SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Nov 6, 2007

  • Cali Max’ed Geedi oo lagu wado in uu soo gaaro Magaalada Baydhabo

  • Weeraro lagu qaaday Fariisinka Ciidamada Itooobiya ee Warshadda Baastada

  • Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka biyo diiday meel marinta go’aanadii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta ee Muqdisho

  • Qaraxyo ka dhacay deegaanka xoosh oo gaystay waxyeelo

  • C/llaahi Yuusuf iyo Cali Mahdi oo kulan ku yeeshay Baydhabo

  • Dowladda Itoobiya oo uga digtay xildhibaanada isbahaystay in ay burburiyaan Baarlamaanka

  • Dowladaha Itoobiya iyo Ereteriya oo qarka u saaran dagaal mar kale dhex mara

  • Xuduuda Kenya iyo Soomaaliya oo ay gaareen dad fara badan


Cali Max’ed Geedi oo lagu wado in uu soo gaaro Magaalada Baydhabo

Ra’isul Wasaarihii hore ee DFKMG Soomaaliya Cali Max’ed Geedi oo weli ku sugan Magaalada Nairobi ayaa warar aanu ka helnay Baarlamaanka gaar ahaan kuwa isaga taageersan ayaa waxay noo sheegeen in Cali Max’ed Geedi lagu wado in dhowaansoo gaaro Magaalada Baydhabo si uu ugu soo biiro isbahaysiga looga dhawaaqay Magaalada Baydhabo ee la magacbaxay Kudlada Ilaalinta Sharciga. Geedi oo isagu ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa waxaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu xiriir la soo sameynayey xildhibaanadaasi oo tiradoodu gaareysay 120 xildhibaan oo iyagu diidan in Dowladda laga soo dhiso banaanka Baarlamaanka.

Cali Max’ed Geedi ayaa waxaa la sheegay in uu xoogaa dhaqaale ah u soo diray xildhibaanadaasi isla markaana uu ku booriyey in ay halkaasi ka sii wadaan hawsha ay u hayaan baarlamaanka, isla markaana ka hor tagaan cid kasta oo ku tumeyneysa sharciga baarlamaanka. Kudlada waxaa guddoomiye u ah Danjire C/llaahi Sheekh Ismaaciil, waxa uuna sheegay mar la wareystay in Cali Max’ed Geedi uu ka mid yahay xildhibaanada dhistay isbahaysigaasi.

Geed ayaa waxaa la sheegay in uu weli wado dagaalka uu kula jiro Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf, waxaana Geeddi laga soo xigtay “Aniga oo xildhibaan ah xaq ayaan u leeyahay in aan difaaco sharciga iyo axdiga ku meel gaarka ah, waxaana muuqata in baarlamaanku labo garab ku kala jabo sidii uu mudo noqday, kaas oo uu u kala qaybsamay Magaalooyinka Muqdisho iyio Jowhar.

Max’ed Qanyare Afrax oo afhayeen u ah Kudladaasi ayaa sheegay in aysan marnaba yeeli doonin in lagu tunto sharciga iyo axdiga ku meel gaarka ah, waxa uuna sheegay in qodobadii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta uu yahay mid horey u dhamaaday lana og yahay halkii uu ku dambeeyey, isla markaana aysan aheyn in dib loo soo celiyo.

Weeraro lagu qaaday Fariisinka Ciidamada Itooobiya ee Warshadda Baastada

24-kii saac ee ugu dambeeyey ayaa weeraro hoobiyayaal ah lagu qaaday Saldhigga ciidamada Itoobiya ku leeyhiin Warhsadda Baastada, weerarkaan ayaa kiisii koowaad waxa uu dhacay habeen hore, waxaana uu kan labaad dhacay shalay galabnimadii ilaa iyo haddana lama oga khasaaraha soo gaaray ciidamada Itoobiya.

Kooxaha iska caabinta ayaa maalmahan waxay bartilmaameed ka dhigteen fariisimada Ciidamada Itoobiya, gaar ahaan fariisinka ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Warshadd Baastada, iyadoo la ogeyn ilaa iyo hadda khasaarihii ay keeneen labadaasi weerar, hase yeeshee dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in khasaare uu soo gaaray ciidamada Itoobiya.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii kooxaha ka soo horjeeda ciidamada Itoobiya ay weerareen saldhigga ciidamada Itoobiya ku leeyihiin xerada Maslax, kaas oo la sheegay in uu khasaare ka soo gaaray.

