Siyaasadda Somaliland ee Sool waxay
majaxaabin kartaa doodda aaya-ka-talinta ku dhisan ee
goonni-isu-taagga
Tageerayaasha goonni-isu-taagga Somaliland
waxay dhaliil kulul u soo jeediyaan doodda salka u ah
jirtiaanka siyaasadeed ee Puntland: in burburkii Soomaaliya
kadib dadku beelo u kala baxeen, beel kastana xaq u leedahay
samaysashada ismaamul. Dhaliisha saamigeeda ugu badan waxay
ku dul dhici jirtay dadka dega gobolada Sool iyo Saanaag iyo
Togdheer oo aan ka mid ahaan jirin taageerayaasha
dhaqdhaqaaqii SNM-ta ee badankood danta u arka kala go’a
Soomaaliya.
Dhacdooyin badan oo dhacay dhowrkii sano ee
ugu dambeeyey ayaa muujiyey in dhaliishaasi ku salaysan
tahay u fiirsasho la’aanta ifafaalayaasha siyaasadeed ee
Sool. Keenistii ciidamada Somaliland la keenay qaybo ka mid
ah Sool kadib markii mudaneyaal ka soo jeeda Sool kana mid
ah golaha wakiillada Somaliland ay u ololeeyeen ayaa ah
ifafaalaha kowaad. Dagaalkii ugu dambeeyey ee dhacay bishii
Oktoobar ee keenay in Laas Caanood hoos tagto maamulka
Somaliland ayaa isagana dhaliisha aan kor xusay sii
baabi’iyey.
Seddex maamul ayaa Somaliland soo maray. Kii
ugu horreeyey ee uu hoggaaminayey Allaha u naxariisto
Cabdiraxmaan Axmed Cali wuxuu jiray labo sanadood; waxa
maamulkaa soo foodsaaray dhibaatooyin keenay in dadka
taageersanaa maamulkaa iyo dadka ka soo horjeeda uu dagaal
dhex maro kadib markii xilkii madaxweynanimada uu la
wareegay allaha u naxariisto Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
Waa maamulka Cigaal kan saameeyey siyaasadda Sool ee oo
hadda doorsoontay. Maamulkaasi wuxuu ogaa in hey’ado
siyaasadeed oo muujin kara himilooyinka dadka Sool dega
aysan berigaa jirin sababo badan awgood. Wuxuu wareysiyo
badan oo uu bixiyey Cigaal ku tilmaamay Sool meel aan nabad
oo hay’adaha samafalka ka shaqayn Karin, argagixisaduna ka
howl gasho. Arrintaa kama aysan dhiidhiyin waakiillada Sool
ee ka mid ahaa maamulka Somaliland. Ra’iisal Wasaaraha
Itoobiya, Meles Senawi, oo berigaa dagaal kula jiray
Al-itixaad ayaa Cabdulaahi Xaaji ( Laanta Af Soomaliga ee
BBC-da) u sheegay sanadkii 1996dii in ay Itoobiya taqaan
“xargaha siyaasadda Soomaalida.” ( We are familiar with
intricacies of Somali politics”.
Siyaasadda Cigaal ee Sool waxba iskama
badellin kadbib markii la sameeyey ismaamulka Puntland
sanadkii 1998dii. Wuu ogaa in dadka reer Sool kala qaybsan
yihiin, geyiga Soomaaliyeedna ay dul heehaabaysay hawo
qabyaaladeed sumeysan dagaalladii sokeeye iyo falalkii uu
geystay xukunkii keli taliska ahaa ee la afgambiyay sanadkii
1991dii awgood. Wuu ogaa in siyaasiyiinta Sool ee
maamulkiisa ka mid ah aysan aragtida Somaliland ka wada
iibin karin dadka ku nool meelaha ay ka soo kala jeedaan.
Waana sababta ay siyaasiyiinta Sool ugu sii adkaatay in wax
ka bedellista siyaasaddii Cigaal xitaa haddii ay mararka
qaaarkood halis ku ahayd danaha xilliga fog ee dadka goinni
isu taagga doonaya.
