SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

Ilaalada Madaxweynaha DFKMG oo Xad-Gudub Kula Kaca Weriyayaasha Jooga Baydhabo...

Warar SomaliTalk.com ka soo gaarey xarunta Baarlamaanka DFKMG ee Baydhabo ayaa tibaaxay in kulankii baarlamaanka ee Khamiistii markii la isugu yimid in si weyn loogu xadgudbey qaar ka mid ah weriyayaasha halkaasi yimid si ay shaqadooda caadiga ah u gutaan.

Waxaa warku tibaaxay in xadgudubkaas ay geysteen ilaalada madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yusuuf Axmed. Mid ka mid ah xadgudubyayaas ayaa sidan u dhacay:

Weriye ka mid ah weriyayaasha jooga Baydhabo ayaa markii uu soo geli rabey xarunta baarlamaanka waxaa Albaabka hore iska hor taagey ilaalada madaxweynaha Dawladda Federaalka Kumeel gaarka ah, iyagoo aan u sheegin wax ay sabab uga dhigayaan arrintaas.

Muddo hal saac kabaadan kaddib waxa uu weriyuhu xarunta ku galay amarka wasiiradda Haweenka oo tiri "ninkaani waa wariye lama celin karo waayo wuxuu gudanayaa hawshiisa anigaana garanaayo", sidaas ayuuna weriyhii ku galay xerada baarlamaanka.

Laakiin markii uu gudaha u galay xerada baarlamaanka ayaa markale waxaa irrida hoolka ku celiyey mid kale oo ka mid ilaalada madaxweynaha DFKMG. Muddo 30-daqiiqo kadib hadana waxaa ilaaladii la hadley mid ka mid ah Xildhibaanada oo ah Xildhibaan Cawad Cashara oo dhinaca Warfaafinta u qaabilsan Baarlamaanka DFKMG isaga ayaana ka siidaayey.

Markii uu weriyihii gudaha galay oo hawshiisii weriye-nimo guda galay ayaa mid kale oo ka mid ah ilaalada madaxweynaha DFKMG waxa uu Kuleetiga soo qabtay weriyhii oo banaanka u saaray. Waxaa ka soo daba baxay qaar ka mid ah Nabadsugida hoolka waxayna u sheegeen in ninkani yahay Wariye, laakiin ninkii ilaalada madaxweynaha ahaa arrintaas wuu diidey isagoo khilaafaya hadalkii nabasugidda qaabilsanayd ammaanka baarlamaanka.

Daqiiqado kadib arintii waxaa ka war helay Xildhibaan Cawad Cashara iyo Xildhibaan Daakir iyo kuwo kale waxayna ku yiraahdeen "maxaad ku haystaa ninkaan", waxaana ninkii ilaalada ahaa lagu amrey inuu weriyaha sii daayo, sidaas ayuuna weriyihii ugu dhaqaaqay dhankii gudaha baarlamaanka, laakiin markii ay xaroodeen Xildhibaanadii ayaa hadana waxaa weriyihii iridda ka soo celiyey mid ka mid ah Taliyeyaasha Booliiska oo la sheego in uu u dhow yahay ilaalada madaxweynaha, taliyahan ayaana sidaas sameeyey xildhibaanada oo aan ogeyn. Mar dambe ayaana werihu hawshiisii sii watay.

Waxaa wararku intaas ku dareen in Arbacadii (Nov 7, 2007) oo ahayd maalintii codeynta Qodobkii in ra'iisulwasaare laga soo doorto bannaanka Baarlamaanka in halkaasi uu mid ka mid ah Wasiirada DFKMG uu u dhaartay isla weriyahaas shekadiisu kor ku xusan tahay, waxana hanjabaadaasi timid mar weriyuhu sawir ka qaadanayey koox wasiirkaas la fadhidey, wuxuuna wasiirkaas oo hanjabayaa yiri "mar dambe haddii aad sawir halkaan ka qaado waan kaa jejebinayaa kaamirada, edeb ma lihide", weriyhu waxa uu yiri "ma garanayo waxa aan si gaar ah oo aan ka bi'iyey".

Weriyan ayaa tacadiga loo geystey ayaa yiri "arimahaan ayaa waxay aniga iigula muuqdaan mid laygu waxyeeleynayo si gooni ah, anigoo soo marey qaabkii sharciga ahaa ee dadka lagu soo baarayey, mana ahan markii ugu horeysay oo aan la kulmo arimo noocaan oo kale ah."

Weriyaha oo aan garanayn cid uu uga dacwoodo arrintaas ayaa yiri: "Ilaalada mas'uuliyiinta kala duwan iyo kooxaha waardiyeeya ayaa mid kasta wuxuu bixiyaa amarro midba midka kale uusan ogeyn, mid wuxuu ku leeyahay layma amrin, midna soo gal, halka mid kale uu leeyahay waryaa maxaad hawshaada u qabsan weydey soco, midna waad xiran tahay IWM, runtii waa arimo la yaableh waxaana laga cabsi qabaa in halkaasi ay ka dhacdo faldembiyeedyo aan la ogeyn qaabka looga hortagi karo, laakiin marka aad eegto mas'uuliyiinta kala duwan ee dowlada ee la ilaaliyo waxaad moodaa inaysanba warba ka heyn, marka loo sheego ayey qaarkood canaantaan, hawlahaanina waxay ka mid tahay hawl gudasho la'aanta haysata DFKMG iyo mas'uuliyiinteeda."

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 9, 2007

Wiil Xiji Guraya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com