SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


somalia
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

zenaweShan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed Akhri...

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri


Rajada Dowladii Empakathi intee bay sii socon kartaa Geedi ka dib ? 

Ax'ed Ciise Qulaan
ahmeding@hotmail.com

Dowlada Empakathi oo sadex sano jirsatay baa waxay ahayd mid inta badan soo maquuratay mowjado khilaaf iyo is-hayn ah oo soo kala dhexgalay mas’uuliyiinteeda xilwadaaga ah tan iyo bilowgii maalintii la dhisay. 

Dalalka gobalka Barriga Afrika ee ku bahoobay ururka gobaleedka IGAD oo ay hogaanka u hayso dowlada Ethiopia ayaa iyagu ahaa kuwo ku guulaysta hanaanka dhismaha dowlada Empakathi ka dib shirkii mudada ka badan labada sano ka socday dalka Kenya, taas oo ay taageero uga helayeen beesha caalamka. 

Qorshihii wax qabad ee loo dhisay dowlada Empakathi ayaa la oran karaa wax badan ayaa ka hirgalay dhinaca faragelinta Soomaaliya, halka ummada Soomaaliyeed wax qabad badelkiis ay u noqotay baal madow oo taariikhdeeda soo mara. 

Haddii aan dib u fiirino qorshaha beesha caalamka ee ku salaysnaa Qawda ma qashii waxna ha u qaban ee ay ugu howlgashay siday u dabargoyn lahayd Shacabka Soomaaliyeed ee ay ku colaadiyeen diinta ay haystaan, waxaa ilaa iyo burburkii qaranka maalin walba la abaabulayey shir ku sheegyo lagu sii fogaynayey rajada dadka iyo dalka, kuwaas oo lagu abuuray danaystayaal ummadda u galbiya hoga hadimo ee loo qodayey. 

Waxaa xusid mudan in shirkii Carta uu noqday mid daaha u fura fursad siinta dad ka madaxbanaan siyaasada gumaysiga, waxaana shirkaas lagu wiiqay aragtida culays ee ay lahaayeen dagaal oogayaashii tiro beelka ahaa ee talada gacanta loo geliyey. 

Beesha caalamku waxay xooga saartay in ay burburiso mirihii ka soo baxay shirkaas, waxayna nasiib daro ku guulaysatay in ay mar kale talada gacanta u soo geliso kooxdii ay ku baaba’sheen Shacabka ee ahaa qabqablayaasha dagaalka ka dib markii hogaankii dowlada carta uu noqday mid fadhiid ah. 

Si kastaba xaalku ha noqdee waxaa muhiim ah in wax badan la iska waydiiyo wax qabadkii dowlada KMG ah dhinac kasta iyo guulaha ama guuldarada ay gaartay waqtigeedii shaqo ee ay soo martay si aan u odorosno mustaqbalkeeda dhamaadka ah. 

Wax qabadkii dowlada Empakathi  

  1. Dowlada Empakathi waxay ku guulaysatay in ay ka hawlgasho gudaha dalka islamarkaasna ay shaqadii loo dhisay ka fuliso.
  2. Dowlada KMG waxay noqotay mid ceelka ku sii tuurtay rajadii badbaado ee Shacabka Soomaaliyeed ay dareenka u yeesheen in ay ka xoroobaan faragelinta shisheeye.
  3. Dowlada Empakathi waxay si fudud u ogolaatay 46 sano ka dib in ay dalka dib gacan gumaysi ugu celiso, iyadoo weliba uga faa’iidaysay cadowgii soo jireenka u ahaa ummadda Soomaaliyeed ee Ethiopia oo horayba u haysatay qaybo dalka Soomaaliya ah.
  4. Waxay ogolaatay oo weliba dhinaceeda ay ka qayb qaadanaysaa xasuuq ba’an oo ciidamada Etiopia ay u geysanayaan Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada iyo halaaga ku soo jiray tan iyo intii uu burburay qarankoodii sanadkii 1991dii.
  5. Waxay ka hortagtay iftiinkii badbaado ee ka hirgalay koonfurta Soomaaliya ka dib soo ifbixii Maxaakiimta Islaamka, taas oo mar walba ay cadowga ummadda Soomaaliyeed dareensanaayeen in maalin Shacabka Soomaaliyeed ay hogaanka u qabanayaan dad ka madaxbanaan oo wax qaban kara.
  6. Dowladda Empakathi waxay noqotay mid siyaasadeedu u adeegto barnaamijka diin la dirirka ah ee dowlada Maraykanku caalamka ka wado, waxayna dhistay ciidan iyo qorshe lagu magacaabo argagixiso la dirir, kuwaas oo Shacabka Soomaaliyeed markay arkeen dhibaatada ay ku hayaan ay ugu yeereen Ashahaado la dirir oo ah xaqiiqdii waxa ay yihiin.
  7. Dowlada KMG waxay wadaa qorshe dagaal oo mar kale Shacabka Soomaaliyeed loogaga hurinayo colaad dhexdooda ah oo ay ku kala baadaan iyadoo si qaab qabiil ah loo fiulinayo qorshayaal gumaad oo beelo gaar ah loogu geysanayo.

