SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


somalia
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

zenaweShan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed Akhri...

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri


Barnaamijkii Radio Xoriyo
06 November 2007.

Dagallo lagu wiiqay ciidamada gumaysiga Itoobiya.

Waxyeellooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha.

Wayaanaha oo arday Itoobiyaan ha Kenya ku laayay.

Gudoomiyaha xarunta dhexe ee jwxo oo ka warbixiyey dagaalo six un loogu wiiqay gumaysiga.

Wariye Canadian ah oo booqasho qarsoodi ah ku tagay Jigjiga kana warbixiyey xaalada.

Qoraal ka digaya shirqoollada gumaysiga oo Hooggaanka Warfaafintu soo saaray(Celis 2)


======================


Dagallo lagu wiiqay ciidamada gumaysiga Itoobiya.

Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah oo si wayn loogu wiiqay ciidammada saama la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;

03/11/07 dagaal ka dhacay Shawli, oo Garbo ka tirsan, waxaa ciidammada caga-jidka ah ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 7 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

04/11/07 waxaa mar kale ciidammada gumayisga lagu weeraray Doofaarey, oo Shawli u dhaw, waxaana laga dilay 4 askari, 5 kalana waa laga dhaawacay.

Isla 04/11/07 dagaal ka dhacay Sasabane, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay. Ciidammada gumaysiga ayaa dagaalkaas ka dib waxay nin shacab ah ku dileen magaalada Sasabane, waxaa sidoo kale la sheegayaa inay mar kale dab qabadsiiyeen magaalada Sasabane.

Sidoo kale 04/11/07 dagaal ka dhacay Gol-dalaaq, oo Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 8 kalana waa lagaga dhaawacay.

30/10/07 Hadha, oo Shaygoosh ka tirsan, dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhex maray, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 8 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

22/10/07 waxaa weerar mir loo gaystay ciidammada gumaysiga ee fadhiya magaalada Waafdhug, waxaana weerarkaas loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

21/10/07 magaalada Shilaabo waxaa weerar loogu gaystay baabur ay wateen ciidammada gumaysiga Itoobiya, waxaana weerarkaas lagaga dilay 5 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

Waxyeellooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha

Ciidammada gumasiga ayaa waxyeellooyin kala duwan u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya. Waxyeellooyinkan ayaa ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah.

01/11/07 waxay ciidammada gumaysugu Muluqa, oo Shaygoosh ka tirsan, ku dileen laba nin oo shacab ah oo midkood aan magaciisa helnay. Ninka aan agaciisa helnay waxaa lagu magacaabi jiray Aaden-dheere Sh Yuusuf.
30/10/07 Ban-yare, oo Iimey ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Sawda Cabdi Qoorleex
2- Sooc Carab Jiiliye iyo
3- Catir Cabdi Muuse

04/11/07 ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa 3 Neef oo Lo’ ah ku qashay Shawli, oo Garbo ka tirsan. Lo’dan u guaysigu qashay waxaa kala lahaa;
1- Geeddi Cali oo 1 Neef lahaa iyo
2- Wacdi Ibraahim oo isaguna 2 Neef lahaa.

Wayaanaha oo arday Itoobiyaan ah Kenya ku laayay

Ninman dabley ah oo ka tirsan qaybta wax khaarijisa ee Ururka TPLF ayaa seddex dhalinyaro ah oo horay uga titsanaa ardayda Jaamacadda Addis Ababa jimcihii ku dilay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxay sidoo kale dhaawacyo gaadhsiiyeen laba kale, sidaas waxaan ka soo xiganay Shabakada warbaahinta ee Ethiopian Review.

Nimankan dableyda ah ayaa la sheegay inay ardaydan dibada ugala soo baxeen qolki ay ku jireen, ka dibna guriga hortiisa ku togteen.

