SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Nov 5, 2007

  • C/llaahi Yuusuf oo Ra’isul Wasaare la doonayo mid ka mid ah Wasiirada Xukuumaddii Cali Max’ed Geedi

  • Ciidamada Itoobiya oo bilaabay in ay si hoose u gumaadaan shacabka

  • Qaraxyo lala beegsaday ciidamo itoobiyaan ah

  • Ciidamo Ereteriyaan ah oo buux dhaafiyey xuduuda u dhexeysa Itoobiya iyo Ereteriya.

  • Wafdi ka socda Dowladda Mareykanka oo ku soo fool leh Baydhabo

  • Maamulka Gobalka Banaadir oo mamnuucay banaanbaxyada aysan ogeyn Maxkamadda gobalka


C/llaahi Yuusuf oo Ra’isul Wasaare la doonayo mid ka mid ah Wasiirada Xukuumaddii Cali Max’ed Geedi

Iyadoo looga fadhiyo madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf Axmed in uu soo magacaabo ra’isul wasaarihii bedeli lahaa ra’isul wasaarihii hore ee Cali Max’ed Geedi, ayaa haatan waxa uu wadaa kulamo la tashiyo ah oo la xiriira cida loo magacaabayo ra’isu wasaare, wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in ra’isul wasaare uu la rabo Wasiirkii arrimaha gudaha ee dowladii Cali Max’ed Geedi Maxamed Sheekh Maxamuud (Gacma Dheere).

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa noo xaqiijiyey in Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf uu maalmahan kulamo gaar ah la lahaa Gacma Dheere oo la xiriira sidii loogu magacaabi lahaa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya. Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa la sheegay in ay Gacma Dheere la doonayaan in uu noqdo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, kuwaas oo doonaya in ay ka qalqaalsadaan in uu xil ka siiyo Golaha Wasiirada, warar kale ayaa waxay sheegayaan in Guddoomiyihii Guddiga dib u heshiisiinta uu dadaal ugu jiro sidii uu u noqon lahaa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, isagoo dhawaan gaaray Magaalada Baydhabo.

Cali Mahdi ayaa maanta la filayaa in uu qudbad ka jeediyo Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo la xiriirta go’aanadii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ayaa qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka waxaa la sheegay in ay Cali Mahdi ku eedeeyeen in uu wax is daba mariyey intii uu socday shirkii dib u heshiisinta Soomaaliyeed, gaar ahaan dhaqaalihii loogu talagalay, hase yeeshee Cali Mahdi ayaa ku tilmaamay wararkaasi kuwo kutirikuteen ah. Dowladaha Mareykaka iyo Itoobiya ayaa la sheegayaa in ay iyana wataan Ra’isul Wasaare bedela ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Max’ed Geedi, iyadoo lagu waramay in siyaasiyiin ka tirsan   Dowladda Mareykanka ay ku sugan yihiin Magaalada Adis-Ababa kuwaas oo Dowladda Itoobiya kala tashanaya cidda loo magacaabayo Ra’isul Wasaare.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa dhegaha u taagaya waxa ka soo yeeri doona Magaalada Baydhabo taas oo ku saabsan cidda loo magacaabayo Ra’isul Wasaaraha Soomaalya. 

Ciidamada Itoobiya oo bilaabay in ay si hoose u gumaadaan shacabka

Ciidamada Itoobiya oo dhawaan dagaal culus la galay kooxaha ka soo horjeeda joogitaankooda ayaa haatan waxay bilaabeen in ay si hoose u gumaadaan bulshada Soomaali-yeed, kadib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay labo xarumood oo ay ku sugan yihiin ciidamada itobiya hortood lagu arkay maydadka dad ay dileen.

Maalintii doraad ahayd ayaa saddex qof oo uu ku jiray mid ka mid ah shaqaalaha Horn Afrik oo ay ciidamada Itoobiya qabteen ayaa la sheegay in la soo dhigay xarunta Warshaddii Ifka Xalan, iyadoo taas ay si aad ah uga walwaleen ayaa haddana shalay subax ciidamada Itoobiya eek u sugan Maslax waxay labo qof maydkooda soo dhigeen meel aan sidaasi uga fogeyn xeradooda, waxaana la sheegay in dadkaasi ahaayeen kuwo safar ah oo ka yimid Magaalada Jowhar.

