SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • ONLF oo dishay 270 Askari oo Ethopian ah gobolka Somali Galbeed.
  • Duqa degmada Goldogob oo ku eedeeyay gudoomiyaha gobolka Mudug Ciidamo Ethiopan ah oo ..
  • Aqoon is waydaarsi ku saabsan xadgudubyada ka dhanka ah dumarka oo Galkacyo ka dhacay.

ONLF oo dishay 270 Askari oo Ethopian ah gobolka Somali Galbeed.

  • SomaliTalk | Nairobi-Kenya
War bixin ay soo saareen Jabhadda Xoraynta gobolka Ogaadeenya ee ONLF ayaa waxay ku  sheegteen in ay dileen 270 askari oo Ethiopian ah ka dib markii ay dagaalo xoogan la galeen.
 
Warbixintaan oo lagu shaaciyay wakaaladah wararka gaar ahaana wakaalada wararka ee Reuters ayaa waxaa ay jabahada ONLF ku sheegtay in ay dagaalo xoogan kala hor yimaadeen ciidamada Tigreega ee gobolka Soomaali galbeed ku haya xasuuqa waxaana dagaaladaan lagu dilay 270 askari iyadoo ay dagaaladaan  ka dheceen gobolka Bariga ama kililka shanaad ee ay soomaalidu dagto.
 
Dowlada Malez Zenawi ayaa sida caada ahayd ee looga bartay waxay war bixintaasi ku sheegtay mid been abuur ah  waxayna sheegeen in ay dhankooda ka dileen sanadkaan gudihiisa dagaal yahano fara badan.
 
Wax war ah oo ka madax banaan labada dhinac lama soo gudbin iyadoo ay adag tahay in wax war ah laga helo deegaanka ama la gaarsiiyo kaalmo bani aadantimo dadka deegaanka degen.
 
Jabhada ONLF ahaa waxay tahay jabhada ugu adeg ee laf dhuun gashay ku noqotay nidaamka Tigeeriya ee ka taliya Ethiopia ee Malaz Zawani madaxda ka yahay.
 
Mar sii horaysay oo sanadkaan ah ayay ahayd markii ay ciidamada ONLF ay dileen 74 qof oo Ethiopian iyo Shiinays isugu jiray oo ku guda jiray howlo baarintaan Shidaal ah.
 
Ciidamada Jabhada ONLF ayaa waxay bishii hore sheegtay in ay dishay 250 Askari oo Ethaopian ah balse maamulka Addis ababa waa beeniyay arintaasi.
 
Dowlada Ethiopoa ayaa waxay ka aamin san tahay jabhada xoraynta Soomaali galbeed ee Ogaadeeniya in ay tahay argagaxiso laga taageero Dalka Erertia.
 
 
Duqa degmada Goldogob oo ku eedeeyay gudoomiyaha gobolka Mudug Ciidamo Ethiopan ah oo .
 
C/laahi Yuusuf Xaaji duqa degdmada goldogob ee gobolka Mudug ee Maamul goboleedka soomaaliyeed ee Puntland ayaa war saxaafadeed uu soo saaray maanta waxaa uu ku eedeeyay gudoomiyaha gobolka Mudug Cabdi rashiid Cali Xaashi Dhoobane in uu masuul ka yahay ciidamo Ethiopain ah oo maalintii shalay ahayd soo galay magaalada Goldogob oo gacanta ku dhigay labo macalin oo wax ka dhigi jirtay Schoolka Al Nuur ee magaalada Goldogob.
 
Mudane Cabdulaahi Yuusuf Xaashi ayaa waxaa uu sheegay in gudoomiyaha gobolka mudug Mr Dhoobane uu ciidamada Ethiopia dhawan kula kulmay magaalada Bursaalax una sheegay in ay magaalada saaraan xayriaad dhanka socodka ah.
 
Ciidamada Ethiopanka ah ayaa waxay magaalada ka xirteen labo macalin oo lagu kala magacabi jiray  Macalin Abdi wali Cali Xaashi iyo waliba Macalin Raage waxaana warar ay SomaliTalk heshay ay sheegayaan in labadaasi macalin loo gudbiyay dhanka magaalada Bookh ee kililka shanaad.
 
Sidoo kale waxay hawada ka saareen mudu saacado ah idaacada Quraanka kariimka ee Radio Ximka ee magaalada Goldogob ka dib baarintaan ay ku sameeyeen qaybaha kala duwan ee Studio-aha idaacada ayay dib hawada ugus oo celiyeen Ethiopianku iyagoo magaalada dib uga laabtay .
 
Maahan markii ugu horaysay oo ay ciidamada Ethiopainku soo galaan degmada goldogob ee gobolka mudug waxayna qayb ka tahay arintaasi xadgudubyada ay ku hayaan gobolada soomaaliyeed oo dhan ciidamadaan Soomaaliya qabsaday Decemeber 2006.
 
Aqoon is waydaarsi ku saabsan xadgudubyada ka dhanka ah dumarka oo Galkacyo ka dhacay.
 
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa ka dhacay gaar ahaana xarunta Hormarinta iyo Nabada ee Dumar aqoon is waydaasi looga arin sanahay xadgudubo fara badan oo ka dhan ah dumarka oo ku soo badanayay magaalada Gaalkacyo.
 
