SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Kolonyo Ciidamada Ethiopianka ah Oo Kusoo Socda Muqdisho Oo Gawaari Lagaga Gubay Degmada Luuq .
  • Ciidamada Xukuumada Ethiopia Iyo Mujaahidiinta Soomaali Galbeed Oo Dagaal Qadhaadhi Dhexmaray.
  • Meydadka Dadka Rayidka ah Oo Ay Dileen Ciidamada Ethiopia Oo Saaka Ilaa Xalay Lagu Arkay Meelo Kamida Muqdisho.
  • Musharaxa Puntland Colaad Oo Eedayn Kulul Dusha kaga Tuuray Labada Masuul Ee Ugu Sareeya Puntland.

Nov 4, 2007

Kolonyo Ciidamada Ethiopianka ah Oo Kusoo Socda Muqdisho Oo Gawaari Lagaga Gubay Degmada Luuq .

Kolonyo ciidamada ethiopia oo kasoo kicitimay dalka ethiopia islamrkaana kusoo jeeday magaalada caasimada ah ee muqdisho ayaa lagaga qarxiyey labo gaari oo ah nooca gawaarida dagaalka iyo weliba kuwa qaada ciidankaba deegaanka degmada luuq ee gobolka gedo .

Qaraxan oo lagu sheegay inuu ahaa mid miinada nooca rimuudka laga hago ayaa goob joogayaal ku sugnaa deegaankaasi saxaafada u xaqiijiyeen inay ka gubatay ciidamada ethiopianka ee kusoo socday caasimada muqdisho oo ay kusoo qul qulayaan kumanaan ciidamada ethiopianka ah labo gaari oo nooca dagaalka ah islamrkaana kala mid nooca uu saarnaa qoriga loo yaqaano zuuga halka kan kalena uu ahaa noocyada ciidamada qaada ee Uralka .

Ciidamadaan oo la sheegay inay maalin sadexaad kasoo baxeen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka ethiopia ayaa kusoo jeeda magaalada muqdisho oo ay iminka ku sugan yihiin kumanaan ciidamada ethiopianka ah islamrkaana ay dagaalo kul kulul kula jiraan kooxaha wax iska caabinta ee kacdoonka wada kuwaasoo maalintii jimcihii kaga diley ciidamada ethiopia in ka badan 8-askari iyo tiro kale oo dhaawacyo iyo maxaabiis isugu jira .

Dhinaca kale ciidamada kusoo qul qulaya dalka soomaaliya gaar ahaan magaalada muqdisho ee xarunta wadanka soomaaliya ayaa gaysanaya xasuuq ba,an oo ay u gaysanayaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan marka ay dagaalada la galaan xoogaga kasoo horjeeda islamrkaana ay sababeen inay ka qaxaan xarumaha ay ku sugan yihiin kumanaan qoys .

Si kastaba ha ahaatee kordhinta ciidamada ethiopia ee kusoo qul qulaya magaalada muqdisho ayaa dadka xeel dheerayaasha siyaasadeed ee soomaalida ahi ku macneeyeen mid sii fogaynaysa nabad kasoo ifbaxda geeska afrika islamrkaana sii xoojinaysa gumaysi cusub oo dalka soomaaliya qabsada .

Ciidamada Xukuumada Ethiopia Iyo Mujaahidiinta Soomaali Galbeed Oo Dagaal Qadhaadhi Dhexmaray.

Muajaahidiinta Midowga Jabhadda Xoraynta S/galbeed ayaa barqinimadii shalay waxay weerar gaadmo ah ku qaadeen Tuulo ay daganaayeen ciidamadda gumaysiga Itoobiya, Tuuladan oo la yidhaa Showle oo ka tirsan Dagmadda Garbo, ayay ciidamadda Mujaahidiintu ku dileen 20 Askari oo ka mid ay ciidamadda Wayaanaha iyagoo tiro kaloo badana halkaa kagag dhaawacay.

Dhinaca Mujaahidiinta Midowga Jabhada Xoreynta S/Galbeed ayaa la sheegayaa in ay soo gaareen dhaawacyo aan badnayn balse aysan jirin wax dhimasho ah, isla markaana ay si nabad ahi uga baxeen goobtii ay ku weerareen Ciidamada Gumeysiga Itoobiya.

Waa weerarkii labaad oo ay Mujaahidiinta Midowga Jabhada Xoreynta S/Galbeed bishan gudaheed la beegsadaan Ciidamada Gumeysiga Itoobiya isla markaana khasaaro dhimasho u badan gaarsiiya ciidamadaasi.

Mujaahidiinta Midowga Jabhada Xoraynta S/Galbeed ayaa iyagu bilahan ugu dambeeyay u muuqda kuwa kordhiyay weeraradooda isla markaana dar dar galiyay howl-galada guutooyinkooda ku sugan gudaha dhulka s/galbeed ee lagumaysto.

Maraan khadka Isgaadhsiinta kula xidhiidhnay Sargaal Sare oo ka tirsan Mujaahidiinta Midowga Jabhadda Xoraynta S/galbeed oo lagu magacaabo Axmed Faarax (Kooshin) ayaa noo xaqiijiyay dagaalkan iyo sida uu udhacay wuxuuna noo sheegay inay howlgalkan ku filiyeen Cutub ka tirsan Guutada Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

Meydadka Dadka Rayidka ah Oo Ay Dileen Ciidamada Ethiopia Oo Saaka Ilaa Xalay Lagu Arkay Meelo Kamida Muqdisho.