Arrintaani ayaa waxaa si weyn walaac uga muujiyey Hay’adaha Xaquuqda Aadanaha iyo dhamaan shacabka ku nool Magaalada Muqdisho kuna tilmaamay mid ka baxsan Bini’aadannimada, sidoo kale waxaa cambaareeyey odoyaasha beelaha Hawiye oo sheegay in ani keeni karto kacdoon sii baaha.

Ciidamad Itoobiya oo aan maalmahan ka soo bixin xeryahooda ayay dadku u dheg taagayaan waxa dhici doona, maalmaha soo socda, iyadoo da badani ay ka qaxeen guryahooda, sidoo kale ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u fara badan ayaa ku soo qulqulaya magaalada Muqdisho.

Qaraxyo lala beegsaday ciidamo itoobiyaan ah

Iyadoo magaalada Muqdisho ku soo qulqulayaan ciidamo Itoobiya ah, ayaa haddana wararka ka imaanaya gobalka Gedo waxay sheegayaan in ciidamo Itoobiyaan ah oo gobalkaasi ka soo gudbayey kuna soo jeeday Muqdisho ay miino kula qaraxday Degmada Luuq, waxaana la sheegay in ay khasaaro soo gaartay, waxayn markiiba bilaabeen baaritaan iyagoo qabqabtay dhowr qofood.

Dhanka kale habeen hore ayaa hotel ku yaala Magaalada Doolow Itoobiya ayaa waxaa ka dhacay qarax weyn waxaana ku dhintay dhowr qofood oo ay ku jiraan askar ka tirsan ciidamada Itoobiya, waxaana la sheegay in qaraxaasi ay ciidamada Itoobiya u qabqabteen dhowr qofood, sidoo kale Gawaari kolonyo ahayd oo Itoobiyaan ah oo marayey agagaarka Belidoogle ayay miino ku qaraxday, iyadoo la sheegayo in halkaasi khasaaro ka gaartay.

Ciidamo Ereteriyaan ah oo buux dhaafiyey xuduuda u dhexeysa Itoobiya iyo Ereteriya.

Wararka ka imaanaya dalka xuduuda u dhexeysa Itoobiya iyo Ereteriya ayaa sheegaya in xuduuda ay soo buux dhaafiyeen ciidamo ka tirsan dalka Ereteriya, gaar ahaan halka ay isku hor fadhiyaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa ereteriya.

Dowladda Ereteriya ayaa walaac ka muujisay arrintaani, waxayna ku soo beegan tahay xili ciidamo aad u fara badan oo Itoobiyaan ah ku sugan yihiin Dalka Soomaaliya, kuwaas oo asbuucyadii la soo dhaafay Muqdisho kala kulmay iska caabin xoog leh.

Dowladda Ereteriya ayaa waxay waddaa qorshe ay dooneyso in ay kaga faa’iideysato iska hor imaadyada ciidamada Itoobiya ku haysta Soomaaliya, waxaana la sheegay in mas’uul ka tirsan Dowladda Itoobiya uu ka cosado beesha in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa ciidamada Itoobiyaka wadaan xuduuda u dhexeysa Ereteriya iyo Itoobiya.

Wafdi ka socda Dowladda Mareykanka oo ku soo fool leh Baydhabo

Waxaa si aad ah loo adkeeyey amaanka Magaalada Baydhabo, iyadoo la filayo in saacadaha soo socda Magaalada Baydhabo uu soo gaaro wafdi ka socda Dowladda Mareykanka, kaas oo la filayo in uu kulamo la yeelan doono Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf iyo Xildhibaanada Baarlamaanka.

Sababaha ugu weyn ee wafdigaani u imaanayo ayaa lagu sheegay in wafdigaani uu Madaxweynaha DFKMG c/llaahi Yuusuf kala tashan doonaan cidda loo magacaabayo ra’isul wasaaraha Soomaaliya, maadaama dowladda Mareykanku ahayd dowladdii ka dambeysay iscasilaada ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Max’ed Geedi.

Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay in ay wadato shaqsi wata dhalashada Mareykanka oo mudo ku suganaa wadakaasi, taas oo ay dooneyso in ay ka dhaadhiciso Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf, inkastoo Cali Yuusuf la sheegayo in uu isna wato rag ay si aad ah isugu dhow yihiin oo ay mudo isla soo shaqeynayeen.

Xildhibaan diiday magaciisa ayaa sheegay “Shariif Xasan ayaa laga qaaday xilkii, guddoomiyihii maxkamadda sare ayaa la xiray, Cali Max’ed Geedi ayaa lagu qasbay in uu iscasilo, wareegtaduna waxay ku imaan doontaa C/llaahi Yuusuf”, waxa uuna sheegay xildhibaankaasi in Dowladda Federaalka

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay u xiran wadooyinka qaar

Mas’uuliyiin kla tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in aysan u xirneen qaar ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen in maalmihii ugu dambeeyey aysan ciidanka Booliisku wax hawlgal ah sameyn, sidoo kale mas’uuliyiintu waxay sheegeen in ciidamada Itoobiya aysan ku soo wargelin hawlgalkii ay sameeyeen maalintii jimcaha ahayd, iyagoo sheegay in taasi ay gaar u ahayd.

Mas’uuliyiinta Booliiska waxay sheegeen in ay baaritaano ku sameyn doonaan tacadiyo iyo gabood falo ay sameeyeen ciidamada Itoobiya ee ku sugan xerada Maslax iyo Garoonka Cayaaraha ee Muqdisho, iyadoo maalmihii ugu dambeeyey ciidamada Itoobiya ay bilaabeen in ay dadka qabqabtaan isla markaana dilaan, iyagoo banaanka soo dhiga maydkooda, waxaana ugu dambeeyey saddex qof oo ay soo dhigeen jidka warshadaha iyo labo qof oo ay shalay soo dhigeen agagaarka xerada Maslax.

Mas’uuliyiinta Booliiska waxay sheegeen in ay bilaabi doonaan sababaha keenay in ay xirmaan wadooyinka la sheegay in ay xiran yihiin.

Labo wado oo u muhiim u ahaa Bulshada Soomaaliyeed ayaa xiran, waa midda taranbuunka, halka midda kale ay ahay mid dhex marta jidka wadnaha oo iyana tagta Kiilomiti Foor, qofkii ku sugan Lambar Afar ee doonaya in uu tago balaac sii iyo Baar ubax, waxa uu marayaa Soobe, Banaadir, kadibna waxa uu ka soo Ex. Control Afgooye, kadibna waxa uu la soo wareegayaa jidka warshadaha, isagoo la soo leexanaya warshadda caanaha.

Maamulka Gobalka Banaadir oo mamnuucay banaanbaxyada aysan ogeyn Maxkamadda gobalka

Iyadoo todobaadyadii la soo dhaafay banaanbaxyo looga soo horjeedo ciidamada Itoobiya ka dhacayeen, dadka banaanbaxyaasha ahi ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ciidamada Itoobiya ayaa maalintii shalay ahayd maamulka gobalka Banaadir waxa uu mamnuucay banaanbax aan ruqso looga haysan Maxkamadda gobalka.

“Ciddii sameysa banaabax aysan ruqso u haysan wixii ka yimaada iyaga ayaa mas’uul ka noqon doona”, sidoo kale Odoyaasha Beelaha Hawiye ayaa lagu wargeliyey in haddii ay qabanayaan banaax ay soo wargeliyaan maxkamadda.

Banaanbaxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxay ku yimaadaan marka dadweynuhu ay arkaan falal ka dhan ah bini’aadannimda oo ay ku kacayaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya, waana banaanbaxyo aysan cidina soo abaabulin balse ka dhasha xaaladda markaasi.

