheegay shir jaraa’id ee ku qabtay Magaalo madaxda Dalka Xabashida ee Addis ababa inuusan xilka ka dagayn, isagoo meesha ka saaray inaysan jirin is casilaad iyo shaqo ka fariisi toona, kuna daray inuu sii wadi doono howlihii uu horay u billaabay ee la xiriiray Dib-U-Hesheesiinta, balse waxaa is waydiin mudan: Maxaa keenay is badalkan 48-dda saac ah? maxay tahayse waxa Geeddi ku dhaliyey inuu is casilo? Waxaae muuqata inay guulaysteen dadaaladii ay waddeen Xabashida ee ku aadanaa xallinta Khilaafka u dhexeeeya Tabcanayaashooda u taagan tirtiridda jiritaanka Soomaaliya una tallaalan dhibka Ummadda Soomaaliyeed, balse waxaad moodda inuu is bedel ku yimid hab xallinta Khilaafkan iyadoo hal garab oo kaliya looga yeeray Addis Ababa culays xooganna la saaaray, halka ay furdaamooyinka madaxda itaabiyanku ku dhammaan jirtay inay yimaadaan Soomaaliya una kala dabqaadaan qarabyada is Khilaafsan. 

Geeddi oo Galbaday! 

    Haddaba waxaan dhihi karnaa Geeddi waa Galbaday, kana daadagay kursugii wasiirka koowaad, isagoo raalli ah aanna loo qadin cod kalsooni iyo xil ka qaadis toona, sidaanna waxaa ku soo dhaamaday Siyaasaddii Geeddi ee ku dhisneed caqliga: Indha ku Garaadle nimada ee aan lahayn aragtida fog ee ku eg waxa maalintaa ka hor muuqda, sidoo kale wuxuu gacantiisa ku gawracay Siyaasaddiisii laba sano iyo bar jirka ahayd, isagoo Siyaasadda ku soo biiray Shirkii Eldoret-Empagathi ee lagu soo yagleelay dawlada uu shqadeeda isaga tagay, Geeddi oo dad badan u arkaan qofaan Siyassadda waxba uba baillownayn, Aayadna aan ka qadan Karin , isagoo aan lahayn khibrad Siyaasadeed iyo mid maamul toona, taas oo gabi ahanba haraysay kana muuqatay xukuinkiisii, kana soo if baxday dhqan siyaasadeedkiisii hadaladiisi iyo waraysiyadiisi, oo dhamman muujinayey inuu Gab ka hayay uusanna garanyn Siyasadda iyo laalaab yadeeda, sidoo kale Geeddi waaxaa lagu tilmaamay inuu watay: Jeeb maran iyo Juuni Faaruq ah, isagoo ku hawlanaa inuu urursado wixii soo gala xafiiskiisa ama ku soo dhaca gacantiisa, gacan doogtan uu ku doonayey Geeddi inuu ku dawarsado ayaa waxay ku sumadday Nin Hunguri kuna biiray Kooxda  Caanka ah ee loo yaqaan: “Af iyo Calool” oo ku soo badanaya sabankaan dambe Soomaaliya, iyagoo siyaabo kala duwan ku so galo Masraxa Siyasadda, isku soo duuboo Geeddi waxaan ku tilmaami karnaa: Indho-ku-garadle, Calooshi Cabbeeye, ama Jeeb Faaruq iyo Juuni Maranle. 

Mutaqbalak Siyaasadeed ee Geeddi: 

    Dhanka mustaqbalkiisa Siyaasadeed is casilaadiisa ka dib lama saadaalin karo  mana la sii qiyaasi karo, arrima la xiriira shaqsiyadiisa iyo qofka Soomaliga ah oon mabda’ loogu soo hagaago lahayn ama uu ku dhagan yahay, balse sida uu sheegay wuxuu ka sii dhex muuqan doonaa kooxdiisa “Tabcanayaasha Tigreega” waaanse  u wada joognaa meesha uu dabada la galo iyo halka uu ku dambeeyo. 

C/laahi oo Gobaad saday: 

    Dhanka kale Claahi aya muuqda ama lagu tilmaami karaa Nin guul ku fadhiya Wallow ay tahay qabyo aan sidaa usii balaarnayn, C/laahi ayaa waxuu xeelad iyo tab kasta u adeeg saday sidii uu Geeddi jagada Ra’isul wasaarenimada uga tuuri lahaa, isagoo fulinta gowshaas u maray waddo kasta iyo wadiiqo walba, dhowr kol oo horana ku fashilmay inuu Geedddi xil ka qadis ku sameeyo, balse maanta uu Geeddi iskiis iyo rabitaankiisa xilka isaga casilay, C/laahina wuxuu Neef sanayaa dabayl caafimad iyo saxansaxo udgoon badan, sidoo kale C/laahi wuxuu ku dhaqaaqay tallaabo kale oo mujinaysa inuu ku siibaya garabyadii Geeddi taageersaneed, isagoo xil ka qaadis ku sasmweyey Guddoomihaya Maxkamadda sasre: yuusaf Cali Haaruun, oo wali ku jira Xabsiga, Naalooshada guusha C/laaahi waxaa garab socda Mudishoo holcaysa, maalin caddayna Sal dhigyadii Booliska la weerarayo lana qabsanyo, ammaankii Dalka oo faraha ka sii baxaya, iyo dagaallo ka soo cusboonaaday Maamullada Somaliland iyo Puntland iyo dalkii oo galay xaalad adag, taas macnahedu ma ahan in C/laahi wanaag laga filayo ama xal la yaab leh u keenayo arrimahan  wada cakiran, balse waxaaa muuqda inuusan waxba usoo kor dhin doonin, waxayna iga eheed oo kaliya inaan soo gudbiyo dareen walaac ku jiro iyo muuqalka siyaasaded ee Dalka. 

Yaa Badalaya Geeddi: 

    waxaanna wada dhowrnaa waa qofka lagu badali doono Geeddi iyadoo waliba ay jirto hadallo la is dhex marayo oo sheegaya in lagu badali doono Geeddi Madaxweynhii hore ee Dawladii Maanafaysto(Manifesto) Mudadne: Cali Mahdi Maxamed,  ahaana Guddoomihayihii Shirkii Dib-U-Heshiishinta ee ku soo gabagaboobay Magaalada Muqdisho, ama Wasiirka arrimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-Dheere, kuu noqdaba waxaa badali doona Geeddi Nin C/laaahi Jecel yahay Xabashida Jecel, taas oo ah Siyaasadda C/laahi iyo Xabashida waana arki doonna xilkaas qofka loo magacaabo.

    Guntii iyo gababadii waxan ku gunaanadayaa tuducyo ka mid ah Gabay uu tiriyey Abaanka weyn ee Maxamed Warsame Ibraahin Walanwal oo ku magac dheer “Hadraawi” baydadkaan oo ka hadlaya Hoggaanka waxayna yihiin sedan: 

  • Naaleeye Habacsane
  • Yaa Horseede kaa Dhigay?
  • Ma adigaa Hoggaanshe ah?
  • Gobanimo Hawadin kara?
  • Qarannimo Hitiqin kara?
  • Isku duubni Hanan kara?
  • Dal Sabool ah Hagi kar?
  • Himilada Xil furan kara?
  • Taariikh la Hari kara?
  • Hal-Abuurka Sharafka leh
  • Murtidiisa Helin kara?
  • Hoodaale Noqon kara?.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Tripoli-Libya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com