SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Madax Dhaqameedka Gobolka Sool iyo Xiisadda Dhextaal Buntland iyo Somaliland 

Liibaan Axmad
libahm@gmail.com

Qalalaasaha ka taagan gobolka Sool wuxuu soo jiitamayey tan iyo markii dhidibada loo taagay ismaamulka Buntland 1998dii waayo waxa maamulka cusubi sameeyey khariidad siyaasadeed oo saameyn ku yeelatay sheegashada Somaliland ee ku dhisan xuduudihii gumeystaha ka tagay kadib markii labadii gobo lee Talyaaniga iyo Biritishka kala haystaeen madax-bannaani qaateen.  

Labada ismaamul waxa midkiiba uu soo maray xilli kala-guur keenay dagaallo  dhiig badan ku daatay. Waxay labada maamul markii ugu horreeyey isu soo dhowaadeen sanadkii 2000 markii shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee Jabuuti lagu qabtay ay ka soo baxday dalwad uu hoggaaminayey madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Maamulkii Buntlnaad ugu horreeyey wuxuu qaatay siyaasad aan ku dhisnayn aloosidda colaad halka Cadde Muuse uu qaatay siyaasad uu ku doonayo in gobolka Sool ku sugnaado xaalad  u dhaxeysa adagaal iyo nabad. 

Taa waxaa dheer maamulka Cadde Muuse oo garan kari waayay culayska siyaasadeed ee siyaasiyiinta Sool gaar ahaan Axmed Cabdi Xaabsade. Waxa kale oo jirta in maamulka Buntlaand kala sii fogeeyey dadka wada dega Sool kadib markii cabashooyin ku saabsan qaybsiga maamulka la tixgelin waayay. Intaba waxay sii xogeysteen wixii ka dambeeey bishii June ee sanadkii hore.

Madaxweyne Cadde oo ka qabygalay xafladdii caleemo saarka Garaad Jaamac Garaad Cali wuxuu sheegay in uu la tashan doono Garaadka. Taasi ma dhicin. Billowgii sanadkii hore markii Xaabsade lagu soo celiyey Garoowe isaga oo la socda madax-dhaqameedyo  reer Sool iyo reer Togdheer isugu jira,  waxa muuqanaysay kala-qaybsanaan siyaasadeed oo u dhexeysa siyaasiyiinta   Sool ee maamulka Buntland ka  tirsan. 

Waxa sii wiiqmayey kaalinta madax-dhaqameedyada oo lagu soo koobay bixinta  wareysiyo siyaasadeed marka labada maamul ee Buntland iyo Somaliland ishayaan. Taasina waxay keentay in ay lumiyaan kaalintii dhex-dhexaadnimo ee ay ku kala saari lahaayeen  siyaasiyiinta ama hawlwadeennada isqabta hase ahaatee doonaya in hab-dhaqameed ismaan-dhaafkooda  loo eego.  

Kaalinta Xaabsade 

Xilka-qaadistii lagu sameeyey Axmed Cabdi Xaabsade, wasiirkii arrimaha gudaha ee Buntland,  sanadkan ayaa dadka arrimaha ka faalloodaa ku tilmaamaan inay tahay mid kala dhantaashay maamulka Buntland, lagana yaabo inay horseeddo dhibaatooyin xagga wada-nolaanshaha oo soo foodsaara dadka Laas Caanood ku nool oo kala taageersan Buntland iyo Somaliland. Waxa xilka laga qaaday Xaabsade isaga oo howl nabadayn u joogay Buuhoodle.  

Ka hor inta aysan Laas Caanood gacanta u gelin maamulka Somaliland waxa muddo seddex sanadood isku hor fadhiyey Ari Caddeeye ciidamada Buntland iyo Somaliland. Dadka Laas Caanood waxay ku noolaayeen  xaalad dagaal oo asyan dadka Burco, Garoowe, Buuhoodle, Gaalkacyo iyo Qardho ku nooleyn , tusaale ahaan. Arrintaa Buntland waxay u arkaysay  mid ku habboon Laas Caanood waayo dadka dega qaybo ka mid ah Sool ayaa oggolaaday in dhulkooda la keeno ciidamo Somaliland ah. Arrintani way sii kala fogeysay dadka Sool ku nool, oo waxay keentay laba dagaal oo dhex mara ciidamada Buntland iyo kuwa Somaliland.  

Dadka u kuurgula arrimaha Buntland  waxay is dhinac wadaan labo aragtiyood oo ku saabsan sababaha  dhaliyey in Laas Caanood maamulka Somalailnd hoos tagto.

Midi waxay oranaysaa: madaxweyne Cadde wuxuu si deggan  u ugaarsanayaa madaxda Buntland  ee la safatay madaxweyne  Cabdullaahi Yuusuf oo awoodda kula loollamay Jaamac Cali Jaamac. Aragtida labaad waxay oranaysaa ismaandhaaf sii weynaanayey oo dhexyiil madaxweyne ku xigeenka Buntland,  Xasan Daahir,  iyo Xaabsade. Waxa muuqata in Cadde Muuse iyo Xasan Daahir  ay danta iyo nabad ku wada nolaanshaha ummadda ay madaxda u yihiin illoobeen, isna qaban waayeen markii ay ku dhaqaaqeen tallaabooyin siyaasadeed oo kala dhantaalay maamulka Buntlnaad oo iimo badan la kufaa-kacaya. Waxa iimaha ka mid isdhaliillidda ( self-criticism) oo gebi ahaanba ka maqan Buntland. Waana sababta uu Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke, madaxa Xarunta Horumarinta Cilmi Baarista Bunland, markii uu booqanayey dalka Ingiriiska sanadkii 2006da u soo jeedshay  in la sameeyo  axsaab siyaasadeed oo yareeya ku tiirsanaanta maamulka Buntland  ku tiirsan yahay qabyaaladda. Dhibaatooyinkii warbixintii  xukunka wanaagsan (Towards Good Governance in Puntland ee 2003dii iftiimisay —“ sababaha assaasiga  ah ee kartidarrada maamulka Buntland  waa siyaasiyiinta iyo shaqaalaha oo  daacadnimada ay u hayaan qaabiilka ay ka weyn tahay tan ay u hayaan xilka ka saaran dadweynaha”—ayaa weli taagan oo sii kobocday. 

Waxaanse mugdi ku jirin in dadka ku nool gobolka Sool ay yihiin kuwa dhibta ugu ba’an ka soo gaarayso horumarinta la xagal-daaciyey. Dadka gobolku ma haystaan qaab ay kula xisaabstamaan siyaasiyiinta uga midka ah maamulka Buntland, haddana ma haystaan  qaab ay kula xisaabtamaan kuwa iyaga oo wax tabanaya Laas Caanood hoos geeyey maamulka Somaliland. 

Weli waxaa fursad hoggaamineed leh madax-dhaqameedyada ku shiri doona magaalada Boocame. Iyaguna waxa saaran xil weyn oo kan ugu horreeya uu yahay in ay qaataan kaalinta ay ku leeyihiin dhibta hadda taagan. Waxa kale oo loo baahanyahay in madax dhaqameedyada Sool ay dib u wada hantaan kalsoonida dadkooda si ay ugu cadaadiyaan

labada maamul ee ku hardamaya gobolka Sool inay xakameeyaan siyaasiyiinta  labada maamul ku kala jira ee dhibta hadda taagan xuddunta u ah. Taa ayaa horseedi karta in gobolku maamul gaar ah yeesho ama ka mid noqdo maamul aan ka mid ahaanshihiisa  la isku haysan.  

Liibaan Axmad
libahm@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 13, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com