SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ABWAANKA CUDURADA
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


somalia
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
ĽAIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
ĽAIDS inta u dhimatay: 120,000
ĽAIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

zenaweShan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed Akhri...

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri


FAARAADIN AYAYNU BERI LAHAAN JIRNAY

Daalacasho buugga Abwaanka Cudurrada Dadka iyo Duunyada.

Mustafa Xariir

xariir@doctor.com

Waxaan soo akhriyey buugga la yidhaa Abwaanka Cudurrada Dadka iyo Duunyada ee uu qoray Cabdiraxmaan Faarax Barwaaqo oo ka kooban saddex boqol iyo konton cudur oo ku dhaca dadka iyo duunyada Soomaaliyeed. Ugu horrayn jeldiga buugga ayaa ah mid soo jiidasho iyo damac xiisadeed huwan oo kugu qasbaaya in aad dhammaan buugga wada hanato. Haddana waxaa qiiro ku sii gelinaaya luqada, aftahanimada iyo aqoonta durugsan ee lagu sharxaayo cudurrada ku dhaca dadka, geela, adhiga iyo lo'da.

Farqadaha ugu horreeya ee buugga markaad sidaas u furtaad daalacanaysaa in ay ummadda Soomaaliyeed waa hore, oo aanay aqoonta caafimaad ee immika la adeegsada jirin, ay lahaan jireen aqoon iyo cilmi baahsan oo soojireen ah iyo ilbaxnimo aan ka dhicin ta reer galbeedka. Laakiinse markii la bartay cilmiga casriga ah, ee immika jira, in laga hayaamay oo aad mooddo inaan deegaanno badan lagaba aqoon. Wuxu qoruhu marka hore inna barayaa in Soomaalidu lahaan jirtay dhakhtar oo la odhan jiray faraadin, halka haweenayda wax ka ummulisana 'ummuliso' laga odhan jiray, ta dumarka daaweeysana ' baanato' laga odhan jiray. Kuwaasi oo immika kala noqonaya (doctor, midwife and female gynecologist).

Qoraha buuggu waxa uu isku dayay in uu soo bandhigo cudurradii berigii hore dadka ku dhici jiray mid walba waxa uu yahay iyo waxaa laga qaado. Qaar koodna wuxu innoo soo bandhigayaa sidii loo daaweeyn jirey. Waxaan, haddaba, tusaale u soo qaadanayaa oo is barbardhigidoonaa caafimaadka waxa berigii hore laga aamminsanaa iyo waxaa immika laga aaminsan yahay. Waxaa kale oon tusaale u soo qaadan cudurrada u baahan in la lafa guro oo inta la iskagaga yimaaddo lagu dabaqo kuwa casriga ah ee hadda jira. Haddaba aan ku horreeyo kuwa laysla garanaayo:

Aqoontii hore waxay odhanaysaa;

Gawracato(-da)=Fin daran oo dadka hunguriga ka soo baxa oo loo dhinto, cudur cagta cad gala oo u yeela dildilaacyo aan hore u bogsan.

Aqoontan danbe waxay odhanaysaa;

Gawracatada (diphtheria) waa xab daboola cunaha oo ku dhaca qanjidhadda, cunaha, sanka iyo haragga sare ee jidhka. Waxaana keenta bakteeriyo la yidhaa corynebacterium diphtheriae, oo ku dhacda qof yar iyo mid weynba, gaar ahaan carruurta ay da'doodu ka yar tahay shan sanno ee aan tallaallayn.

Aqoontii hore waxay odhanaysaa;

Jadeeco (-da) = Waa xanuun carruurta ku dhaca oo qandho badan leh. Ilmaha ay ku dhacdana waa la uumiyaa ilaa inta finan yaryari ka soo yaacayaan. Haddii ay finankaasi ka soo yaaciwaayaan way ku noqotaa, ilmahana way disha.

Aqoontan danbe waxay odhanaysaa;

Jadeecada (measles) waxaa keena fayras wata xummad, sanka iyo indhaha oo ay biyo kaa yimaaddaan, finan iyo qufac. Waxaana dadkana ku ridda qallal, maskaxda oo wax noqota iyo dhimashaba. Waxa uuna cudurkani sababi karaa caabuq gala sanbabada iyo dhegahaba, iyada oo badanaa xummad badani qabato qofka uu ku dhaco oo uu cabirka heerkulkiisu noqdo 104F. Saddex ilaa shan bari kadib waxa u caado ah inuu qofka finan badani ka soo yaacaan.

