SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Deeqo lacageed oo la gaarsiiyay Indhoolayaal, dad dhimirka wax uga dhiman yihiin, Agoon iyo caruur derbiyo jiif ah. 

Waxaa Khamiistii Deeqo lacageed oo ka timid Jaaliyadaha Soomaaliyeed  ee ku dhaqan dalka Jarmalka, gaar ahaan magaalooyinka Praline iyo Frankfort la gaarsiiyay Hooyo lagu magacaabo Xabiibo Aadan Axmed  oo heysta lix caruur ah oo indhaha la’a kalana ah 4 gabdhood iyo laba wiil taasoo ay u dheer tahay gabar cuuryaan ah iyo wiil waalan. 

Munaasabadii gudoonsiinta lacagtaas deeqda ah ayuu sheegay Muuse Maxamuud Jiisow inay u soo direen indhoolayaashaan deeqdaas lacageed Gabdho Muxsiniin Soomaaliyeed ah oo ku nool dalka Jarmalka Magaalada  Frankfort, wuxuuna sheegay in isaga loo soo marsiiyay Cabdi Fiidow oo dagan dalka Jarmalka. 

Muuse Jiisow ayaa cadeeyay inuu gudoonsiiyay lacagtii deeqda aheyd Indhoolayaal lix ah iyo hooyadood, waxaana halkaasi mahadcelin ka soo jeedisay Hooyo xabiibo Aadan Axmed oo wajigeeda laga dareemayay sida ay uga faraxsan tahay deeqdaan ay soo gaarsiiyeen Gabdhaha Soomaaliyeed ee reer Frankfort. 

“Walaalahey Soomaaliyeed ee ii soo dhiibay lacag dhan 300$ doolar waan ka gudoomay, Ilaahey iyagana wax badan oo barako leh ha siiyo, waxaana I soo gaarsiiyay walaalkey Muuse Maxamuud Jiisow oo wakiil ka ah Cabdi Fiidow isna ay soo wakiisheen Gabdho Soomaaliyeed oo Muxsiniin ah kuna nool dalka Jarmalka Magaaladiisa Frankfort” ayay tiri Xabiibo Aadan Axmed oo dhinaceeda midig ka qaylinaayay wiil Indho La’a islamarkaana Waalan oo ay dhashay kana mid ah caruurteeda . 

Hooyo Xabiibo Aadan Axmed ayaa sheegtay in habeen iyo maalin uu qaylinaayo wiilkeeda , waxey yeeshana aysan garanayn, iyadoo ilmahaan yaryar ee isugu jira kuwo waalan, Cuuryaan Indho la’a iyo Mid waalan oo indhaha la’a iyagoo dhamaantood ka siman cudur ka haleelay xaga indhaha. 

Magacyada Ilmahaas ayay ku kala sheegtay sedan:

  • 1-Abshiro Axmed Maxamuud.
  • 2-Shukri Axmed Maxamuud.
  • 3-Nafiso Axmed Maxamuud.
  • 4-Ifraax Axmed Maxamuud.
  • 5-C/Weli Axmed Maxamuud.
  • 6-C/gain Axmed Maxamuud.

Sidoo kale waxey sheegtay in Aabihii Ilmaha dhalay aanay garanayan meel uu cirib jaan dhigay muddo 5-bilood ah, iyadoo sheegay in aabaha dhalay caruurtaas la waayay xiligii dagaalada ee Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka oo ay garabsaneyso Ciidanka Itoobiya  ka socdeen Magaalada Muqdisho.

Muuse Maxamuud Jiisow

musejisow@hotmail.com

Muqdisho Somaliya 

025215576666

002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 2, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com