SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

War-Saxaafadeed

3rd November 2007 
 

KU:  Dhammaan Saxaafada madaxbanaan

      Dhammaan ururrada Bulshada

      Dhammaan Beesha Caalamka 

Ujeedo: Xaaladda Bini’aadnimo ee Muqdisho oo ka sii dareysa  

Maanta oo ay taariikhdu tahay 3 da November 2007, waxaa ku wargelineynaa dhamaan saxaafadda madaxa banana, ururrada bulshada, beesha caalamka ee ka shaqeeya arimaha biniaadinimo in muddo dheer ay dadka Soomaaliyeeed ku soo jireen dhibaatooyin kala duwan sida: Dagaalo dabadheeraaday oo dagaalkii ugu danbeeyay ee maalmahan la soo dhaafay uu qasaaro ba’an u geystay dadka rayid ka ah sababayna barakac baahsan taasoo lagu qiyaasay in 70% ay ka qaxeen deegaamadoodii taasoo sii badanineysa kumanaankii qoys ee ka anbabaxay magaalada horaantii sanadkan, fatahadyo kuwaasoo sababay dhibaato culus oo bini’aadnimo oo ay ku mid tahay darxumo nololeed, cuduro soo noqnoqday, bahi joogta ah, hoy la’aan barakac, kufsi, afduub iyo jirdil, arimahaa oo idil waxaa ka dhashay dad badan ay dhibaato ku jiraan una baahan yihiin kaalmo beni’aadanimo oo degdeg ah sida: 

  1. Hooy iy hu’ (dhar)
  2. Cuno
  3. Wax-barasho
  4. Caafimaad
  5. In loo gaargaaro dadka wax yeelada soo gaartay maskaxiyan (welwel iyo walbahaar)

Sidaa darted waxaa ka codsaneynaa ummada Soomaaliyeed oo ku nool gudaha iyo dibadda, dhamman beesha caalamka in ay la soo gaaraan kaalmo Beni’aadnimo ugu yaraan muddo lix bilood ah.  

Waxaan ugu baaqeynaa in la badbaadiyo dadka rayidka ah, lagana joojiyo, dagaalada sababay barakaca iyo wax yeelo ba’an, in lagu xaliyo khilaafaadka taagan wadahadal si colaadda taagan loo joojiyo. 

Qoraalkan waxaa soo saaray Hey’adda COGWO: 

Dr Nurto Sheikh Mohamed

Agaasimaha Fulinta COGWO 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 4, 2007


Hambalyo Aroos:

Waxaan Hambalyo u direynaa C/risaaq Maxamad C/laahi oo ka mid ahaa Ardayda Hindiya wax ka baratay iyo Saynab Ciise Axmad. Oo arooskoodu ka dhacay Magaalada Bosaso 2/11/2007, waxaan leenahay noqda kuwii  ubad khayr qaba kala hela.

             Guurkiina Guur khayr gurigiina guri negi guulow ka yeel. Aamin.
 
Waxaa hambalyada Hyderabad India ka diyaraaya:
  1. C/rashiid Boqor Cumar Ismacil.
  2. Sadaam C/laahi Yusuf. (Zizou)
  3. Siciid Hassan Ahmed.
  4. Mohamed Salad Siciid.
  5. Yusuf Mohamoud Said.
  6. Shirwac Maxamad Xassan
  7. Fadumo C/casiis Xassan
  8. Khadra Cali 
  9. Jamac Cumar Maxamuud. (Xanaano)
  10. Muqtaar Ibrahim Isaaq.
  11. Maxamad  Gacal Cali
  12. Cali   Gacal  Cali.
  13. Cumar Shire Yusuf

Yousuf Mohamoud Said akhuzahra@yahoo.com


Warar dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii shalay ka dhacay Muqdisho
.Banaanbax shalay galab dhacay qaybto ka tirsan Muqdisho
.C/laahi Yuusuf oo kulan la qaatay Xubnaha Baarlamaanka
.Ciidamada Uganda oo la  geliyey heegan buuxa
.Odoyaasha Beelaha Hawiye oo kulan ku yeeshay Hoteel..
.Baydhabo: Xildhibaanad lagu weeraray Hoteel...
.Muuse Suudi, Qanyare, C/llaahi Sheekh oo ka maqnaa
.Xaaladda Nabadgelyo ee Baladweyne oo laga dayrinayo..
Wararkii oo dhan ka akhri halkan... Nov 3

:::VIDEO: Somalia "on brink of collapse"

yemenSenator Coleman iyo safiirka Yemen ee Washington DC oo ka wadahadlay xaaladaha qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen iyo qaracanka gacanka cadmeed

Deeqo lacageed oo la gaarsiiyay Indhoolayaal, Agoon, caruur derbiyo jiif ah iyo ..... 

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com