Aqoontii hore waxay odhanaysaa;

Jabti (-da)= Waa cudur daran oo lakala qaado oo ragga iyo dumarkaba kaga dhaca xubnaha taranka (dhalmada), haddaan si fiican la iskaga daawaayna waxa uu dhaliyaa dhalmo la'aan.

Aqoontan danbe waxay odhanaysaa;

Jabtiddu (gonorrhea) waxay ka mid tahay cudurrada galmada la iskugu gudbiyo (Sexually Transmitted Disease), iyada oo ay keento bakteeriyo loo yaqaan (neisseria gonorrhoeae) kuna dhacda qaybta taranka ragga.

Aqoontii hore waxay odhanaysaa;

Duumado(-da) = waa cudur soo laba kacleeya oo qandho daran leh oo laga qaado qaniinyada kaneecada. Waxaa kale oo cudurkaas loo yaqaan kaneeco iyo dhaxan. Waxaana la iskagaga daaweeyn jiray dheecaanka dacarta.

Aqoontan danbe waxay odhanaysaa;

Duummadu (malaria) waa cudurrada ay kaneecadu gudbiso, iyada oo qof ka qaadaysa oo qof kale u gudbinaysa, taas oo ay sababta Plasmodium falciparumis. Waxaana lagu qiyaasay in uu sannadkii ku dhaco adduunka laba boqol ilaa saddex boqol oo milyan oo qof, halka ay u dhintaan laba ilaa saddex milyan.

Aqoontii hore waxay odhanaysaa;

Qaaxo(-da) = Waa cudur halisa oo lakala qaado laysna qaadsiiyo oo feedhaha iyo sanbabada ku dhaca.

Aqoontan danbe waxay odhanaysaa;

Qaaxada (tuberculosis) oo loo yaqaan "TB" waa cudur uu keeno jeermis loo yaqaan (mycobacterium tuberculosis) oo badanaa weerara sanbabada (lungs) iyo dhammaan qaybaha kale ee jidhka. weyna dhib yar tahay in aad cudurkan si fudud u qaadid una faafisid.

Aqoontii hore waxay odhanaysaa;

Tuf(-ku) = Waa cudur lafaha ku dhaca oo ay dadka lafahu aad u xanuunaan. Waxaa kale oo loo yaqaan riix.

Aqoontan danbe waxay odhanaysaa;

Tufku (arthritis) waa cudur uu sababo xanuun ku dhaca isgooysyada jidhka, kaas oo dhaqdhaqaaqa yareeya. Haddaynu si kale u dhigno waxa uu yahay tufku (arthritis). Waa arth oo ah isgooysyada iyo ritis oo ah hurid, iskugayn waa hurid isgooysyada. Haddaba cudurkani waxa uu leeyahay cudurro badan oo isaga hoosyimaada.

Aqoontii hore waxay odhanaysaa;

Waraabow(-ga) = Waxa kale oo loo yaqaan xabbad. Waana cudur xun oo lays qaadsiiyo layskana dhaxlo oo lagu dhasho.

Aqoontan danbe waxay odhanaysaa;

Waraabawgu (syphilis) waa cudur ay sababto bakteeriyo layidhaa Treponema pallidum, waxaana uu ka mid yahay cudurrada galmada la iskugu gudbiyo (Sexually Transmitted Disease). Waxaana qofka wajiga, gacmaha, lugaha iyo qaybaha iskutaga ragga iyo dumarka ka soo baxa nabaro aad u kala khatarsan

Dhakhaatiirtii berigii hore;

  • Dhakhtarka dhirta wax ku daaweeya.
  • Dhakhtarka jabniinka iyo kabida.
  • Dhakhtarka madaxa gura.
  • Dhakhtarka hilib dalqaha jara.
  • Dhakhtarka ragga guda.
  • Dhakhtaradda dumarka baanata, gudana.

Dhakhaatiirta casriga;

  • Dhakhtarka aririmaha gudaha (internal medicine).
  • Dhakhtar guud (family physician).
  • Dhakhtarka qaliinka guud (genaral surgery).
  • Dhakhtarka lafaha (orthopedic).
  • Dhakhtarka qaliinka isqurxinta (plastic surgery).
  • Dhakhtarka maqaarka (dermatologist).
  • Dhakhtarka macdanta (urologist).
  • Dhakhtarka carruurta (pediatrics).
  • Dhakhtarka maskaxda (psychiatry).
  • Dhakhtarka dumarka (obstetrics, gynecologist).
  • Dhakhtarka indhaha (ophthalmology).
  • Dhakhtarka cunaha (otolaryngology).
  • Dhakhtarka raajada (radiologist).
  • Dhakhtarka suuxinta (anesthesiologist).
  • Dhakhtarka ilkaha (dentistry).