Maamulka ka dameebyey Cigaal ee uu hadda hoggaamiyo Daahir
Riyaale Kaahin, wuxuu ku soo oo kordhiyey siyaasadda
Somaliland ee Sool u nuglaanshaha talooyinka siyaasiyiinta
Sool inkasta oo uu ogyahay in talada Sool dadka ay go’do
ahayn siyaasiyiinta. Riyaale oo arrinkaa sida uu garanayo
muujinaya wuxuu ku yiri cilmi baarayaashii ka socday
International Crisis Group e soo saaray warbixinta
Somaliland: Democratisation And Its Discontents:
Waan in aynu dhibtan si dhab ah u
eegnaa. Waxaan u baahannahay qorshe si aan wax uga
qabanno arrinkan sanadkan. Dadka way ku kala qaybsan
yihiin fikradahooda […] waxay talo ku gaareen in ay
Somaliland ka mid noqdaan sanadihii 1991dii iyo 1993dii.
Dhammaanteen waan wada joognay. Hase ahaate
hoggaamiyayaashoodu waxay weli waxay raadinayaan in ay
helaan sadka ugu fiican…talo ma aysan gaarin weli.
Haddii ay doonayaan in ay [Somaliland] ka qayb qaataan
waa in ay u howl galaan. Iskama aynaan fadhiisan oo ma
sugin in uu qof wax na siiyo. Waan u shaqaysannay.” (
We have got to look
into this problem seriously. We need a
plan about what to do this coming year. The masses there
are divided in their views […] They decided to be part
of Somaliland in 1991 and 1993. We were all there
together. But their leaders are still looking around for
the best deal… they haven’t yet reached a decision. If
they want to take part [in Somaliland] then they will
have to work for it. We didn’t just sit back and wait
for someone to give us something. We worked for it
Isbeddal tallaabo-tallaabo ah ayaa ku
dhacayey siyaasaddii Cigaal laga dhaxlay ee Sool oo markii
hore ku salaysnayd aqoonta durugsan ee Cigaal u lahaa
taariikhda casriga ah ee Soomaalida guud ahaan iyo
taariikhda Sool gaar ahaan. Wuxuu u arkay in reer sool
siyaasadda ku kala qaynsan yhiin. Wuxuu isku howlidda in
lagu dedaalo ka mid noqoshadoodoa Somaliland u arkayey mid
hakin karta kabashadii dawladiidsu iyo dadkuba ka soo
kabanayeen dagaalladadii ka dhacay Hargeisa, Burco iyo
Berbera ee dhex maray ciiddamadii u daaccada ahaa Allaha u
naxariisto Cabriamaan Tuur iyo kuwa dawladdii Cigaal
taabacsanaa. Waxa kale oo uu ogaa in siyaasiyiinta Sool ee
Hargeysa ku sugan aysan siin karaynin xog siyaasadeed
dhammaystiran oo ku saabsan sida reer Sool uga mid noqon
karaan mashruuca Somaliland ama waxa hortaagan in taa la
helo. Iimaahaa siyaasadeed ayaa saameeyey sida loo rumeysan
karo (credibility) siyaasiyiinta Sool ee Hargeysa fadhiday,
una fududaysay marxuum Cigaal in uu siyaasiyiintaa ku qabto
hangool farraaro leh.
Maqnaanshaha hal maamul oo awood leh ayaa
suurtogalin kari waayay in soohdin loo yeelo kala socoshada
siyaasiyiinta Sool oo uu Dhanxiirka wargeyska Jamhuuriya oo
Axmes Cabdi Xaabsade, wasiirkii amniga e Punt;and, ka
faalloonaya ku tilmaamay kuwo “waddadaa dheer kolba dhinac u
rara oo marna hayaay ayaa Harti aheey yidhaa, marna
huteelada Hargeysa u soo dhababaceeya.”