Wax qabadka haddii aan intaas ku soo koobno bal dib u eeg muuqaalka ka jira magaalada Baydhabo ee xurunta KMG u ah dowlada Empagathi waxaa ku sugan dad si isku dhaafsan oo aad u kala fog haddana kor la isaga wada ilaalinayo lagana wada rabo in ay noqdaan dad shaqo ka dhaxayso si ay u noqdaan Addimada lagu ilaaliyo hadafka gumaysi ee ay leeyihiin cadowga ummadda Soomaaliyeed iyo kan Islaamka (Ethiopia iyo Maraykanka) 

Geedi ra’iisal wasaarahii la tuuray waxa uu ahaa run ahaantii qofka furaha u ahaa kooxda Empagathi siyaasadeeda lagu baabi’inayey Shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu ahaa shaqsi ku faraxsan sida ay wax u socdeen mudada uu xilka hayey, mana uusan filayn in si gaar ah mar loogaga reebayo gaariga uu isagu shukaantiisa hayey. 

Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah baarlamaanka aan xorta ahayn oo noqotay tuulo Adis ababa ku dhinac taal ayaa ah meel hadba wax lagu sharciyeeyo si bal loo qanciyo hogaamiyaha Empagathi oo isaga aan weli la saluugin shaqadiisa dabadhilifnimo. 

Odayga Yuusuf oo xiligan aan garanayn ruuxa ay soo wadaan dowladaha Maraykanka iyo Ethiopia oo iyagu xilka ka qaaday Geedi ayaa waxa uu jecel yahay in uu helo mid in badan kala mid ah ra’iisal wasaarihiisii hore sida Diin la’aanta , Damaiir la’aanta, Arxandarada, Doqonimada iyo Danaystanimada, waxaase suurtogal ah in loo keeno kii isaga wadada Geedi marin lahaa. 

Haddaba marka aan dib u jaleecno inta ay la egtahay rajada jiritaan ee kooxda Empagathi, oo hadda waqtigoodii ay horay u qabsadeen uu uga dhiman yahay laba sano inkasta oo ay soo bixi karto qorshayaal u qarsoon oo ay ku doonayaan in ay waqtiga wax ka badalaan ayaa waxa lama huraan ah in aan fiirino caqabadaha hortaagan. 

Caqabadaha Hortaagan Empagathi 

  1. Dareenka Shacabka Soomaaliyeed ee ah in kooxda Empagathi ay yihiin dad muuqaal keliya leh oo aan saamayn ku lahayn siyaasada dalka ay cadowga Maraykanka iyo Ethiopia ku hagayaan.
  1. Ifafaalaha muuqda ee keenaya in ummadda Soomaaliyeed u midowdo siday ku diidi lahayd damaca gumaysi ee qaawan ee cadowgu uu la soo ifbaxayo maalinba maalinta ka dambaysa.
  1. Halganka adag ee xoogaga mujaahidiin Soomaaliyeed ugu jiraan siday dalka uga saari lahaayeen ciidamada cadowga Ethiopia ee dalka duulaanka ku qabsaday iyo kooxda siyaasadooda gumaysi ugu soo adeegtay ee Empagathi.
  1. Awood la’aanta ciidamada Ethiopia ee iyagu u arkayey in ay dalka ku haysanayaan muxubada iyo talo wadaaga kala dhaxeeyay dowlada Empagathi ay ku soo dhisteen xili ay muuqato in Shacabka Soomaaliyeed ay ka dhiidhinayaan dhibaatada iyo xasuuqa cadowga dalkooda qabsaday u geysanayo.
  1. Midaynta siyaasada halgan ee dib loogu xoraynayo dalka ee ay la yimaadeen dhamaan intii ka dhiidhisay qabsashada dalkooda ee ay hormuudka u ahaayeen Maxaakiimta Islaamka iyo Baarlamaanka xorta ah shirkoodii Asmara oo iyaduna ahayd hanaan geedi socod wanaagsan oo bulshada Soomaaliyeed loogu abuuray jidkii ay dhab ahaan u mari lahaayeen mar kale xornimadooda.

Way muuqataa in kooxda Empagathi cimrigoodii uu soo afjarmay, taasoo cadowgu kol kuu dareemay ay timid in bal ay la sii tacaalaan nolol ahaan waana sababta Geedi lagu fogeeyey si siyaasad ahaan loogu qanco in waxuun isbedel ah lagu tilaabsaday.  

Waxaa hubaal ah in aanay muuqan rajo jiritaan oo ay sii leedahay dowlada Empagathi xiligan, waxaana la oran karaa kooxdan waxaa muhiim ah in laga sii fakiro maxkamadii qaran ee la saari lahaa iyo sharcigii sida gaarka ah dacwooyinkooda loogu qaadi lahaa iyo weliba xabsiyadii inta xukunkoodu dhacayo la lagu hayn lahaa.

Ax'ed Ciise Qulaan
ahmeding@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 12, 2007

Daadka Qado Sharafyada Siyaasadeed ee Baydhabo
baydhabo

Daadka Qado sharafyo siyaasadeed oo is daba joog ah oo ay ku maashoonayaan Xildhibaanada Baarlamaanka... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com