Nimankan dableyda ah, oo ka tirsan koox si qarsoodi ah dadka u khaarijisa oo uu leeyahay Ururka TPLF, ayaa sabtidii haddana mar kale isku dayay inuu dilaan afar joornaalayste oo Itoobiya ka soo cararay. Nimankan ayaa joornalaystayaashan xoog kagala soo baxay gurigii ay ku jireen, hase yeeshee intii ayna dilin ayaa dad badani isugu soo baxay dhawaaqii iyo habar-wacashadii joornaalaystyaasha, taasoo keentay in dableydii Wayaanaha ay halkaas ka cararaan.

Ardayda iyo joornaalaystayaasha Itoobiyaanka ah ee ka soo cararay taliska Addis Ababa ee qoxootiga ku ah dalka Kenya ayaa aad uga argagaxsan afduubka iyo dilalka ay Woyaanuhu ugu gaystaan Kenya dhexdeeda, waxay cabasho u gudbiyeen Hay’adda UNHCR, iyagoo ka cdsaday inay la xidhiidho masuuliyiinta Kenya oo ka dalabto inay sugto ammaanka qoxootiga dalkooda gabbaadka u soo raadsaday.

Wariye Canadian ah oo booqasho qarsoodi ah ku tagay Jigjiga kana warbixiyey xaalada.

Wariye ka socda Idaacada CBC Radio ee Canada oo lagu magacaabo Stephen Puddicombe (ISTIFAN Bedhicomb) oo booqdey Jigjig ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabayaa "Jigjiga qiyaastii waxay ku talaa dhamaadka Jidka dhinaca bari ee Itoobiya oo 1 saac loogu socdo Xuduuda Soomaaliya jid boodh iyo oo bood-boodan. Waa tuulo yar boodh badan oo ay u badan yihiin Dad Soomaali ah oo Muslimiin ah.Gaadhi Dameerada wadada maraya ayaa ka badan baaburta jidka haysa.

Dadka ajnabiga ah gaar ahaan Wariyayaasha waxay u baahan yihiin ogolaansho in ay tagaan Jigjiga, taas oo aanan anagu haysanin.

Waxa aan u nimid Jigjiga in aan baadhi taan ku sameyno eedeymo dad badani u soo jeediyeen Ciidamada Itoobiya in ay xad-gudubyo ku sameysay.

Ninkii na hagayey waxa uu noo kaxeeyey kulan qarsoodi ah, waxa aaan qaadney hal wado, kadibna waxa aan u istaagney in aan shah cabno, anaga oo mar kasta dhinacayada eegeyna. Kadibna waxa aan qaadney wado kale anaga oo si dhaqso ah u eegeyna dhinacyada iyo xaga dambe bal in nala soo dabo galey iyo in kale. Kadibna waxa aan deg-deg u galey oo nalagu qariyey guri ay ku goglan tahay kadiifado guudan, waxaana isla daqiiqdokadib soo galey 3 nin oo Odayaal ah oo fadhiistey halkii ay ku goglaneyd Katiifadu, iyaga oo lugaha is weydaarinaya ama doonyeysanaya. Iyaga oo la hadalaya turbaan waxa ay nagu dhaheeni, Na wedyiiya waxa aad su'aal qabtaan, waqti badan ma hayno koley waa nala wada xidhi doonaa,.

Nimankan weydiideen in ay magacayadooda sheegaan, waayo waxay ka cabsi qabaaan in dawlada Itoobiya ka aar gudato. Ninka kowaad waxa uu sheegay in 8 qof oo Tuuladiisa a mid ah ay Ciidamada Itoobiya dal-daleen, iyaga oo ku eedeynaya in ay gacan saar la leyhiin Jabhada ONLF Waxa kale oo ay sameeyeen in ay gubeen tuulada isla markaana dhaceen hantida, arintan oo dhacdey sanadkii hore.

Ninka 2aad ayaa isaguna sheegay in Caruur badan u dhimatey gaajo, waayo dawladda Itoobiya uma ogolaaneyso in cunto gaadho dadkaas, waxa kale oo uu sheegay in wiilkiisa iyo mid uu adeer u yahay hortiisa lagu dal-daley oo lagu kufsadey, waxa uu intaas ku darey in marka dhibaatadiisa la bar-bar dhigo waxa ka dhacey meelaha qaarkood ay tiisu tahay wax aad u yar. Waxa uu ninkaasi intaas raaciyey in dad badan oo ka mid ah qosykiisa la laayahay oo uusan ogeyn in ay nool yihiin ama dhinteen.