Dhanka kale ciidamada Itoobiya ee soo galaya gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa qabsada weeraro, waxaana ugu dambeeyey kii shalay subax kolonyo ciidamo itoobiyaan ah oo ku soo jeeday Muqdisho qabsaday, iyadoo ciidamada Itoobiya nin rayid ah ku dileen degmada Wanalweyn.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka biyo diiday meel marinta go’aanadii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta ee Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in kulan ay shalay isugu yimaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka looga dooday qodobo dhowr ah oo ay ugu horeeyeen go’aanadii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta ee kal hore lagu soo gebagabeeyey Magaalada Muqdisho.

Dooda ayaa la sheegay in ay ahayd mid aad u kulul, iyadoo qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ay sheegeen in go’aanadani aysan aheyn in la soo hor dhigo Baarlamaanka balse ay muhiim tahay in laga hadlo arrimaha la xiriira sidii loo magacaabi lahaa Ra’isul Wasaare cusub.

Max’ed Qanyare, Muuse Suudi iyo Axmed Cumar Jees oo ah xildhibaano si aad ah uga dhex muuqda Baarlamaanka kana soo horjeeda siyaasadda C/llaahi Yuusuf ayaa ballanqaaday in ay ka hor tagi doonaan in Xukuumadda laga soo magacaabo banaanka Baarla-maanka, waxaana xildhibaanadii shalay hadlay ka muuqatay caro aad u xoogan, waxayna qaarkood sheegeen in aysan marnaba yeeli doonin handadaad kasta oo lala yimaado, waxayna u soo jeediyeen xildhibaanada kale in ay ka digtoonaadaan kuwa ay ku tilmaameen in ay doonayaan in ay dumiyaa sharciga.

Qaraxyo ka dhacay deegaanka xoosh oo gaystay waxyeelo

Labo qarax ayaa ka dhacday deegaaka Xoosh oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, isla markaana ay ku barakaceen dad fara badan, waxaana qaraxaasi ku geeriyooday mid ka mid ah askarta Dowladda, hase yeeshee rasaas ay fureen ciidanka ayaa waxa ku dhintay afar qofood, waxayna sidoo kale ciidanku qabqabteen dhowr qofood oo ay ku tuhunsa-naayeen in ay ka dambeeyeen qaraxaasi, hase yeeshee waxay dadku sheegeen in ay ahaayeen kuwo aan waxba galabsan balse laga watay meheradahooda ganacsiga.

C/llaahi Yuusuf iyo Cali Mahdi oo kulan ku yeeshay Baydhabo

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa kulan gaar ah la qaatay Cali Mahdi Max’ed oo horey madaxweyne uga soo noqday dalka xiligii dagaaladii sokeeye, waxa uuna kulankaasi ahaa mid looga hadlayey arrimo fara badan oo ay ka mid ahaayeen go’aanadii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta, maadaama Cali Mahdi uu ahaa guddoomiyihiin dib u heshiisiinta shirkaasi.

Cali oo la hadalhayo in uu ka mid ah musharixiinta Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa warar waxay sheegayaan in C/llaahi Yuusuf iyo Cali Mahdi isla soo qaadeen magaabista Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

C/llaahi Yuusuf oo raadinaya nin si aad ah isugu dhawaan karaan ayaa waxaa la hadalhayaa in Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya u sharaxan yihiin Cali Mahdi Max’ed, Maxamed Sheekh Maxamuud (Gacma Dheere), iyadoo labadaasi nin yihiin kuwa ugu cad cad ee u sharaxan Ra’isul Wasaaraha cusub, inkastoo aysan caddeyn in ay u sharaxan yihiin Ra’isul Wasaaraha Somaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa iyadu wada nin kale oo haysta dhalashada dowladda mareykanka ahna nin aqoon u leh siyaasadda Soomaaliya, waxaana la filayaa in uu dhawaan soo gaaro Magaalada Baydhabo sida waraka qaar sheegayaan, iyadoo wararka qaar sheegayaan in uu ku sugan yahay magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya.