Mid ka mid ah dadweynaha ayaa waxa uu sheegay in aysan marnaba qaadan doonin wareegtaasi ka soo baxday maamulka Gobalka Banaadir, isagoo sheegay in ay sii wadan doonaan banaanbaxyada looga soo horjeedo ciidamad Itoobiya. 

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro.

 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 4, 2007

USA oo C/laahi Yuusuf ku cadaadinaya in uu wada hadal la furo isbahaysiga dib-u-xoraynta Soomaaliya
.Yaa la hadal hayaa in loo magacaabi doono Ra'isul Wasaare
.Ciidamada Mareykanka oo gacanta ku dhigay Markabkii..
.Bam lagu weeray meel lagu uruuriyo Canshuuraha..
.Xaaladda Magaalada Muqdisyo oo shalay deganeyd..
.Iska hor imaad ka dhacay Magaalada Kismaayo...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Oct 31

Dilaagii Dilaanimada ku Caanbaxay ahaa Ee Russia oo la xukumay

Siyaasiyiinta Beelaha Hawiye oo Dowladda Itoobiya ku eedeeyey inay kaga hiiliyeen....

Magaalada Qardho oo Lagu Qabtay Kulan difaaca PL
iyo Cadde Muuse oo cafis u fidiyey maxaabiis...

Dagaallo badan oo cadowga lagu jabiyay.

U diyaar  Garowga Doorashooyinka wadanka Kenya oo si weyn ugu socda Gobaladda Dalka iyadda oo laga  Dareemayo  Xaafadda Islii ee ay degto Soomaalidu Akhri

geediQaabkii ay u dhacdey Is casilaaddii Geeddi iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka hadley... Akhris/Cod...

Warsaxaafadeed -Xarunta Dr.Ismaaciil Jumcaale

laaskaVIDEO: Filim laga duubay Mudaharaadkii Laascaanood.... DAAWO..

GeeddiGeeddi oo is casilay
Cali Maxamed Geeddi oo  dib ugu soo laabtay Baydhabo ayaa shaaca ka qaaday in uu is casiley Akhri...

Qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Ururuka DDP
ku saabsan xaaladda Laascaanood...

Dhismaha Jidka Isku xiriiriya Boorama iyo Dilla
Ururka ARNA oo ka shaqeyn doona dhismaha wadada isku xirta Dilla iyo Borama oo lagu dhawaaqay Akhri

gediBaarlamaanka Baydhabo ma is casili Doonaan haddii Amar Toos ah kaga yimaado Zenawi..
Faallo Kooban: Khamiis: Oct 25, 2007:

saalaxWasiirka Warfaafinta Puntland oo Qummaati uga jawaabi waayey su'aalo la weydiiyey
Waraysi uu la yeeshay Radio Australia Dhegeyso

allmanMagaalada Baydhabo oo Marti Gelinaysa Maxkamadeyn Culus
Qormadii Maxamed "Allman"... Akhri..

muqdishoMUQDISHO: Gabay Cusub (maqal iyo qoraal)
300 oo habeen kaddib markii ay ciidamada gaashaanbuurta dulmiga soo galeen Muqdisho... Gabay: Maqal & Qoraal

ururMinnesota oo Looga Dhawaaqay Urur Cusub
Kulanka Sabtidii lagu qabtay Minnesota ayaa lagu magacaabay ururka.... Akhri

swissProfessor Gaandi: Qabiil wax macna ah ma laha, waa shay la abuuri karo, baabi’ina kara: Kulan Sabtidii lagu qabtay Switzerland ayaa... Akhri...

GudoomiyeMadaxweynaha DFKMG oo xilkii ka qaaday Gudoomiyaha Maxkamadda sare
iyo Baarlamaanka Federaalka KMG oo cod u qaaday ajandaha in... Akhri...

Kacdoonka Laascaanood: Wasiir SL oo ka hadlaya

yemenSenator Coleman iyo safiirka Yemen ee Washington DC oo ka wadahadlay xaaladaha qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen iyo qaracanka gacanka cadmeed

Deeqo lacageed oo la gaarsiiyay Indhoolayaal, Agoon, caruur derbiyo jiif ah iyo ..... 

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com