SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


somalia
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

zenaweShan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed Akhri...

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri


Nin caynke ah ayaa ku haboon  raisul wasaraha DFKMG-ka ee Soomaaliya.

 maqaalkan waxaan  ku ee gayaa aragtidayda anoo ku salaynaya duruufaha siyaasadeed ee wakhtigaan katagan dalka soomaaliya.
 
                                   waxana ku bilabayaa sidan:
 
Tan iyo markii uu iska casilay xilka raisul wasaranimo Cali Maxamed Geedi oct.29.2007  waxaa jirtay fikrado kala duwan oo kasoo baxaya dadka sida aadka ah u odorasa is badelada xalada siyasadeed ee Somaliya gaarahaan  muranka ku qotoma kala qabweynida iyo danaysiga qabaailkuna xididada u yahay ee ka dhexjira xukumada iyo barlamaanka xirfada yar ee Somaliya ayaa hada waxaa dad badani is waydiinayaan Nin caynkee ah  ayuu noqon kara raisul wasaraha cusub? xagee ku haboon in laga soo xulo? dawalada miyaa laga soo dhex xuli mise bananka?
 
dhamaan su,aalahani waa kuwa  is waydiin mudan waxaase jira  Talooyin  iyo fikrado fara badan  oo kaga imanayaa  Madaxweyne Cabdulaahi Yusuf gudaha dawladiisa iyo dibada sida beesha  calamka oo ay ugu horeyaan wadama sida tooska ah ama dadban{formal &informal} ugu lugta leh siyaasada Soomaaliya wadamadaasi waxaa ugu horeya wadanka maraykanka oo hada  markii igu horeysay gacanta lahelay shukaanta laga hagayo doonida  ay hada sarantahay siyaasada Somalida.
  taasi waxaan ula jeeda maraykanku  mahelin fursad lamida tii ay  heleen jamacada carabta, africa iyo yurub 17 sano  ee Somaliya  qalalasaha kujirtay mana laga soo dhawayn isku daygii ugu horeyey ee maraykanku  ku imaday Somaaliya horaantii burburka sanadii1992 gar ahaana Muqdisho lakiin wakhti xaadirkaan maraykanku waxaa uu hagayaa siyaasada soomaaliya waxana  uu sixoogan u doonayaa inuu noqdo  raisul wasaraha dalka soomaaliya nin soomaali maraykan ah  ama siyaasada maraykanka taageersan. arintani waxaa lagu xaqiiqsankaraa maraykanku waxaa uu ahaa cidii ugu horeysay ee madaxweynaha soomaaliya udirtay fariin wuxuuna yiri raisul wasaraha lasoo magacabayo waa inuu noqda mid laga wada raali yahay. Qaar kale oo kamida sarakiisha amuuraha dibada iyo aqalka cad ee maraykanku sida ay sheegen uma arkaan inay leyihiin miisan siyasadeed kooxda mucaradka ee casmara mana xoojinayo in wax lala qayb sado maraykanku.sidii horey looga bartay waxaa kale oo ay ilaha siyaasiga ahi tibaaxayaan in Prof. Cali jicmaale oo ka ah Profesor NewYork University uu yahay musharaxa  uu maraykanku wato waxana warku sheegayan in uu Prof.Cali Jimcaale mar horeba yimid dalka Ethiopia oo ay dawlada Soomaaliya yihiin far iyo faraanti. hadaba malaga yabaa in hadii   ay arintani dhacdo uu noqdo raisul wasare nin maraykanku wato ay wax kabadali karto taagyarida dawlada  faderalka ee soomaaliya? oo maraykanku siiyo ahmiyad lagu meel marinayo siyasada dawalda kumeelgaarka ah dabcan waa macquul oo waxaa  cad hadii uu maraykanku ku yeesho dawlada soomaaliaya dowr weyn oo siyaasadeed oo danihiisa meel marinkara inuu asna xoojindoono,kudadali doono, sidii ay dawladu u Talaabsan lahayd.
 
lakiin waxaa jira aragtiyo iyo doonis kaduwan taas oo melo kaladuwan ka imanaya hadiise aan si toosa u beegsano kuwooda ugu waa wayn waxaa ka mida:
 
1Golayasha kala duwan ee dawlada oo doonaya in uu noqdo  ninka buuxinaya jagada raisul wasarenimo nin ay wajigaranayan siyaasadisana  fahmayaan waxana u daliil ah in mar hore ba ay  qaar kamida golaha Barlamanka iyo wasiradu ay usoo gudbiyeen inuu Madaxweyne Cabdulahi yuusuf kadhigo raisulwasare  wasiirka arimaha gudaha  Maxed maxud guuled Gacma dheere waxayna u daliishanayaan in loo bahanyahay inuu noqdo shaqsiyaga noqonaya raisul saraha mid kadharagsan siyaasada iyo dhibaatoyinkii 3 sano  dawladu soo martay. waxayna ku dardaar walinayaan in lagasoo xulo shaqsigaan 2da gole tasii oo uu qabo dastuurka kmg ah.
 
