SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

FURSADII UGU WAYNEED EE BBC SOOMAALI SOO MARTA.

Mr Abdisalam Guled
 
Idaacada BBC du waxa ay ka mid tahay Idaacadaha aduunka ugu faca wayn. 1925 kii ayaa Idaacada BBC du sitoosa u shaqa bilowday, intii ka dambeysana maanlinba wax cusub ayaa lagu derayey ama wadan cusub ayaa laga furayey waxana la aaminsan yahay in ay qayb aad u weyn kazoo qaadatay isbedelka siyaasadeed ee caalamka, laga soo bilaabo dagaalkii koobaad iyo kii labaad ee aduunka oo ay kaalin aad u sareysa ka qaadatay. 
 
Qayba Soomaaligu waxa ay ka midtahay qaybihii ugu horeeyey ee laga furo BBC da ee luuqad aan English aheyn ku hadasha. Sababtuna waxa ay aheyd Madax waynihii Masaarida markaas Jamaal Abdinaasir oo wadamada Carabta ka wedey abaabul ka dhan ahaa gumeysigii reer galbeedka ee wadamada Carabta ku abtirsada oo Soomaaliya kamid ahayd. Madaxwayne Abdinaasir wuxuu abuuray mojad aad u  wayn oo ku dhisnayd mabaadii Carabnimo wuxuuna  magaala madaxda masaarida Khaahira kafuray Idaacad afsoomaali ku hadasha oo sitoosa looga dhegeysan jiray Soomaaliya oo markaas gacanta ugu jirtay gumeysta yaashii reer galbeedka.
 
Qaybaha kala ee BBC da waxaa ka jiray isbedelo maamul iyo  wariyaal laga soo bilaabo xiligii lafuray ilaa maanta oo dhegeysta yaashoodu ku raaxeysanayeen maamulada iyo codadka kala bedelan ee wariyayaasha.
 
Laakiin BBC da Soomaalida kama  dhici jirin isbedel ilaa markii dambe ay noqotay (charity shop) dukaamada lagu gado dharka huudheyda ee lagu sadaqeystay hay’adaha samafalka. Intooda badana dukaamadaas waxa ka sheqeeya dad da’ah oo  muta-dawacnimo  (bilaash) ku shaqeeya, iyaga oo cibaado iyo samalfal ula jeeda.
 
Wariyaasha BBC da Soomaaliga  kategey ama lagu soo daray  50 iyo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay aad ayey u yaraayeen. Kahor sanadkii 2000 markaas oo Madaxa Laanta Afka Soomaaliga ee BBC da Yusuf Garaad uu lawareegey.  Laakiin waxa hadane laga dhedhensan karaa  in ay markale fadhiid noqotay oo Yusuf Garaad uu karaar jabay kadibna uu iska noqday madaxdii dowladihii Africa oo kale. Intabadan Madaxda Africa iyo dunida sedaxaad waxay wax ku bilaabaan firfircooni iyo hal abuur kadibna waxa ay issu bedelaan fadhiid aan waxna qaban meeshana kategin.
 
Maanta dhegeysta yaasha BBC Soomaalidu waxa ay leeyihiin fursad aad u wayn, oo codad iyo barnaamijyo cusub  ay ku maqlaan.  BBC duna waxa ay leedahay fursad  ay kula jaan qaado jiilasha cusub ee Soomaalida oo laqabsan waayey wariyaashi Waalidkood dhegeysanayeen markii ay dhasheen welina ay dhegeysanayaan.
 
 Yusuf Garaad wuxuu u baahan yahay in uu tixgeliylo waxa dhegeeysta yaashu doonayaan in ay maqlaan. Waxaa kale uu u baahan yahay in uu BBC da ka bedelo (Charity shop) oo uu ka dhigo meel nool. BBCda Soomaalidu waxa ay noqotay mar idaacada ugu dhegeysta yaasha badan BBC da oo dhan markii laga reebo qaybta Afka English oo xataa ay ka kormartay Qeybta lahadasha Boqolalka milyan ee Carabtaa. Maanta baahidii ay u qabeen umada Soomaaliyeed BBC waa yaraatay oo waxaa daboolay Idaacado gudaha wadanka ka jira iyo Website cidkasta sameysatay hadana waxaa kusoo dhorday oo weliba tartan xoogan kula jirta Idaacada Codka Mareykanka (VOA) oo ka tarjumeysa siyaasada gumeysiga cusub ee Mareykanka iyo tan kaligiis taliska Ethiopia ay ku hayaan umada Soomaaliyeed ee dayacan.  
 
Hadaba BBC da fursad ayey u tahay shaqalaha ka tegey oo waxaa u banaanaday boosas ay ku qaadato wariyaal iyo hal abuurayaal cusub. Inkasta oo laga yaabo in uu Yusuf Garaad cidlo dareemayo  codad badan oo uu maqli jirayna waayo, 

Mr Abdisalam Guled

AFeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 5, 2007

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com