Maamulka Riyaale oo xusuustiisa siyaasadeed
wax u dhinmeen ayaa u nuglaaday dhegeysiga siyaasiyiin iyo
hawlwadeenno aan xiriir badan la lahayn dadka Sool badankood
hase ahaatee yaqaan sida loo ciyaaro kubadda abtirsiinyaha
marka gobolka la joogo. Waana siyaasiyiinta u horseeday
Somaliland in ay ciidanka keento dueledka Laas Caanood ugu
dambyentiina kwuo taabacsan weerareen magaalada, gacantana
ku dhigeen iyada oo maamulka Somaliland u fulinayo danaha
siyaasiyiin reer Sool ah oo dadkooda aan kasban karin. Waa
siyaasadda keentay in suxufiga Xuseen Cabdullaahi Ducaale
Casayr uu isweydiiyo weydiintan: “Ma waxay ku dhisan tahay
ujeeddooyin fogfog mise rag laab-la-kac ah oo reer Sool ah
iyo madaxda UDUB oo dano siyaasadeed oo sokeeya leh ayaa
‘ilmarooje isku khatalay’?”
Dagaalkii dhacay bishii Oktoobar wuxuu
dhaawacday siyaasadda Puntland eek u ku dhisan beerka jecli,
xaydha jantay, waxayna waddo cusub u jeexday siyaasadda
Somaliland ee Sool oo afaratii sano ee ugu dambeeyey ku
dhisnayd ishaa-falataysiga. Dhibta ugu weyn ee hadda Sool ka
taagan oo midda ugu horreysa ay tahay dagaal dhiig badan ku
daato oo dhaca waxa ka dambeeya siyaasiyiinta Sool ee
Puntland iyo Somaliland kala tageersan. Waa Somaliland tan
dhaawaca siyaasadeed ka soo gaari karo dagaal daba dheeraada
oo dadka wada dega Sool Togdhher iyo Sanaag kala fogeeya
waayo qorshaha dagaalka waxa magoogay xubno ka soo carooday
maamulka Puntland oo hadda is leh muujiya in tiinnu socon
karto idinkoo cuddudda Somaliland iyo wixii Sool aad ka
jaf-jafan kartaan adeegsanaya.
Wax qarsoon ma aha in dadka Sool deggan kala
qaybsan yihiin, kala qaybsanaantaa oo keentay in go’aan deg
deg ah laga qaadan kari waayo xaaladda dagaal ee keentay
barakakaca dad tiro badan oo Laas Caanood ku noolaa. Waxa
kaalintooda iyagana gabay mucaaradaka Somaliland gaar ahaan
xisbiga Kulmiye oo madaxdiisu iyaga oo ka cabsanaya in lagu
eedayo qaran-dumis ( mise qabiil dumis?) ka weecday
siyaasadda
ajendaha isbeddelka is cusbooneysiinta
siyaasadda (An Agenda for Change and Political Renewal) oo
ereyaddani ka mid yihiin: “ Waxaan midnimada dadkeenna ku
raadin doonnaa wada-hadal iyo hadal-cad.
Waxaan rumeysannahay in qarankeenna oo hela aqoonsi caalami
ah u baahan tahay midnimadeenna.” (“We will seek the unity
of our people through dialogue and candor. We believe our
unity is necessary to gaining international recognition for
our State.”
Haddii maamulka Somaliland uu ku sii socdo
siyaasaddan aan laga baaraan-degin, burin kartana tiirka
aaya-ka- talinta ee doodda goonni-isutaaggu ku dhisan tahay,
waxa dhici doonta in Somaliland kala dhantaasho
xasiloonidii horseedday furitaanka xisbiyada badan iyo ku
sii adkeysiga goonni isu taagga. Waa in maamulka Somaliland
dhiirri-geliyaa siyaasadda ah in dadka Sool dega loo daayo
wax ka qabashada dhibaatooyinka siyaasadeed iyo kuwa bulsho.
Waana waddadan tan keeni karta nabad ku wada noolaansho iyo
soo bixista siyaasiyiin hela kalsoonida dadka gobolka Sool
dega.
Liibaan Axmad
libahm@gmail.com