Dowladda Itoobiya oo uga digtay xildhibaanada isbahaystay in ay burburiyaan Baarlamaanka

Iyadoo xildhibaano tiradoodu gaareyso 126 ay dhawaan sameysteen Kudlad ay ugu magacdareen Kudlada ilaalinta sharciga isla markaana sheegay in ay yihiin kuwo u taagan ilaalin axdiga ku meel gaarka ah, ayaa haddana waraka ka imaanaya magaalada Baydhabo sheegayaan in xildhibaanadaasi ay qoraalo uga imaadeen saraakiilka tirsan Itoobiya oo loogu sheegayo in aysan qaban Karin kulamo iyo shirar u gooni, waxayna ciidamada Itoobiya sheegeen in kulamadaasi keeni karaan burbur ku yimaada Baarlamaanka Soomaaliya.
Warar ayaa waxay sheegayaan in xitaa xildhibaanadaasi soo gaartay hanjabadyo, iyadoo Max’ed Qanyare Afrax uu sheegay in ay jiraan hanjabaadyo kaga imaanaya meelo uusan carabaabini.

Dowladda Itoobiya oo iyadu garab siineysa Dowladda Federaalka ayaa ka dambeysay is casilaadii Ra’isul Wasaarihii Soomaaliya Cali Max’ed Geedi.

Xildhibaanada ayaa waxay sheegeen in ay sii wadan doonaan xilkooda iyo isku duubnimadooda, waxayna sheegeen in aysn dheg jalaq u siin doonin hanjabaadyada loo soo jeedinayo iyo waliba in loola yimaado xooggaa dhaqaale ah.

Isuku soo wada duuboo xaaladda Baarlamaanka ayaa u muuqata in ay soo wajaheyso kala qaybsanaan balaaran, iyadoo Magaalada Baydhabo haatan ka bilaabatay shirara gooni gooni ah oo ay leeyihiin Xildhibaanada Baarlamaanka.

Dowladaha Itoobiya iyo Ereteriya oo qarka u saaran dagaal mar kale dhex mara

Urur lagu magacaabo National Crisis Group oo inta badan ka hadla xasaradaha ka taagan dunida ayaa waxa uu sheegay in laga yaabo in wadamada Ereteriya iyo Itoobiya uu mar kale dagaal dhex maro.

Ururkaani waxa uu sheegay in labada wadan ay haatan bilaabeen dhaqdhaqaaq ciidan oo la xiriira dhinaca xuduuda, waxaa kale oo uu sheegay in wadamadaasi ay xuduuda ka joogaan ilaa iyo 100 kun oo Askari.
Dowladda Ereteriya ayaa waxaa la sheegay in ay ka faa’iideysaneyso ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha wadanka Itoobiya, iyadoo la sheegay in ciidamada Itoobiya marnaba ka dagaalami doonin labo aag oo waaweyn.

Dowladda Itoobiya ayaa diiday in la calaamadeeyo xuduuda, maadaama Qaramada Midoobey ay xukmisay magaaladii xudunta u ahayd dagaalka dhex maray labada dowladood ee Baadhame.

Dagaalkii dhex maray labada wadan ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa iyo 70 kun oo qof, waxaana wixii waqtigaa ka dambeeyey labada dal bilaabeen in ay is hubeeyaan oo ay hub fara badan soo iibsadaan.

Xuduuda Kenya iyo Soomaaliya oo ay gaareen dad fara badan

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Dhoobley waxay sheegayaan in magaaladaasi ay gaareen dad fara badan oo ka cararay dagaalada ka soo cusboonaaday Muqdisho, waxayna dadkaasi doonayaan helaan meel amni ah oo ay ku nabad galaan.

Dadkaasi ayaa la sheegay in ay la sii kulmaan dhibaatooyin badan oo ka soo gaara burcad jidadka fadhida oo mararka qaar u gaysta dhac iyo waliba dil. Dhanka kale waxay dhibaato ka soo gaartaa ciidamada Kenya oo ilaalo xoog leh ka haya xuduuda, waxayna u gaystaan dadka xarig, waxaana dadka ka muuqda diif iyo darxumo, mana jiraan wax soo gaara gargaar ah, iyadoo dadkaasi sheegeen qaarkood in aysan dalka dib ugu soo laaban doonin inta ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya.

Amiin Yuusuf Khasaaro.
amiinkhasaaro@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 6, 2007

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com