Jimciyada Qurumaha ka dhaxeysa ahyaa waxa ay soo saartey warbixin bishii Sept 19 iyaga oo ka digey in goobolkan oo ay ku noolyihiin 4.5 milyan qof ay macaluul qarka u saran yihiin mar kale, iyada oo xiligan ay macaluusha tahay mid aan dabicii ahayn oo ay sababtey dawlada oo dadka ka hortaagan in ay cuntadu gaadho iyo iayada oo loo diiday hay'adaha samafalka in ay ka hawlgalaan.Ogadeniya, arintan oo ah dagaalka qarsoon ee ay Itoobiya ka wado Ogadeniya. Dagaalkaas oo ay dhegaha ka laabteen aduunka, siiba dawladaha deeqda siiya Itoobiya. Dawladda Canada waxa ay Itoobiya siin doontaa sanadkan 95 milyan

Jabhada ONLF waxa ay dagaal joogto ah ku haysaa Ciidamada Dawlada Itoobiya iyo qof kasta oo horjoogsada

Paul Hebert oo ah Madaxa UN qaybtiisa gar-gaarka ee Itoobiya (UN- OCHA) oo ka mid ahaa koox mudo isbuuc ah bishii September baareysay dhibaatada ka taagan Ogadeniya ayaa waxa uu sheegay in UN ay diyaarisay warbixin gaar ah oo ku saabsan xaalada Xuququl Insaanka ee Ogadeniya, marka laga reebo mido bani'aadaminimada. Inkasta oo si aad ah looga Hadley mida bani'aadamnimada, marna lama sheegin ama la soo daabicin arimaha la xiriira xuququl Insaanka. Waxa uu sheegay in ay warbixinta Xuquuqul insaanka aad ugu sheegeen dhibaatada ay soo arkeen, iyaga oo si hoose dawlada Itoobiya ula wadaagey in ay wax ka qabto, balse ilaa hada wax jawaab ah kama aanaan heli dawladda Itoobiya.

Xubno badan oo ka mid ah shaqaalaha UN-ta ayaa cadeeyey ama aaminsa sababta aan warbixinta xuquuqul insaanka loo soo bandhigin in ay tahay iyada oo warbixintaasi aad u dhaawaceyso dawlada Itoobiya, sidaas darted la door bidey in si hoose iyada loola wadaago.

Ambaashatorka Wadanka Canada u fadhiya Itoobiya ayaa isaguna sheegay in ay ku dadaalayaan sidii ay ula shaqeyn lahaayen dawlada Itoobiya in ay xaliso arimah Ogadeniya,, waxa uuna sheegay in Itoobiay dani ugu jirto in ay furto albaabada iyo dariishadaha hadii kale warbixinadan waxa ay noqon doonaan kuwa faraha ka baxa.

Wadanka Canada ayaa isaguna soo saaraya sharci lagu eegaya sida deeqda ay bixiso loo isticmaalo , iyaga oo eegaya in dhaqaalaha ay bixiso uu u qalmo sharciga xuquuqul Insaanka ee Canada. Inkasta oo dadka u ololeeya hay'adaha Xuquuqul insaanku ay aaminsan yihiin in sharcigan uusan noqon doonin mid dhaqan gala.

Qoraal ka digaya shirqoollada gumaysiga oo Hooggaanka Warfaafintu soo saaray

Dagaalka u dhexeeya Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO iyo taliska Addis Ababa ee Ururka TPLF hormudka ka yahay waa mid gobanimo doon oo lagu raadinayo xornimada dalka Ogaadeenya, mana joogsaayo inta uu dalkena gumaysigu haysto. Waxaad la socotaan in dagaalkani aanuu ahayn mid hadda uun billowday ee uu yahay mid la fac-tirsaday jiritaanka gumaysiga dalkeena haysta.