2. kooxo kale oo aan wali la shir imaan lakiin ku faqaya armay ku wanagsan tahay in raisul wasaraha laga keeno  waqooyiga soomaaliya ayago uga oroorayaa inay wax katari doonto gooni ugosad doonka Gobolada waqooyi galbeed ee hada labaxay Somaliland waxay kale oo ku xoojinayaan in ninka ugu dhaw ee dawlada kujira isla markana xilkaa loo igmankaraa inuu yahay wasiirka waxbarashada horeyna u ahan jiray  wasirka arimaha dibada  Ismaaciil hure Buubaa oo ah nin ay dunida carabta oo ay soomaaliduna ganacsi ahaan kuxirantahay  ay aad isugu dhawyihiin uuna wax katari dono xirirka ganacsi  ee u dhexeeya soomaliya iyo carabta oo  sanadahaan aan wanagsanayn. Ayadoo ay saasi jiray ayaa maalinkii shalay waxaa sitoosa uso bandhigay  musharaxnimadiisa mr buba oo asagu aan ku lahayn awood balaran dawalda qabailka kudhisan sido kalena  aan ku lahayn tagero  gobolada  uu kasoo jedo.
 
3 lakiin madaxweyne cabdulahi yuusuf waxaa uu leeyahay  waxba wax baa iga daran oo waxuu kadoor bidayaa  wax yaalahaas oo dhan in lahelo nin kasoo jeedo gobolka banadir isla markana wax katari kara qaraxyada iyo daganansho la,anta katagan Caasimada  lehna karti,xirfad iyo aqoon siyasaded ee wax lagu badali karo oo uu amini karo arintani waxay markhaati katahay in Madaxweye Yuus ay maskaxdiisa daalisay arimaha muqdisho oo kaliya ayna ilowsiisay siyaasadii kale ee dawlada. Ayadoo ay tasijirto ayaa waxaa hadana jira in cadaadiska milatari ee dawladu uu sii kordhinayo  dhibatada muqdhiso. 
 
hadii aan intaasi uga gudubno aragtiyada iyo doonista kala duwan ee mawjada iyo qarka isku ah, waxaa looga fadhiyaa madaxweynaha C/laahi Yuusuf oo ah sharciyan  hoganka ugu sareeya lehna awooda  lagu  keenayo raisulwasaraha ayna u muuqato inuu u arkay in aan la khasarin karin 2 sano iyo bilaha wehliya ee u haray dawlada  mandate ka yar ee Soomaaliya  inuu keeno nin  uqalma jagadaas  fulin ahaan islma markana uu ku soo xulo nidaamka  dawladu ku dhisantahay waxaan ulajeeda waa lagama marmaan inuu ninkasi kayimado qabailka Hawiye lakiin ma ahan in lakala sokomarsado ee waa in laga dhigaa nin kasban kara ama dhexgalikara kooxaha rabshadaha kawada Casimada.
 
NINkasi yuu Noqonkaraa?.
 
Waxay ilatahay in uu ninkasi noqonkaro nin ay karaali yihiin kooxaha wax diidan oo u noqdo nin kuyimada wadatashi  uuna noqdo buundadii loo mari lahaa inay dawalda iyo mucaaradku  is fahmaan xaga  wada xajoodka ee u san noqon shaqsi lamida raisulwasarihii fashilmay iyo kan hada loo badinayo ee Prof.Ali jimcaale anay jirin sababo muqda oo lagu kala xulankaro marka laga eego dhanak mashakiladka soomaaliya iyo xalaka looga bahanyahay.
 
 Gabagabadii
 
1: Waxay ilatahay in aysan dhibatada soomaliya ka holcayn ama laga shidayn gudaha oo kaliya balse ay ugu badantahay meesha laga dhuxulo iyo xabaynayo dibada soomaaliya waxana ugu badan oo  huriya ama hurinayaa dhibatada dalka  dadka isu yaqaana  Aqoon yahanada soomaaliyeed waayo waxay inta badan u sameeyaan ficilo halis ah  si ay u miijiyaan inay yihiin figures waxana qaar badan oo kamida aan hadaladooda  ama qoraaladooda ka dhadhansan kartaan arintaan aan xusayo aragti ahaan waxay ila tahay inay donayaan  in loogu geeyo mashaakilka soomaaliya oo naxash ku jira guryahooda ama mid mid looxuso oo loogu yeero iyo ayago  ka han wayn oo aan donayn inay lamiis faristaan siyaasiyiinta hada ee soomaaliya oo 3sano kahor la oran jiray dagal ogayaal.   
 
2:waxaa kale oo mashakilaadka soomaaliya qaybwayn ka ah  maamul xumo kasoojeda:.aqoon la,aan,  xirfad dari,waayo aragnimo yari, taana waxay inaga hor istaagtay xadarada manta aduunku ku tilaabsaday ee xag walba leh tusaale ahaan manta waxay marayaan Europe inay kagudbaan muranka xududaha halka  geska Africana lagu dagaalamo waxaa ii calamadiyay  gumaystihii  reer Europe  ee hebel waxaana ugu badan waxyalaha gun dhiga u ah dhibatooyinka  Africa/Geska Africa qabailka iyo xuduudaha. Sidaa daradeed waa in ay umada soomaaliyeed  barato in boska saxda ah aan uxulano qofka saxda ah ee aan iska dayno  magarqataha inoo geeya  geedka.
 
Qore mursal abdidaahir diriye.
Email: mdirie9@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 13, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com