Cudurrada u baahan in la lafo guro:

  • Abeesow

  • Af-laaqo

  • Ajarro

  • Araarad

  • Bajo

  • Barraaqdo

  • Baruurad

  • Beerkurus

  • Beerxaw

  • Biijo

  • Buullalo

  • Caano-gocato

  • Cadanyo

  • Caddaadka

  • Cagagi

  • Carrab-barar

  • Cusbo

  • Daaf

  • Dabdhul

  • Dameerow

  • Doog

  • Dhalmo-geri

  • Dharbaano

  • Dhibib

  • Dhicin

  • Dhullax

  • Farraatikeen

  • Fujo

  • Futo-qarradh

  • Geestaan

  • Geestahanyo

  • Goonjab

  • Gurguurato

  • Haaro

  • Hano

  • Hayaamiso

  • Himish

  • Hinjibiso

  • Hannog

  • Hoolato

  • Horudhalow

  • Hud

  • Hudhe

  • Hunnug

  • Ifilo

  • Jacjacle

  • Jajabow

  • Jildhaaf

  • Kabrar

  • Kirkir

  • Kubo dhagaxow

  • Kuududshe

  • Laan

  • Labacarrabow

  • Ladaadyo

  • Lafo-weyneeye

  • Lalleemo

  • Libaaxaw

  • Liidaanyo

  • Majinow

  • Man-dheelli

  • Maroodiyow

  • Nudub

  • Ooro

  • Qaarjeex

  • Qal-aboodi

  • Qaras

  • Qardaw

  • Qodax

  • Qoon

  • Qun

  • Rigaax

  • Rimay-wareeg

  • Roob-sugow

  • Sambab-faraq

  • Sinyaro

  • Sunbay

  • Surrati

  • Taag

  • Togtog

  • Urugo

  • Uuryaal

  • Wareento

  • Weled

  • Wiirshe

  • Winiin

  • Xaliib

  • Xammo

  • Xawaad

  • Xundub

  • Yerid

  • Yirid

Cudurradii aynu berigii hore lahaan jirnay;

Waxaa jira cuduro aad u badan oo aynu hore u lahaan jirnay, laakiinse isticmaalkoodu uu imaka yahay mid aan aad loo danayn. Waxaase xusid mudan aqoon iyo waayo arragnimo walba mar ayaa la bartaa si looga faa'iidaysto, haddiise laga faa'iidaysan waayo aqoontaasi waxay ku danbaysaa in la illaawo oo aanay gaadhin jiilkii loogu talo galay. Haddaba cilmigan meesha ku qorani waxa uu yahay in ay dadka imaka jooga iyo kuwa mustaqbalka dhalan doonaba ay u baahan yihiin una baahan in wax laga qabto. Waana arrin sugaysa ciddii wax ka qaban karaysa, ee aqoonteeda iyo waayo arragnimadeedaba leh.

Gabagabo:

Waxaa marka hore sharaf wayn innaga muddan qofka Soomaaliyeed ee dedaal ku keena in uu buug qoro, maxaa yeelay af Soomaaliga ayaa waxaa lagu tilmaama inuu ka mid yahay luqad da' wayn laakiinse qoriddeedu ay dhawd. Intii ay jirtayna qoraallo dhaxal gala laga qoray ilaa iyo imakana ay socoto. Ciddii qoraalka wax ku soo kordhisana in aan dhaliishiisa lala soo boodin ee la eego maxaa wanaaga ee uu soo kordhiyey. Kadibna wanaagiisa la sheego wixii qaladana in loo soo bandhigo si anshaxa iyo asluubta ku wacan aan xaqana baal marayn. Haddaba aniga oo og in aan erey-bixinno badan oo caafimaad meelo laga soo xigta ayna jirin, waxa hubaal ah in dedaalka uu qoraagani sameeyey buuxinayo kaalin weyn oo innagu banaanayd loona baahan yahay in la sii kobciyo.

Mustafa Xariir
xariir@doctor.com

Raadraaca qoraalka;

  • Buugga uu qoray Cabdiraxmaan Faarax Barwaaqo ee Abwaanka Cudurrada Dadka iyo Duunyada, 2001

  • Buugga uu qoray Mustafa Xariir ee Caafimaadka Aasaasiga ah, (Fundamentals of Health).

  • Buugga uu qoray Mustafa Xariir ee Faya-dhawr (Cudurrada, Daawooyinka iyo Erey-bixinta Caafimaadka)

  • (Medical Terminology, Medications and Disease) 2007

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 4, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com