Wuxuu dagaalku billowday markii ugu hirraysay ee gumaysigu ciideenna qaaliga ah cagaha soo dhigay. Marxalado kala duwan ayuuna soo maray, maalinbana heer ayuu marayay, sida taariikhda lagu hayana marna maysan dhicin in dadkeenu ay gumaysiga isu dhibaan oo xukunkiisa ogolaadaan.

Dagaalankii la soo kowsaday imaatinkii gumaysigu dalkena yimid wuxuu hadda marayaa marxalad taariikheedkii ugu fiicnaa, waana markii ugu horraysay qadiyadeenu aqoonsi caalami ah yeelato, iyadoo cidda u adeegaysa ee maxfalada caalamiga ah la tagaysaa ay tahay dadkii u dhashay ee ehelka u ahaa oo ka duulaya danta dadka iyo dalka Ogaadeenya oo kaliya, kuwaasoo go’aan qaadashadooda u madaxbannaan oo ayna jirin cid ay magan uga yihiin tusmaynta mustaqbalka siyaasadeed ee dalkooda.

Waxaan walaalayaal maanta leenahay cudud millatari oo awood ku muquunisay ciidammada karkarka ah ee dalkeena lagu soo daabulay, isla markaana xukuumadda gumaysatada Itoobiya ku qasbay inay dib ugu noqoto xisaabaadkeedii ku aaddanaa dalkeena.

Waxaan walalayaal maanta yeelanay saaxiibo calami ah oo codkooda caalamka aad looga ixitiraamo, kuwaasoo arrinteena u doodaya oo diyaar u ah inay albaab walba u garaacaan.

Waxaan walaalayaal maanta leenahay siyaasad arrimo dibadeed oo taabbagal ah taas horseeday in ugu denbayntii codkeena la dhagaysto oo cabashadeena loo kuur-galo. Waxaa maalinba maalinta ka danbaysa soo badanaya codadka caalamiga ah ee dalbaya in dadwaynaha Ogaadeenya xaqooda loo oggolado oo cadaadiska laga daayo. Waxaa maalinba maalinta ka danbaysa cidhiidhi sii galaya siyaasadihii beenta iyo dhagarta ku dhisnaa ee gumaysiga Itoobiya inugula dhaqmi jiray ee beesha caalamka ka dhaadhicin jiray.

Waxaa badi caalamka hadda u cadaatay in Itoobiya ay been aan jirin dunida ku akhrido, si ay taageero ugu hesho xasuuqa iyo tacaddiyada ay ku hayso dadwaynaha aan waxba galabsanin ee Ogaadeenya. Waxay dowladaha adduunku badi go’aansadeen inay Itoobiya kala xisaabtamaan denbiyada ay ka gasho shacbiga Ogaadeenya iyo shucuubta kale ee ku hoos-nool, waxayna intooda badan joojiyeen taageerooyinkii dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay u fidin jireen.

Maraykanka oo ugu denbeeyay waxaad la socotaan doodaha hadda ka socda oo ah in la joojiyo dhammaanba waxa dhaqaala ah ee Maraykanku Itoobiya siiyo. Qorshaha hadda Baaralaanka Maraykanka horyaalla waxaa xataa ku jira in madaxda Itoobiya laga mamnuco inay Maraykanka booqasho ku tagaan iyo in maxkamad la soo saaro saraakisha iyo masuuliyiinta Itoobiya e ka denbeeya xasuuqa Ogaadeenya. Haddii uu Baarlamaanka Maraykanku qorshahan ansixiyo waa guul kale oo u soo dheelmatay shacbiga dulman ee Ogaadeenya, ayna u horseeday siyaada toolmoon ee JWXO.

Haddaba walaalayaal markii guuldarradan dhinac walba ah, dhinac millatari iyo dhinac siyaasadeed, wuxuu gumaysigu billaabay qorshayaal ku qotoma maahmaahdii soomaaliyeed ee ahayd ”Neef gawracani Geed kama waabto”, wuxuuna fulinayaa xasuuqa iyo tacaddiga aad ka wada aragtaan.

