SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


somalia
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

zenaweShan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed Akhri...

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri


Indhahaagu sow ma ilmaynayaan? (maanso)

Asalaama calaykum wr wb. Maansadan yar waxay soo baxday 2007-11-11. Waxa allifay Maxamed Xirsi Guuleed, waxaanay xus u tahay xasuuqa ka dhacay isla wiiggaas magaalada Xamar. Waxay kaloo xasuusin u tahay dadka aanay weli ka dhaadhicin cadaawadda gaamurtay ee xabashida. Ereyga “Amxaar” ee gabayga ku jira loolama jeedo qoomiyadda “axmaara”, waxaase loola jeedaa nadaamka Xabashida iyo ciidamadooda duulaanka ah. Wuxu yidhi: 

  1. Nimankii amxaar
  2. Ehel moodayoow
  3. Sow maydun arag!
  4. Eedaadka dhacay?
  5. Sow maydun arag
  6. Dadka ay sidii
  7. adhi gawraceen? 
     
  8. Aah! Iyo aheey
  9. Indhahaagu sow
  10. Ma ilmaynayaan
  11. Goortay arkaan
  12. Amran iyo ayaan
  13. Aamina yareey
  14. Eddo Xaawo-dheer
  15. Iyagoo sidii
  16. Adhi Were helay
  17. Afka loo dhigoo
  18. Ku engagey wadada? 
     
  19. Aah! iyo aheey
  20. Indhahaagu sow
  21. Ma ilmaynayaan
  22. Goortay arkaan
  23. Aw Maxamediyo
  24. Axmed-saadiqiyo
  25. Ardaydii dugsiga
  26. Iyagoo sidii
  27. adhi Were helay
  28. adhaxda u dhacoo
  29. ku engagey wadada? 
     
  30. Huriwaa bal eeg
  31. Arag xamar-jadiid
  32. Ag mar Cali-kamiin
  33. Yaaqshiid ilaa
  34. Soco aagga Hodan
  35. Afarteeda dacal
  36. Xamar soo ogow 
     
  37. Nimankii amxaar
  38. Ehel moodayoow
  39. Sow maydun arag
  40. Eedaadka dhacay?
  41. Sow maydun arag
  42. Aqallada burburay?
  43. Sow maydun arag
  44. Umadday qaxsheen? 
     
  45. Nimankii amxaar
  46. Ehel moodayoow
  47. Eeddaa gasheen
  48. Ma aqoonsateen?
  49. Ma ogtiin Addiis
  50. Inay aamin tahay
  51. Askartaa waddeen
  52. Aafaday dhigeen
  53. Ma aqoonsateen?
  54. Ubadkay dhaleen
  55. Inay aaminyiin
  56. Ma aqoonsateen? 
     
  57. Aah! Iyo aheey
  58. Umaddaydiyeey !
  59. Urugoodayeey !
  60. Ma ameerikaa
  61. Utun loo dhigtaa?
  62. Ma amxaaradaa
  63. Laga aar gutaa?
  64. Ma addoomadaas
  65. U adeegayaa
  66. Birta laga aslaa?
  67. Ma awoodahaa
  68. Umaddaw kacee
  69. Kala oodanbaa
  70. Urur iyo midnimo
  71. Aad loo faraa? 

Maxamed Xirsi Guuleed

2007-11-11

abdibashir@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 13, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com