Ciidamada xukuumada ethiopia ee ku sugan caasimada muqdisho ayaa gaysanaya xasuuq ba,an oo ay ku aargoosanayaan dagaalada faraha lagaga gubtay ee ay kula jiraan xoogaga kacdoonka wada ee kula dagaalamaya magaalada muqdisho Dadka rayidka ah islamrkaana shalay ,saaka ilaa xalayba laga helay meydadka dad rayid ah oo ay ciidamada ethiopia u dileen si bani aadamnimada ka baxsan kuwaasoo qaarkood wejiga maqaarka laga siibay halka qaar kalena xaniinyaha laga gooyey .

Labo meyd oo odoyaal ah ayay ciidamada Ethiopian-ka soo dhigeen agagaarka xerada Maslax kuwaaso lasoo sheegay inay gowraceen ciidamada Ethiopian-ka.

Odoyaashaan ayay shalay galab ciidamada Ethiopian-ka ka kaxeysteen duleedka Maslax halkaaso odoyaasha ay kaga soo dageen gawaari ka keentay degmada Jowhar ee gobalka Sh/dhexe.

Dhinaca kale, hal ruux ayaa saacad ka hor meydkiisa lasoo dhigay agagaarka Wasaarada Gaashaandhiga oo ay degan yihiin ciidamada Ethiopian-ka meydkasoo wejiga laga fiiqay .

Meydka ninkaan ayaa waxaa ku yaalay rasaas fara badan oo lagu dhuftay iyadoo dhuuntana laga gowracay islamrkaana maqaarka wejiga ah laga siibay , waxeyna dadka deegaanka xaqiijiyeen in saaka salaadii subax gaari URAL ah oo ciidamada Ethiopian-ka wateen uu halkaasi meydka kusoo tuuray .

Sidoo kale, meydka ninkale oo dhalinyaro ah ayaa saaka laga helay agagaarka xarunta gobalka Banaadir, iyadoo la xaqiijiyay in ninkaan ay toogteen ciidamada Dowlada KMG ah.

Guddoomiyaha degmada Xamar Weyne C/laahi Sahal Gardhuub ayaa Saxaafada u sheegay in ninkaasi ay toogteen ciidamada xarunta gobolka Banadir xilli uu socday abaaro 3 dii habeenimo ee saqdii dhexe.

Waxa uu sheegay in ninkaasi uu u muuqday nin cabsan isla markaana soo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya waa siduu hadalka u sheegaye , iyadoo xilliga uu socdayna ay ahayd xili aysan jirin cid maraysa meeshaasi .

Si kastaba ha ahaatee, waxaa soo kordhaya xasuuqa ba,an ee ay ciidamada isku dhafka ah ee ethiopia iyo weliba kuwa dowlada KMG ah ay u gaysanayaan dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan kuwaasoo ku andacoonaya inay ahaayeen kuwii dagaalka kula jiray .

Musharaxa Puntland Colaad Oo Eedayn Kulul Dusha kaga Tuuray Labada Masuul Ee Ugu Sareeya Puntland.

Musharaxa madaxweynanimo ee maamul goboleedka puntland colaad maxamed saciid ayaa eedayn kulul dusha kaga tuuray xili uu saxaafada ugu waramayey magaalada garoowe masuuliyiinta ugu sarsaraysa maamul goboleedka puntland inay ka dambeeyeen qabsashada magaalada laascaanood islamrkaana aysan horeba u jirin meel ama gobol laga haystay puntland .

Colaad ayaa xusay qabsashada maamulka somaliland ay qabsadeen magaalada laascaanood inay ka dambeeyaan masuuliyiinta uu carabka ku dhuftay ee madaxweyne cadde muuse iyo weliba ku xigeenkiisa xasan daahir afqudhac inay iyagu ka dambeeyeen in magaalada laascaanood ay gacanta u gasho somaliland waa siduu hadalka u dhigaye .

Musharaxa ayaa intaasi raaciyey inaysan horeba u jirin xiligii hore meel ama gobol lasoo hawaystaa oo ka tirsan maamulka puntland ama ay qabsadaanba maamulka somaliland islamrkaana uu carabka ku adkeeyey inay jiraan heshiisyo iy weliba fur furitaan lagu sameeyey dadka reer puntland ay ka dambaysay inay qabsadaan maamulka somaliland magaalada laascaanood waa siduu hadalka u dhigaye .

Colaad maxamed saciid ayaa eedayntan ku xusay inay jiraan nimanka masuuliyiinta ah oo ula jeeday cade muuse iyo ku xigeenkiisa xasan afqudhac inay sameeyeen colaad hoosaadyo ay ku kala dileen dadka islamrkaana ay maamulkii ku tagri faleen oo ay qabiil iyo weji garasho ku sameeyeen .

'' waxaa marag madoonto ah inay cadde iyo afqudhac ay kala dileen dadkii islamrkaana jagooyinka maamulka indho garsho ku sameeyeen taasina ay sahashay inay wadankii lagu kala yaaco oo weliba hadii ay sii haystaan oo aan laga gaarin ay imaan doonto in puntland noqoto meel aan wax muuqdaa ka jirin'' ayuu yiri colaad.

Hadalka musharaxa ayaa kusoo beegmaya xili ay magaalada laascaanood ee gobolka sool ay guud ahaanteedba gacanta ku hayaan maamulka somaliland islamrkaana aysan xiligan ka jirin wax shaqaaqo gacan ka hadal oo u dhaxaysa ciidamo iska soo horjeeda .

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 5, 2007

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com