Qorshayaasha uu gumasigu xilligan ku guda jiro waxaa ka mid ah inuu abuuro ciidammo malleeshiyo ah oo nasiya ciidammadiisa lagu jabiyay dagaalka Ogaadeenya. Wuxuu ku talajiraa inuu degmo walba oo dalkena ka mid ah ka sameeyo ciidammo malleeshiyo ah. Samaynta ciidammadaas waxaa loo adeegsanayaa qaar sheegayana inay bulshadeena ka mid yihiin.

Walaalayaal tallaabadani ma aha mid shacabkeena ku cusub, waxaana aaminsahanay inuu ugu fashilmi doono sidii uu ugu fashilmay kuwii ka horreeyay ee uu isku dayay inuu hadda ka hor dadkeena ku fuliyo.

Laakiin waxaa bulshada Ogaadeenya looga baahan yahay inay fahmaan oo ka hortagaan shirqoolkan cadowgu u maleegayo. Waxaa looga baahan yahay inay u dhabar adaygaan dhibaatooyinka uu gumaysigu u gaysanayo, isla markaana ogaadaan in maanta la marayo marxalad kala-guur ah oo loo baahan yahay in la isa sii raaciyo taliskan sii liicaya.

Walaalayaal gumaysigu si fiican ayuu u garanayaa in malleeshiyo shacabka laga soo ururiyay ayna u babac-dhigi Karin ciidammadii uu isagu u babac-dhigi kari waayay, laakiin wuxuu arrintan uga jeedaa oo kaliya inuu ugu raad-gado xasuuqa uu dadwaynaha u gaysanayo iyo inuu gundhig u sameeyo siyaasada cusub ee uu doonayo inuu beec-geeyo oo ah in dagaalka Ogaadeenya ka socda uu u dhexeeyo CWXO iyo Malleeshiyooyin u dhashay shacabka Ogaadeenya.

Walaalayaal waxaa la inooga baahan yahay inaan aanadeena gudano oo aan cadowga la dagaallano, shirqoollada uu dhigayana aan fashilino. Ma jirto tuulo ama magaalo Ogaadeenya ka mid ah oo ayna oollin Raqda ruux ama dad aynu jeclayn oo gumaysigu inaga dilay. Ma jiro qoys Ogaadeenya u dhashay oo aanuu gumaysigu dhibaato u gaysanin.
Dadkeena ayuu guaysigu xisaab la’aan laayaa. Gabdhaheena ayuu xishood la’aan kufsadaa. Xolaheena xaqdarro ku qaataa. Xuquuqdeenii oo dhan ayuu duudsiyay. Haddii aan amarkiisa raacno iyo haddii aan diidno midna isuma keen dhaanto. Mar walba waa kan ina gumeeya ee filkeen inaga reeba, cadowgeenana inoo jabiya, sidaas darteed mar haddii aan wax faa’iido ah laga gaadhaynin u-adeeggiisa, sow caqli iyo damiir xumo ma aha waxaad ugu adeegtaa. Adduun iyo Aakhiro midna kuuma roona. Adduun waa adigoo maatidadaada qalan xabbadii xaqluhu ha kugu dhacdo ama xabbadii gumaysigu ha kugu dhacdo, Aakhirana waa Naartii ku waar.

Sidaas darteed waxaan dadwaynaha sharafta leh ee Ogaadeenya ugu baaqaynaa inay shirqoolkaas ka hortagaan, oo iska qabtaan dadka damiir laawayaasha ah ee cadowga u adeegaya ee isku dayaya inay ka qayb qaataan samaynta malleeshiyooyinka Dabaqoodhiga. Waxaan waxgaradka iyo Odayaashaba ugu baaqaynaa inay arrintaas ka hortagaan oo CWXO ku so wareejiyaan shakhsiyaadka ay falalkaas ka kari waayaan.

CWXO waxay tallaabo aan naxariis lahayn ka qaadi doonaan qof kasta oo si dedban ama si toos ah uga qayb qaata fulinta siyaasadaha gumamysigu ku shirqoolayo shacbiga.


Hogganka Warfaafinta JWXO
03 Nov. 2007


06 November 2007

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7650 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari
 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 7, 2007

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com