Kulankaan aqoon is waydaarsiga ah ayaa waxaa furay ugu horayn gudoomiyaha gobolka Mudug C/rashiid cali Xaashi Dhoobane isagoo ka hadlay xaaladaha xun xun ee ku soo siyaaday magaalada Gaalkacyo ee ka dhanka ah dumarka.
 
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadashay haweenayda madaxda ka ah xarunta Hormarinta iyo Nabada dumarka ee magaalada Gaalkacyo Mrs Xaawo Aadan waxaynta tiri dumarka kufsiga lagula kacyo ayaa si wayn ugu soo siyaaday magaalada gaalkacyo waxaana la rabaa in wax laga qabto arintaasi.
 
Aqoon is waydaarsigaan ayaa waxaa ka soo qayb galay ku dhawaad boqol qof oo isugu jiray qaybaha kala gadisan ee bulshada.
 
Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa ka dhacayay magaalada Gaalkacyo falal ka baxsan diinta islaamka iyo xuquuqda bani aadanka oo ka dhan ah dumarka danyarta ah ee ku sugan xeryaha dadka soo barakacay taas oo cabsi xoogan ku abuurtay dumarka degan goobaha ay ku nool yihiin dadka soo barakacay.
 
SomaliTalk | Nairobi-Kenya
 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 5, 2007

USA oo C/laahi Yuusuf ku cadaadinaya in uu wada hadal la furo isbahaysiga dib-u-xoraynta Soomaaliya
.Yaa la hadal hayaa in loo magacaabi doono Ra'isul Wasaare
.Ciidamada Mareykanka oo gacanta ku dhigay Markabkii..
.Bam lagu weeray meel lagu uruuriyo Canshuuraha..
.Xaaladda Magaalada Muqdisyo oo shalay deganeyd..
.Iska hor imaad ka dhacay Magaalada Kismaayo...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Oct 31

Dilaagii Dilaanimada ku Caanbaxay ahaa Ee Russia oo la xukumay

Siyaasiyiinta Beelaha Hawiye oo Dowladda Itoobiya ku eedeeyey inay kaga hiiliyeen....

Magaalada Qardho oo Lagu Qabtay Kulan difaaca PL
iyo Cadde Muuse oo cafis u fidiyey maxaabiis...

Dagaallo badan oo cadowga lagu jabiyay.

U diyaar  Garowga Doorashooyinka wadanka Kenya oo si weyn ugu socda Gobaladda Dalka iyadda oo laga  Dareemayo  Xaafadda Islii ee ay degto Soomaalidu Akhri

geediQaabkii ay u dhacdey Is casilaaddii Geeddi iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka hadley... Akhris/Cod...

Warsaxaafadeed -Xarunta Dr.Ismaaciil Jumcaale

laaskaVIDEO: Filim laga duubay Mudaharaadkii Laascaanood.... DAAWO..

GeeddiGeeddi oo is casilay
Cali Maxamed Geeddi oo  dib ugu soo laabtay Baydhabo ayaa shaaca ka qaaday in uu is casiley Akhri...

Qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Ururuka DDP
ku saabsan xaaladda Laascaanood...

Dhismaha Jidka Isku xiriiriya Boorama iyo Dilla
Ururka ARNA oo ka shaqeyn doona dhismaha wadada isku xirta Dilla iyo Borama oo lagu dhawaaqay Akhri

gediBaarlamaanka Baydhabo ma is casili Doonaan haddii Amar Toos ah kaga yimaado Zenawi..
Faallo Kooban: Khamiis: Oct 25, 2007:

saalaxWasiirka Warfaafinta Puntland oo Qummaati uga jawaabi waayey su'aalo la weydiiyey
Waraysi uu la yeeshay Radio Australia Dhegeyso

allmanMagaalada Baydhabo oo Marti Gelinaysa Maxkamadeyn Culus
Qormadii Maxamed "Allman"... Akhri..

muqdishoMUQDISHO: Gabay Cusub (maqal iyo qoraal)
300 oo habeen kaddib markii ay ciidamada gaashaanbuurta dulmiga soo galeen Muqdisho... Gabay: Maqal & Qoraal

ururMinnesota oo Looga Dhawaaqay Urur Cusub
Kulanka Sabtidii lagu qabtay Minnesota ayaa lagu magacaabay ururka.... Akhri

swissProfessor Gaandi: Qabiil wax macna ah ma laha, waa shay la abuuri karo, baabi’ina kara: Kulan Sabtidii lagu qabtay Switzerland ayaa... Akhri...

GudoomiyeMadaxweynaha DFKMG oo xilkii ka qaaday Gudoomiyaha Maxkamadda sare
iyo Baarlamaanka Federaalka KMG oo cod u qaaday ajandaha in... Akhri...

Kacdoonka Laascaanood: Wasiir SL oo ka hadlaya

yemenSenator Coleman iyo safiirka Yemen ee Washington DC oo ka wadahadlay xaaladaha qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen iyo qaracanka gacanka cadmeed

Deeqo lacageed oo la gaarsiiyay Indhoolayaal, Agoon, caruur derbiyo jiif ah iyo ..... 

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com